Hordhac
Qormadan waxaan akhristayaasha ugu iftiimin doonaa: waa maxay horumarin? Maxay yihiin aragtiyaha horumarinta ee caalamku soo maray ama tijaabiyey? Ma jiraa nidaam horumarineed oo la isku raacsan yahay oo dal kasta raaci karo? Ma jiraa dal dunida ka mid ah oo horumar ku gaaray kaalmo dibadeed oo keliya? Maxaase saldhig u ah in dal uu horumar ku tallaabsado? Ugu dambayn, sidee bulshada Soomaaliyeed iyo hoggaamiyayaashoodu u fahamsan yihiin dariiqa lagu gaari karo horumar waara?
Waa Maxay Horumar (What is development)?
Inta badan aqoonyahannada arrintan wax ka qoray, oo uu ka mid yahay Francis Fukuyama, waxay horumarka ku qeexaan inuu yahay isbeddel togan (positive change) oo ka dhaca dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo ku dhaqanka sharciga. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro hannaan horumarineed oo la isku waafaqsan yahay oo xal u noqon kara dhammaan bulshooyinka ama dalalka doonaya inay horumar ka sameeyaan dhinacyadaas (there is no one-size-fits-all). Haddaba, dal kasta ama bulsho kasta, iyadoo tixgelinaysa duruufteeda, taariikhdeeda iyo xaaladaha u gaarka ah, waxay dejisaa nidaam horumarineed oo ku habboon xaqiiqadeeda iyo baahideeda gaarka ah.
Tan iyo markii mawduuca horumarintu si cilmiyeysan u soo shaac baxay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaa jiray dooddo waaweyn oo ku saabsan sida horumarka dal ku iman karo. Qolo walba waxay arrinta ka eegtaa aragti u gaar ah. Qaar ka mid ah aqoonyahannadu waxay ku doodayaan in kaalinta firfircoon ee dawladdu ay tahay tiirka kobciya isla markaana horseeda horumarka dal iyo bulsho. Halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin in dhibaatadu ka timaaddo dawlad aad u faro badan; sidaas darteedna ay habboon tahay in la yareeyo kaalinteeda, lana xoojiyo suuqa xorta ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu waxay muujinaysaa in iskaashi dheellitiran oo u dhexeeya dawlad leh maamul wanaag iyo suuq xor ah oo nidaamsan uu dalal badan oo caalamka ka tirsan u horseeday inay gaaraan horumar muuqda oo waara.
Qaar ka mid ah aragtiyahannada horumarintu waxay ku doodayaan in waddamadu si ay horumar u gaaraan ay lagama maarmaan tahay inay si dhow ula shaqeeyaan dunida inteeda kale, kana faa’iidaystaan isdhexgalka caalamiga ah (globalization) ee dhinacyada ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo maalgashiga. Dhanka kale, waxaa jira kuwo aaminsan in waddanku uu yareeyo ku tiirsanaanta iyo saameynta ka imanaysa dibadda, gaar ahaan tan hay’adaha caalamiga ah, isla markaana xoogga saaro isku-tashi, horumarinta khayraadkiisa gudaha iyo dejinta siyaasad u gaar ah oo waafaqsan danihiisa qaran. Aragtidan dambe waxaa tusaale muuqda u ah dalka Malaysia, gaar ahaan siyaasaddii iyo hoggaamintii ra’iisul wasaarihii hore Mahathir Mohamad, oo diiradda saaray isku-filnaansho qaran, horumarinta warshadaha gudaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka si madax-bannaan.
Qaar baa ku dooda in xoogga la saaro kobcinta dhaqaalaha, wax-soo-saarkana la badiyo (gross domestic product), iyadoo aan muhiimad gaar ah la siinayn sida dhaqaalahaas bulshada dhexdeeda loogu qaybinayo (resource distribution). Tusaale ahaan, arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada bulsho ee kale ee loo baahan yahay. Qaar kale ayaa ku dooda in kobcin dhaqaale oo aan dadku u sinnayn, khayraadkana aan bulshada looga faa’iidayn ee ay dad yari ka faa’iidaan, aan horumar lagu tilmaami karin.
Aragtiyaha Horumarinta Caalamiga ah (International Development theory)
Badanaa reer galbeedka waxaa lagu dhaliilaa in mucaawinada dibadda ay bixiyaan (foreign aid) ay salka ku hayso dano gaar ah oo ay dawladahaasi leeyihiin, kuwaas oo la xiriira waxa loogu yeero casriyeyn (modernization). Tani waxaa lagu macneeyaa fikrad ka turjumaysa in dib u dhaca bulshooyinka lagu sababeeyo dhaqanka iyo caqiidooyinka ay aaminsan yihiin (cultural beliefs), sidaas darteedna loo arko in caadooyinkaas dib u dhaca keenaya la beddelo, la casriyeeyo lana baddelo dhaqankooda si ay u noqdaan bulsho casri ah oo la mid ah bulshooyinka reer galbeedka.
Aad bay u tiro badan yihiin aragtiyaha horumarinta ku salaysan ee la soo tijaabiyey tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka ka dib. Qormadan kuma soo wada koobi karno dhammaantood; hase yeeshee, fikradaha horumarinta ugu waaweyn (development theory) waxaa ka mid ah aragtida casriyeynta ee aan kor ku soo sheegnay, oo soo bilaabatay dagaalkii labaad ka dib, aadna u shaqaysay xilligii Dagaalkii Qaboobaa ilaa dabayaaqadii toddobaatanaadkii. Muddadaas ay jirtay fikradda casriyeyntu, waxaa abuurantay fikrad ka horjeedda oo loo bixiyey aragtida horumarinta ee ku tiirsanaanta (dependency theory). Aragtidan waxaa soo bandhigay aqoonyahanno ka soo jeeda dunida saddexaad, kuwaas oo ku dhaliilay in fikradda casriyeyntu ay tahay nooc gumaysi cusub (neo-colonialism) oo abuuraya ku tiirsanaan iyo dib u dhac ku yimaadda bulshooyinka ku dhaqan dunida saddexaad.
Waxaa jirtay iyaduna fikrad horumarineed oo ay hormuud ka ahayd Qaramada Midoobay, taasoo soo bilaabatay 1970 iyo wixii ka dambeeyey. Fikraddaas waxaa saldhig u ahaa daboolidda baahiyaha dadka iyo yaraynta faqriga (needs theory & poverty reduction). Laga soo bilaabo 1980-na, waxaa soo baxday fikrad horumarineed oo loo bixiyey suuqa xorta ah (free market approach), oo sidoo kale loo yaqaan is-afgaradkii ama heshiiskii Washington (Washington Consensus). Qorshahan, oo ay hormuud u ahaayeen waddamada reer galbeedka, waxaa fulinta barnaamijyadiisa loo xilsaaray hay’adaha Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka (IMF, WB).
Barnaamijyada Afrika laga fuliyey ee qorshahaas aad loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa barnaamijkii dib-u-qaabaynta hay’adaha dawladda iyo siyaasadaha ay ku shaqeeyaan (Structural Adjustment), kaas oo lagu qasbay dalal badan oo Afrikaan ah in, si mucaawino loo siiyo, ay qaataan nidaamkaas. Hay’adaha dawladahaasna dib-u-qaabayn ayaa lagu sameeyey, shaqaale badanna waa la ruqseeyey. Wuxuu ahaa barnaamij aan ka turjumayn duruufaha gaarka ah ee Afrikaanka; sidaas darteed, waxaa la sheegaa in dhibaato badan ay ka soo gaartay shacbiga Afrika.
Marxaladahaas aan ka soo sheekaynay waa milicsi kooban oo ku saabsan marxaladihii iyo ujeeddooyinkii horumarinta caalamiga ahi soo martay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, inagoo tusaale ahaan u soo qaadanay wax yar oo kooban, maadaama aan qoraal yar lagu soo koobi karin. Hadda waxaa isbeddelay nidaamkii adduunku u shaqaynayey (global order), waxaana abuurmay nidaam cusub (new order) oo ay jilayaashu ku bateen (multi-polar system). Waagaas aan ka soo sheekaynay, adduunka waxaa ka jiray laba awoodood oo is-dheellitiraya (bi-polar system), oo ay kala hoggaaminayeen Maraykanka iyo Ruushka. Dabadeed, markii awooddii Midowgii Soofiyeeti meesha ka baxday, wuxuu adduunku isu beddelay nidaam awood hal dhinac ah (uni-polar system), oo Maraykanku ahaa awoodda keliya ee caalamka. Hadda se, adduunku wuxuu u sii siqayaa nidaam awoodo badan (multi-polar system) oo ay ka mid yihiin Ruushka, Maraykanka, Shiinaha iyo waddamo kale sida Turkiga, Hindiya iyo kuwo kale, halkaas oo ay sidoo kale ka abuurmeen awoodo goboleedyo tiro badan.
Geedi socodka Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Puntland
Qorshaha horumarinta Puntland wuxuu soo bilowday 2007, markaas oo la sameeyey qorshihii horumarinta shanta sano ee kowaad, kaas oo lagu shaqaynayey ilaa 2011. Mawduuca uu xoogga saarayey wuxuu ahaa ka soo kabashada colaadaha iyo asaaska dawlad-dhiska (post-recovery and basic state building). Qorshihii labaad ayaa la sameeyey 2014 ilaa 2018, mawduuca uu xoogga saarayeyna wuxuu ahaa kobcinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha (economic growth and infrastructure). Qorshihii saddexaad waxaa la sameeyey 2020 ilaa 2024, wuxuuna xoogga saarayey kobcin dhaqaale oo loo dhan yahay iyo adkaysiga bulshada (inclusive economic growth and resilience). Qorshihii afraad ayaa dhowaan la shaaciyey, wuxuuna ka bilaabanayaa 2026 kuna eg yahay 2029. Qorshahan wuxuu xoogga saarayaa isbeddelka dhaqaalaha iyo isku-tashiga (economic transformation and self-reliance), wuxuuna dhiirrigelinayaa maalgelinta gaarka loo leeyahay (private investment), ka faa’iidaysiga dhaqaalaha buluugga ah iyo dib-u-qaabaynta hay’adaha dawladda.
Dhammaan qorshayaasha aan kor ku soo sheegnay waxay u muuqdaan kuwo inta badan loo diyaariyey si loogu helo mucaawino dibadeed. Inkasta oo qorshaha afraad ee u dambeeya ay ka muuqato aragti ku salaysan isku-tashi, sida xoojinta maalgelinta gaarka loo leeyahay ee gudaha iyo in dawladdu qayb weyn ka qaadato kharashaadka horumarinta, haddana waxaa muuqata in miisaaniyadda 2026 la ansixiyey ka hor intaan qorshaha la shaacin, taas oo muujinaysa inaan labadu si buuxda isugu waafaqsanayn. Arrinka isku-tashiga ee ka muuqda qorshaha afraad waa mid soo dhoweyn mudan; hase yeeshee, hirgelintiisu waxay ku xirnaan doontaa sida uu qorshaha horumarineed uga muuqdo miisaaniyadda dawladda iyo sida ay u suuragasho fulintiisu.
Mida kale ee xusidda mudan ayaa ah in miisaaniyadda loo qoondeeyey fulinta qorshahan, sida ku cad qorshaha afraad, ay dhan tahay USD 1,783,875,579 (hal bilyan toddoba boqol sideetan iyo saddex milyan shan boqol toddobaatan iyo sagaal kun), taas oo macnaheedu yahay in sannadkii loo baahan yahay ku dhowaad USD 356,775,114.6 (saddex boqol konton iyo lix milyan, toddoba boqol toddobaatan iyo shan kun boqol iyo afar iyo toban doolar). Lacagtaas, sida qorshuhu tilmaamayo, waxay ka imaanaysaa Dawladda Puntland, ganacsiga gaarka loo leeyahay, qurbo-joogta, xawaaladaha, maalgelinta dibadeed (FDI), zakada iyo ugu dambayn saaxiibada caalamiga ah ee taageera Puntland. Hase yeeshee, qorshuhu si cad uma qeexayo boqolleyda dhinac kasta laga filayo inuu bixiyo, mana muuqato ballan-qaad rasmi ah oo ku saabsan sida lacagtaas loo heli doono.
Muxuu ku salaysan yahay qorshaha afraad shanta sano ma isku tashi mise mucaawino dibadeed?
Sida muuqata, dhaqaalaha adduunka oo sii xumaanaya, kan Soomaaliya oo xaalkiisu aad u sii liito, iyo Puntland oo ganacsato badan ay dhaqaalahoodii dibadda u saareen kuna maalgeliyeen meelo kale, lacagta sannadkii loo baahanyahay oo ka badan saddex boqol oo milyan waxay u muuqataa inaan si qoto dheer looga fiirsan. Haddii ujeeddada qorshuhu tahay isku-tashi, waxaa muuqata in aanay suurtagal ahayn in lacag intaas le’eg ay ka soo baxdo dawladdu iyo ganacsatada gudaha midkoodna.
Waxaadse mooddaa, sida qorshuhu u qoran yahay, inuu yahay qaab isku dhafan oo dhinac isku-tashi laga samaynayo, dhinaca kalena mucaawino dibadeed la rajaynayo. Iyadoo lacagta intaas le’eg oo ka badan dhowr boqol oo milyan sannadkii ay adag tahay in mucaawino dibadeed lagu helo, haddana bal aan u dayno waqtiga iyo sida uu qorshaha afraad ku dambayn doono mustaqbalka.
Ma jiraa dal horumar ku gaaray kaalmo dibadeed?
Qofkii akhriya buugga ay qortay gabadha Afrikaanka ah ee lagu magacaabo Dambisa Moyo wuxuu ka dheehanayaa inaysan jirin dal horumar ku gaaray kaalmo dibadeed oo keliya. Waxayna kula talisay waddamada Afrikaanka inay iska dhaafaan ku tiirsanaanta kaalmada dibadeed, kana xoogga saaraan maalgashiga gudaha iyo kan dibadda, iyagoo abuuraya jawi maalgashi oo suurtagal ka dhiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo sharciyadda. Khubaro kale ayaa iyaguna ku dooday in waddan uusan horumar samayn karin haddii uusan abuurin nidaam dawlad-wanaag ku dhisan, oo sharcigu sarreeyo, musuqmaasuqa lala dagaallamo, wax-soo-saarka dalka la xoojiyo, isla markaana la dhiso hay’ado dawladdeed oo karti leh oo awood u leh inay qabtaan shaqada laga sugayo, kana madax bannaan in dano gaar ah loo adeegsado. Sidaas awgeed, waxay aragtiyahooda ku soo ururiyeen saddex arrimood oo waaweyn: dawlad-wanaag (good governance), maalgelin (capital investment) iyo hay’ado dawladdeed oo karti leh loona siman yahay (capable and inclusive institutions).
Gabagabo
Puntland iyo Soomaaliya labadaba, si horumar loo gaaro, waxaa lagama maarmaan ah in ku tiirsanaanta deeqaha dibadda si weyn loo yareeyo ama la joojiyo, beddelkeedana la qaato nidaam ku dhisan isku-tashi. Horumarku wuxuu ka bilowdaa dawlad-wanaag; dawlad-wanaagga, sida aan hore qormo uga qoray, guud ahaan waa hirgelinta sharciga, nidaamka isla xisaabtanka, la dagaallanka musuqmaasuqa noocyadiisa kala duwan, iyo in dawladnimada loogu adeego bulshada, ee aan laga adeegan.
Ugu dambayntii, haddii la rabo in horumar la sameeyo, waxaa lama huraan ah in la dhiso hay’ado dawladdeed oo karti leh, isla markaana u diyaarsan inay ka shaqeeyaan danta guud ee bulshada, ee aan cid gaar ah u adeegin (capable and inclusive institutions). Saddexdaas arrimood waa furaha horumarka dal, waana in la dhaqan geliyo si bulshadu horumar ugu tallaabsato.
Qoraaga

- waa khabiir muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeynayay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu madax ka noqday hay’ado caalami ah.
Latest entries
MaqaaloMarch 29, 2026Soomaaliya: Habdhaqanka Madaxda Siyaasaddu Ma Burburin Dawladnimaa Mise Dawlad Dhis?
MaqaaloFebruary 25, 2026Puntland: Qorshaha Horumarinta Afraad ee 2026–2029 muxuu ku salaysan yahay — kaalmo dibadeed mise isku-tashi bulsho?
FaalooyinJanuary 29, 2026Soomaaliya 25 Sano Ka Dib: Dhismaha Dowladnimada Saddexaad, Doorasho iyo Dastuur lagu muransan yahay – Maxaa Xal u ah 2026 iyo Ka Dib? Qaybta 2-aad
FaalooyinDecember 29, 2025Soomaaliya 25 Sano Ka Dib: Dhismaha Dowladnimada Saddexaad, Doorasho iyo Dastuur lagu muransan yahay – Maxaa Xal u ah 2026 iyo Ka Dib? Qaybta 1-aad










