Mutaysi (meritocracy) waa mabda’ ku saleysan in xilalka iyo shaqooyinka lagu bixiyo karti, aqoon iyo waxqabad, halkii laga eegi lahaa xiriir, qabiil ama dano gaar ah. Marka laga hadlayo dawladnimada casriga ah, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: sidee ayuu mutaysigu u saameeyaa awoodda dowlad, hufnaanteeda iyo kalsoonida ay bulshadu ku qabto?
Cilmi-baarisyo caalami ah oo ay sameeyeen aqoonyahanno iyo hay’ado waaweyn ayaa si qoto dheer uga jawaabaya su’aashan, iyagoo muujinaya in mutaysigu yahay tiir lama huraan u ah dowladnimo dhab ah.
Mutaysiga iyo Dhismaha Hay’adaha Dowliga ah
Aqoonyahanka reer Jarmal Max Weber oo lagu tiriyo aabbaha cilmiga maamulka casriga ah, ayaa sharraxay in nidaamka ugu wax ku oolsan ee dowlad lagu dhiso uu yahay mid ku saleysan shaqaale xirfad leh oo lagu soo xulay kartidooda. Buuggiisa “Economy and Society” wuxuu ku caddeeyay in nidaam ku dhisan xirfad iyo kala dambeyn uu ka awood badan yahay dhammaan nidaamyada kale ee la adeegsado.
Aragtidan waxay muujinaysaa in dowlad kasta oo rabta inay noqoto mid si dhab ah u shaqaysa ay u baahantahay hay’ado ku dhisan aqoon iyo xirfad, halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo ku dhisan danaysi.
Mutaysiga iyo Awoodda Dowladnimada Casriga ah
Cilmibaaraha caanka ah ee Reer Maraykan Francis Fukuyama ayaa buuggiisa “Political Order and Political Decay” ku xusay in dowlad casri ah aysan jiri karin haddii aysan lahayn shaqaale dowladeed oo lagu xushay karti, xirfad iyo aqoon. Fukuyama waxa uu si cad u sheegay in dowlad xooggan ay u baahantahay hay’ado madax-bannaan oo shaqaaleheeda lagu xusho mutaysi, ee aan lagu dhisin danaysi.
Mutaysiga iyo Yaraynta Musuqmaasuqa
Warbixin uu soo saaray World Bank oo cinwaankeedu yahay “World Development Report 2017: Governance and the Law” ayaa muujisay in: Nidaamyada shaqaalaysiinta ee ku dhisan mutaysiga ay kordhiyaan waxqabadka dowladda isla markaana yareeyaan musuqmaasuqa.
Sidaas si la mid ah daraasad ciwaankeedu yahay (Bureaucratic Structure and Economic Performance in Less Developed Countries) oo ay qoreen cilmibaarayaasha Reer Maraykan ee Evans iyo Rauch ayaa caddeysay in: dowladaha leh nidaam shaqaale oo ku dhisan mutaysi ay gaaraan koboc dhaqaale oo ka sarreeya kuwa kale.
Aqoonyahannada Daron Acemoglu iyo James A. Robinson buuggooda “Why Nations Fail” oo ka mid ah buugaagta loogu iibsiga badanyahay waxa ay ku doodeen in horumarka dalalka uu ku xirnaanayo hay’adaha ay leeyihiin. Waxa ayna tilmaameen in: hay’adaha dowladeed ee caddaalad iyo sinnaan ku dhisan shaqaalahoodana mutaysi lagu soo xulay ay yihiin kuwa horseeda horumar waara. Taas oo sabab u noqon karta yaraynta iyo maaraynta musuqmaasuq baaha.
Soomaaliya Iyo Xaalkeeda Xulashada Masuuliyiinta Dowladda
Marka aan hoos eegno soona jalleecno Soomaaliya iyo xaalkeeda waxaa si cad u soo baxaysa in gabi ahaanba ay ka gedisantahay xaaladaha aan kor ku soo xusnay. Waa ay adagtahay in masuul dowladeed lagu qaddariyo ama lagu xusho kartidiisa iyo aqoonta uu u leeyahay shaqada loo dhiibayo. Warbixin uu daabacay World Bank oo cinwaankeedu yahay “Somalia Public Sector Capacity Injection Project” (2017) ayaa xustay in nidaamka shaqaalaysiinta dowladda Soomaaliya uu si weyn ugu tiirsanyahay danaysi oo aan marna la eegin mutaysi. Sidoo kale, daraasad ay sameysay UNDP cinwaankeeduna yahay “Institutional Capacity Assessment in Somalia” ayaa iyaduna xustay in shaqooyinka dowladda inta badan loo adeegsado abaal-marin siyaasadeed, halkii laga eegi lahaa kartida iyo aqoonta shaqsiga shaqada loo dhiibayo. Cilmibaaris kale oo aan kuwa sare ka fogayn ciwaanna looga dhigay “State-building in Somalia: Beyond Patronage Politics” uuna daabacay Macadka Heritage ayaa ayana xustay in nidaamka qabiilka iyo xiriirrada siyaasadeed ay si toos ah u saameeyaan ama ugu lug-leeyihiin magacaabista xilalka dowladda heerarkeeda kala duwan.
Dhammaan qodobbada kore waxa ay isku raacsanyihiin in nidaamka shaqaalaysiinta Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan danaysi, eex, nin-jecleysi iyo dano gaar ah ee aan ee la eegin mudnaanta qofka iyo waxa uu ku soo kordhin karo jagada loo dhiibayo.
Xaalka Xulashada ee Puntland Waa Sidee?
Si aan si fudud ugu fahanno xaaladda Puntland aan soo qaadanno isku-shaandhayntii dhawaan ka dhacday Puntland taas oo noqotay mid taariikhda gashay. Qabiillada Puntland ayaa uga soo horjeestay si aan abid looga soo hor imaan wareegto dowladeed. Waraaqo isku mid ah oo aad mooddid in ciwaannada iyo magacyada reeraha la kala beddelay ayaa si is-dabo-joog ah ugu soo hoobtay baraha bulshada. Shirarka jaraa’id iyo kulamada tooska ah ee beelaha ayaa iyaguna noqday kuwa aan loo aabbo-yeelin. Reer walbaa waxa uu ku gooddiyey in uu qaadi doono tallaabo aan la mahadin haddii uusan helin saamigii uu mudnaa. Taariikhda waa markii ugu horraysay oo ay beelaha Puntland sidaan oo kale yeelaan. Nin dhallinyaro ah oo ka mid ah beelaha waraaqaha soo qoray ayaa aan weyddiiyey: “Maxay tahay sababta beeshaadu u cabanayso?” waxa uu iigu jawaabay: “Beeshaydu waxa ay xaq u leedahay wasiir. Wasiirkana waxa aan ka rabnaa in uu dhallinyarada beesha shaqaalaysiiyo reerkuna qaaraanka ka qaato, sidoo kale xilalkii hadda waxa ay noqdeen wax baraha bulshada looga faano, marka ma mudnin in reer hebel helaan annaguna weyno”. Waa jawaab si cad u muujinaysa heerka hab-fikirka oo ay bulshadeennu joogto. Waa arrin aad looga naxo in masuulkii laga rabay in uu hoggaamiyo hay’ado dowladeed oo bixiya adeeg hufan oo loo simanyahay maanta laga filayo in uu beeshiisa shaqo la raadiyo qaarankana bixiyo.
Cilmi-baaris uu sameeyey Mohamed Ahmed Mohamed (2018) ciwaanna looga dhigay “Public Sector Employment and Clan Dynamics in Puntland” ayaa si cad u sheegtay in shaqaalaysiinta masuuliyiinta Puntland lagu saleeyo la tashiyo oday dhaqameed iyo danta hoggaamiyaha markaas jooga uu ka leeyahay booska uu magacaabayo. Taas oo gabi ahaanba ka soo horjeedda mabda’a mutaysiga iyo aan faa’iidooyinkiisa soo xusnay.
Xulashada qof aan ahayn kii shaqada mudnaa oo lagu keenay dano gaar ah oo ay ka mid yihiin; qancin oday dhaqameed, ciidan meel xirtay, xigto, ama dan u gaar ah hoggaanka markaas xilka jooga ayaa sababta in ay meesha ka baxdo adeeg bixintii dowladda looga fadhiyey, musuqmaasuqu bato, xafiisyadana ay buux dhaafiyaan shaqaale aan aqoon iyo karti toonna u lahayn shaqada loo dhiibay.
Gunaanad
Marka la eego xaaladda Soomaaliya guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan, waxaa muuqata farqi weyn oo u dhexeeya mabda’a mutaysiga iyo hab-dhaqanka dhabta ah ee ka jira xulashada masuuliyiinta. Nidaamka ku dhisan qabiil, eex iyo dano gaar ah ayaa si weyn u wiiqaya awoodda hay’adaha dowliga ah, wuxuuna caqabad ku noqday horumar waara iyo adeeg bulsho oo dhammaystiran.
Haddaba, haddii la doonayo isbeddel dhab ah, waxaa lama huraan ah in dib loo eego habka shaqaalaysiinta iyo magacaabista xilalka dowladda, lana hirgeliyo nidaam cad oo ku saleysan mutaysi, isla markaana laga fogeeyo faragelinta qabiilka iyo danaha gaarka ah. Sidoo kale, doorka aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo dhalinyarada ayaa muhiim u ah wacyigelinta iyo riixidda isbeddelkan.
Gebogabadii, mustaqbalka dowladnimo ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan waxa uu si toos ah ugu xiranyahay awoodda ay u leeyihiin inay ka gudbaan nidaamka danaysiga una gudbaan nidaam ku dhisan mutaysi. Taasina waa jidka keliya ee lagu gaari karo dowladnimo dhab ah.
Qoraaga

- waa aqoonyahan u dhaqdhaqaaqa nabad-dhiska, bare jaamacadeed, isla markaana ah qoraaga buugga Hillaacii Lagu Hungoobey.
Latest entries
MaqaaloApril 28, 2026Mutaysi: Miid Aysan Soomaalidu Muudsan
MaqaaloFebruary 25, 2026Kobcinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Dhisidda Aadanaha: Kee Mudnaanta Leh?
FaalooyinDecember 29, 2025Hoos u Dhaca Ganacsiga Puntland: Sababaha, Saameynta iyo Talooyin Wax-ku-ool ah
FaalooyinNovember 27, 2025Tahriibka Dhallinyarada Puntland: Da’yar La Dayacay










