Aqoonsi Beddelay Miisaanka Siyaasadda Gobolka
26-kii December 2025, Somaliland waxaa si rasmi ah u aqoonsatay Israa’iil, tallaabadaas oo si weyn u beddeshay miisaanka siyaasadeed ee Geeska Afrika. Inkastoo aqoonsigani u muuqdo mid labo geesood ah, haddana waxaa jira tuhun xooggan oo tilmaamaysa in Imaaraadka Carabtu uu door fududeyn ah ka qaatay, maadaama uu horeyba xiriir qoto dheer ula lahaa Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, amniga iyo maalgashiga. Aqoonsigan ma aha arrin ku eg Somaliland oo keliya, balse wuxuu si toos ah u saameynayaa Puntland, oo ah maamul xubin ka ah federaalka Soomaaliya oo xuduud dheer la leh Somaliland, isla markaana ay kala dhaxayso khilaaf dhuleed, dano amni iyo xiriir goboleed oo aad u adag.
Saamaynta Amniga: Xuduud nugul iyo khilaaf Sharci
Marka hore, dhinaca amniga, aqoonsiga Somaliland wuxuu Puntland gelin karaa xaalad nuglaansho cusub. Puntland waxay isu beddeli kartaa marin ay ka gudbaan ama xarun ay ka samaystaan kooxaha ama shakhsiyaadka diidan aqoonsiga Somaliland, taas oo keeni karta cadaadis amni iyo mid siyaasadeedba. Xuduudda dheer ee u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan gobollada Sanaag iyo Sool, (Waqooyi-bari) ayaa noqon karta meel isku dhacyo iyo faragelin shisheeye ka dhacaan. Waxaa intaa dheer in dhulal ay Somaliland sheeganayso ay dastuur ahaan ka tirsanyihiin Puntland, taas oo khilaafka ka dhigaysa mid sharci iyo qaranimo salka ku haya, halkii uu ka ahaan lahaa muran siyaasadeed oo keliya.
Doorka Imaaraadka iyo Xiisaha Turkiga: Laasqoray iyo Culeyska Juqraafi-Siyaasadeed
Dhinaca kale, arrinta Imaaraadka Carabta ayaa leh miisaan gaar ah. Waxaa la ogyahay in Imaaraadku uu xiriir dhow, oo dadka qaarkood ku sifeynayaan mid shakhsi iyo qoys ku dhisan, uu la leeyahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Xiriirkaas ayaa Puntland gelin kara xaalad xasaasi ah, gaar ahaan marka la eego khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Sucuudiga. Haddii Puntland loo arko inay si toos ah ama dadban ula safatay Imaaraadka, waxaa dhici karta in ay wajahdo cadaadis siyaasadeed ama dhaqaale oo kaga timaada dalalka Sucuudigu hoggaaminayo, kuwaas oo saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya iyo taageerada caalamiga ah.
Dhanka Turkiga, xiisaha sii kordhaya ee uu u qabo waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan suurtagalnimada saldhig amni ama mid istiraatiiji ah oo laga sameeyo Laasqoray, ayaa isna ah arrin culus. Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag, kana mid ah dhulalka uu muranku ka taaganyahay, ayaa Turkiga u noqon karta marin istiraatiiji ah oo uu kaga dhawaanayo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Haddii Turkigu halkaas saldhig ka sameeyo, Puntland waxay wajihi doontaa cadaadis cusub oo dhinaca juqraafi-siyaasadeed ah, iyadoo laga yaabo in lagu cadaadiyo mowqifkeeda ku aaddan Somaliland, Federaalka iyo xulafada gobolka.
Puntland Isgoys Taariikhi ah: Federaalka iyo Maqaam Gaar ah
Marka la isku geeyo dhammaan saameyntaas, Puntland waxay taagantahay isgoys taariikhi ah. Dhinac, waxay si cad u sheeganaysaa inay tahay maamul federaal ah oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana duwan maamullada kale marka loo eego taariikhda dhismaha maamul, awoodda amni iyo nidaamka hay’adeed. Dhinaca kale, isbeddellada cusub ee gobolka ayaa ku riixaya inay raadiso maqaam gaar ah; haddaba maxaa la gudboon Puntland?.
Saddexda abbaarood (Siinaariyo) ee Horyaalla Puntland
Waxa horyaalla Puntland saddex abbaarood (siinaariyo) oo waaweyn, mid walbana leeyahay cawaaqib u gaar ah.
Abbaarta (Siinaariyaha) Koowaad: Gooni-u-Istaag
Abbaarta (siinaariyaha) koowaad waa in Puntland ku dhawaaqdo gooni u istaag. Tani, marka hore, waxay u muuqan kartaa waddo ay Puntland ku raadinayso go’aan buuxa oo ay kaga baxdo cadaadisyada Federaalka iyo muranka joogtada ah ee Somaliland. Faa’iidada aragtidan waxaa ka mid noqon kara in Puntland si madax-bannaan u maamusho kheyraadkeeda, u dhisto xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah, una qeexdo danaha dadkeeda si aan cid kale ugu dhex milmin. Hase yeeshee, caqabadaha ku lammaan gooni u istaagga ayaa aad uga culus faa’iidooyinkiisa. Puntland waxay wajihi kartaa go’doon caalami ah, aqoonsi la’aan, iyo cadaadis dhaqaale oo ba’an. Waxaa intaa dheer khilaaf gudaha ah oo ka dhalan kara kala aragti duwanaanshaha bulshada, iyo khatar amni oo ka iman karta loollan toos ah oo ay la gasho Somaliland iyo Federaalka Soomaaliya. Marka la eego duruufaha hadda jira, gooni u istaaggu wuxuu noqon karaa tallaabo halis gelinaysa xasilloonida Puntland halkii uu xal u noqon lahaa.
Abbaarta (Siinaariyaha) Labaad: Midnimo Federaalka ah oo Maqaam Gaar ah leh
Abbaarta (siinaariyaha) labaad waa in Puntland ay si cad u taageerto midnimada Soomaaliya, balse ay si xeel dheer u raadiso nidaam maamul goboleed oo leh maqaam gaar ah, kana duwan kan maamulada kale (Assymitric Federalism). Qaabkan wuxuu u dhow yahay nidaamka Kurdistaanta Ciraaq ama jamhuuriyadaha ku jira Federaalka Ruushka, halkaas oo maamulku ka tirsanyahay dal weyn; balse la siiyo awood gaar ah oo ah dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda. Faa’iidada ugu weyn ee abbaartan ayaa ah in Puntland ay ilaalinayso sharciyaddeeda federaal, isla markaana ay hesho awood ay si toos ah ugu maamusho arrimaheeda muhiimka ah. Waxay sidoo kale u suurtagelinaysaa inay si miisaan culus ula hadasho beesha caalamka, iyadoo aan jebin midnimada dalka. Ceebaha imaan kara waxaa ka mid ah suurtagalnimada in Muqdisho ama maamullada kale ay ka cawdaan kala duwanaanshahan, iyo baahida loo qabo wada xaajood dheer oo sharci iyo siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, faa’iidooyinka nidaamkan ayaa ka badan caqabadihiisa, gaar ahaan haddii Puntland ay beddel ahaan diyaar u noqoto aqoonsiga maamulka Waqooy-bari Soomaaliya, taas oo ka caawin karta inay ka fogaato xuduud toos ah oo ay la yeelato Somaliland, isla markaana ay yareyso khilaafka joogtada ah.
Abbaarta (Siinaariyaha) Saddexaad: Joogtaynta Xaaladda Jirta (Stato qua)
Abbaarta (siinaariyaha) saddexaad waa in Puntland ay sii ahaato sida ay hadda tahay, iyadoo xoogga saaraysa xasilloonida gudaha iyo ka qaybgalka doorashooyinka soo socda. Qaabkan, Puntland waxay ku xoojin kartaa taageerada midnimada Soomaaliya, iyadoo isla markaana si cad uga hortagi karta aqoonsiga Somaliland. Faa’iidada ugu weyn ee habkan ayaa ah in uu yareeyo khataraha degdegga ah, kana ilaaliyo Puntland jaahwareer siyaasadeed iyo mid amni,wuxuuna horseedi kara in Puntland ay Villa Soomaaliya ku fariisiso nidaam danaha Puntland ka shaqeeya saaxiibna la ah . Waayo 10-kii sano ee u dambaysay Puntland waxa ay lumisay samaaynteedii siyaasadeed; taas oo dhaxalsiisay in uu ku yimaado dib u dhac dhaqaale, siyaasadeed iyo horumarineedba.
Ceebta keliya ay abbaartan (siinaariyahaan) leedahay ayaa ah in Puntland ay heli waydo maqaam u gaar ah, balse hadii nidaamka siyaasadeed iyo hoggaanka Puntland ay danta guud ka hormariyaan middooda gaarka ah, waa mid ay isku waafajin karaan labada abbaarood (siinaariyow) ee labaad iyo sadexaad-ba; maadaama aysan weli Soomaaliya yeelan dastuur joogta ah oo la isku waaafaqsanyahay; sidoo kalena Somaliland oo ah qeyb wayn ay u muuqato mid sii baxaysa. ayna hadda fogtahay kasii mid noqoshada Soomaaliyadii 1960 midowday.
Gunaanad: Xilli Go’aan iyo Aragti Fog
Gunaanad ahaan, aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil iyo faragelinta quwadaha gobolku, waxay Puntland gelisay marxalad aan hore loo arag. Waa marxalad u baahan hoggaan aragti fog leh, go’aan qaadasho miisaaman, iyo istiraatiijiyad ka tarjumaysa xaqiiqda dhabta ah ee siyaasadda gobolka. Puntland haddii ay si xeel dheer u dhaqanto, waxay ka dhex heli kartaa maqaam gaar ah oo ay ku ilaashato danaha dadkeeda, isla markaana ay uga sii mid ahaan karto Soomaaliya; iyadoo leh cod iyo saameyn ka culus tii hore.
Qoraaga

- Waa qoraa iyo sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee SIDRA Institute, oo leh khbrad nidaamka caddaaladda Soomaaliya, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada.
Latest entries
MaqaaloMarch 29, 2026Kadib Meelmarintii Sharci-darrada ahayd ee DFD: Maxaa Puntland La Gudboon, Federaal Nooceese Ayay Shacabkeedu Doonayaan?
FaaloFebruary 25, 2026Hannaanka Doorasho ee Dalka: Akhrin Xaaladeed iyo Xulashooyin Siyaasadeed
FaalooyinJanuary 29, 2026Aqoonsiga Somaliland Kadib: Maxaa Puntland la Gudboon?
FaalooyinDecember 29, 2025Midnimo mise gooni-goosad? Jahawareerka aragtiyeed ee indheergaradka Puntland










