Hannaanka horusocod ee dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa la kulmaya hagardaamo iyo curyaamin joogto ah oo ka imanaysa aragti ku qotonta kursi jacaylka, culaysyadu waxay ka imanayaan aragtiyo is diidan oo salka ku haya arrimo aan kala soocnayn, isuguse biyo shubanaya damaca xukun jacayl, musuq, qabiilaysi iyo xatooyo.
Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dowladdu wuxuu dhigayaa in afartii sano kasta dalku galo doorasho baarlamaan iyo madaxtooyo, iyadoo lagu jaan goynayo wakhtiga sharci ee loo dejiyey muddo xileedka hay’adaha dowladda.
Bedelkeedse; tan iyo intii la soo dhisay dowladda federaalka sanadkii 2004-tii, waxaa dalka soo maray shan madaxweyne, ma jirto hal mid oo muddo xileedkii loogu talagalay hay’adihii dawladda ee xukunka joogay ay wakhtiga dastuurku dhigayo ku qabteen doorasho iyo maarayn wanaagsan oo ay dalka kaga gudbiyeen wakhtiga kala guurka. Bedelkeedna waxaa dalku galaa firaaq dastuuri ah, muranno siyaasadeed iyo isku dhacyo hubaysan oo khatar geliya jiritaanka dowladda, xoqqana utuno qabiil oo ah raran hoosta ka nool oo siyaasadda Soomaaliya ka dul dhisan tahay.
Qormadaan waxan ku eegaynaa, maxaa sababa dib u dhaca iyo is haysiga sharci ee muddo xilleedka dowladda.
Halkee wax ka khaldan yihiin?
Nidaamka siyaasadeed ee dalka waa federaal, waxaana xubnaha Baarlamaanku ku yimaadaan habka 4.5 ee ku dhisan saamiga beelaha Soomaaliyeed. Habka lagu soo xulo xildhibaannada ayaa ah kan go’aamiya jihada siyaasadda dalka. Haddii uusan jirin hannaan doorasho oo cad, hufan, isla markaana ay dhammaan dhinacyada siyaasadda ku lug leh ku kalsoon yihiin, waxaa loo arkaa qorshe lagu shubtay oo ay dejisay dowladda talada haysa. Is-afgarad la’aanta ku saabsan habka doorashada ayaa ah sababta ugu weyn ee keenta dib u dhaca, muranka siyaasadeed, iyo is-qabqabsiga soo noqnoqda marka uu dhammaado muddo-xileedka dowladda.
Wakhtigii rasmiga ahaa ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda talada haysa wuxuu ku ekaa 15-kii May 2026. Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka dowladda ayaa ku fashilmay muddadii afarta sano ahayd ee ay xilka hayeen inay dalka u dejiyaan hannaan siyaasadeed oo la isku raacsan yahay, laguna qabto doorasho ku dhacda wakhtigeedii dastuuriga ahaa.
Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud waxay dhistay guddi doorasho oo ay iyadu magacowday xubnihiisa, kuwaas oo ku yimid rabitaankeeda siyaasadeed. Guddigaas ayaa waxaa qaadacay inta badan dhinacyada siyaasadda ee mucaaradka ah, kuwaas oo su’aal geliyay madaxbannaanidiisa iyo hufnaanta habkii lagu soo dhisay.
Dhismaha guddi doorasho oo la isku raacsan yahay waa tiirka koowaad ee lagu abuuro kalsoonida nooca doorasho ee la gelayo. In guddiga ay dowladdu dhistay uusan lahayn karti, madaxbannaani iyo hufnaan uu ku qabto doorasho xalaal ah, waxaa caddayn ugu filan labadii doorasho ee ay maamuleen ee golayaasha deegaanka gobolka Banaadir iyo doorashadii maamul-goboleedka Koonfur Galbeed. Labadaas doorasho waxaa hareeyay eedeymo la xiriira hufnaan la’aan, iyadoo xitaa ka hor inta aysan doorashadu dhicin la sii shaacin jiray qofka ku soo baxaya kursi kasta. Taasina waxay sii wiiqday kalsoonidii lagu qabay geeddi-socodka doorashada iyo madax-bannaanida guddiga.
Tani waa caddeynta rasmiga ah ee qaab-fekerka madaxda dalka, oo wax kasta u wajahaya sidii ay awoodda ugu ururin lahaayeen gacantooda. Si ay taas u xaqiijiyaanna, waxay ku dadaalaan inay jideeyaan hannaan doorasho oo ay hubaan natiijada ka soo bixi doonta, iyagoo og cidda ku dhawaaqaysa natiijada iyo qofka haya qalinka lagu tirinayo codadka ka soo baxa doorashada ay sameysteen. Waa sababta ugu weyn ee mar kasta loo waayo wakhti go’an oo doorashadu ku dhacdo, waana furaha muranka iyo is-haysiga siyaasadeed ee dalka geliya khilaaf joogto ah, mararka qaarkoodna sababa amni-darro iyo dagaallo.
Marka laga soo tago damaca cidda xukunka haysa, aragtidan ku dhisan doonista gurracan ee awood urursigu waxay dhabarka ka jebisay rajadii dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxay fogeysay wakhtigii dalka uu ka soo kaban lahaa dhibaatooyinkii iyo dakharradii dagaalladii sokeeye, waxayna sidoo kale wiiqday niyaddii wanaagsanayd ee dhinacyada taageeraya dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
Xaggee xaalku marayaa?
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka, ayaa ah awoodda siyaasadeed ee ugu weyn ee hadda ka soo horjeedda dowladda uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud. Isku-dhacyadii hubaysnaa ee ka dhacay Muqdisho bilowgii bishan ayaa furay albaabbo cusub oo muujinaya sida Soomaaliya weli ugu nugushahay qalalaasaha siyaasadeed, isla markaana khilaafaadka siyaasadeed ay si degdeg ah ugu rogi karaan gacan-ka-hadal iyo amni-darro marka la waayo hannaan lagu xalliyo murannada jira.
Walaaca bulshada caalamka, oo waqti iyo dhaqaale badan gelisay geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa keenay inay si toos ah uga falceliso xaaladda taagan. Waxaa hadda socda dadaallo ay hormuud u tahay dowladda Turki, kuwaas oo ay garab ka siinayaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Turkigu wuxuu qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo lagu ururinayo xogta ku saabsan saldhigga khilaafka iyo aragtiyaha kala duwan ee dhinacyada ku lugta leh. Waxaa sidoo kale jira xubno ka tirsan mucaaradka oo safarro wada-tashi ah ku tegaya magaalada Istanbul. Wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu jiro qorshe ku dhow gabagabo oo ay dhinacyadu si guud u aqbaleen. Qorshahaas waxaa ka mid ah dhismaha guddi farsamo oo ay dowladda iyo mucaaradku ka kala tirsan yihiin xubno, kuwaas oo ka wada shaqayn doona diyaarinta hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.
Haddii qorshahaasi hirgalo, wuxuu noqon karaa tallaabo muhiim ah oo lagu yareeyo xiisadda siyaasadeed, laguna abuuro jawi ay dhinacyadu ku gaari karaan is-afgarad. Xilligan, waa rajada keliya ee ay indhaha ku hayaan inta badan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya.
Xalka Muxuu yahay?
Muddadii ay soo dhisnayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa dalka ka dhacay doorashooyin kala nooc ah. Dhammaantoodna waxay lahaayeen dhibaatooyin iyo caqabado sababay utuno, kala shaki iyo is-nac siyaasadeed. Mar kasta awoodda siyaasadeed waxay inta badan ku urursanayd gacanta kooxo gaar ah, halka ay jireen dhinacyo kale oo doorashada danaynayay balse ka maqnaa talada iyo go’aan qaadashada, kuwaas oo u arkayay in lagu tuntay xuquuqdoodii siyaasadeed.
Taariikhdaas iyo waaya-aragnimada laga dhaxlay doorashooyinkii hore waxay reebeen casharro muhiim ah oo qof kasta oo siyaasadda danaynayaa maskaxda ku hayo. Waa casharro muujinaya in aan la heli karin xasillooni siyaasadeed iyo aqbalaad doorasho haddii aan la helin hannaan loo dhan yahay oo dhinacyadu ku wada kalsoon yihiin.
Tusaale ahaan, doorashadii ugu dambaysay ee dhacday 2021–2022, awoodda go’aan gaarista doorashadu waxay gacanta u gashay madaxda maamul-goboleedyada. Habkii ay wax u maamuleenna wuxuu abuuray kalsooni darro iyo shaki weyn, taas oo bulshada Soomaaliyeed ku keentay niyad-jab ku saabsan hannaankii dowlad-dhiska. Waxay sidoo kale sii kala fogeysay shacabka iyo madaxda maamullada. Maanta waxaa jira dadaallo is barbar socda oo looga hortagayo in mar kale lagu noqdo nidaamkii doorasho ee lagu soo doortay hay’adaha dastuuriga ah ee waqtigoodu dhammaaday.
Si tan la mid ah madaxtooyadu, marka la eego siday u maamushay doorashadii ay ka qabatay maamulka Koonfur Galbeed iyo golihii deegaanka gobolka Banaadir. Doorashooyinkan ay qabatay waxay faydeen ceebaha iyo damaca gurracan ee madaxtooyadu ku doonayso in doorashada ka hor ay sii astayso qofka ay xilka u wadato, oo ah qof ay iyadu u aragto in uu yahay kan kursiga ku sii hayn kara.
Waxay tani si cad u muujinaysaa in aan lagu qabi karin kalsooni masuuliyadeed ay arrinta is-mariwaaga doorashada keligeed xal uga gaarto. Xalka looga gudbi karo dhibaatada ragaadisay dowlad-dhiska Soomaaliya ee mar kasta soo noqnoqota waa in xal waara loo helo hannaanka doorashada dalka. Xalkaasna wuxuu noqon karaa mid ka mid ah laba arrimood.
In guddiyada doorashada qabanaya ay ka yimaadaan bulshada Soomaaliyeed, lagana fogeeyo siyaasiyiinta inay lug ku yeeshaan, laguna soo xulo karti, hufnaan iyo aaminaad lagu qabi karo garsoorkooda. Qodobka kale waa in qabaa’ilka iska leh kuraasta loo celiyo xaqa soo xulista xubnahooda. Iyagu ha shiraan, ha isugu tagaan deegaannadooda, dhexdoodana ha iska qancaan, kana soo dhex saaraan xubintii kursiga u meteli lahayd. Geeddi-socodkaasna waxaa hoggaaminaya isimada dhaqanka, cuqaasha, ganacsatada, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Labadan talo waxay meesha ka saarayaan saamayntii siyaasiyiintu ku lahaayeen xulista xildhibaannada. Waxay sidoo kale kor u qaadaysaa kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan geeddi-socodka dowlad-dhiska, waxaana hubaal ah in hoggaan ay dadku aamini karaan uu ka soo bixi karo tubtaas.
Qoraaga

- waa falanqeeye iyo taariikh-yahan Soomaaliyeed.
Latest entries
MaqaaloJune 29, 2026Siriqda Siyaasadda Soomaaliya
FaaloApril 28, 2026Mustaqbalka Baydhabo: Maxaa Ka Dhalan Kara Isbeddelka Maamul?
FaaloFebruary 25, 2026Jigjiga, Daahfurka Xarunta Dalxiiska iyo Dareenka qarsoon










