Maansadani waxa ay soo baxday hilaaddii 22,12-2022-kii. Waxa ayna dhiirrigelin iyo guubaabo u tahay dhallinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Maansadu waxa ay si toos ah ula hadlaysaa dhallinta ku dhaqan gobolka Sanaag iyo waxgaradkooda kala duwan. Marna waa xusuus iyo dhito jaan-tus u ah waayihii iyo sooyaalkii cuddoonaa ee la soomaray beri-samaadkii. Sanaag, waa gobol irmaan, dihin, cogor ah, leh macdan iyo xooloba. Marna waa goob leh sooyaal iyo taariikh mug leh.
Taariikhdaa mugga iyo miisaanka ku dhaadan ama ku guntan, maanta yaa wax ka og? Waa kumaa qofka maraxeeda haystaa? Xaggee ku damaysey gobannimadii iyo garashadii lagu faani jirey? Yaa maanta aroorrada kala ah; Aroow-weyn iyo Aroor-yar ka arrimiya? Kumaa daaqa oo xoola ku dhaqda Moon iyo Mash-caleed? Laasqoray xaggee ku dambaysey? Wiilka ka arradan dhaqanka, diinta, sooyaalka iyo dadnimada oo dhex mushaaxaya Ragaad, Xidid, Saaqood, Galgala iyo Guud-Cayow yaa keenayn? Adiguse diyaar ma u tahay inaad ogaato waxa aad haysato? Maxaa se kaa maqan? Waa kuma ninka la qorsheeyey 30 sano ka hor dhimashadiisa iyo dhiig-baxiisa oo iska soo taagan, weliba isga oo dammane ah?
Dhammaan, weydiimahani waxa ay ku wareegayaan giraanta hortaada taal iyo fundhucyada laguu fadhiyo, jidka laguugu jiro, dhabbada lagugu gaadayo, darka lagaa celinayo iyo sabadka lagaa rarayo. Waa gar jaalle! Waxa aad tahay qaafil aan summad lahayn! War hurddaayow iska hurud horaa loo yidhi “Ninba dooxada wax ku soo dadab”..
Subcis maaha maansadu
Hal sarbeeb ah kuma jiro
Misna hadal ma saafnee
Ciisa Dhiif sarkaalkii
Saajinkii kelya adkaa
Waxan saaka leeyahay
Seerihii Quddaax iyo
Saaqood war iga sii?
Sankii Gorayga yaa deggan?
Simanaarka yaa dhiga?
Talisyada sirdoonkuna
Suuliyada ma baaraan?
Kumaa Seeta-walacle ah?
Salbadhoodhi waa kuma?
Sama-talisku waa kee?
Samaddoon ma adigaa?
Saaxiibkay CIISOW
Saahidkii Kutubo mee?
Sirta Fiqiga diinkiyo
Siirada ma wariyaa?
Mise Sool abaaruu
Salli geed ku jiifaa?
Saaxiibkay CIISOW
Aw –siciid sareedada
Iyo saaca khayr jiro
Sabeen waa la siinjirey
Xaggee subaxan joogaa?
Saaxiibkay CIISOW
Ximistina sifaha guud
Subur iyo Wasaafaad
Weheshada Safiinaha
Burjigiyo siraha culus
Weli sadar ma baaraa?
Nabarrada ma simayaa?
Saaxiibkay CIISOW
Lo’dii siinaddalahayd
Sako miyaa ka dhiibtaa?
Mise waysa seegteen?
Saaxiibkay CIISOW
Waxa taar la soo dhigay
Saxaafaduhu weriyeen
Cali Aadan sikhigii
Sabo inaad wadaagtaan
Suugaan ku marisaan
Cowsame salkeediyo
Afartii Sandaqadood.
Marna seermaweydiyo
Kal-tirsiga salsiladaha
Sidii dirir ahaan jirey
Saadaal ku sheegtaan.
Saaxiibkay CIISOW
Nimankii Saliid galay
Haddey Sugurre joogaan
Sunta noogu milaayaan
Maadigaa Saldanad iyo
Sooyaal i bari kara?
Siinkaygu wuxu yahay;
Ina-Shire suldaakii
Dowladuhu sifeeyeen
Birta sulubka ka adkaa
Sange dhabarkii saarnaa
Seyidkii is haysteen
Si kastaba ha noqotee
Hadduu saaka soo baxo
Ama sahan inaga helo
Doqon sarara-weynoow
Ku salaamimaayee
Yey suleekho kaa dhiman.
Siinkaygu wuxu yahay;
Saaqidnimo ma fiicnoo
Surin laguma gaaroo
Sidko laguma maalee
Saxal baa ku mirayee
Yaa Suqurka hoosiyo
Sararaha Gadoobkiyo
Marinnadii Sanaag iyo
Halkii saantu kuu tiil
Doqon sarara-weynoow
Subax yaa ka sarakaca?
Siinkaygu wuxu yahay;
Sabadii Caleed iyo
Gurigii Siraadnaa
Suunnaari hogan jirey
Siirada wadaadkiyo
Sirta lagu cirbixin jirey
Socotada daryeel iyo
Soohan loogu qali jirey
Marna dhiilo saabliyo
Sibraar caano geelana
Sooryo looga dhigi jirey
Doqon sarara-weynoow
Saaka yaa atoor ka ah?
Siinkaygu wuxu yahay;
Saddex baan ku dhaartaye
Yaa Xubeera kaa siray?
Laasqoray ka salowdeye
Sebenkaa madowga leh
Kumaa sahanka loo diray?
Saxaraha-lamood iyo
Baradaad ku sugan tahy
Ma su’aal gingiban baa?
Ninna aanu sixi karin?
Yaa saqaafka kuu qoray?
Yaa saboolka kaa dhigay?
Sahaydaada yaa qubay?
Soortaada yaa wada?
Saanadi ha joogtee
Doqon sarara-weynoow
Dunidee ku sugan tahay?
Siinkaygu wuxu yahay;
Waa seben colaad iyo
Siidhi laysku yeershee
Horta soor ma leedahay?
Maxaa saanad wadataa?
Sangehee ku joogtaa?
Salabkiisu buuxaa?
Hub maxaa ka sidataa?
Siinkaygu wuxu yahay;
Ninka saraf-sanaayow
Kolna sacabsanaayow
Subkadow hurdaayow
Markaa suuqa joogtaan
Sinta bidix ma sayrtaa?
Socod dumar ma leedahay?
Sacaadada adduunkana
Doqon sarara-weynoow
Sifir miyaa ka joogtaa?
Qoraaga

- waa cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.Sidoo kale, waa bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Latest entries
FaaloMay 28, 2026Yaan Suleekho kaa dhiman!
FaaloFebruary 25, 2026Maxaan Galalka Duugaa!
FaalooyinJanuary 29, 2026XILKU WAA KU DHIBAYAA!
FaalooyinOctober 29, 2025BARBAARINTA & GARDAADINTA HAL-DOORKABULSHADA SOOMAALIYEED










