Soomaaliya 25 Sano Ka Dib: Dhismaha Dowladnimada Saddexaad, Doorasho iyo Dastuur lagu muransan yahay – Maxaa Xal u ah 2026 iyo Ka Dib? Qaybta 2-aad

Shirkii Carta 2000: Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed

Dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba waxay aad uga daaleen shirarkii dib-u-heshiisiinta ee miro-dhal la’aanta ahaa ee qab-qablayaasha dagaalka (1990–2000). Toban sano oo qiimo badan ayaa ka lumay ummadda Soomaaliyeed. Shirkii ugu horreeyay ee la damacsanaa in gudaha Soomaaliya lagu qabto, kana dhacay Boosaaso, wuu suurtageli waayay. Sidoo kale, Madaxweynihii xilligaas ee Somaliland, Alle ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, oo isaguna damacsanaa inuu Soomaalida shir dib-u-heshiisiin ah ugu qabto Hargeysa, dadaalkiisa waxaa ka horreeyay shirkii Djibouti. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa, isagoo ka qayb-galaya shir loo dhan yahay oo Qaramada Midoobay ah, ku dhawaaqay inuu Soomaalida u qabanayo shir dib-u-heshiisiin qaran, si ay Soomaaliya dib ugu soo laabato saaxadda caalamka.

Ka hor intaan shirka la qaban, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu isugu yeeray aqoonyahanno Soomaaliyeed, wuxuuna waydiiyay sida ugu habboon ee Soomaalida loo heshiisiin karo. Waxaa si qoto dheer looga dooday qaabka uu shirka u dhici lahaa, waxaana lagu taliyay in uu noqdo shir ay hormuud ka yihiin bulshada rayidka ah, sida hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, aqoonyahannada, culimada, haweenka, dhallinyarada, iyo ganacsatada. Taladaas waxaa saldhig u ahaa in qab-qablayaashii dagaalka la soo tijaabiyay muddo toban sano ah, isla markaana ay ku guuldarreysteen inay wax xal ah u keenaan Soomaaliya. Inkasta oo shirka lagu casuumay qab-qablayaashii dagaalka ee dalka u kala qaybsanaa xilligaas, haddana waxaa si cad loogu sheegay inay ka mid yihiin bulshada inteeda kale, isla markaana aysan lahayn talo gaar ah ama mudnaan u gaar ah. Arrintaas ayaa si weyn uga caraysiisay qab-qablayaashii markaas jiray, taasoo keentay inay qaadacaan ka qaybgalka shirka.

Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, oo ay ka maqnaayeen qab-qablayaashii dagaalka ee mid walba sheeganayay inuu ka taliyo qayb gaar ah oo dalka ka mid ah, wuxuu socday muddo saddex bilood ah, laga bilaabo May 2000 ilaa 15-kii July 2000. Gunaanadkii shirka, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowladda Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaaliyeed muddo afar sano ah. Madaxweynaha cusub wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Mudane Cali Khaliif Galayr, halka Guddoomiyaha Baarlamaanka isagana loo doortay Mudane Cabdalla Deerow.

Dowladdii lagu dhisay Carta ee Jabuuti waxay u soo guurtay magaalada Muqdisho, waxaana si diirran u soo dhoweeyay shacabka, hase yeeshee kuma guulaysan inay dhamaystirto dib-u-heshiisiintii loo igmaday, mana hirgelin hub-ka-dhigis, mana gaarin wax horumar ah oo la taaban karo oo dhanka amniga iyo siyaasadda ah, iyadoo intii uu Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan xilka hayay uu magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare, ugu dambayna muddadiisii ku dhammaatay dowlad aan xitaa si buuxda u xukumin xaafadaha Muqdisho, iska daa meelo kale oo dalka ka mid ah, taasoo ay barbar socotay cadaadis xooggan oo uga imanayay qab-qablayaashii horey u qaadacay shirkii Jabuuti iyo dalal shisheeye oo iska kaashaday wiiqidda dowladdaas.

Hal arrin oo ay dowladdii Carta ku guulaysatay waxay ahayd in, toban sano kadib burburkii Soomaaliya, mar kale dowlad Soomaaliyeed lagu arko fagaarayaasha caalamka sida shirarka Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD, taas oo lagu tilmaami karo guul ay soo kordhisay, ugu dambayntiina Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu ku biiray shirkii Kenya kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka, halkaasna wuxuu xilkii ugu wareejiyay Madaxweynihii lagu doortay Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Shirkii Imbagati 2003–2004 ee Nabadda, Dib-u-Heshiisiinta iyo Dastuur-Samaynta Soomaaliyeed

Laba sano kadib dhismihii Dowladda Carta, waxaa billowday qabanqaabadii shirkii Kenya ee Imbagati lagu qabtay. Markan, qab-qablayaashii dagaalka waxaa la siiyay kaalin hormuudnimo, halka bulshada rayidka ahna la casuumay, balse hoggaanka dhabta ah ee shirka ay hayeen qab-qablayaasha dagaalka iyo siyaasiyiinta. Wadahadallo badan oo halkaas ka dhacay kadib, waxaa ugu dambayn lagu heshiiyey in la qaato nidaam federaal ah, waxaana la qoray Axdiga Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ku dhisnaa nidaamkaas. Shirkii Imbagati waxaa Madaxweyne loogu doortay Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isaguna wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Mudane Cali Maxamed Geeddi, halka Guddoomiyaha Baarlamaanka loo doortay Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Intii uu Nairobi joogay, Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay codsi uu u jeediyay beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha deriska ah, isagoo ka dalbaday in ciidamo loo soo diro Soomaaliya. Arrintaas ayaa dhalisay khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay baarlamaankii lagu soo xulay Kenya, kaas oo ugu dambayn gaaray heer ay gacan-ka-hadal iyo kuraas isula dhaceen xildhibaannadu intii ay shirayeen.

Muddo ka dib, dowladdii lagu dhisay Kenya waxay u soo guurtay gudaha dalka, iyadoo caga dhigatay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo markaas uu maamulayay Maxamed Dheere. Jowhar ayaa martigelisay dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, ka hor inta aanay u guurin Baydhabo, oo noqotay magaalada labaad ee ay degto, ka hor inta aanay ugu dambayn u soo guurin magaalada Muqdisho, iyagoo ay galbinayaan ciidamada Itoobiya. Markii ay Muqdisho gaareen, dagaallo qaraar ayaa ka dhacay caasimadda, kuwaas oo dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee markaas xukumayay magaalada, kuwaas oo taageero ka helayay qaybo ka mid ah bulshada Muqdisho.

Caqabaddii ugu weynayd ee ay la kulantay dowladdii Kenya lagu dhisay waxay ahayd Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee midoobay, kuwaas oo dagaal hubeysan kala horyimid dowladdaas iyo ciidamada Itoobiya. Hase yeeshee, ciidamada Itoobiya ayaa ku guulaystay inay jab xooggan gaarsiiyaan ciidamadii Maxkamadaha, waxaana lagu khasbay inay kala firxadaan, iyadoo qaar ka mid ah hoggaankoodii is dhiibeen, kuwo kalena la qabtay. Ugu dambayntii, dowladda federaalku waxay saldhig ka dhigatay madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo laga taagay calanka Soomaaliya, madaxda dowladduna ay ka sameysteen xafiisyo rasmi ah oo ay shaqadooda ka bilaabaan.

Waxaa xusid mudan in Maxkamaduhu intii ay muddo kooban ka talinayeen magaalada Muqdisho ay dib u fureen Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho, isla markaana ay magaalada ka hirgeliyeen amni la taaban karo, hase yeeshee ay ku guuldarreysteen dhisidda nidaam dowladeed oo rasmi ah. Sidoo kale, Maxkamaduhu waxay ka caga-jiideen inay la heshiiyaan dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Kenya lagu soo doortay, waxaana fashilmay shirar badan oo dibadda lagu qabtay oo lagu doonayay in labada dhinac la heshiisiiyo.

Si la mid ah dowladdii Cabdiqaasim, khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynihii markaas iyo labadii Ra’iisul Wasaare ee uu magacaabay, khilaafkaas oo ugu dambayn sababay in xaaladdu meel xun gaarto. Beesha caalamka ayaa markaas la safatay Nuur Cadde, oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha, kadib khilaafkii isaga iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf dhexmaray. Isla waqtigaasna, waxaa billowday isfahan u dhexeeya qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii Maxkamadaha Islaamiga ah iyo beesha caalamka, taas oo keentay in xal ay beesha caalamku ku qancday noqdo in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, inkastoo aanu waqtigiisu dhammaan, laga codsado inuu xilka ka dego, isaguna wuu aqbalay. Taas kadib, waxaa la bilaabay qabanqaabada shir dib-u-heshiisiin ah, waxaana loo xilsaaray ergaygii Qaramada Midoobay ee xilligaas in shir lagu qabto Jabuuti, si loo dhiso dowlad ay Maxkamaduhu door muuqda ku yeeshaan.

Shirkii Jabuuti 2009 iyo doorashadii Madaxweyne Shariif

Sida kor ku xusan, beesha caalamka oo markii hore dagaal hubeysan iyo cadaadis siyaasadeed ku qaaday Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, marxaladdan dambe waxaa muuqday is-soo-dhawaansho, waxayna u arkeen Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed inuu noqon karo hoggaamiye Soomaaliyeed oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka taagnaa, gaar ahaan Al-Shabaab oo markaas noqotay garab madax-bannaan isla markaana inta badan caasimadda gacanta ku haysay. Xilligaas, muddadii dowladdii Kenya lagu dhisay way gabaabsi noqotay, Madaxweynaha ayaana lagu qasbay inuu xilka ka dego, arrintaasna wuu aqbalay.

Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa markan noqday qayb ka mid ah geeddi-socodka shirkii Jabuuti, waxaana la isla qaatay in Baarlamaankii hore oo ka koobnaa 275 xubnood lagu daro 275 xubnood oo kale oo uu soo gudbiyo Shiikh Shariif, kana tirsanaa kooxdiisa. Shirkan waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa kii lagu dhisay Baarlamaankii ugu tirada badnaa ee abid ay Soomaali yeelato. Gabagabadii shirkaas, Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, isaguna markii uu Muqdisho yimid wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Halkaas waxaa ka dhashay Dowladdii Ku-Meel-Gaarka ahayd ee saddexaad ee dibadda lagu soo dhiso, isla markaana uu Madaxweynaha ka noqday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadaha Islaamiga ah. Beesha caalamku waxay aaminsanayd in dowladdani horseedi doonto dib-u-heshiisiin qaran, hase yeeshee waxaa la dhihi karaa waxa dhab ahaantii heshiiska gaaray waxay ahaayeen dowladdii Kenya lagu soo dhisay ee uu hoggaaminayay Nuur Cadde iyo Maxkamadihii Islaamiga ahaa.

Shirkii Muqdisho ee ansixinta Dastuurka ku Meelgaarka ah

Madaxweynenimadii Shiikh Shariif Shiikh Axmed muddadii saddexda sano ahayd (2009–2012), oo uu magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare, waxaa si gaar ah loogu xusuustaa horumarkii laga sameeyay arrimaha amniga iyo geeddi-socodka dastuur-samaynta. Dowladdaasi waxay gaartay horumar la taaban karo laba qodob oo waaweyn: tan koowaad waxay ahayd ka saaristii Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda; tan labaadna waxay ahayd shirarkii ka dhacay Garoowe oo diiradda lagu saaray dhamaystirka dastuurka, kuwaas oo ugu dambayn ku soo gabagaboobay shirkii ballaarnaa ee Muqdisho, kaas oo markii ugu horreysay dalka gudihiisa lagu qabto shir dastuur-dhisid heer qaran ah.

Shirarkii gudaha dalka lagu qabtay ee la xiriiray dastuur-samaynta waxay inta badan ka dhaceen magaalada Garoowe, waxaana loo yaqaanay Garoowe I iyo Garoowe II; sidoo kale waxaa jiray heshiiskii Gaalkacyo, iyo ugu dambayn shirkii weynaa ee Muqdisho, kaas oo markii ugu horreysay Madaxweyne Soomaaliya loogu doortay gudaha dalka, bishii September 2012. Shirkaas waxaa Madaxweyne loogu doortay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud. Markii la doortay Xasan Shiikh, Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyey, halkaasna waxaa ka bilaabatay dowladdii ugu horreysay ee si buuxda gudaha dalka loogu dhiso, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale, sida dowladihii ka horreeyay, inkasta oo dowladdii Shiikh Shariif ay horumar ka samaysay labada qodob ee kor ku xusan, haddana kuma guulaysan inay dhamaystirto dib-u-heshiisiin buuxda oo dalka ka hirgasha, hirgelinta hub-ka-dhigis guud, iyo abuurista jawi is-aaminaad oo waara oo ka dhex dhasha bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya ma ka gudubtay marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd 2012, mise weli waxay ku jirtaa?

Markii ugu horreysay ee doorasho lagu wada heshiiyay ay gudaha dalka ka dhacdo, laguna doorto Mudane Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2012, beesha caalamku waxay qaadatay laba go’aan oo waaweyn. Kan koowaad wuxuu ahaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo in dowladda Soomaaliya ay ka baxday ku-meel-gaar, iyadoo magacii ‘Dowladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah’ loo beddelay ‘Dowladda Federaalka Soomaaliya’. Inkasta oo arrintaasi dhacday, haddana Soomaaliya illaa maanta waxay ku jirtaa nidaamka Qodobka 7aad (Chapter VII) ee Qaramada Midoobay, taas oo micnaheedu yahay in geeddi-socodka dhammaystirka dowladnimada uusan weli dhammaan, ayna weli jiraan shaqooyin guri oo badan oo horyaalla.

Beesha caalamku waxay la timid qorshe cusub oo loogu magac daray New Deal, kaas oo lagu beddelay siyaasaddii hore ee Dual Track Policy, taas oo ku dhisnayd in lala shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana si toos ah loola macaamilo dowlad-goboleedyada iyo maamulada maxalliga ah labadaba. Go’aanka labaad ee beesha caalamku qaadatay wuxuu ahaa in hay’adaha Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ay bilaabaan la shaqaynta Soomaaliya geeddi-socodka deyn-cafinta. Nidaamkan oo socday muddo ka badan toban sano, wuxuu dhammaadkii sanadkii 2024 gaaray heerkii ugu dambeeyay ee Completion Point, waxaana Soomaaliya laga cafiyey deyntii saarnayd. Sidoo kale, Soomaaliya waxaa qayb ahaan laga qaaday cunaqabateyntii hubka. Geeddi-socodka deyn-cafintaas waxaa si weyn uga shaqaysay, isla markaana meel wanaagsan soo gaarsiisay, dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

In kasta oo tallaabooyinkaas waaweyn ay qaadday beesha caalamku, haddana Soomaaliya weli waxay ku sii jirtaa nidaamka Qodobka 7aad (Chapter VII) ee Qaramada Midoobay, sababtuna waa in caalamku weli u arko Soomaaliya dal khatar ku ah nabadda iyo ammaanka adduunka, maadaama ay ka hawlgalaan kooxo argagixiso, isla markaana ay jireen falal burcad-badeednimo iyo khataro kale. Sababaha kale waxaa ka mid ah in weli uusan dalka ka hirgelin hub-ka-dhigis guud, hubkuna si ballaaran gacanta ugu jiro, isla markaana aan weli si buuxda looga heshiin qaabka dowladnimada; iyadoo qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya ay sheeganayaan inay ka go’een dalka, nidaamka federaalkuna aanu weli dhamaystirnayn, dastuurkiina uu yahay mid qabyo ah. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama taliso guud ahaan dalka, awooddeeduna ma gaarto dhammaan dhulka Soomaaliyeed. Iyadoo ay xaaladdaasi jirto, haddana beesha caalamku waxay go’aansatay inay si rasmi ah ula macaamisho Dowladda Soomaaliya, balse ay ku sii hayso nidaamka Chapter VII ilaa laga dhammaystirayo hawlaha waaweyn ee harsan.

Hawlaha weli ka dhiman Soomaaliya, si looga baxo xaaladda ku-meel-gaarka ah iyo nidaamka Chapter VII, waxaa ka mid ah xaqiijinta xasillooni siyaasadeed iyo sugidda amni dhammaystiran, sifaynta dalka ee argagixisada, mideynta iyo dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, iyo soo celinta midnimada dalka, si looga maarmo joogitaanka ciidamada shisheeye, loona hubiyo in ka bixitaankoodu uusan dhalin firaaq amni, sida laga baqayo in haddii ATMIS baxdo ay Al-Shabaab la wareegi karto deegaanno badan oo koonfurta ka mid ah. Arrimaha kale ee weli ka dhiman dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah in hubka dalka si buuxda gacanta ugu galo dowladda, lana suurtageliyo kantarool, diiwaangelin iyo maarayn sharci ah; in la mideeyo Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, lana helo heshiis cad oo lagu dhisayo hal nidaam dowladeed; dhammaystirka arrimaha ka dhiman federaalka; dhammaystirka Dastuurka Kumeelgaarka ah; abuurista xasillooni siyaasadeed oo waarta; iyo hirgelinta nidaam caddaaladeed oo lagu heshiiyo, kana dhaqangala dhammaan dalka.

Sii-wadista dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo dastuur weli qabyo ah (2012–2025)

Dowladdii lagu dhisay magaalada Muqdisho sanadkii 2012, oo ay isaga dambeeyeen saddex Madaxweyne, weli ma dhammaystirin qodobadii ka dhimanaa Dastuurka Kumeelgaarka ah ee markaas lagu wareejiyey. Inkasta oo dowlad-goboleedyo la dhisay, haddana weli laguma heshiin nidaamka doorashooyinka dalka. Hirgelintii nidaamka federaalka waa qabyo, halka garsoorka dalkuna uu weli kala dhantaalanyahay, isla markaana aan weli lagu heshiin qaabka nidaamka garsoor ee dalka. Sidoo kale, nidaamka maaliyadeed ee federaalka (fiscal federalism) weli laguma heshiin, qaybsiga khayraadka dalka ee waafaqsan nidaamka federaalka ahna weli waa muran. Arrimaha amniga weli si buuxda looma dhamaystirin, iyadoo qaybo ka mid ah dalka ay maamulaan kooxo xag-jir ah, halka hubkuna weli ku jiro gacanta qabaa’illo iyo kooxo aan dowlad ahayn.

Sidaas awgeed, dhammaan arrimahan waxay muujinayaan in dowladnimadii saddexaad ee Soomaaliyeed ay weli kala dhantaalantahay, isla markaana aan weli lagu guulaysan dhammaystirka dhismaha dowladnimo buuxda oo Soomaaliya ka hanaqaadda.

Dowladda hadda jirta oo muddo xilligeedii uu gabaabsi ku dhowyahay, waxay wax ka beddeshay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, iyadoo aan helin wadar-ogol iyo hannaan hufan oo lagu wada qancay. Geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka waxaa si cad uga biyo-diiday laba maamul-goboleed iyo siyaasiyiin badan oo mucaarad ah. Sidoo kale, dowladda hadda jirta waxay diyaarisay nidaam doorasho dowladaha hoose ah oo aan iyadana heshiis lagu ahayn, taas oo si weyn uga horyimaadeen laba maamul-goboleed iyo siyaasiyiin badan oo mucaarad ah, iyagoo u arkay in doorashadu tahay hab uu madaxweynaha hadda xilka haya doonayo inuu ku sii joogo ama ku sii xoojiyo talada.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, xilligii uu mucaaradka ahaa, uu si adag uga horyimid dowladdii ka horreysay oo isku dayday inay qabato doorasho aan heshiis lagu ahayn, isagoo ku dooday in doorasho aan wadar-ogol lagu dhisin aysan dalka ka dhici karin; arrintaasna waxay dad badan ula muuqataa mid layaab leh, maadaama uu maanta sax u arko wixii uu shalay diidanaa.

Tartanka hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed (Political elites) iyo saameyntooda taban

Tan iyo markii la aas-aasay dowladnimada Soomaaliya, laga bilaabo xilligii is-maamulka 1956 ilaa maanta, hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed badankood waxay ku jireen tartan joogto ah oo ku wajahan kuraasta hoggaanka. Damaca iyo loollanka siyaasadeed ee hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inta badan wuxuu ku salaysnaa dan shaqsiyeed, iyadoo madaxnimada looga dan leeyahay dano gaar ah. Aad bay u yar yihiin, ama xitaa waa la oran karaa way adagtahay in la helo, siyaasi Soomaaliyeed oo maanta u arka raadinta hoggaanka mid ku dhisan qiyam, aragti siyaasadeed iyo rabitaan uu ummadda ugu adeego. Ujeeddadu inta badan waxay noqotay dano iyo damac shaqsiyeed, halkii ay ka ahaan lahayd aragti siyaasadeed oo ka baxsan danaha qofka.

Dowladnimadii kowaad ee Soomaaliya, oo dhalatay kadib markii uu gumaysigu ka tagay dalkana la qaatay xorriyadda, waxay jirtay sagaal sano. Sababta ugu weyn ee keentay burburkeeda waxay ahayd tartan xun oo ka dhex qarxay hormuudkii siyaasadeed ee xisbiga talada hayay, kaas oo gaaray heer musuqmaasuq doorasho. Siyaasi walba wuxuu bilaabay inuu xisbi u gaar ah sameysto, kuna saleeyo qabiil si uu kursi baarlamaan u helo. Sidaas darteed, qabyaaladdii iyo dowladnimadii ayaa is dhex galay, kuna milmay sannadihii u dambeeyay ee dowladnimadii kowaad.

Arrintaas awgeed, waxaa la dhihi karaa qabyaaladdu ayay si toos ah u dumisay dowladnimadii kowaad, taasoo ugu dambayn keentay in ciidamada dalka, iyagoo daliil ka dhigaya xaaladdii siyaasadeed ee cakirnayd, ay xukunka si xoog ah ula wareegaan.

Ciidamadii xukunka la wareegay iyaguna muddo dheer waxay ku dhaqmeen cabburin, xarig iyo dil ka dhan ah cid kasta oo aragti siyaasadeed kaga duwan. Ugu dambayn, hab-dhaqankaas ayaa horseeday in qabaa’ilka Soomaaliyeed ay dumaan dowladnimadii labaad, kadib markii dowladdu marba qabiil la gashay dagaal. Arrintaas waxaa sii huriyay siyaasiyiin kursi-doon ah oo qabaa’ilka u adeegsaday aalad ay ku gaaraan damacooda siyaasadeed, iyagoo u arkay in qabyaaladdu tahay jidka ugu sahlan ee dowlad looga horkeeni karo.

Sidaas darteed, dowladnimadii labaad ee Soomaaliyeed waxaa jilbaha dhulka u dhigay is-biirsiga cabburin dowladeed iyo siyaasiyiin damac shaqsi ku dhisan, kuwaas oo aan lahayn aragti qaran ama qorshe dowlad-dhisid oo mideeya dalka.

Markii ay burburtay dowladnimadii labaad, muddo toban sano ah Soomaaliya waxay u kala qoqobnayd qab-qablayaal dagaal oo mid walba ka taliyo degaan gaar ah, kuwaas oo aan iyaguna heshiis ahayn, kuna guuldarreystay inay heshiiyaan, xalna u keenaan dalka ama dib u soo celiyaan dowladnimadii duntay. Taasi waxay keentay in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay ka niyad-jabaan qab-qablayaasha. Sidaas darteed, shirkii Carta doorkooda waa la yareeyay, inkastoo mar kale kor loo qaaday shirkii Kenya. Si kastaba ha ahaatee, ugu dambayn waxay ku dhammaadeen meel xun, markii Maxkamadihii Islaamiga ah ee ka dhismay Muqdisho ay jab xooggan gaadhsiiyeen qab-qablayaashii dagaalka, halkaasna uu ku soo afjaray waayihii ay talada hayeen.

Dowladnimada saddexaad ee Soomaaliya hadda waxay jirtay ku dhowaad 25 sano. Sida kor ku xusan, weli waxaa jira arrimo badan oo aan laga heshiin, kuwaas oo caqabad ku ah dhammaystirka dowladnimada. Arrimahaas waxa ku guuldarreystay inay ka heshiiyaan hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed—ha joogeen heer federaal ama heer dowlad-goboleed. Afartii sano kasta waxaa lagu mashquulaa doorasho, marka hoggaan cusub la doortana muran iyo is-qabqabsi ayaa isla markiiba dib u billowda. Waxay ku fashilmeen inay dhamaystiraan Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo qodobadiisa ka dhimman, iyo sidoo kale nidaamyadii kale ee qabyada ahaa ee weli aan heshiiska laga gaarin. Sidoo kale, waxay ku guuldarreysteen arrimaha amniga, iyagoo aan awoodin inay ku heshiiyaan qorshe qaran oo mideysan oo dalka lagu sugi karo. Sidaas darteed, waxaa la oran karaa hormuudka siyaasadeed ee xilalka ka soo qabtay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, oo aan muddo 25 sano ah ku guulaysan inay ku heshiiyaan dastuur dhamaystiran iyo tiirarka kale ee dowladnimada, waxay la mid yihiin qab-qablayaashii sagaashamaadkii ku fashilmay inay ku heshiiyaan dib u soo celinta dowladnimadii burburtay.

Sababta ugu weyn ee madaxda maanta joogta u heshiin la’yihiin waxay salka ku haysaa laba arrimood: tan koowaad waa in hadafka ugu weyn ee badankood uu yahay raadinta iyo haynta madaxnimada, halkii ay ka qaadi lahaayeen aragti siyaasadeed oo qaran oo xal u keenta dhibaatooyinka taagan. Sidaas darteed, aragti siyaasadeed oo mideysan, ka baxsan dan shaqsiyeed, weli ma muuqato.

Waxaa suurtagal ah in maalin ay timaaddo in shacabka Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan xaaladdan, isla markaana ay sida ay hore uga takhaluseen qab-qablayaashii dagaalka uga takhalusaan kuwa maanta isu arka hormuudka siyaasadda, kuwaas oo muddo 25 sano ah ku muransanaa dowladnimada, balse ku guuldarreystay inay xal waara u helaan.

Dowladnimadii Saddexaad ee Soomaaliya (2000–2025): ma dhimatay mise waa la badbaadin karaa?

Sida keliya ee lagu badbaadin karo dowladnimada saddexaad ee qabyada ah ee Soomaaliya ma aha in afartii sano mar lagu heshiiyo qaabka doorasho oo keliya, balse waa in marka hore laga heshiiyo waxa salka u ah muranka dowladnimada. Saddex dowladood oo is xigay tan iyo 2000, gaar ahaan intii ka dambaysay 2012, waxay ku guul-darreysteen inay dhammeystiraan arrimaha qabyada ka ah dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya. Sidaas darteed, maanta looma baahna in laga sugo oo keliya dowladda xigta inay xaliso caqabadahaas, balse waxaa lama huraan ah in la raadiyo heshiis bulsho (social contract) oo qaran, laguna saleeyo wadahadal ballaaran oo lagu kala caddeeyo laguna heshiiyo qodobada muranka ka taaganyahay, gaar ahaan dhammeystirka Dastuurka iyo qaab-dhismeedka nidaamka federaalka.

Haddii taas la waayo, micnaheedu wuxuu noqonayaa in dowladnimadii saddexaad aan la badbaadin, isla markaana ay iyaduna ku dhiman doonto 25 sano ka dib muran, is-jiid-jiid siyaasadeed, iyo kalsooni darro joogto ah.

Xalku muxuu yahay?

Wada-hadal qaran oo loo dhan yahay: Ka hor dhammaadka muddo-xileedka dowladda hadda jirta, waa in la qabtaa wada-hadal qaran oo ay ka qayb galaan madaxda Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta madaxnimada doonaya, iyo wakiillo si hufan loo soo xulay oo matalaya bulshada rayidka ah, si si qoto dheer looga wada hadlo arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka. Haddii aan heshiis siyaasadeed la gaarin ka hor dhammaadka muddo-xileedka, dalka wuxuu geli karaa khatar amni iyo firaaq dowladeed.

Khataraha isbeddelaya ee gobolka iyo caalamka: Arrimaha ka soo kordhay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, aqoonsiga Israel ee Somaliland, iyo xiisadda sii xoogaysanaysa ee juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika waxay halis toos ah ku yihiin jiritaanka iyo midnimada Soomaaliya haddii aan midnimo qaran lagu wajihin. Haddii muranka dastuurka iyo doorashooyinka la xallin waayo, waxaa suurtagal ah in khilaafaadka gudaha ay noqdaan kuwo wakiil ka ah dano shisheeye, taasoo xaaladda sii xumayn karta. Sidoo kale, haddii muddo-xileedka dowladda hadda jirta dhammaado iyadoo aan heshiis la gaarin, waxaa dhici karta in sharciyaddeeda lagu murmo, isla markaana uu abuurmo is-barbaryaac la mid ah kuwii Soomaaliya hore u soo martay.

Dhammaystirka Dastuurka: Arrimaha dastuurka waa in loo saaraa guddi farsamo-yaqaanno madaxbannaan, kuwaas oo loo xilsaaro dhammaystirka Dastuurka. Dhinac kasta waa in uu aragtidiisa qoraal ah ka gudbiyaa qodobada u baahan dhammaystirka. Guddiga farsamo-yaqaannadu waa in ay muddo aan ka badnayn laba bilood ku soo bandhigaan nuqul kama dambays ah. Waa in la aqbalaa in cidna heli doonin 100% wixii ay rabto, balse tanaasul guud oo ku dhisan danta qaranka uu yahay furaha heshiiska.

Heshiis bulsho oo ka horreeya doorashooyinka 2026: Sannadka 2026, Soomaaliya waxay u baahantahay heshiis bulsho oo cad oo lagu saleeyo qaabka dowladnimada mustaqbalka, ka hor inta aan doorasho la qaban. Taasi waxay u sahlaysaa dowladda soo socota inay fuliso ajande qaran oo horay loogu heshiiyay, halkii ay ka bilaabi lahayd muran cusub.

Xalka arrimaha doorashooyinka: Xalka doorashooyinka wuxuu ku jiraa in lagu heshiiyo nidaam ka horumarsan kuwii hore, kana yareeya musuqmaasuqa, kana xannibaya in cid gaar ahi awood u yeelato inay si gaar ah u soo xulato xildhibaannada. Waa in la dhisaa hannaan hufan, la isla oggol yahay, kalsoonina ku abuuraya shacabka.

Ka bixidda xaaladda ku-meel-gaarka ah: Soomaaliya ficil ahaan weli kama bixin xaaladdii ku-meel-gaarka ahayd. Dowladda wali si buuxda uma hayso gacan-ku-haynta amniga dalka, Al-Shabaab ciidan ahaan lagama adkaan, heshiisna lama la gelin, hubkii culusna wali wuxuu ku jiraa gacanta shacabka iyo kooxo aan dowlad ahayn. Arrimahaas iyo kuwo kale waa in xal cad loo helaa inta lagu jiro muddo-xileedka soo socda, iyadoo horay loo sii dejinayo waajibaadka dowladda soo socota si loo dhamaystiro amniga iyo xasilinta dalka.

Hirgelinta doorasho qof iyo cod ah: Dowladda soo socota waa in la siiyo waqti ku filan si ay u hirgeliso nidaamka qof iyo cod, uguna dhamaystirto hawlaha qabyada ah ee dowladnimada. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha xiga (oo aan hadda la ogayn cidda ay noqon doonaan) waa in aan loo oggolaan inay furaan ururro siyaasadeed iyaga u gaar ah; kaalintooda ugu weyn waa in ay noqotaa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, ururinta hubka culus, iyo dhammaystirka tiirarka ka dhiman dowladnimada Soomaaliyeed.

Qoraaga
Ahmed Said Aw-nur
Ahmed Said Aw-nurwaa khabiir muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeynayay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu madax ka noqday hay’ado caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link