Isbahaysiga Fowdada iyo Kelitalisnimada: Soomaaliya mar labaad ma geli kartaa kelitalisnimo iyadoo fowdo ka cararaysa?

Quruumo badan ayaa taariikhda ka bartay in kelitalisnimadu tahay xabsi weyn, balse qaar badan waxay goor dambe ogaadeen in fowdadu tahay qabri ka sii weyn. Bulshada Soomaaliyeedna waxay ka mid tahay ummadaha si qoto dheer u taabtay labadaas masiibo ee is quudiya: talis adag oo xorriyaddii cabburiyay, iyo fowdo burburisay dawladnimadii iyo wadajirka bulshada.

Muddo dheer ayay Soomaalidu ku hoos noolaayeen nidaam kelitalisnimo ah oo ku dhisnaa cabsi, amar iyo awood ku ururtay hal gacan. Dadku waxay u arkayeen in xorriyaddu tahay albaabka keliya ee lagu badbaadi karo. Markii kacdoonkii dhacayna, waxaa la mooday in albaabkii xorriyadda la furtay. Hase yeeshee, halkii laga geli lahaa nidaam iyo dawladnimo ku dhisan sharci iyo kala dambayn, waxaa lagu dhacay godkii fowdada iyo dagaallada sokeeye. Dawladdii waa ay burburtay, bulshaduna waxay dib ugu noqotay qabaa’il iyo kala qoqobnaan, waxaana run noqday oraahdii Ibn Khaldun ee ahayd: “Fowdadu waxay halaag u tahay bini-aadamka, waxayna kharribtaa ilbaxnimada.”[1]

Qormada mufakirka weyn ee Shiikh Maxamed Al-Mukhtaar Ash-Shanqiidi uu kaga hadlayo “Isbahaysiga Fowdada iyo Kelitalisnimada”[2] waxay si yaab leh ugu muuqataa muraayad ka tarjumaysa waayaha Soomaalida. Wuxuu tilmaamayaa in labadaas cudur — kelitalisnimada iyo fowdadu — aysan is diidin, balse ay yihiin laba walaalo ah oo mid walba kan kale dhalo. Kelitalisnimadu waxay dhalisaa caro iyo qarax bulsho; fowdaduna waxay dadka ku riixdaa inay dib ugu noqdaan raadin “gacan adag” oo xukunta.

Cabdullaahi ibn Cabbaas (RC) wuxuu fasiray aayadda:
﴿قُلْ هُوَ الْقَادِرُ عَلَى أَنْ يَبْعَثَ عَلَيْكُمْ عَذَابًا مِنْ فَوْقِكُمْ أَوْ مِنْ تَحْتِ أَرْجُلِكُمْ﴾
in “cadaabta korka ka timaadda” ay yihiin madax daalimiin ah, halka “cadaabta lugaha hoostooda ka timaaddaa”[3] ay yihiin fowdada iyo dad aan kala garanayn wanaagga iyo xumaanta. Waa fasiraad si qoto dheer u taabanaysa xaaladaha siyaasadeed ee ummadaha. Ummaddu mararka qaar waxay ku halaagsantaa hoggaan dulmi wada, mararka qaarna waxay ku halaagsantaa kala dambayn la’aan.

Soomaaliya maanta waxay mar kale taagan tahay isgoys taariikhi ah. Waxaa muuqata cabsi ah in taladii dastuuriga ahayd ay leexatay, kaddib markii muddo xileedkii madaxda sare dhammaaday haddana wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka si muddo kororsi loo helo. Arrintaasi waxay abuurtay mucaaradad xooggan iyo kala shakiga siyaasadeed ee sii kordhaya. Dad badan waxay dib u xusuusanayaan casharradii qaraaraa ee ay taariikhdu ka tagtay: marka sharciyadda la dhaawaco, kalsoonida bulshada way duntaa; marka kalsooniduna dunto, qaranku wuxuu u sii dhaqaaqaa khilaaf iyo jahawareer.

Laakiin khatarta ugu weyn ma aha oo keliya muddo kororsiga ama muranka siyaasadeed ee maanta jira; khatartu waxay tahay in bulshada lagu riixo laba daran mid dooro: inay aqbasho kelitalisnimo cusub si looga baqo fowdo, ama inay ku dhacdo fowdo ay ka dhalato kelitalisnimo kale. Taariikhdu waxay ina bartay in labaduba yihiin waddooyin halaag leh.

Jean-Jacques Rousseau wuxuu yiri: “In qofku xorriyaddiisa ka tanaasulo waxay la mid tahay inuu bini-aadantinimadiisa ka tanaasulay.”[4] Halka James Madison uu yiri: “Waa in marka hore xukuumadda la siiyo awood ay ku xakamayso dadka la xukumo, dabadeedna lagu khasbo inay iyadu nafteeda xakamayso.”[5] Labadan oraah waxay soo koobayaan sirta dawladnimo kasta oo waarta: xorriyad aan nidaam lahayn waxay isu beddeshaa fowdo, nidaam aan xorriyad lahayna wuxuu isu beddelaa kelitalisnimo.

Soomaalidu waxay muddo dheer ku dhibtooday helidda isu dheellitirkaas. Markii la dumiyay nidaamkii militariga ahaa, lama helin hay’ado adag oo ilaalin kara sharciyadda iyo kala dambaynta. Qabiil, hub iyo dano gaar ah ayaa buuxiyay booskii dawladnimada. Waxaa markaas dhab noqotay digniintii Al-Kawakibi ee ahayd: “Haddii arrintu fowdo isu beddesho waxaa kharribma midnimada diimeed, waxaana furma xiriirka siyaasadeed.”[6]

Waxa maanta looga baahanyahay Soomaalida ma aha inay dib ugu laabtaan kelitalisnimo lagu marmarsiyoonayo amni, mana aha inay ku dhacaan fowdo lagu magacaabo xorriyad. Waxa loo baahanyahay waa dawladnimo ku dhisan sharci, heshiis bulsho iyo kala dambayn ay dadka iyo madaxdu si siman ugu wada xiran yihiin. Dastuurku waa inuu noqdaa heshiiska ugu sarreeya ee aan lagu ciyaarin marka dano siyaasadeed yimaadaan. Haddii madaxdu jebiso xeerkii ay dadka ugu talinaysay, waxay dhaawacaysaa aasaaska dawladnimada lafteeda.

Taariikhda Kacdoonkii Faransiiska ayaa iyaduna tusaale cad bixisay. Dadkii kacdoonka sameeyay waxay ka carareen boqortooyo adag, balse markii ay ku dhaceen fowdo iyo dhiig badan, waxay ugu dambayn taladii gacanta u geliyeen Napoleon Bonaparte. Sidaas ayay xorriyaddii ugu dambayn ugu noqotay kelitalisnimo cusub. Albert Soboul wuxuu soo xigtay hoggaamiye Faransiis ah oo yiri: “Waxaan si degdeg ah uga guurnay addoonnimadii una guurnay xorriyad, laakiin waxaan si ka sii degdeg badan uga sii guureynaa xorriyaddii una guureynaa addoonnimo.”[7]

Casharka ku jira waayahaas iyo kuwa Soomaaliyaba waa mid cad: fowdadu mar walba waxay waddo u keentaa kelitalisnimo cusub, kelitalisnimaduna waxay uurka ku siddaa fowdo soo socota. Ummadaha badbaadaa waa kuwa awooda inay dhexda ka helaan xorriyad iyo nidaam, sharci iyo xukun, dawladnimo iyo xuquuq.

Soomaaliya maanta waxay u baahantahay in ay ka barato taariikhdeeda ka hor inta aysan taariikhdu mar kale isku celin.

Sakariye Xaaji Axmed Iley “ Rabiica”


[1] Ibnu Khalduun, Al-Muqaddimah, bogga 188.

[2] Maxmed Mukhtaar al shanqiidi , Al-Azma Dastuuriya fil Xadaara Al Islaamiya, 262

[3] Eeg: Abuu Xayaan Maxamed bin Yuusuf al-Andalusi, Al-Baxrul Muxiid fit-Tafsiir (Bayruut: Daarul Fikr, 1420H), 4/543. Aragti tan u dhowna waxaa laga helayaa Abuu Mansuur Maxamed bin Maxamuud al-Maaturiidi, Ta’wiilaatu Ahlis-Sunnah (Bayruut: Daarul Kutub al-Cilmiyya, 2005), 4/113. Iyo Maxamed bin Cali ash-Shawkaani, Fathul Qadiir (Dimishiq: Daar Ibnu Kathiir, 1414H), 2/144

[4] Jean-Jacques Rousseau, Du Contrat Social, bogga 117.

[5] Hamilton, Jay and Madison, the federal Papers, 269

[6] Al-Kawaakibi, Ummul Quraa, bogga 38.

[7] Alber Sobol, , Taariikhda Kacaankii Faransiiska, waxaa turjumay George Kusi (Bayruut: Manshuuraat Cuweydaat, 1989), bogga 161.

Qoraaga
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)Waa qoraa iyo sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee SIDRA Institute, oo leh khbrad nidaamka caddaaladda Soomaaliya, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link