Hordhac
Qaadka waxa uu ka mid yahay arrimaha ugu saamaynta badan ee muddo dheer ka taagnaa bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si toos ah iyo si dadbanba u taabtay nolosha bulshada, dhaqaalaha qoysaska, caafimaadka shakhsiga iyo horumarka guud ee dalka. Inkastoo dadka qaarkiis u arkaan dhaqan ama madadaalo maalinle ah, haddana xaqiiqadu waxay muujinaysaa in qaadku sababay dhibaatooyin isugu jira kuwo caafimaad, bulsho, dhaqaale iyo maskaxeed oo si weyn u saameeyey qofka iyo deegaanka uu ku nool yahay.
Maqaalkani waxa uu iftiiminayaa saamaynta qaadku ku leeyahay bulshada, isaga oo si gaar ah u eegaya waxyeellada uu u geysto caafimaadka jidhka iyo maskaxda, culayska dhaqaale ee uu ku hayo qoysaska, iyo sida uu u wiiqo wax-soo-saarka iyo horumarka bulshada. Sidoo kale, maqaalka waxa uu taabanayaa aragtida diinta Islaamka iyo doorka caqliga saliimka ahi ku leeyahay qiimaynta waxa waxtar iyo waxa waxyeello leh.
Ujeeddada qormadani ma aha oo keliya in la xuso dhibaatada qaadka, balse waa in la abuuro dood cilmi iyo wacyigelin ku dhisan oo bulshada ku baraarujinaysa baahida loo qabo dib-u-eegis dhab ah oo ku saabsan isticmaalka qaadka iyo saamayntiisa mustaqbalka jiilasha soo koraya.
Waa maxay Qaadku?
Dad badan oo ku xeel dheer aqoonta qaadka ayaa sidan soo socota ku qeexay:
- Qaadku waa geed maanka doorsha (mukhaddir) oo caleemihiisa la calaashado, oo aan miro iyo ubaxba bixin (Dawiilaha, 1986).
- Qaadku waa geed la beero oo kol kol aad u weynaada oo caleemihiisa laga ganacsado oo la calaashado; wuxuu ka mid yahay dhirta maanka doorisa, sida Xashiishka iyo Afyuunka (Yaasiin C. Keenadiid, 1976).
- Qaadku waa geed maanka doorsha (Mukhaddir) aadna sun u ah, khamradana ka wax yeelo badan (Dr. Faraj Zahraan, 1983).
- Qaadku waa geed mukhaddir ah caafimaadkana u daran; sababtuna waa maaddada loo yaqaan “Cathine” ama kaathiin (Cizat Xuseen, 1986).
- Qaadku waa geed ka baxa Bariga Afrika (Soomaaliya, Itoobiya, Kiinya iyo Muuzambiiq), dhacana xagga waxyeellada Kookeynta iyo Afyuunka dhexdooda (Al-Gayaamah, 1411H).
- Qaadku waa mukhaddar cunistiisu ku faaftay dalka oo dhan, waana maandooriye dadka caqligii ka qaaday dhibna u geystay haddii la eego xag dhaqaale, akhlaaqeed, bulsheed iyo tacliimeed (Cali Sh. Cabdullaahi Yalaxow, 1988).
- Qoraallada laga qoro qaadka waxay tilmaamayaan inuu yahay mukhaddir qofku qaayibi karo (ama daa’imi karo), (Peters, 1952).
- Qaadku wuxuu keenaa “Araq” ama hurdo la’aan, wuxuu dhib u geystaa dareemayaasha, maskaxda iyo laf dhabarta (Spinal Cord). Waxa qaadka ku jirta maadooyin badan sida Tannins oo si gaar ah wax u yeesha Dheefshiidaha (Axmad Fakhri, 1975).
- Qaadku waa mukhaddir fudud oo laga helo geed noocyo kala duwan leh; dhererkiisuna mar mar gaaro lix mitir (L. Zimonisz).
- Aqoonyahannada badanaaba waxay aragtidoodu ku aruursan tahay in qaadku yahay maaddo caqliga doorisa oo waliba khatar aad u daran leh (Al-Maqrami, 1987).
- Qaadku waa “shaydaan geed loo ekaysiiyay!” (M. Maxamuud Az-zubayri, 1958).
- Qaadku waa geed qofka cuna ka dhiga ku firfircoon, oo nashaad geliya (Ibnu Batuuta), [Fu’aad Al-Qasus, 1972].
Waa Maxay Mukhaddir (Drugs)?
- Qeexidda 1-aad: Waa maadda kasta oo wax dabiici ah (sida Qaadka, Xashiishka, Afyuunka iyo Kookaha) ama la sameeyo oo soo saarta canaasir (elements) neerfayaasha kiciya ama dajiya, oo haddaan loo isticmaalin caafimaad ahaan iyo warshadeyn keeni karta caadaysi iyo idmaan, oo halis galisa qofka iyo bulshada, gaar ahaan xagga caafimaadka iyo nafta. (Dr. Faraj Zahraan, 1983).
- Qeexidda 2aad: Waa maaddo kasta oo haddii la qaato (cuno ama la cabbo) u keenta jirka dhib iyo shiddo, caqliga iyo miyirka tebisa, oo keenta “Qaayibid” ama Idmaan (Joogtaysi). Qawaaniintuna ay xaaraantimaysay.
Astaamaha Lagu Garto Ruuxa Qaayiba (Idmaan):
- Ka fogaanshaha uu ka fogaado dadka (Isolation).
- Rafaad, bas iyo is daryeelid la’aan (gaar ahaan nadaafada).
- Wahsi iyo hamaansi joogta ah.
- Waji kaduud, dhidid, faro gariir.
- Cunto yari, weydnimo iyo calool istaag.
- Xanaaq degdeg ah.
- Aqoon raadin la’aan iyo shaqo goyn goyn.
- T.V. horfariisi.
- Been, dhagar iyo khiyaamo hanti lagu raadsho.
- Xadidda ashyaada qaaliga ah si uu u helo lacag uu ku gato qaadka.
Noocyada Qaadka
- Cilmi ahaan: Catha edulis & Catha spinosa.
- Magacyada loo yaqaan: Harari, Miirow, Giza-bomb (nooc gaagaaban), Baga (caleemo waaweyn), Gangeti (dhaadheer), As-siici, An-nahmi, Marcaa (af-sawaaxili), iyo kuwo kale.
- Fiiro gaar ah: Giza-bomb waa nooca marka la cuno aad loogu wareero.
Dalalka Qaadku Ka Baxo
Qaadku wuxuu ka baxaa dalalka:
- Itoobiya: Harar, Diridhaba, Kafaa iyo Shawaa.
- Keenya: Buurahaan, Gawn, Keenya iyo Khuyuulo.
- Yaman & Sucuudi Carabiya: (Buuraha Al-suraah, Viiva, Banii Maalik).
- Soomaaliya: Wax yar ayaa ka baxa, gaar ahaan waqooyi galbeed.
- Dalal kale: Muuzambiiq, Ruushka, Afgaanistaan, Tanzaaniya, Malaawi, Marooko, Tuunis, Al-jeeriya, New Zealand, Afrikada Koonfureed, iyo Ugaandha.
Dalalka Qaadka Laga Cuno
- Soomaaliya. Yaman.Itoobiya, Keenya (Dhanka Waqooyiga),.Sacuudiga.Madagaskar (ilaa tan iyo 1940-kii).
Dalalka Qaadku Uu Ku Faafay
Faafida Qaadka waxa mas’uul ka ah dadyawga u dhashay dalalka Qaadka laga cuno, sida Soomaalida, Carabta, Itoobiyaanka iyo Keenyaanka. Waxayna gaartay heer dad badani ka dhigtaan meherad (Aboolayaal).
Erayga Qaadka Iyo Afafka Kala Duwan
Erayga Qaad waxaa loo hingaadiyaa siyaabo kala duwan:
Qaad, Khat, Jaad, Chat, Ghat, Kaat, Kad, Qu’at, Quut As-Saalixiin, Mirra (Miirow), Abyssinian Tea, African Tea, African Salad, Arabian Tea, Chata, Toai, Tschat, Kat, “Khamrul Saalixiin” (Yaman), iyo Khamrada Cagaaran (Soomaaliya).
Qoraaga
Latest entries
E-paperApril 28, 2026Cadadka 13-aad
FaaloApril 28, 2026Dhitadu waa dhallinyarada: Faya-dhowrka faca soo aaddan
MaqaaloApril 28, 2026Qaadka iyo saamayntiisa bulshada: Dhibaatada taagan iyo baahida wacyigelineed qaybta 1-aad
E-paperMarch 29, 2026Cadadka 12-aad










