Horudhac
Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, lehna juqraafi istiraatiiji ah iyo bulsho wadaagta diin, dhaqan iyo taariikh qoto dheer. Si kastaba ha ahaatee, sawirka guud ee dalku mantay maaha mid ka tarjumaya goobta istaraatiijiyadeed ee uu ku yaalo, ama dadkiisu ay wada xanbaarsanyihiin dareen midnimo. Soddon iyo shan sano kaddib burburkii dawladdii dhexe, dalku waxa uu taaganyahay weli kalabayr adag, ilaa hadana lama hanan dawladnimo taabo gal ah, lagamana xoroobin ku tiirsanaanta shisheeye ee dhanka amniga iyo dhaqaalaha. Si dhab ahna looma xallin khilaafaadka gudaha ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed.
Run ahaantii, tan iyo markii Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsiga waxa ay ugu yeertay “Jamhuuriyadda Somaliland” dabayaaqadii 2025, taas oo noqotay aqoonsigii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland helo soddon iyo shan sano kaddib, Soomaaliya waxay gashay marxalad cusub oo u baahan in la dul istaago, taariikh hore, mid hadda qormaysa, iyo mustaqbal danbe oo u baahan in lagu eego aragti dheer.
Aragtida Gooni‑u‑goosadka
Guud ahaan, aragtida gooni‑u‑goosadka Somaliland waxay ka dhalatay fashilaad maamul oo ku habsatay dawladnimada Soomaaliya, gabood‑falladii uu ku kacay xukunkii kacaanka ee uu hoggaaminayey Janaraal Maxamed Siyaad Barre, iyo burburkii dawladii dhexe ee 1991‑dii, kuwaas oo dhammaantood sii xoojiyey fikirka gooni‑u‑goosadka.
Waxaa xusid mudan, in tan iyo intii Soomaaliya ku jirtay burburka dawladnimo, dagaalladii sokeeye iyo dowladihii ku‑meel‑gaarka ahaa, maamulka Somaliland uu helay madax‑bannaani maamul (de facto) ah, hirgaliyey doorashooyin qof iyo cod ah, iyo hannaan xukun oo si nabad ah loola kala wareego, iyadoo ay ku tartamaan axsaab siyaasadeed. Hase ahaatee, Somaliland weligeed ma helin aqoonsi dawladnimo, kumana guulaysan jabinta xayndaabka sharciyadda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur goboleedyada. Dawladaha caalamkuna waxay adkeeyeen ilaalinta midnimada dhuleed iyo gobannimada Soomaaliya.
Halkee tusbuxu ka furmay?
Tobankii kii sano ee u danbaysay, mustaqbalka midnimada Soomaaliya iyo gooni-isu-taagga Somaliland waxaa qeexaayay silsilado dhacdooyin ah oo isku xiran. Waxaa ka mid ahaa heshiiskii DP World ee casriyeynta Dekedda Berbera (2016), kaas oo Itoobiya bilowgii hore laga siiyay 19% saamiga mashruuca. Maalgashigan oo dowladda Soomaaliya aysan talo weyn ku lahayn, wuxuu furay albaabka jabinta gobannimada dhaqaale ee dalka. Saamigii Itoobiya ee markii dambe laga noqday wuxuu ahaa calaamad muhiim ah oo aan si dhab ah loo falanqayn, taas oo muujisay in mashruuca dekeddu lahaa ujeeddo istaraatiiji ah oo ka fog ganacsi, ahaana dhagax dhigga qorshe ka dhan ah midnimada Soomaaliya.
Waxaa xigay dhacdo ka culus oo xiriir dhaw la leh maalgashiga dekedda, waana heshiiskii is‑afgaradka (MOU) ee Itoobiya iyo Somaliland bishii Janaayo 2025 kala saxiixdeen, kaas oo Itoobiya siinayay marin‑badeed ay u madaxbanaantahay oo dhan 20km, halka uu dhigayay in Itoobiya aqoonsato Somaliland. Ugu dambayntiina, waxaa soo baxay aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland 26 Diseembar 2025, oo ahaa tallaabo si cad uga hor imaanaysa xeerarka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed ee caalamka, looguna talo galay in ay sii dhammaystirto shaqooyinka ka horeeyey.
Marka silsiladda dhacdooyinkaan la isku daro, waxa ay muujinayaan istaraatiijiyad isku xiran oo ujeeddadeedu tahay in la burburiyo midnimada Soomaaliya iyo madaxbannaanideeda. Awoodaha dabada ka riixaya shaqadaan, isla markaana dhacdooyinkaan ka dhex muuqda waa: Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Israa’iil, kuwaas oo si xawli ah, ku wada shaqada kala-goynta Soomaaliya, iyagoo dhaqaale, maalgashi, xiriir caalami ah iyo aqoonsi qayaxan iyo mid dadban ku taageeraaya Somaliland.
Biyo-xireenka Midnimada
Dhanka kale, Soomaaliya waxaa u hirgalay tillaabooyin macno weyn u leh xoojinta midnimada, haddii ay sifiican u hirgalaan sida: deyn-cafinta, qaadista cunaqabataynta hubka iyo curashada Maamulka Waqooyi Bari. Waxaa kale oo cad in dalal badan oo saaxiibbo ah iyo ururro caalami ah ay si aan hagar lahayn u garab taagayihiin midnimada Soomaaliya iyo madaxbannaanideeda sida: Boqortooyada Sucuudiga, Masar, Qatar, Turkiga, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Midawga Yurub.
Hase ahaatee, gudaha dalka waxaa ka jira khataro waaweyn oo wiiqi kara midnimada dalka. Waxaa ugu horreeya khilaafaadka Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, muranka la xiriira dastuurka, doorashooyinka, iyo cadaadiska joogtada ah ee ururrada argagixisada. Intaas waxaa sii dheer, maqnaanshaha aragti iyo dareen qarannimo oo ilaalinaya midnimada dalka iyo gobonnimadiisa.
Aqoonsiga Israa’iil: Maxaa Ku Qarsoon?
Aqoonsiga Israa’iil ma aha oo keliya go’aan diblomaasiyadeed; ee waa tallaabo si toos ah u saameynaysa qaab‑dhismeedka amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Israa’iil waxay Somaliland u aragtaa goob istaraatiiji ah oo leh xeeb muhiim ah oo Gacanka Cadmeed saaran, taas oo u suurta‑gelinaysa in ay xoojiso kormeerka marin‑biyoodka Bab al‑Mandab, oo ah mid muhiim u ah ganacsigeeda, qulqulka tamarta caalamka, iyo loollanka milateri ee Bariga Dhexe. Waana aragti salka ku haysa in la xoojiyo isbahaysiga Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ee Geeska Afrika, oo ka dhan ah dalalka Masar, Sucuudiga, Qadar iyo Turkida oo door muuqda ku leh Soomaaliya. Sidaas darteed, aqoonsiga Israa’iil waa xiisad cusub o oo leh yoolal fogfog, mana aha in loola dhaqmo sidii dhacdo waqti yar kaddib iska dhamaanaysa.
Saddexda Tiir ee Hubanti‑la’aanta Mustaqbalka Midnimada
Si loo dhiso jaantuska suuragalnimada (scenario matrix), saddexdaan hubanti‑la’aan ayaa cabbir ka dhiganaynaa, kuwaas oo qaabayn doona mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland. Mid kastana wuxuu leeyahay laba natiijo oo iska soo horjeeda.
Tiirka kowaad: Jihada Aqoonsiga
Aqoonsigu ma ku ekaan doonaa Israa’iil oo keliya, mise waxa uu noqon doonaa tusbax furmay oo hadba dawladi ku biirto?
- Aqoonsiga oo sii kordha: Somaliland oo hesha aqoonsiga dalal kala duwan oo ku biira Israel sida Imaaraadka, Itoobiya iyo dalal kale ilaa 2040. Taas oo ay garab socoto Midowga Afrika oo cadaadiska lagu saaro dib-u-eegista mabda’a ilaalinta xuduudaha gobonimo ee dalalka iyada oo fursad la siinaayo Mabda’a aaya ka tashiga.
- Aqoonsi Xaddidan: Aqoonsiga Israa’iil oo noqda mid go’doonsan oo aan yeelan saamayn caalami ah. Dadaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamka oo ku guulaysta in aan cid kale ku biirin aqoonsiga Israa’iil.
Qiimayntayda guud, jihada aqoonsiga Somaliland aadi doono waxaa ka jira hubanti laa’aan weyn, ugu yaraan fogaan-aragga dhexe, waxaanna arkaa dalku inuusan saarnayn jidka lagu xakamayn lahaa aqoonsiga iyo kala go’a. Waxaa jira shaqo culus oo Imaaraadku wado, doodo la xiira danaha Maraykanka ee saldhigyada ciidan uu ka heli karo Somaliland, hase ahaatee, weli waxaa ila xoog badan natiijada labaad ee xakamaynta aqoonsiga, haddii lagu guulaysto maaraynta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, xoojinta kalsoonida siyaasadeed iyo tayada hay’adaha dawladda.
Tiirka 2: Xasilloonnida Siyaasadeed ee Dalka
Hannaanka siyaasadeed ee dalku ma xasili doonaa mise wuu sii kala‑daadanayaa?
- Xasillooni: Heshiis siyaasadeed ayaa laga gaarayaa doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed; khilaafaadka Puntland iyo Jubbaland iyo Dawladda Federaalka u dhexeeya waxaa lagu xallinayaa miiska wadahadallada; argagaxisadana waa la sii wiiqayaa tabartooda; dalkuna waxa uu sii hanan doonaa taageerada saaxiibbada caalamka.
- Kala‑daadsanaan: Qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ayaa sii kordhaya; hannan doorasho iyo dastuur aan heshiis lagu ahayn ayaa dalka ka hirgalaya. Waxaa suurta gal ah in khilaafaadka Puntland iyo Jubbaland kala dhexeeya Dawladda Federaalka ay sababaan dagaalo sokeeye, midnimada dalkuna sii kala daadato. Sidoo kale, saamaynta argagixisadu ay sii ballaarato iyagoo ka faa’idaysanaya qalalaasaha siyaasadeed ee dalka. Ugu danbaynna, dalku uu lumiyo awoodda iyo kalsoonida wada‑xaajood.
Qiimayntayda guud, hannaanka dowladnimada Soomaaliya waxaa saaran culays weyn oo si xad dhaaf ah u yareynaya fursadaha xasilloonida kaddib marka mudo xileedka dawladda hadda jirta uu dhammaaday, iyada oo aan wax heshiis laga gaarin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka hareeyey. Waa markii u horraysay oo dalku galo hubanti-la’aan salka ku haysa khilaaf dastuuri ah iyo mid doorasho oo weyn. Kalabayrka siyaasadeed ee dalku taagan yahay haddii aan heshiis laga gaarin, waxaa aad iila xoogan natiijada labaad.
Tiirka 3: Fursadaha Wadahadalka
Ma soo bixi doonaan fursado wadahadal oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, mise hardan iyo is‑haysiga ayaa hoggaamin doona?
- Wadahadal Nidaamsan: Labada dhinac waxay ku noqnayaan wada‑xaajood rasmi ah oo la dhex‑dhexaadinaayo, jidna u baxsha go’aammada kama‑dambeysta ah ee hannaanka midnimada.
- Is‑haysi iyo hardan joogta ah: Wadahadal macno leh ma dhacaayo. Xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland waxa ay yeelan doonaan isku dhac milatari oo u dhexeeya maamulka Waqooyi Bari iyo Somaliland. Khilaafaadka siyaasadeed ayaa sii kordhaaya. Somaliland waxa ay sii qaadi doontaa tillaabooyin xagjir ah oo ka dhan ah midnimada dalka. Waxaa ka dhalan doona cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo saamayntiisa leh. Sidoo kale, waxaa fursado ay khilaafaadka ku sii huriyaan heli doona shisheeyaha danaha siyaasadeed ee ka dhanka ah midnimada Soomaaliya leh.
Qiimayntayda guud, aqoonsiga Israa’iil kadib, is‑haysiga iyo hardenka ayaa ila ah natiijada xoogga badan. Damaca Somaliland ee ah in ay aqoonsi dheeraad ah hesho, wuxuu ka indha tiraaya fursadaha wadahadalka. Sidoo kale, dhismaha Maamulka Waqooyi Bari iyo hanaqaadkiisu waxa uu sii wiiqayaa aragtidii gooni-u-goosadka Somaliland uu ku dhisnaa. Intaas waxaa dheer, dalalka danaha gurracan ka leh Somaliland sida Itoobiya iyo Imaaraadku waxa ay ka shaqaynayaan sidii fursadaha wadahadalka loo yarayn lahaa, iyaga oo Somaliland ufuri doona fursado dhaqaale iyo xiriir caalami oo hoos u dhiga abateedka ay u hayaan wadahadallada.
Gunaanad
Mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya ma aha mid si fudud loo saadaalin karo, sababtoo ah waxa uu ku dhisanyahay is‑dhexgalka hardanka awoodaha gudaha iyo kuwa dibadda. Inkastoo ay jiraan dadaallo lagu kala fogeynayo labada dhinac, haddana weli waxaa jirta fursado dhab ah oo lagu heli karo xal waara oo ku dhisan wada‑hadal, is‑ixtiraam iyo dan guud. Si loo gaaro mustaqbal deggan oo horumar leh, waxaa lama huraan ah, in la xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, lana dhiirrigeliyo wada‑hadallo dhab ah, si xooganna loo yareeyo faragelinta dibadda ee danaha gaarka ah wata, middaas ayaa horseedi karta mustaqbal xanbaarsan ififaalo wanaagsan oo dib u dhalin kara midnimo ku dhisan caddaalad iyo kalsooni.
Qoraaga

- Waa aqoonyahan muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha waxbarashada, xubin hore oo ka tirsanaa TPEC, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
Latest entries
MaqaaloMay 28, 2026Gooni-isu-taag Mise Midnimo? Mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya Aqoonsiga Israel Kadib!
FaalooyinNovember 27, 2025Caqabadaha Hirgelinta Federalism-ka Soomaaliya: Falanqayn Cilmiyeed
FaalooyinJune 21, 2025Curasho Bulsho: Qof ilaa Qaran
MaqaaloMay 11, 2025Geeska Afrika: Goob Istiraatiiji ah oo Murugsan










