Maraxa keliya ee laga dhaxlay burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliyeed ayaa ah siyaasi beenlow ah, ka arradan dhaqanka wanaagsan, ka qaawan dadnimada, u janjeera boobka, ku badhaadha boolida, ku mushaaxa gaajaysiinta shacabka iyo jaahwareerinta jiilka cusub. Sidoo kale, waxa hubaal ah, in la dhaxlay wadaad-xume arxan daran, ka macaasha dhiigga dadweynaha, ku hubaysan kitaab uu moogyahay waxa ku qoran balaashiisa, muuqaal ahaanna waxa uu eg yahay dhidar ama caalle meel waraq ah ido goosmay ku xasuuqaya.
Maansadani, waxa ay ka hadleysaa arrimo isbarkan oo isasuran. Waxa ay tilmaan iyo qaabayn ka bixineysaa waayaha natiijada laga dhaxlay burburkii lagu waayey dadnimadii iyo dunwanaaggii astaanta iyo sowraca u ahaa qofka Soomaaliga ah. Qaran-jabkii iyo jidbadii qabiilka miyaan laga dhaxlin hurgumo iyo hoog aan idlaanayn? Miyaan laga dhamin milil iyo sun? Miyaan laga cabbin darka qabyaaladda iyo hayb-soocidda ku dhisan caqlixumada iyo maanyarida? Tagtadii miyaan loo hiloobin iyo wixii la ahaa waa? Taaganta miyaan laga ashahaadan iyo afarjeeblayaasha? Timaatada miyaan quus iyo qalbi-jab looga fadhiyin? Maansada “MAXAAN GALALKA DUUGAA” waxa ay soo baxday 10, Ogoosto 2025, anigoo jooga caasumadda dalka –Muqdisho. Waxa ayna tidhi;
Maxaan galalka duugaa
Dadka been u sheegaa
Dowladdii kacaankiyo
Diricii dalka u kacay
Ducaqabe Siyaadkii
Kolba dacar ka mariyaa
Danjiraha wax baariyo
Duryaadkan ogoonta ah.
Maxaan daar kharaabada
Damiirkayga oo guran
Dubaaqayga oo maran
Dundumooyin moodoo
Dusha sare ka daawaday.
Maxaa duub la ii xidhay
Dar Allee shacbiga ba’ay
Dabka dami yidhaahdeen
Anigoon digiigaxan
Duul ii mashxaradeen.
Maxan ubad daleel waray
Duullaan abaabuley
Dermaday ku ladayeen
Duhur weerar geliyoo
Dusha sare ka daawaday.
Maxaan dayrka qoyskiyo
Duddadaan ku noolahay
Duul igu ammaaneen
Dabadeed ismahadshoo
Digtoorradu ka yaabeen.
Maxaan daallin weyn ahay
Maxaan deris xigaalo ah
Damiirkooda kala diley
Dabadeed ka baayacay
Diiratada qaxootiga
Inay dayr u seestaan
Dawarsiga ku barayaan.
Maxaan daw abaareed
Garyradaaca duunyada
Digadooda uga raray
Dabadeedna xooroo
Goosan iyo dabaylnuug
Daayeerku iga cunay.
Muxuu doqon garaad li’i
Dibin-daabyo ila helay
Anna aan darka u galay
Dabdeed hilmaamoo
Diiwaanka lagu daray
Inaan ahay dayuuskii
Sida dulinka ugu fiday
Maxaan door ismoodoo
Doqon reero keeneen
Digtoor ugu cimaamday
Dabadeed majarihiyo
Ka dalaabay waayaha
Dadku iga ducaysteen.
Maxaan derin la jiifsaday
Doobbiro nin kale dhalay
Dantaydii ku laayacay
Dabadeed cirrooboo
Oday daaley lay yidhi.
Maxaan daabay godinkay
Gunta damalka gooyoo
Daraygiyo higloba jaray
Ku daldalay dameeraha
Dumar bacadka uga tegey
Anna doollar urursaday.
Maxaan ahay Ducaalow
Denbi loo cimaamaday
Dadku weli u haystaan
Daliil waxan cuskanayaa
Dooxatada qabiilkiyo
Simji-dhaanka duubka leh.
Maxan dogobyo shidayaa
Daacuun wax laayiyo
Duumo aan wax reebayn
Duufaan ku rarayaa
Dadweynaha saboolka ah
Qarax daafta ugu xidhay
Markuu waagu daalacay
Duugtii ka qaybgalay
Anigoo dibboro weyn
Deyiboow la leeyahay.
Qoraaga

- waa cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.Sidoo kale, waa bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Latest entries
FaaloFebruary 25, 2026Maxaan Galalka Duugaa!
FaalooyinJanuary 29, 2026XILKU WAA KU DHIBAYAA!
FaalooyinOctober 29, 2025BARBAARINTA & GARDAADINTA HAL-DOORKABULSHADA SOOMAALIYEED










