Burburkii ku dhacay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-dii, ma ahayn oo kaliya dumis ku koobnaa nidaamkii siyaasadeed iyo kii maamul, balse wuxuu ahaa musiibo qaran oo gabi ahaanba dhalan-rogay mustaqbalka dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed. Kahor masiibadan, dhallinyarada Soomaaliyeed waxay safka hore kaga jireen horumarka, aqoonta, iyo is-dhexgalka caalamka. Maanta waxay dhaxleen dal ka dambeeya horumarka dunida, taas oo ku reebtay nabar nafsiyeed oo qoto dheer iyo dareen quus ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay muujiyeen adkaysi, hal-abuur iyo halgan joogto ah oo marag u ah kartida iyo rajada ay weli u qabaan mustaqbal wanaagsan.
Shalay iyo Maanta: Fursadihii dahabiga ahaa ee lumay
Xilligii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dhallinyaradu waxay ahaayeen matalayaasha rasmiga ah ee qaranka. Dowladda ayaa bixin jirtay deeqo waxbarasho oo caalami ah oo bilaash ah (Scholarships) oo ku dhisnaa aqoon iyo tartan hufan. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay fursad u heli jireen inay wax ka bartaan jaamacadaha ugu magaca weyn Talyaaniga, Mareykanka, Midowgii Sofiyeeti (Soviet Union) iyo dalal badan oo Carbeed.
Tusaale ahaan, dhallinyaradii ka qalin-jabin jirtay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (Somali National University) waxay si fudud ugu biiri jireen suuqyada shaqada ee caalamiga ah iyagoona ka qeybqaadan jiray daraasado iyo cilmi-baarisyo heer sare ah, maadaama tayada waxbarashadu la jaanqaadaysay heerarka caalamiga ah. Sidoo kale, baasaboorka Soomaaliyeed wuxuu ka mid ahaa kuwa sumcadda iyo aqoonsiga leh, isagoo u sahli jiray muwaadiniinta inay u safraan dalal badan oo dunida ah iyagoo aan la kulmin caqabadaha iyo xannibaadaha maanta jira.
Maanta, sawirku aad buu uga duwan yahay. Burburkii kadib, dhallinyarada Soomaaliyeed waxay waayeen qayb weyn oo ka mid ah fursadihii waxbarasho, shaqo iyo is dhexgal ee ay hore ugu lahaayeen dunida. Meel kasta oo uu joogo qof dhallinyaro Soomaaliyeed ah, ha noqoto Muqdisho, Hargeysa ama Garoowe, wuxuu la tacaalaa caqabado ay ka mid yihiin xayiraadaha socdaalka, aqoonsi la’aanta ama xaddidaadda baasaboorka Soomaaliyeed, iyo nidaam waxbarasho oo inta badan aan si buuxda ula jaanqaadi karin baahiyaha casriga ah ee tiknooloojiyada, sayniska iyo hal abuurka.
Halganka shaqsiga ah iyo doorkii dawladnimo ee maqan
In kasta oo ay jireen duruufo adag iyo caqabado waaweyn oo dhanka nidaamka ah, dhallinyarada Soomaaliyeed ma aysan quusan. Kumannaan dhallinyaro ah ayaa dalka gudihiisa ka hirgeliyay shirkado gaar loo leeyahay, xarumo waxbarasho iyo ururro bulsho oo door muhiim ah ka qaatay horumarinta nolosha bulshada. Waxay barteen xirfado casri ah iyagoo ka faa’iidaysanaya internetka iyo fursadaha waxbarasho ee dhijitaalka ah, waxayna muujiyeen hal abuur iyo karti la taaban karo oo ku aaddan ganacsiga casriga ah, tiknooloojiyada iyo adeegyada bulshada.
Hase yeeshee, halgankaas iyo dadaalkaas shaqsiga ah waxaa ka hor yimid caqabado waaweyn oo aysan sahlanayn in laga gudbo, kuwaas oo inta badan ka dhashay maqnaanshaha doorkii dowlad dhexe oo awood leh. Marka ay dhallinyaradu isku dayaan inay ka faa’iidaystaan fursadaha caalamiga ah, waxay la kulmaan nidaamyo iyo duruufo ka hor istaaga.
Waxay waayeen dowlad qaran oo u fududeysa abaabulka maaliyadeed iyo helitaanka maalgashi caalami ah, maadaama aysan jirin bangiyo qaran oo si buuxda ugu xiran nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah, aqoonsiga shahaadooyinka ay ku kasbadeen dalka gudihiisa, kuwaas oo inta badan aan helin aqoonsi buuxa oo caalami ah sababo la xiriira tabar darrida nidaamyada tayodhowrka iyo aqoonsiga waxbarashada, iyo difaaca xuquuqdooda iyo danahooda dibadda, maadaama aysan jirin heshiisyo labo geesood ah oo ku filan oo Soomaaliya la gashay dalal kale si loogu fududeeyo dhallinyarada inay galaan suuqyada shaqada ee gobolka iyo dunida.
Waa dhallinyaro dadaal badan muujisay, balse aan haysan garabkii dowladeed ee hibadooda, aqoontooda iyo hal-abuurkooda u beddeli lahaa horumar qaran iyo guulo laga dareemo heer caalami.
Saamaynta nafsiga ah iyo caqabadaha la jaan-qaadka
Marka dhallinyaradu ay waayaan fursadaha ay mudan yihiin ee dhanka shaqada, waxbarashada iyo horumarka nololeed, inkastoo ay dadaal iyo nafhur badan sameeyeen, waxaa soo baxa saameyn nafsiyeed oo qoto dheer. Aqoonyahanka reer Faransiis Frantz Fanon wuxuu ku dooday in marka bulshada laga hor istaago inay xaqiijiso himilooyinkeeda iyo mustaqbalkeeda, ay taasi dhalin karto dareen quus, niyad-jab iyo ka fogaansho bulshada. Sidaas awgeed, caqabadaha horyaalla dhallinyarada Soomaaliyeed ma aha oo keliya kuwo dhaqaale ama siyaasadeed, balse waxay sidoo kale saameyn ku yeeshaan rajada, kalsoonida iyo caafimaadka maskaxda ee jiil dhan.
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta waxay wajahayaan caqabado nafsiyeed oo isa soo taraya. Qaar badan ayaa la daalaa dhacaya walaac joogto ah (anxiety) oo ka dhasha hubanti la’aanta mustaqbalka iyo niyad-jabka ka yimaada marka dadaalkooda uusan miro dhalin. Kuwo kale waxay la kulmaan niyad-jab ba’an (depression) marka ay waayaan fursado ay ku muujiyaan hibadooda iyo aqoontooda, iyagoo arkaya dhiggooda dalalka kale oo helaya fursado horumarineed. Xaaladdan quusta iyo rajo-beelka ah ayaa sidoo kale qayb ka qaadata in qaar badan oo dhallinyaro ah ay naftooda ku biimeeyaan safarro tahriib ah oo halis badan, iyagoo u maraya badaha iyo saxaraha si ay u raadsadaan fursado ay aaminsan yihiin in laga waayay dalkooda.
Sida uu ku dooday aqoonyahanka cilmiga bulshada ee caanka ah, Zygmunt Bauman, buuggiisa Wasted Lives, bulshada ay haleelaan burburka iyo dib u dhaca horumarku waxay soo saaraan kooxo dad ah oo dareema in laga reebay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay kuwa kale helaan. Aragtidan marka lagu dabaqo Soomaaliya, waxaa muuqata in dhallinyaro badan ay la tacaalayaan dareen ah in hibadooda, aqoontooda iyo dadaalkooda aan loo helin waddo ay uga miro dhaliyaan heer qaran iyo heer caalami.
Tusaalayaal caalami ah: Wadamadii ka kabtay qaran-jabka
Taariikhda caalamku waxay muujinaysaa in waddan kasta oo la kulma burbur iyo dib u dhac uu dib u kaban karo haddii la helo hoggaan leh aragti fog iyo qorshe qaran oo mudnaanta siiya dhallinyarada. Waayo-aragnimada dalal badan ayaa caddeynaysa in maalgashiga waxbarashada, shaqo-abuurka iyo horumarinta awoodda dhallinyarada uu saldhig u noqdo dib u dhiska qaranka iyo koboca mustaqbalka. Labo tusaale oo caan ah ayaa arrintaas si fiican u muujinaya:
1. Rwanda (Xasuuqii 1994)
Rwanda waxay soo martay mid ka mid ah masiibooyinkii ugu xumaa ee taariikhda casriga ah, iyadoo xasuuqii dhacay sannadkii 1994-kii lagu dilay boqollaal kun oo qof, halka hay’adihii dowladnimo, adeegyadii bulshada iyo dhaqaalihii dalkuna ay si weyn u burbureen.
Dib u soo kabashada Rwanda waxaa saldhig u ahaa qorshayaal qaran oo istiraatiiji ah sida Vision 2020 iyo Vision 2050, kuwaas oo mudnaanta siiyay dib u heshiisiinta bulshada, horumarinta aqoonta iyo maalgelinta tiknooloojiyada. Dowladda Rwanda waxay si gaar ah xoogga u saartay kobcinta awoodda dhallinyarada iyo dhismaha dhaqaale ku saleysan aqoon iyo hal-abuur. Natiijada ka dhalatay dadaalladaas waxaa ka mid ah horumarinta xarumo casri ah sida Kigali Innovation City, kororka xirfadaha tiknooloojiyada ee dhallinyarada, iyo koboc dhaqaale oo Rwanda ka dhigay mid ka mid ah dalalka Afrika ee sida xawliga ah ugu horumaraya dhanka adeegyada dhijitaalka ah, hal-abuurka iyo ganacsiga casriga ah.
2. Koonfurta Kuuriya (Dagaalkii Kuuriya 1950-1953)
Dagaalkii Kuuriya ka dib, Koonfurta Kuuriya waxay ka mid ahayd dalalka ugu saboolsan dunida, iyadoo ay burbureen kaabayaashii dhaqaalaha, adeegyadii bulshada iyo nidaamkii waxbarashada. Xilligaas, dhallinyaro badan ayaa wajahaysay xaalado adag oo ay ka mid ahaayeen saboolnimo, shaqo la’aan iyo rajo xumo ku saabsan mustaqbalka.
Dib u soo kabashada Koofurta Kuuriya waxaa horseeday qorshayaal dhaqaale oo muddo dheer socday, gaar ahaan Five-Year Economic Development Plans iyo barnaamijkii Saemaul Undong (Dhaqdhaqaaqa Bulshada Cusub). Dowladda waxay mudnaanta siisay maalgelinta waxbarashada, horumarinta awoodda aadanaha (human capital), iyo kobcinta warshadaha iyo tiknooloojiyada. Sidoo kale, waxay taageero xooggan siisay shirkadaha waaweyn ee dalka sida Samsung iyo Hyundai si ay u noqdaan matoorrada koboca dhaqaalaha. Natiijadii ka dhalatay dadaalladaas, Koonfurta Kuuriya waxay ka baxday faqriga waxayna isu beddeshay mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha horumarsan dunida, halka dhallinyaradeeduna maanta hormuud ka yihiin tiknooloojiyada, hal-abuurka iyo dhaqanka casriga ah ee caalamka, oo ay ka mid yihiin warshadaha K-Pop iyo tiknooloojiyada casriga ah.
Xalalka iyo Jidka Toosan ee Mustaqbalka Soomaaliya
Si dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka, adkaysiga iyo hal-abuurka weyn loogu xiro fursadaha caalamiga ah, loogana gudbo caqabadaha hortaagan, waxaa lagama maarmaan ah in la qaado tillaabooyin qaran oo istiraatiiji ah. Qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:
- Siyaasadda Qaran ee Shaqaalaynta iyo Fursadaha: Dowladda Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe qaran oo ku dhiirrigeliya hay’adaha caalamiga ah, Qaramada Midoobay iyo NGO-yada inay mudnaan siiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee u qalma boosaska hoggaamineed iyo kuwa farsamo, halkii si joogto ah dibadda looga keeni lahaa shaqaale.
- Aasaaska Xarumaha Taageerada Caafimaadka Maskaxda: Waa in dalka laga hirgeliyo xarumo iyo adeegyo taageera caafimaadka maskaxda, si looga caawiyo dhallinyarada la tacaalaysa niyad-jabka, walaaca iyo saameynta nafsiyeed ee ka dhalatay burburka, saboolnimada iyo amni darrada.
- Xiriirinta Maaliyadeed ee Caalamiga ah: Dowladda iyo Bangiga Dhexe waa inay dardar geliyaan dib u habaynta hannaanka maaliyadda si Soomaaliya ugu xiranto nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah, loona fududeeyo dhallinyarada helitaanka maalgelin, ganacsi iyo adeegyada lacag bixinta ee caalamiga ah.
- Maalgashiga Dhaqaalaha Dhijitaalka ah: Waa in dowladda iyo hay’adaha waxbarashadu xoogga saaraan horumarinta xirfadaha casriga ah ee dhallinyarada, si ay uga faa’iidaystaan fursadaha shaqo iyo ganacsi ee caalamiga ah iyagoo adeegsanaya tiknooloojiyada, iyo shaqooyinka fog (remote work).
Ugu dambayn, dhallinyarada Soomaaliyeed ma aha kuwo tabar yar ama karti yari haysato; waa jiil muujiyay adkaysi, hal-abuur iyo karti uu ku wajahayo duruufihii ugu adkaa ee dalku soo maray. Inkastoo ay ku koreen xaalado adag, haddana waxay sii wadeen raadinta aqoon, shaqo iyo horumar. Haddii la helo hoggaan leh aragti fog, nidaam hufan iyo maalgashi dhab ah oo lagu sameeyo awoodda dhallinyarada, waxay awood u leeyihiin inay noqdaan hormuudka dib u dhiska dalka, isla markaana dib u soo celiyaan maamuuskii iyo sumcaddii Soomaaliya ku lahayd fagaarayaasha caalamka.
By : Cabdijabaar Maxamed “Farma”











