Hordhac
Marka la eego dib-u-dhiska waxbarashada Soomaaliya ee dib usoo kabanaysa, isku-dhafka tiknooloojiyadda iyo waxbarashada waa in loo arkaa mid ka baxsan helitaanka qalabka waxbarashada sida shaashadaha oo keliya, Sida ay tilmaamayso hay’adda NFES (Norwegian Formation Evaluation Society), isku-dhafka tiknooloojiyadda iyo waxbarashada wuxuu ku saabsanyahay ku daridda qalabka iyo hababka tiknooloojiyadda ee hawlaha maalinlaha ah ee dugsiyada, jaamacadaha iyo goobkasta oo waxbarasho. Sidoo kale, ISTE (International Society for Technology in Education) waxay qeexaysaa in is-dhexgal wax ku ool ahi uu dhaco marka tiknooloojiyaddu noqoto qayb dabiici ah oo ka mid ah habka waxbarashada, taas oo ka caawisa ardayda inay fahmaan xogta oo ay xalliyaan dhibaatooyinka.
Arrinta muhiimka ah waxay tahay sida macallimiinta Soomaaliyeed kor loogu qaadi karo heerkooda wacyi oo si fudud loo gaarsiin karo fahamka isku dhafka tiknooloojiyadda iyo waxbarashada (Integration of Technology and Education) ilaa heer ay si firfircoon u wadaagaan oo ay u qiimeeyaan isticmaalka tiknooloojiyadda. Inkasta oo heerarka caalamiga ah ay muujinayaan isticmaal sare oo qalabka aasaasiga ah, haddana u isticmaalka xeeladaysan ee tiknooloojiyadda dhanka waxbarashada ayaa weli hooseeya marka la eego nidaamka waxbarashada Soomaaliya.
Dib-u-eegis isku dhafka tiknooloojiyadda iyo waxbarashada
Qaabkan waxbarasho wuxuu ku dhisanyahay laba aragti oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah “Diffusion Theory” iyo “Technological Pedagogical Content Knowledge (TPACK)”, Diffusion Theory waxay sharaxaysaa sida hal-abuurnimada ay bulshada ugu faafto, iyadoo tilmaamaysa in dadka ay ku kala duwan yihiin heerarka ay u qaataan tiknooloojiyadda cusub. Soomaaliya gudaheeda, rabitaanka isbeddelka iyo qanacsanaan la’aanta nidaamka jira ayaa dardar gelin kara qaadashada habkan cusub oo ah isku dhafka tiknooloojiyadda waxbarashada.
Dhanka kale, qaabka “TPACK” wuxuu muujinayaa in baris wax ku ool ah ay ku xirantahay isku-darka saddex arrimood oo kala ah aqoonta maaddada, habka baridda, iyo tiknooloojiyadda.
Isku-darka saddexdan ayaa horseeda baris tayo sare leh, maadaama macallinku uu awood u yeesho inuu si habboon u adeegsado tiknoolajiyada si uu u gudbiyo mawduuca.
Xaaladda waxbarashada Soomaaliya
Xaaladda hadda ee waxbarashada Soomaaliya waxay muujinaysaa isbarbardhig u dhexeeya isticmaalka qalabka aasaasiga ah iyo kuwa horumarsan. Inkasta oo isticmaalka qalabka sida “projector”-ka iyo software-rada xafiisyada uu sarreeyo, haddana u isticmaalka tiknooloojiyadda horumarsan ee dhanka waxbarista ama barashada ayaa aad u hooseeya. Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo in la xoojiyo xirfadaha macallimiinta iyo in la horumariyo kaabayaasha tiknooloojiyadda.
Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah farqiga xirfadda, kaabayaasha aan degganayn, iyo la’aanta qorshe istaraatiiji ah oo mideeya hay’adaha waxbarashada. Arrimahan ayaa si weyn u xaddidaya horumarka iskudhafka tiknooloojiyadda iyo waxbarashada dalka.
Faa’iidooyinka Isku-dhafka Tiknooloojiyada iyo waxbarashada
Isku-dhafka tiknooloojiyadda iyo waxbarashada wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin kor u qaadidda barashada firfircoon, horumarinta falanqaynta fikirka, iyo yareynta farqiga u dhexeeya magaalooyinka iyo miyiga. Tani waxa micnaheedu tahay in qofku meel kasta oo uu joogo, uu fursad u helayo inuu wax la barto dad kala duwan oo meelo kala duwan jooga.
Marka tiknooloojiyadda la adeegsado, ardaydu ma aha oo kaliya dhagaystayaal, balse waxay noqdaan kuwo si firfircoon uga qayb qaata casharada. Tani waxay kobcisaa xiisaha barashada, waxayna sare u qaadaa awoodda ardayga ee fahamka iyo xusuusashada macluumaadka.
Sidoo kale, tiknooloojiyaddu waxay xoojisaa horumarinta fikirka falanqaynta (critical thinking), maadaama ardaydu ay helaan ilo kala duwan oo macluumaad ah, isla markaana ay bartaan sida loo kala saaro xogta saxda ah iyo tan khaldan. Tani waxay ka dhigeysaa ardayga mid awood u leh inuu si madax-bannaan u fikiro oo u go’aan qaato.
Intaa waxaa dheer, adeegsiga aaladaha sida “Google Workspace” wuxuu sahlaa in macallimiintu ay abuuraan jawi waxbarasho oo casri ah oo isku xira ardayda iyo macallimiinta meelo kala fog. Tani waxay si gaar ah faa’iido ugu leedahay meelaha miyiga ah ee aan helin adeegyo waxbarasho oo buuxa.
Tiknooloojiyadda waxay fududeysaa wadaagista agabka waxbarasho iyadoo la adeegsanayo meelo kala duwan sida “Google Drive” iyo “Google Classroom”, taas oo ardayda siinaysa fursad ay si joogto ah u helaan casharradooda, dibna u eegaan marka ay u baahdaan. Iyadoo laga duulayo faa’idooyinkaa aynu soo sheegnay waxaa si buuxda loo oran karaa isku-dhafka tiknooloojiyadda iyo waxbarashada waxay horseedi kartaa waxbarasho loo simanyahay (equitable learning), maadaama uu meesha ka saarayo xannibaadaha juqraafiyadeed isla markaana uu arday kasta siinayo fursad uu ku gaaro aqoon tayo leh, iyadoo aan loo eegin halka uu joogo ama duruufihiisa nololeed.
Qaab-dhismeedka lagu hormarinkaro isku dhafka tiknooloojidda iyo waxbarashada
Si loo gaaro isbeddel nidaamsan, waxaa muhiim ah in la qaato qaabab kala duwan sida “RIPPLES”, kaas oo isku dara dhammaan arrimaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah guusha. Qaabkan wuxuu diiradda saarayaa maalgelin joogto ah, horumarinta kaabayaasha, tababarka dadka, dejinta siyaasado cad, kobcinta barashada, qiimeynta natiijooyinka, iyo bixinta taageero joogto ah.
Isku-dhafka tiknooloojiyada ma ahan keliya arrin qalab; waa arrin hoggaan iyo sinnaan. Guusha dhabta ahi waxay u baahantahay isku-dubarid u dhexeeya hab-baridda, kaabayaasha, iyo siyaasadaha hay’adaha.
Manhajyada iyo nidaamyada qiimeynta waa inay la jaanqaadaan xirfadaha dijitaalka ah ee la doonayo, haddii kale tiknooloojiyaddu wax weyn ma beddeli doonto.
Marka aan u sii soconno xilli ay AI (Artificial Intelligence) hoggaaminayso, waa inaan diiradda saarnaa dadka, macallimiinta taageerada helaya ayaa ah kuwa keliya ee u beddeli kara qalabka albaab waxbarasho.
Talo-bixin
- Horumarinta Xirfadaha Macallimiinta (Focus on TPACK)
Waa in aan macallimiinta lagu tababarin keliya sida loo isticmaalo kombuyuutarka, balse la baro qaabka TPACK—sida la isugu xiro aqoonta maadada (Content), habka barista (Pedagogy), iyo aaladaha tiknooloojiyadda (Technology), isla markaana macallimiintu waa in laga caawiyo inay ka guuraan isticmaalka qalabka aasaasiga ah (sida Projector-ka oo keliya) loona gudbiyo isticmaalka xeeladaysan ee ardayda ka dhigaya kuwo firfircoon.
- Dhisidda iyo Xoojinta Kaabayaasha (Focus on RIPPLES)
Dawladda iyo hay’adaha waxbarashadu waa inay u qoondeeyaan miisaaniyad gaar ah dhisidda kaabayaasha tiknooloojiyadda (internet xawaare leh, koronto isku halleyn leh, iyo qalab tayo leh), sidoo kale Si loo gaaro “Waxbarasho loo simanyahay,” waa in mashaariic gaar ah laga hirgeliyo deegaannada miyiga ah si ardayda halkaas joogta ay u helaan fursadaha ay haystaan kuwa magaalooyinka ku nool.
- Dejinta Siyaasado iyo Istaraatiijiyado Midaysan
Waa in la helo nidaam mideysan oo hagaya sida tiknooloojiyadda loogu dhex darayo manhajka qaranka, si uusan dugsi kasta ama jaamacad kasta ugu dhaqmin si gaar ah oo aan nidaamsanayn.
• Habka Qiimeynta: Waa in la beddelo habka imtixaannada iyo qiimeynta ardayda, iyadoo lagu darayo xirfadaha dijitaalka ah iyo falanqaynta fikirka (critical thinking).
- Kor u qaadidda Barashada Firfircoon (Active Learning)
Dugsiyada iyo jaamacaduhu waa inay si buuxda u isticmaalaan aaladaha sida “Google Workspace”, “Google Classroom”, iyo mareegaha kale ee u oggolaanaya ardayda inay wada shaqeeyaan (collaboration) xilli kasta iyo meel kasta.
- U diyaar-garowga Tiknooloojiyadda Cusub (AI)
Maadaama dunidu u guureyso dhanka garaad gacmeedka (AI), waa in manhajka iyo macallimiintuba u diyaar garoobaan sidii garaad gacmeedka loogu isticmaali lahaa si anshax leh oo kor u qaadaysa barashada, halkii laga baqi lahaa. Waa in mar walba maskaxda lagu hayaa in tiknooloojiyaddu tahay “qalab” fududeeye ah, balse “macallinku” uu yahay hoggaamiyaha isbeddelka. Taageerada macallinka ayaa fure u ah guul kasta.
- Dabagalka iyo Qiimeynta Natiijooyinka
Waa in si joogto ah loo qiimeeyaa saameynta tiknooloojiyaddu ku leedahay fahamka ardayda, Haddii qalab la rakibay balse aanay jirin natiijo waxbarasho oo isbedeshay, waa in dib loo eego habka loo adeegsaday.
Gunaanad
Gebagabadii, tiknooloojiyadu ma aha wax lagu daro nidaamka waxbarashada, balse waa qayb muhiim ah oo isku xirta habka baridda iyo nuxurka waxbarashada. Si Soomaaliya u gaarto horumar waara, waxaa lagama maarmaan ah in laga gudbo heerka waxbarista/waxbarashada soo jireenkaa loona gudbo heer is-dhexgal buuxa oo tiknooloojiyadeed. Tani waxay u baahantahay dadaal wadajir ah oo ka yimaada dowladda, hay’adaha waxbarashada, iyo macallimiinta.
Qoraaga

- waa Madaxa Waaxda Cilmi-baarista ee Jaamacadda Boosaaso. Sidoo kalena ah bare sare oo leh khibrad ballaaran oo macallinimo. Cabdiraxmaan wuxuu daabacay maqaallo cilmiyeedyo caalami ah, isagoo diiradda saaraya xanuunka (cancer) ka, wacyigelinta talaalka carruurta, iyo iscaabinta bakteeiya samayso oo Soomaaliya ku soo badanaya.
Latest entries
MaqaaloApril 28, 2026Isku-dhafka waxbarashada iyo tiknoolajiyadda: qaab-dhismeed lagu horumarin karo waxbarasho wax-ku-ool ah
MaqaaloMarch 29, 2026Shahaado Mise Xirfad? Xaqiiqada Suuqa Shaqada ee Ardayda Soomaaliyeed
FaalooyinDecember 29, 2025Doorka cilmi-baarista ee waxbarashada sare ee Soomaaliya
FaalooyinNovember 27, 2025Boosaaso: Magaalo Fursad Haysata oo La Daalaa Dhacaysa Maamul Fadhiid Ah










