Maansadani, waxa ay soo baxday 2024-kii, waxa ayna maamuus iyo sharfid u ahayd xeeldheere Cabdalla Cumar Mnasuur. Marka qof laga qorayo sooyaalkiisa iyo taariikh-nololeedda uu soo joogey ma aha arrin fudud. Waxa hubaal ah in howshaasi tahay mid mudnaanteeda leh una baahantahay qalab-qaadasho iyo ka mira-dhalin waarta. Sidoo kale, waxa ay ka mid tahay wadiiqooyinka lagu kaydin karo taariikhda qofka (biography), waxtarkiisa, heerarka noloshiisa kala duwan, waxbarashadiisa iyo dhammaan wixii la xiriira oo ah xirfado, khibrado, safarro, wax-soosaar iyo waaya-agarnimo la taaban karo. Waxa jira inta ogaalkayga ah buug laga qoray sooyaalka Prof. Mansuur oo uu qalinkan qaatay jaalle Bilaal Qaasim Fiqi (Aaka, waa hubaal inuu kitaabkaasi yahay mus-dambeed laga dhimbiilqaadan karo, lagana dheehan karo shakhsiyadda buuni Maansuur iyo waxqabadkiisa dahabiga ah.
Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha (JFS) Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu billadsharaf heer qaran ah u guddoonsiiyay Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof. Annarita Puglielli? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta qalinka, tixgelinta garhayaha aqoonta, ilaalinta naftiihuraha cilmibaarista, bidhaaminta gudashada iyo garashada daljirka, muujinta hormuudka iyo foolaadka danjiraha qalinka iyo qoraalka ummadda Soomaaliyeed.
Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur iyo Xurmo Prof. Annarita waxay astaan u yihiin joogtaynta ka-maridhalinta cilmibaarista. Marka aad dheehato dhambaallada taariikhda iyo galalka ummadaha kale, waxaad ogaanaysaa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay in wax laga dhaado, laga gunto, laga weeleeyo, laga xigto, laga ururiyo geeddi-socodkooda aqooneed iyo sahankooda ku qotoma waaya-aragnimada iyo dun-wanaagga qofnimo.
Shirka lagu maamuusay labada khabiir waxa uu ahaa Shirkii Cilmibaarista & Daaraasaadka Soomaalida oo ay iska kaashadeen Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare , Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya —Somali Studies International Association – (SSIA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qabsoomay caasummadda dalka- Muqdisho hilaaddii bishii December 2024-kii.
Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur waxa uu astaan u yahay dadnimada iyo kartida qofka Soomaaliga ah. Bulsho kasta oo gaarta tanaad iyo tisqaad nololeed ogow waa bulsho tixgelisa baraheeda. Dhanka kale, bulsho kasta oo hoos uga dhacda dhabbaha guusha iyo hayaanka, kuna hoos noqota burburkeeda, ogow waa bulsho bahdisha baraheeda ama aan maamuusin. Haddaba, waxa hubaal in in uu macallinku yahay halbowlaha haba kanaallada qaada aqoonta iyo cilmiga, waxa bila, qurxiya, dheeha, kobciya garaadka iyo kasiista kasmada qofka. Macallinku waxa uu mudan yahay maqaam iyo kaalin lagu aslay karaamo iyo tixgelin bulsheed—ujeedkaygu waa in aan noqonno qaran qiimayn kara waxa uu gudo ama gooyo macallinka Soomaaliyeed. Haddii aan qeyb ka mid ah waxqabadkiisa ina xusuusiyo waxa ka mid ah:
- Bahda Afafka Kushiitigga iyo Taariikhda af Soomaaliga,
- Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed.
- Diiwaanka Ereybixnta Af Soomaaliga (1) (Ereybixinta Maamulka & Afka)—Mansuur (diyaarin & ururin).
- Diiwaanka Ereybixinta Af Soomaaliga (2) (Ereybixinta Cilmiga)—Mansuur (diyaarin & ururin).
- Diiwaanka Ereybixinta af Soomaaliga (3) (Ereybixinta Farsamada & Culuunta)—Mansuur (diyaarin & ururin), Le Lingue Cuscitiche e il Somalo (8), La Storia della Religione Tradizionale del Cusciti (The History of the Cushitic Traditional Religion).
- Taariikhda Afka & Bulshada Soomaaliyeed.
- Habdhigaalka af Soomaaliga Guud—Midayn, Horumarin & Casriyayn.
- Barashada Naxwaha af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli.
- Qaamuuska af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli.
- Qaamuuska Dugsiyada af Soomaaliga—Mansuur & Annarita Puglielli.
- Seeska Naxwaha af Soomaaliga—Mansuur & Idiris M. Cali.
Haddii laygu sooray ardaa lagu muunaynayo ee taariikh-nololeedda buuni Mansuur, waxa aan ku madiixi lahaa ereyadan soo socda:
Afka mirifrirkiisiyo
Buuni weeye Mansuur
Mahwi weeye aan gurin
Mufti weeye gaammurey
Muqni weeye kaafiya
Muguc weeye shaafi ah
Mad-hab weeye teeri ah.
Qaamuuska madiga ah
Ereyada magowsaday
Makaabkiisu adag yahay
Milayguu u sarakacay
Mar hadduu innoo qoray
Mintid weeye gudasho leh
Marna waa maddaaliyo
Maarshaalka garashada!
Moorada naxwaha guud
Magaciyo falkaabyada
Meelaynta weedhaha
Maaraynta qurubyada
Iyo magacuyaallada
Waa maqaddamkeedoo
Qofna kuma masuugoo
Kuma furo masaladaha
Muran iyo akeekamid.
Marna hirarka gabayguu
Milaalaa mudhbixiyaa
Marsadiisa joogaa
Miisaan gorfaynliyo
Mahadhooyin curiyaa
Muhashada aqoontuu
Marsinkeeda keenaa
Madal loo hiloobuu
Maageer u waabaa.
Waa musbaax hanuunoo
Mugdi lagaga guuroo
Mowjadaha ogaalkuu
Marjiceeda noo yahay
Maaraynta xarafkana
Marmaroor hadduu galo
Midayn laysu weriyiyo
Masdarkeeda weeyaan.
Taariikhda moolka ah
Maalmaha silsaladda ah
Maansadeenna Soomaal
Miiddiyo macaanka leh
Madxaf laga gunnaystiyo
Musdanbeedka weeyoo
Maankiyo garaadkuu
Misciliil u yahay adag.
Qoraaga

- waa cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.Sidoo kale, waa bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Latest entries
MaqaaloJune 29, 2026Maarshaalka Garashada
FaaloMay 28, 2026Yaan Suleekho kaa dhiman!
FaaloFebruary 25, 2026Maxaan Galalka Duugaa!
FaalooyinJanuary 29, 2026XILKU WAA KU DHIBAYAA!










