Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ilaahay ninkuu xoolo la maago dadkeeduu siiyaa! Dhaqankeennu, haddaynu Soomaali nahay, waxa uu ku salaysanyahay, guud ahaan, nolol-dhaqameedka miyiga: hiddaheenna rasmiga ahi iyo ilaha dhaqameed ee aan ka cabnaayi waa miyiga. Sidaas darteed waa lagama-maarmaan in aynu isla fariisinno dulucda maahmaahdan, innaga oo si weyn isha ugu hayna dhaqanka ay dhabarka ku hayso (the cultural background) amaba ‘khalfiyadeeda’, sida erayada qalaadi u sheegaan si aynu u garwaaqsanno sidkeeda. Si kooban, macneheedu waa in uusan ninna xoolo, mood iyo maalba, dhaqan karin haddii uusan u haysan ciidan, ama dad u quma dhawrista iyo ilaalinta xoolahaasi, si gaar ahaan goorta u gabowgu haleelo.
Sidoo kale maahmaahdu waxa ay tibaaxaysaa in ‘dadkeeda’ la sheegayaayi uu yahay dhallinyaro amaba barbaar madaasho ah oo weliba ay lexejeclo ku larantahay falsamidooda, sida aynu ka dhadhamin karno maahmaahda qaybteeda dambe ee ah ‘dadkeeda’! Haddaynu welibana sii uurdooxno nuxurka, waa waayeel aan dhallinyaro dhaxlayni waxaa ka horreeyaa waa gablan iyo guri madow!
Warka dulucdiisu waa ninkii aan da’yar lahayni waayaha soo aaddan qayb kuma laha, dhaxalkiisuna nin kale buu u yaallaa. Waa haddaynu xaal adduun iyo meertada waayaha wax ku fiirinno. Soomaalidii hore ma aysan moogayn arrinatan, kamana aysan maqnayn maankooda. Si weyn bay ugu baraarugsanaayeen; in nikii aan ‘rag’ ka dambayni uu hallaysan yahay! Wax yar haddaynu milicsanno suugaanta Soomaaliyeed waxaa durba soo ifbaxaysa sida ay u ogaayeen muhimadda dhallinyarada iyo faca soo aaddan, iyo weliba waxtarka ay u leeyihiin beeshooda.
Aynu bal tusaale u soo qaadanno Maxamed Fiin. Waa mid ka mid ah hal-abuurradii waaweynaa ee qaybta ka ahaa silsilad-suugaaneeddii caanka noqotay ee Guba la magac baxday ee guntantay 1930-meeyadii ilaa1950-meeyadii, qiyaastii. Isaga oo marna ku diganaya, marna dhaliil u jeedinaya gabayaa kale, waa Cali Jaamax Gorayo oo loo garan ogyahay Cali Dhuux, buu gabay mariyey. Waxaa ka mid ahaa mirihii gabaygaasi sadaradan:
Guntigii wadaadkii la eed gebagabayntiiye
Galow baa ka ciyey ceelashaad geesi ku ahayde
Buuhoodle geel looma horin goorti dabadeede
Gammaankii badnaa ugama fulo labada geesoode
Garla’dii shubaysiyo la waa garabyo weyntiiye
Geedaha ka baxay laga ma cuno godobyadaw dhowe
God abaaday waakaa noqdiyo guri madoobaade
Waxa guuldarrada ugu wacnaa geli colaadeede
Waa gaasir Reer-Caliwuxuu wada gudboonaaye
Waxa uu gabyayaagu uu Cali Dhuux u sheegayaa in reerkiisu ay ku daba lumeen “Wadaadkii”, Waa Maxamed Cabdille Xasane, ama “Sayidka”, oo ay “Garla’dii” oo ah ubixii soo kacayey ee reerka, ku le’atay duullamadii wadaadka, waa sida uu Maxamed Fiin u bixinayo sawir suugaameed aad u qurux badane, kiiskiisa Cali ka dhanka ahna uu ku xoojinayo. Maxmed Fiin wuxuu leeyahay oo kale “Reer Cali”, waa jifadij Cali-Dhuux, waa “gaasir” oo mustaqbalkeedu waa madowyahay, saa ubaxoodii iyo dhallinyaradii qoysku waa ay le’ataye!
Waxaa la mida Maxamed Cabdille Xasan isaga oo ku diganaya sargaal sirdoonkii Daraawiishta ee Cadan ka hawl geli jirey ka mid ahaa, oo ka goostay isuna dhiibey maamulkii Ingiriiska ee Cadan fadhiyey. Sayidkuna waxa uu kaga falceliyey in uu laayey wiilashiisii xarunta Daraawiishata joogey oo, sida la sheegay, maagay in ay iyana ka baxsadaan xarunta oo la midoobaan aabbahood, ka dib markii uu u soo cid-diray. Dabadeedna waa la makalay wiilashii, midina kama fiigin. Waxa uu yiri Sayidku: “Arki maysid ina shixiriyow inamadaaye!”
Waxaa iyaguna badnaa hal-abuurradii sheegay in haddii dhallinyaradu aysan u diyaarsanayn mustaqbalka aan aayo la sugaa jirin, oo qoyskaasi ama ummaddaasi ay hagaastay ama hoogtayba! Aad bay u badanyihiin hal-abuurrada suugaanta ku cabbiray ciilka ay leedahay haddii dhallinyaro hanaqaad noqon weydo oo lagu hungoobo korriimohoodii.
Marka korriimada guud iyo hanaqaadka barbaarta laga yimaado, waxa aysan waayeelkii Soomaaliyeed hore iyana ka ilduufin doorsoonka dadnimo iyo kan diimeed ee da’yarta uga muuqda amaba ay ku saluugaan. Meel dheer bay ka arki jireen koodii ‘la weheliyo’ ee ay bayri ka muuqato hab-dhaqankiisa. Waayeelka ayaa marka uu ka warbixinayo barbaarkaas bayrta yeeshay oran jirey, hooyo hebel “dadkeenna ma aha!”. Macnuhu ma aha reerka uma eka iyo kama dhalan, ee waa wax kale baa madixiisa galay; waa beddelanyahay; cid kaluu u joogaa! Afka manta lagu hadlo haddaynu ku sheegno, macnuhu waa isku caqiido iyo diin ma nihin.
Taariikhda Soomaalida haddii dib loo raaco, tan iyo intii uu gaalku (gumeystihii) reerka (Soomaaliya) yimid, 1900-ladii laga soo bilaabo, waxaa dhacay doorsoon dhaqan iyo mid diimeed oo xooggan. Gaalku waxa uu saamaynta ugu weyn ku lahaa dhallinyarada intii uu laylyaday ee u dhago nugulayd, hawl-wadeenno na u ahayd, isaga oo farsamooyin kala duwan u soo maray gacan-ku-dhigistooda. Isaga oo arrintaasi ka gubanaya aad na uga dabaaqtamaya buu hogaamiyihii kacdoonkii Daraawiishtu, Sayidku, ka digey arrintaas, waxa uuna ka tiriyey suugaan badan oo kala duwan, siyaabo badanna waa uu uga hadlay. Waakii uu mar lahaa:
“Waakaa fircoon dareersaday diricyadiinniiye
Waa kaa diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e”
Mar kale waatii uu lahaa, isaga oo dhallinyarada iyo maxasta, guud ahaan, la hadlaya, waayeelka gabay na u duur xulaya:
Doodan waxaan u leeyahay, dumarkiyo carruurtoo
Dadkii idinka waynaa, hadday idin dulleeyeen
Dambi kama ay yaabine, cuntay idinka doorteen
Duunyaa la dhaafsaday, dugsigaad galeeyseen
Dameerkuna ma yeeleen, halkay talo ku daysteen
Dab intay shideen bay, dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeen bay, ciid idinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa, idinkama dambeeyee
Hadaydaan digtoonaan, daad bay idin qaadiye
Duleedada kufaartaa, dacas idinku laynoo
Naf dalkaaga doonaysaa, firaash looma daadshee
Dabkan aan shidaayaa, daawadiinna weeyee
Dariiqii rasuulkiyo, dawga ha ka baydhina!
Wax la soo halgamaba 60-meeyadii iyo gobonnimadii baa la soo gaaray. Guud ahaan bulshadu waa ay bishaaraysanaysey. ‘Baloy bayr’ baa la lahaa. Hase yeeshee indheergaradkii, oo guud ahaan aan badnayn sideebdaba, baa qaarkiis wax u muuqdeen. Waxa ay arkeen xubnihii uu gaalku laylyey oo ay ka muuqdaan nabarro aa dhayid lagu dayeyn. Waxaa u muuqday in ay silloonyihiin oo aysan la bah ahayn dadka ay xafiisyada u fadhiyaan, marka la fiirsho xagga dhaqankooda iyo yeelkooda guud. Waxa uu abwaanku gartay in dadkan gaalku xerada uga tagayi aysan sinaba u suubbanayn. Indheergaradkaas waxaa ka mid uun ahaa Allaha u naxariistee faylasuufkii weynaa, gabayaagana ahaa, Guhaad Cabdi-Gahayr. Isaga oo bulshada u sheegaya in gaalnimadu aysan ahayn saanta cad ee ay tahay diin iyo aragti nololeed oo xun, una sheegana in gaalkii saan-caddaha ahaa ee dhulka laga eryey iyo Soomaalidii uu xafiisyada u laylyey, ugana tageyi ay ku kala duwan yihiin haragga jirkooda uun, ee sida kale ay labo gaal uun yihiin, buu Guahaad yiri:
“……………………………………………….
Good iyo Abees ba is badalay garanameysaan
Goroyadi ilmihi bey ka tagtay guumiska aha
Gocondhoyin ba assan iyo mici gabareeye
Karal kaama guurine halkaanu guud madow yahay!………………………………………………….”
Waxa uu gabayaagu bulshada u sheegay in laba nin ee xilka la kala wareegtayi ay xagga waxyeellada ay ummadda u leeyihiini tahay uun sida good iyo abees oo kale. Waa laba halaqa oo lagama-gaaraan ah labaduba hadday ku qallacaan. Sida oo kale waxa uu beydka ugu dambeeya ku sheegayaa in “Karal” oo ahaa badhasaabkii gobollada waqooyi ee xilligaasi, uusan guurin oo aan laga xoroobin dhaqankiisii iyo diintiisii aan diidaneyn, ee uu weli joogo isa oo saantiisii caddayd ee muuqanaysey uun ku bedeshey “guud madow…”.
Sida oo kale gabayaagii weynaa Axmed Ismaaciil Qaasin waatii uu laha:
Isma doorin midkii aan diriyo, daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirse waa dirkii Frenji!
Arrimahaan oo dhami wax aay inoo muujinayaan in dadka Soomaaliyeed, sida dadyowga kalaba, ay u dhug lahaayeen dhawrista iyo korriimaha da’yarooda, iyo mudnaanta ay da’yartu u leedahay mustaqbalka ummadeed ee soo aaddan, iyo weliba kan taagan ee lagu looltamayo.
Qoraaga
Latest entries
E-paperApril 28, 2026Cadadka 13-aad
FaaloApril 28, 2026Dhitadu waa dhallinyarada: Faya-dhowrka faca soo aaddan
MaqaaloApril 28, 2026Qaadka iyo saamayntiisa bulshada: Dhibaatada taagan iyo baahida wacyigelineed qaybta 1-aad
E-paperMarch 29, 2026Cadadka 12-aad










