Midnimada ummadda Soomaaliyeed: Tiirka karaamada, iyo mustaqbalka Qaranka

Hordhac

Midnimadu waa tiirka ugu weyn ee ay ku dhismaan karaamada, xasilloonida, iyo horumarka ummad kasta. Ummad mideysan waxay awood u yeelataa inay ka adkaato caqabadaha, difaacato jiritaankeeda, isla markaana gaarto horumar waara. Marka dadku isku duubnaadaan, waxay wadaagaan himilo, hal-abuurnimo, iyo mas’uuliyad qaran.

Aristotle (384-322 BC) oo ahaa faylasuuf Giriig ah ayaa yiri: “Qofka keligiis noolaan karaa ama xoolo buu yahay ama Ilaah”, wuxuu rumaysnaa in bini’aadamku yahay “xayawaan bulsho ah”, oo u baahan midnimo iyo wada noolaansho; si uu u gaaro nolol wanaagsan. Ummad kala daadsan ma gaari karto caddaalad iyo horumar.

Sidoo kale Plato (427-347 BC) ayaa adkeeyey in bulsho midaysan ay ka dhalanayaan caddaalad iyo nidaam, haddii qof walba guto doorkiisa, lana wadaago himilo qaran, waxaa dhasha midnimo dhab ah oo ummadeed.

Roomaaniyiintii hore waxay qof kasta oo muwaadin ah oo gaara 20 sano ku khasbi jireen inuu ku dhaarto inuu ilaalinayo dalkiisa iyo xukuumaddiisa, waxayna la gali jireen ballan inuu marwalba u taagnaado difaaca dalkiisa.

Ibn Isxaaq oo ka mid ah ragga wax ka qoray Siirada Nebiga (SCW) ayaa ka faallooday sida ay Yuhuuddu u dhibsadeen wadajirka iyo midnimada reer Ansaar oo Islaamka ka hor col ahaa, dagaallo waaweynna ay dhexmareen oo uu ka mid ahaa dagaalkii la magac baxay “Bucaas”. Yuhuuddu waxay u hawlgaleen inay Ansaarta isku diraan oo ay xasuusiyaan maalmihii adkaa ee laysla soo maray iyo dagaalladii dhexmaray, taasoo gaarsiisay inay hubka iskusoo gurtaan. Nebigu (SCW) markuu maqlay dhacdadaas, si degdeg ah ayuu uga hawlgalay, wuxuuna ku yiri: “Ma Dacwo Jaahili ah ayaad ku dhawaaqaysaan anoo idin dhex jooga, ka fogaada waa wax qarmuune”, wuxuuna ku akhriyey Qowlka Alle:

“واعتصموا بحبل الله جميعاً ولا تفرقوا واذكروا نعمة الله عليكم إذ كنتم أعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخواناً وكنتم على شفا حفرة من النار فأنقذكم منها كذلك يبين الله لكم آياته لعلكم تهتدون” (آل عمران: 103).

Alle wuxuu yiri: “Xarigga Alle qabsada dhammaantiin hana kala teginnina, xasuusta nicmada Alle iyadoo ay jirtay waqti aad cadow isku ahaydeen–aad dagaallamayseen-quluubtiinnana Alle iskusoo dumay oo aad sidaas walaalo ku noqoteen adinkoo naar qarka u saarnaa, Allena idinka badbaadiyey”.

Waxaad halkaas ka garanaysaa in Yuhuuddu weligoodba ay ahaayeen fidno u joog, neceb midnimada ummadda ay la nool yihiin, markastana abuura khilaaf, nacayb iyo dagaallo si ay danahooda ay u gaaraan, awoodda bulshada ay ku dhex nool yihiinna u wiiqaan, cidda Yuhuudda soo dhawaysataana waa cid aan taariikhda iyo Siirada Nebiga (SCW) daalacan, xog fiicanna aan ka hayn dhaqanka Yuhuudda. Waxaa markhaati kuugu filan hab-dhaqankooda maanta ay adduunka la joogaan, siday uga shaqeeyaan hurinta colaadaha, isku dirka, kala dilka iyo kala fogaynta bulshada Islaamka ah ee ay diintu walaalaysay.

Midnimadu waa dariiqa lagu gaaro dawladnimo, madaxbannaani iyo qarannimo dhammaystiran; waxaa habboon in ummaddu ku dadaasho inay noqoto mid sharaf ku nool, dhiirran, maskax furan, jecel dhaqanka wanaagsan, xorriyadda, una hoggaansata oo ixtiraamta shuruucda iyo qawaaniinta dalka u deggan.

Abuu Camar Ibn Calaa (689-770 Miilaadiyada) oo ka mid ahaa culimadii muslimiintu wuxuu yiri: “waxaa daliil u ah in qofku yahay qof xor ah oo dun wanaagsan u hilowga dalkiisa, iyo jacaylka ummaddiisa; isagoo marwlaba si gaar ah u xasuusta waqtigii tegey iyo goobihii uu carruurnimada kusoo qaatay”.

Ibn Khadun (1332-1406 Miilaadiyada) oo ahaa taariikhyahan ayaa isna si qoto dheer uga hadlay “Casabiyada” oo ah isku-duubni bulsho. Wuxuuna sheegay in dawlad ama ummad aan lahayn Casabiyad xooggan inay burburto.

Midnimadu waa asaaska jiritaanka qarannimada

Erayn “Qaran” wuxuu tilmaamayaa bulsho meel kuwada nool oo dan-wadaag ah, isuguna xiran ama ay ka dhaxayso baadi-sooc u gaar ah- sida: dhaqan, taariikh, xeerar, xilal, iyo dhaqaale. Waxa ugu wayn oo ay bulshadu ku dhowran karto qarannimadeeda waa midnimada iyo wadajirka; iyadoo la wada ilaalishanayo waxa la wadaago oo uu ugu horreeyo dalka lagu dhex nool yahay, diinta la wada rumaysanyahay, Calanka buluugga ah oo dhexda xiddiga shan geesoodka ah ku leh iyo dawladnimada la wada harsanayo.

Taariikhda qarannimada Soomaaliyeed haddii aad milicsato, waxaa kuu soo baxaya inaan bulshada Soomaalidu wada ilaashan waxa ka dhexeeya oo qarannimadoodu u taagan, dalkiibaa baylah ah oo dhinac walba cadow kasoo galay, calankiibaa meel layska dhigay oo la dayacay oo cid walbaa mid u gaar ah meel ka taagatay, diintiibaan loo qiiroon oo dadka in badan oo ka mid ah aan agtooda ku waynayn macno badanna ugu fadhiyin.

Haddaba, waxa ku soo baxaya markaad taariikhda Soomaalida daalacato inaysan ku guulaysan inay dhistaan qaran-ummadda midaysan, oo isku duuban, oo isku dan ah.

Taariikhda Soomaalida iyo halgan midnimo

Dadka Soomaalidu waa dad wadaaga isir, diin, af iyo dhaqan intaba; waana tiirarka inta badan xoojiya udub-dhexaadkana u ah midnimada iyo wadajirka ummadda; sidaas oo ay tahay ayaa haddana waxaad arkaysaa inay kala qoqobanyihiin, is khilaafsanyihiin, is colaadinayaaan, dawladnimadiina ku heshiin la’yihiin. Waana arrin khilaafsan waxa adduunka ka jira; iyadoo inta badan khilaafka bulshooyinku uu salka ku hayo: diin, luqad, isir iyo khilaaf dhuleed.

Soomaalidu waa dad ay isku-xiran oo tol ah, wada noolaana muddo qarniyaal ah, waxayna kusii nagaadeen habkaas xitaa intii ay jirtay dawlad Soomaaliyeed. Dhaqanka sidaas ah waxay kala mid ahaayeen bulshooyinkii duugga ahaa, kuwaasoo si weyn ugasoo horjeeday keli ahaanta, isla sidaasay bulshada Soomaaliyeed u diiday gooni ahaanta, qalana ka muujiyeen, waana tay ugu yeeri jireen “qoys gaar”, hadduu reerku ka durko duddo meel degtay.

Si kasta ha ahaatee; marwalba waxaa muuqanaya in qofka Soomaaliga ahi uu ku tiirsanaa qolo, walina ku tiirsanyahay xilligan hadda la joogo. Sayid Maxamed iyo rag badan oo waddaniyiin ahi waxay door-bidayeen qof dawlad ku tiirsan oo aan ku tiirsanayn qolo. Si taas loo helana waxay u baahantahay waqti iyo duruufaha oo isbeddela oo markaas bulshada Soomaaliyeed isdhalan rogto.

Halgamayaasha Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa waddan jacaylka iyo gaala nacaybka waxaa ka mid ahaa Sayid Maxamed Cabdille Xassan, wuxuuna dhowr iyo labaatan sano u dagaallamayay difaaca diinta iyo la dagaallanka gumaystihii Ingiriiska iyo Soomaalidii la socotay ee kaba-qaadka u ahayd, Sayidka mowqifkiisu waa uu caddaa lagasoo bilaabo maalintii uu Berbera kasoo dagay oo canshuurta gaalka Ingiriiska ahi weydiiyay ilaa uu ku geeriyooday Degmada Iimey, maansadii ugu dambaysay ee uu tiriyay ayaad ka dheehan kartaa hal-adaygiisa iyo gaala nacaybkiisa, isagoo yiri:

Gaalada dirayska leh anaan daabadda u qabane

Anaa diiday dagal inaan la galo daallin ii colehe

Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e

Anaa diiday nabaddiisa aan, daacad noqonayne

Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale

Dahabkii u waday waanigii, daadiyee qubaye

Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye

Durdurrada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye

Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne

Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiiye

Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline

Xilligii gobonnimo-doonku wuxuu ku suntanaa in dadka Soomaalida oo ay hormuud u ahaayeen ururradii gobonnimo-doonka ahaa ay midnimo ku baadi goobayeen madaxbannaani iyo in dadka Soomaalidu aayahooda ka tashadaan, gumaysigana dalkooda ka xoreeyaan. Ururkii dhallinyarada ee SYL ayaa horseed u ahaa halganka xornimo raadiska ah oo ay Soomaalida meel kasta oo ay ku noolaayeen kuwada baraarugeen, waxa koowaad oo Soomaalida guusha u sahlaynayna wuxuu ahaa midnimadii iyo wadajirkii ay muujiyeen; iyagoo si aan kala har lahayn uga qayb qaatay halganka dalka looga saarayay gumaysiga Talyaaniga iyo Ingiriiska; kaasoo kusoo gabagaboobay inay labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurtu xornimo ku midoobaan 1-dii Luuliyo 1960-kii.

Inkastoo midnimadu horseedday xornimo, haddana Soomaalidu ma unkin dawladnimo sal-adag iyo hay’ado ka shaqeeya hirgelinta nidaamka dawliga ah oo dalka horumarka gaarsiiya, bulshadana ku jiheeya inay dalkooda ilaashaadaan. Iskabadaayoo; waxaa dib loosoo nooleeyey qabyaaladdii iyo qolo-qoladii, eexdii, musuqii iyo nin jeclaysigii, taasoo sababtay burburkii dawladnimada iyo qarannimadii Soomaaliyeed ee halganka dheer loosoo galay.

Gunaanad iyo gabagabo

Midnimadu waa geed harwayn, waan wasiilada lagu ilaaliyo qarannimada ummadda, dadka Soomaalidu waxay dayaceen wixii ka dhexeeyey oo ah dalka, calanka iyo dawladnimada, waxayna ka doorbideen burbur iyo haantaa-wilif, iyo inay carruurtoodu badaha ku dhammaato dhul shisheeyana waxaysan mudnayn kala kulmaan. Sharafta bulshadu waa midnimada iyo wadajirka iyo in lagu heshiiyo dawlad loo dhanyahay oo leh hay’ado wax ku ool ah oo u adeega bulshada, ilaaliya qarannimada, la dagaallama musuqa, eexda iyo nin jeclaysiga.

Markay Soomaalidu qarannimadoodii dayaceen, waxaa baylah noqday dalkoodii, waxaa burburay wixii bulshada isku hayay oo ay wada ilaashanayeen; taasoo keentay in Israa’iil ay 26-kii bishii December u aqoonsato Somaliland dal madax-bannaan, falkaas oo ah mid lagu burburinayo dawladda Soomaaliya ee tabarta yar, awoodna aan u lahayn inay difaacdo dhulkeeda, midnmadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda siyaasadeedna ilaashato haddii aan adduunku u soo gurman oo garab istaagin sida marar badan dhacday.

Maraajic (References)

  1. Aristotle. Politics. Translated by Benjamin Jowett. Oxford University Press.
  2. Plato. The Republic. Translated by G.M.A. Grube. Hackett Publishing Company.
  3. Ibn Khaldun. Al-Muqaddimah (The Introduction to History). Translated by Franz Rosenthal. Princeton University Press, 1967.
  4. Ibn Ishaq. Sirat Rasul Allah (The Life of the Prophet Muhammad). Translated by A. Guillaume. Oxford University Press, 1955.
  5. Daa’uud, Dhaliisha Dhaqanka Soomaaliyeed, 2010.
  6. Aw-Aden, waayihii Soomaaliya: Bogag ka mid ah taariikhda Soomaaliyeed
  7. Qur’an al-Karim – Surah Aal-Imran (3:103).
Qoraaga
Dr Mohamed Ali
Dr Mohamed Aliwaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link