Khayraadka Kalluumaysiga Soomaaliya: Maxaa ka hor taagan ka faa’iidaysigiisa, maxaase fursado ah oo jira?

Hordhac

Soomaaliya waa dalka leh xeebta ugu dheer Afrika. Dhulka Soomaaliya wuxuu si ballaaran ugu teedsan yahay Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Sida ay marar badan sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha (FAO), Soomaaliya waxay leedahay khayraad kalluun oo aad u badan, balse aan weli si buuxda looga faa’iidaysan. Badda Soomaaliya waxay hodan ku tahay noocyo kala duwan oo kalluun ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin kalluunka biyaha sare mara (pelagic fisheries), qolofleyda sida aargoostada, iyo kalluunka gunta badda ku nool (demersal fish), iyo noocyo kale oo badan. Sida ay qiyaastay FAO, Soomaaliya waxaa sannadkii laga soo saari karaa ilaa 200,000 tan oo kalluun ah, hase yeeshee wax-soo-saarka hadda jira aad ayuu uga hooseeyaa heerkaas.

Waxaa jira dabaylo iyo mawjado si gaar ah iyo xilliyo gaar ah ka dhaca badda Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Puntland (Upwelling, seasonal ocean currents), dabaylahaas waxay ka soo qaadaan nafaqada kalluunku u baahan yahay gunta hoose ee badda isla markaasna kor u soo saaraan, khaas ahaan dabaylahaas waxay ka dhacaan Badweynta Hindiya. Nafaqadaas dabayluhu sababeen ayaa soo jiita kalluun tiro badan, waana middaas sababta ay Soomaaliya wax-soo-saar kalluun oo badan ay u yeelatay adduunka oo dhanna looga soo shaqo tagay si loo boobo Khayraadkaas ay Soomaalidu ka faa’iidaysan weyday.

Haddaba, Soomaaliya waxay khayraadkaas kalluunka ee Ilaahay ku mannaystay uga faa’iidaysan kartaa dhinacyo badan, oo ay ka mid yihiin sugnaanta cuntada (food security). Dadka iyo xoolaha labadaba waxaa laga samayn karaa cunto nafaqo leh. Waxaa jira warbixino badan oo sheegaya in haraaga kalluunka ee la qubo (fish waste) loo diyaarin karo loogana dhigi karo cunto (fish meal) xoolaha ay Soomaalidu dhaqato, kuwaas oo waqtiyadan dambe ay soo wajahday abaaro tira badan oo sababay in xoolihii Soomaalidu ay gaajo u dhamaadaan.

Arrinta labaad ee looga faa’iidaysan karo waa shaqo-abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha. Haddii la abuuro warshado kalluunka hagaajiya oo si tayo leh, kuna habboon cunista aadanaha loo diyaariyo, kalluumaysigu wuxuu noqon karaa il dhaqaale oo ka qayb qaadata kobcinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya, isla markaana soo gelisa lacag adag.

Haddaba, inkastoo aan qormo kooban lagu soo koobi karin sababaha Soomaaliya uga faa’iidaysan weyday khayraadka kalluunka ee Ilaahay ku mannaystay, haddana waxaan isku dayi doonnaa inaan iftiiminno caqabadaha ugu waaweyn sida xasillooni-darrada siyaasadeed iyo amni-xumada, tabardarida hay’adaha, kalluumaysiga sharci-darrada ah, kaabayaasha liita, farsamada wax-soo-saarka, aqoonta iyo xirfadaha, maalgelinta, iyo suuq-geynta kalluunka.

Nabadgelyada iyo xasilloonida siyaasadeed (security and stability)

Waxaa la isku waafaqsan yahay in Xasilloonida siyaasadeed ay keento jawi nabadgelyo, xasillooni iyo horumar, Soomaaliya kama jirto xasillooni siyaasadeed muddo ku dhow nus qarni, taasi waxay keentay  dhibaatooyin fara badan sida xasillooni darro siyaasadeed, qalalaase amni, faragelin shisheeye, kala qoqobnaan dawladeed, dhaqaale xumo, musumaasuq iyo raja xumo guud ahaan ay qabaan dadka Soomaaliyeed khaasatan dhalinyarada.

Xasilloonida siyaasadeed waa furaha caqabad kasta oo maanta soomaaliya ay wajahayso kalluumaysiguna ka mid yahay. Soomaaliya si buuxda uma maamusho baddeeda mana xukunto ficil ahaan( Defacto) laakiin waxay u xukuntaa sharci ahaan maadama baddaas Soomaliya loo aqoonsan yahay ( de jure).  Xasillooni darrada siyaasadeed waxay keentay in hay’adihii dawladda ee u xilsaarnaa ilaalinta badaha, kalluumaysiga sharci darada ah ay burburaan ama noqdaan kuwa aan lahayn awood waxqabad. Hay’adahaas waxaa ka mid ah ciidankii badda Soomaaliya oo u xilsaarnaa kormeerka iyo ilaalinta badda.

Waxaa abuurmay burcad-badeed ka hanaqaadday badda Soomaaliya, taasoo u keentay magac-xumo iyo ammaan-darro ummadda Soomaaliyeed. Waxay sababtay in dowlado shisheeye ay keenaan ciidamo ku sugan badda Soomaaliya, kuwaas oo la dagaallamay burcad-badeedda ka dillaacday badaha Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay awood u yeelan weyday inay xalliso dhibaatada ka dhacaysay baddeeda. Weli qaybo ka mid ah ciidamadaas ayaa ku sugan badaha Soomaaliya, iyagoo sheegaya inay u joogaan sugidda ammaanka badda Soomaaliya iyo ka hortagga in ay dib u soo laabato burcad-badeedii hore uga dillaacday geyiga Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in ciidamadaas aysan waxba ka qaban kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda badaha Soomaaliya, iyagoo ku andacoonaya inaysan ka haysan dowladahooda waajibaad ay arrinkaas wax kaga qabtaan. Waxaa jira warbixinno sheegaya in maraakiibtaas laftoodu ay fududeeyaan kalluumaysi sharci-darro ah oo ka dhaca badda Soomaaliya, khaas ahaan aagga dhaqaalaha gaarka ah (exclusive economic zone) oo ay Soomaaliya sharciyan sheegato inay maamusho, isla markaana leedahay dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee aaggaas ku jira. Waxaa kale oo xusid mudan in adduunku walaac weyn ka qabo arrimaha nabadgelyada badda Soomaaliya (maritime security), iyadoo la sheegayo inay jiraan dhoofin hub sharci-darro ah, gaar ahaan badda u dhexeysa Yemen iyo Soomaaliya, halkaas oo la aaminsan yahay in hub sharci-darro ah laga soo geliyo Soomaaliya si loogu isticmaalo colaadaha iyo amni-xumada dalka ka jira.

Ugu dambayntii, Soomaaliya waxay xuduud badeed (maritime borders) la leedahay Kenya, Yemen iyo Jabuuti. Waxaan ognahay in Kenya iyo Soomaaliya uu dhex maray muran xagga xuduudda badda ah, taas oo keentay in la isla tago Maxkamadda Adduunka, oo u xukuntay Soomaaliya inta badan dacwaddii ay soo bandhigtay, hase yeeshee Kenya kuma qanacsana. Waxaa kaloo jirta in aan si cad loo aqoon halka ay tahay xuduud-badeedka Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidoo kale Soomaaliya iyo Jabuuti, mana muuqato in si dhab ah looga wada hadlay arrimahaas.

Tabardarida awoodda maamul ee hay’adaha dowladda ee u xilsaaran kalluumaysiga (weak institutions and fisheries governance)

Soomaaliya waxaa ka jira hay’ado dawladeed sida wasaaradda kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah oo ah heer dawlad federaal, waxaa kale oo jira wasaaradaha kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee heer maamul goboleed ah, dhammaan hay’adahaas ma jiro siyaasad kalluumaysi (fisheries policy) oo ay isku waafaqsan yihiin sidoo kale ma jirto xeerar kalluumaysi (fisheries regulation) oo ay heshiis ku yihiin. Kalluumaysiguna sida hay’adaha kale oo dawladda wuxuu u baahan yahay siyaasad dawladeed iyo xeerar iyo shuruuc lagu maamulo isla markaasna ay jirto awood dhaqan gelin karta siyaasadaas iyo xeerakaas.

Mar haddii aysan jirin siyaasad iyo xeerar kalluumaysi oo Soomaalidu isku raacsantahay, sidoo kalena hay’adihii heer federaal iyo maamul goboleed aysan wada shaqayn fiican lahayn, isla markaasna u diyaarsnayn sidii la rabay, xuduuddii badda Soomaaliya ay la lahayd dalalka kale waxna muran kujiraan waxna aan la aqoon halka xuduud badeedku tahay, waxaa iska cad in ay wasaaradaha kalluumaysigu magac ahaan isaga jiraan laakinse aysan awood u lahayn inay qabtaan shaqadii looga baahnaa.

Soomaaliya, hay’adaha u xilsaaran kalluumaysigu ma laha awooddii iyo farsamadii ay ku ilaalin lahaayeen badda (monitoring, surveillance and control). Ciidanka baddana, sida aan kor ku soo sheegnay, ma laha awood ku filan, mana haystaan doonyo iyo maraakiib ay badda ku roondeeyaan, iyo sidoo kale qalab iyo farsamo lagula socdo dhaqdhaqaaqa ka socda badda, sida aaladda la socodka nidaamka maraakiibta (vessel monitoring system).

Sidoo kale, ma jiraan cilmi-baarisyo lagu go’aan qaadan karo oo lagu sameeyey khayraadka badda Soomaaliya, hay’adaha hadda jiraana uma diyaarsana, awoodna uma laha inay sameeyaan cilmi-baarisyadaas. Cilmi-baarista muhiimka ah waxaa ka mid ah la socodka kaydka kalluunka badda ku jira (fish stocks) iyo ururinta macluumaadka kalluumaysiga sida xaddiga kalluunka la soo qabto (catch volumes), ha ahaato mid laga soo dejiyo xeebaha ama ay qabtaan maraakiibta sharciga la siiyay. Haddii macluumaadkaas la uruurin lahaa oo cilmi-baaris laga samayn lahaa, waxay bixin lahayd xog muhiim ah oo ku saabsan xaaladda khayraadka badda Soomaaliya.

Kalluumasyiga sharci darada ah (illegal, unreported, unregulated fishing)

Kalluumaysiga sharci darrada ah waa dhibaatada koowaad oo khayraadka badda Soomaaliya ay wajahayso. Hay’adda cuntada adduunka (FAO) waxay kallumaysiga sharci darrada ah ku qeexdaa inuu yahay “kalluumaysiga aan si sharci ah loo ogolaan , kalluumaysiga aan warbixin laga soo gudbin natiijadiisa (lack of reporting catches), kalluumaysiga ku xadgudba shuruucda dhowrista deegaanka iyo noolaha badda”.

Hay’ado badan oo ay ka mid yihiin Hay’adda Cuntada Adduunka (FAO) iyo hay’adda Secure Fisheries ayaa qoray sannadkii 2014 in Soomaaliya si sharci-darro ah looga xaday kalluun ka badan 100,000 MT sanadkii; taasoo u dhiganta qiyaas dhan 300–400 milyan oo doolar sanadkii. Runtii, tuugadaas waxaa gacan weyn siiya dad Soomaaliyeed oo iyaguna dullaalo u ah maraakiibta iyo doonyaha shisheeye, kuwaas oo laba nooc isugu jira: kuwo sharci ka qaata maamullada dalka ka jira, gaar ahaan Dowladda Federaalka iyo Puntland, kuwaas oo bixiya oggolaansho maraakiib iyo doonyo ay kalluun kaga qaataan baddeena. Hase yeeshee, nasiib darro, maraakiibtaas iyo doonyahaas lama yaqaan cadadka kalluunka ay qaataan, maadaama aysan ku soo xiran dekedaha Soomaaliya si loo hubiyo in waxa ay soo jillaabteen ay waafaqsan yihiin ruqsaddii la siiyay.

Waxaa kale oo jira kuwo aan wax oggolaansho ah ka qaadan dowlad, heer kastaba ha ahaatee, kuwaas oo si toos ah u soo gala badda isla markaana gurta khayraadka kalluunka ee ku jira. Qaar waa doonyo yar-yar oo badanaa laga leeyahay Yemen, kuwaas oo ka kalluumaysta aagga 12 mayl illaa 50 mayl, iyo kuwo kale oo maraakiib waaweyn ah oo iyagu ka kalluumaysta aagga dhaqaalaha gaarka ah (exclusive economic zone).

Kaabayaasha iyo ganacsiga kalluumaysiga oo liita (weak fisheries infrastructure and value chain)

Dhibaatada kale oo kalluumaysiga Soomaliya uu wajahayo waxaa ka mid ah la’aanta adeegyada iyo kaabayaasha kalluunka sida dekedo yar yar oo kalluumaysi, Qaboojiyayaal kalluunka lagu kaydiyo (cold chain facilities) iyo meelo cayiman oo loo diyaariey in kalluunka laga soo dejiyo (fish landing sites).  arrimahaas kama jiraan Soomaaliya sidaas darteed cidina awood uma laha inay kaydiso kalluun xaddi badan ah oo tayadiisa la xaqiijiyey iyo in la tira koobo cadadka kalluunka la soo qabto iwm.  Arrintaasuna waa mid ka mid ah sababaha Soomaalidu kalluunkooda ugu dhoofin waayeen suuqyada caalamka.

Awoodda iyo farsamada wax-soo-saarka kalluunka oo liidata (low fishing capacity and use of fisheries technology)

Dadka Soomaaliyeed iyo shirkadaha kalluumaysiga ee Soomaalidu ma laha awood farsamo (fishing technology) oo ay kalluunka kula soo baxaan, sida qalab casri ah, doonyo iyo maraakiib qaban kara cadad kalluun oo badan. Taasi waxay keentay in wax-soo-saarka kalluunka ee dadka Soomaalidu uu noqdo mid aad u hooseeya, maadaama aysan haysan gaadiid iyo farsamo casri ah oo ay kula soo baxaan. Taas beddelkeeda, khayraadka inta badan waxaa gurta maraakiibta shisheeye oo leh qalab, farsamo iyo xirfad ay kula soo baxaan kalluunka. Taasina waa nasiib darro weyn, maadaama dadkii dhulka lahaa aysan waxba la soo bixi karin, halka shisheeyuhu guranayo khayraadkoodii. Arrintaasna waa masuuliyad ay ka gaabisay dowladda Soomaaliyeed, heer kastaba ha ahaatee.

Aqoonta iyo xirfadaha la xiriira badaha iyo kalluumaysiga oo liita (low skills and professional knowledge of marine and fisheries)

Aqoonta la xiriirta badaha iyo kalluumaysiga aad bay ugu yar tahay dadka Soomaaliyeed. Dadkii koobnaa ee aqoontaas bartay xilligii dowladihii hore maanta waa gaboobeen, qaarna way dhinteen. Soomaaliya kama jiraan dugsiyo sare iyo jaamacado si fiican loogu barto cilmiga badda iyo kalluumaysiga, haddii ay jiraanna waxtarkoodu waa hooseeyaa. Sidaas darteed, xirfadda iyo aqoonta badaha iyo kalluumaysigu waa caqabad aad u weyn oo jirta, kana mid ah caqabadaha haysta kalluumaysiga Soomaaliya.

Maalgelinta kalluumaysiga, hubinta tayada cuntada kalluunka, iyo gaarsiinta suuqyada kalluunka ee caalamka (fisheries investment, fish product quality, access to markets)

Kalluumaysigu wuxuu u baahan yahay maalgelin ka timaadda dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay labadaba. Si kastaba ha ahaatee, labaduba way ka gaabiyaan maalgelinta khayraadka kalluunka; taa beddelkeeda, ganacsatada Soomaaliyeed waxay si weyn u maalgashadaan dhismaha guryaha, xitaa iyagoo ku sameeya dalal shisheeye. Kalluunka Soomaaliya wuxuu u baahan yahay in loo helo kaabayaal (fisheries infrastructure), qaboojiyayaal (cold chains), warshado kalluunka lagu farsameeyo (fish processing facilities), iyo in la kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kalluumaysiga iyo khayraadka badda. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la horumariyo nidaamka soo qabashada, qaadista, iyo soo dejinta kalluunka meelo si gaar ah loo diyaariyey (fish landing sites). Haddii arrimahaas la maalgeliyo, waxay hagaajin karaan hubinta tayada kalluunka, taasoo keeni karta in kalluunka Soomaalidu gaaro suuqyada caalamka isla markaana uu dhaqaale wanaagsan dalka soo geliyo.

Gabagabo  

Haddii aan la helin ammaan iyo xasillooni siyaasadeed, aan laga bixin kala-qoqobnaanta iyo muranka macna-darrada ah, aan la dhisin hay’ado tayo leh oo Soomaaliyeed, isla markaana aan la dejin siyaasad iyo xeer kalluumaysi oo la isku waafaqsan yahay, siyaasaddaas iyo xeerarkaasna aan loo diyaarin awooddii iyo qaabkii lagu dhaqan gelin lahaa, aan la kobcin awoodda waxqabad ee hay’adaha kalluumaysiga u xilsaaran dhinacyada aqooneed, farsamo iyo maaliyadeed, isla markaana aan loo helin maalgelin kalluumaysiga Soomaaliya, tayadiisana aan kor loo qaadin si waafaqsan nidaamyada caalamiga ah ee hubinta tayada cuntada—intaas iyo wax ka badanba haddii aan si degdeg ah loo helin, Soomaaliya weligeed kama faa’iidaysan doonto khayraadka kalluunka ee Ilaahay ku mannaystay.

Taa beddelkeeda, waxaa ka faa’iidaystay kana faa’iidaysan doona shisheeye. Ugu dambayntii, xalku kama imanayo in shirkado ajnabi ah qandaraas lagu siiyo ama heshiis lala galo si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay, gaar ahaan iyadoo nidaamka heshiisyadaasi yahay mid aan caddayn, oo ay ka muuqato mugdi iyo daahfurnaan la’aan. Puntland ayaa waddadaas hore u qaadday, balse kama faa’iidin; dad shaqsiyaad ah ayaa ka xoolaystay oo ku danaystay. Haatanna waxaa muuqata in dowladda federaalku ay isla waddadaas xal ka raadinayso. Si kastaba ha ahaatee, Puntland horay ayay ugu khasaartay isku daygaas, waqtigana ayaa muujin doona sida ay ku dambayn doonto, balse ma muuqato in shirkado shisheeye ay xallin karaan caqabadaha aan kor ku soo sheegnay.

Qoraaga
Ahmed Said Aw-nur
Ahmed Said Aw-nurwaa khabiir muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeynayay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu madax ka noqday hay’ado caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link