Hordhac
Tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, duniddu waxay ku socotay nidaam la isla oggol yahay oo lagu dhisay isku dheelitirnaan quwado, sharciyo caalami ah, iyo hay’addo loo arkayay kuwo ka sarreeya danaha dal gaar ah. Nidaamkaas, oo saldhig u ahaa xasilloonida caalamiga ah, waxaa ka dhashay Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, iyo isbahaysiyo militari iyo siyaasadeed oo ujeeddadoodu ahayd in la yareeyo suurtagalnimada dagaallo waaweyn. Intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, inkastoo ay jireen laba garab oo iska soo horjeeday, haddana waxaa jiray xeerar aan la jebin karin iyo xuduud ay quwaduhu ka taxaddari jireen.
Burburkii Midowgii Soofiyeeti wuxuu dunidda geliyay marxalad cusub oo la rumaysnaa in ay horseedi doonto, nidaam caalami ah oo ku dhisan hal quwad. Laakiin riyadaas ma sii waarin. Laga soo bilaabo bilowgii qarnigan 21-aad, calaamado muujinaya daciifnimada nidaamkaas ayaa isa soo tarayay; faragelino militari oo aan sharci caalami ah lahayn, cunaqabatayn dhaqaale oo loo adeegsanayo sida hub siyaasadeed, iyo ururro caalami ah oo awooddoodii sii luntay.
Dagaalkii ka qarxay Ukraine 2022 wuxuu noqday iftiinkii si cad u muujiyay in nidaamkii caalamiga ahaa uu dillaacay. Markii ciidammo Ruush ah ay galeen Ukraine, duniddu waxay markhaati ka noqotay awood la’aan ka timid hay’adihii caalamiga ahaa ee loo igmaday ilaalinta madaxbannaanida dalalka. Waxaase la oran karaa sawirkaas waxaa si buuxda u dhammeystiray wixii ka dhacay marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta, halkaas oo indhaha dunida ay si toos ah u arkayeen carruur, haween iyo dad rayid ah oo lagu laynayo, iyadoo sharciyadii caalamiga ahaa, xeerarkii bani’aadantinimada, iyo xakameyntii awoodda militari ay noqdeen wax la iska indho tiray. Qasa waxay noqotay meesha lagu aasay fikraddii ahayd in quwadaha lagu xakameyn karo xeerar ay wada oggol yihiin.
Halkaas ayay ka caddaatay in cidda awoodda leh aysan maanta jirin wax ka hor istaagi kara haddii ay doonayso weerar, dhul-qabsi ama cadaadis siyaasadeed. Nidaamkii caalamiga ahaa wuxuu isu beddelay mid ku shaqeeya hal qaanuun: kan xoogga.
Burburka Hay’adaha iyo Isbahaysiyada
Markii hore, Qaramada Midoobay waxaa loo arki jiray madal ay ku kulmaan dalalka dunidda si ay u xalliyaan khilaafaadka, u ilaaliyaan nabadda, una difaacaan dadka nugul. Maanta, hay’addaas waxay u muuqataa kuwa aan awood u lahayn inay xakameeyaan quwadaha waaweyn ama ay ka hortagaan xadgudubyo muuqda. Golaha Ammaanka, oo ah laf-dhabarta awoodda Qaramada Midoobay, wuxuu noqday goob ay quwaduhu ku difaacdaan danahooda, halkii uu ahaan lahaa hay’ad u adeegta caddaaladda caalamiga ah.
Isbahaysiyo waaweyn sida NATO, oo muddo dheer ahaa tiirkii wadajirka reer galbeedka, ayaa isna wajahaya kala shaki iyo jaahwareer. Dalal reer Yurub ah oo muddo dheer ku tiirsanaa Mareykanka ayaa maanta si hoose u muujinaya walaac ku saabsan jihada siyaasadda Washington. Ficillada degdegga ah, cunaqabataynta aan xisaabta ku dhisnayn, iyo isticmaalka awoodda dhaqaale si cadaadis loo saaro xulafo, ayaa abuuray jawi cusub oo shaki ah.
Tusaale cad waxaa ah; Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney markii uu booqday bartamhii bishii Jannaayo, 2026 dalka Shiinaha, wuxuu halkaas si aan gambasho lahayn uga sheegay baahida loo qabo nidaam caalami ah oo cusub. Canada, oo ahayd xulafo dhow oo Mareykanka ah kana mid ah shanta dal ee isku xira nidaamka sirdoonka ee loo yaqaan “Five Eyes” oo ujeedka loo dhisay uu ahaa ka hortagga saameynta Shiinaha, ayaa si cad u muujisay inay doonayso inay ka hoos baxdo ku-tiirsanaanta hal quwad. Arrintan waxay timid kaddib cunaqabatayn iyo cadaadis dhaqaale oo ay Canada kala kulantay Mareykanka, taasoo ku qasabtay Ottawa inay raadsato xiriirro kale oo caalami ah, xitaa haddii ay la macno tahay inay u weecato Shiinaha oo Washington u aragto cadow istiraatiiji ah.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa si cad u sheegay dabayaaqadii bishii Jannaayo 2026 in nidaamkii caalamiga ahaa ee reer galbeedku ku faani jireen uu burburay, isla markaana dunidda uu maanta ka shaqeeyo sharci ah in cidda xoogga weyn ay wax maamusho. Hadalkaas, oo mar hore loo arki lahaa mid kicin ah, maanta wuxuu noqday aragti ay dad badan qirsan yihiin.
Loollanka Goobaha Istiraatiijiga ah
Burburka nidaamka caalamiga ah wuxuu si toos ah u horseeday tartan cusub oo ku wajahan goobaha istiraatiijiga ah: marinno biyoodyo, jasiirado, iyo dhulal hodan ku ah khayraadka dabiiciga ah. Tartankaas wuxuu gaaray heer ay xitaa quwaduhu ku cadaadinayaan xulafadooda. Wararka soo baxaya ee ku saabsan cadaadis Mareykanka oo lagu doonayo in xulafo Yurub ah ay taageeraan qorshayaal la xiriira jasiiradda Greenland inuu Mareykanka qaato ayaa tusaale u ah sida loollanka cusub u jebiyay xeerarkii hore ee ixtiraamka xuduudaha iyo madaxbannaanida.
Dunidan jaahwareersan dhexdeeda, waxaa cirif istiraatiji ah kaga taal Soomaaliya oo ah dal ku yaalla marinno biyoodyo istiraatiiji ah, leh xeebta ugu dheer Afrika, kuna fadhiya isku xirka Badweynta Hindiya iyo Badda Cas. Waa dal leh khayraad dabiici ah oo aan wali si buuxda loo sahamin, balse la ogyahay in ay ku jiraan waxa dunidu maanta ku dagaallamayso: tamar, macdan, iyo marin ganacsi, taasi waxay si cad u qeexaysa in la joogo waqtigii indhaha oo dhan ay soo eegi lahaayeen Soomaaliya.
Hase yeeshee, Soomaaliya waa dal muddo ka badan 30 sano ku guuldarreysatay inuu dhiso nidaam dowladeed oo awood leh, oo ilaalin kara xuduudihiisa dhulka, badda iyo cirka. Daciifnimadaas ayaa ka dhigaysa dalka mid u nugul faragelin shisheeye, isla markaana sahashay in loollanka caalamiga ah uu gudaha dalka ka noqdo mid muuqda.
Arrinta Somaliland ayaa noqotay tusaalaha ugu cad ee isbeddelkaas. Muddo ka badan 33 sano oo ay raadineysay aqoonsi caalami ah kaddib, waxay heshay cid aqoonsata, aqoonsigaasna wuxuu ka yimid Israa’iil.
Israa’iil waa dal xiriir dhow la leh Mareykanka, isla markaana inta badan u dhaqma sida wakiil matala danaha Washington ee gobolka. Aqoonsigaas wuxuu Soomaaliya geliyay bartamaha loollanka quwadaha, xilli dalal kale sida Turkiga, Sacuudiga, Pakistan iyo Qatar ay iyaguna yihiin xulafo wada socda oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan mustaqbalka Soomaaliya.
Taariikh ahaan, Soomaaliya waxay marar badan noqotay goob ay ku hardamaan quwado shisheeye, laga soo bilaabo Dagaalkii Qaboobaa ilaa maanta. Farqiga maanta jira ayaa ah xaalada ay Soomaaliya manta ku sugantahay iyo in nidaamkii caalamiga ahaa ee xaddidayay faragelintaas uu burburay, taasoo ka dhigaysa loollanka mid ka khatar badan kii hore.
Gabagabo iyo Talooyin
Isbeddelka caalamiga ah ee hadda socda ma aha mid ku meel gaar ah; waa marxalad cusub oo laga yaabo inay go’aamiso masiirka dalal badan.
Soomaaliya, oo ku suntan daciifnimo dhisme dowladeed iyo kala qeybsanaan siyaasadeed, waxay halis ugu jirtaa inay ku dhacdo goob aysan ka soo laaban karin haddii aan si degdeg ah loo qaadin tallaabooyin xeeladaysan.
Casharka ugu weyn waxaa laga baran karaa Ukraine. Inkastoo ay ahayd dowlad leh ciidan, dhaqaale iyo taageero caalami ah, haddana isbeddelka nidaamka caalamiga ah iyo loollanka quwadaha ayaa sababay in dhul badan laga qabsado, isla markaana madaxbannaanideedu ay gasho xaalad aan hore loo arag. Soomaaliya iyo Ukraine waxay wadaagaan astaamo dhowr ah: marinno biyoodyo istiraatiiji ah, khayraad dabiici ah, iyo muhiimad juqraafiyeed oo ka dhigaysa bartilmaameed.
Haddii Soomaaliya aysan si degdeg ah u mideyn aragtideeda qaran, u dhisin hay’ado awood leh, una ilaalin xuduudaheeda, waxay wajihi doontaa kala qeybin buuxda, burbur dheeraad ah, iyo faragelin shisheeye oo amarro dejisa. Xalku ma aha in la doorto hal quwad oo la isku halleeyo, balse waa in la dhiso siyaasad dheelitiran oo ku dhisan dan qaran, laguna wajaho dunidda isbeddelaysa si feejigan.
Soomaaliya waxay u baahantahay hoggaan fahmaya in waqtigu uusan sugeyn, in nidaamka caalamiga ah ee hore aan dib loo soo celin doonin, isla markaana badbaadadu ay ku jirto midnimo gudaha ah, dib-u-dhis hay’adeed, iyo aragti qaran oo ka sarreysa danaha gaarka ah. Haddii kale, taariikhdu mar kale way qori doontaa cutub kale oo murugo leh, Soomaaliyana waxay noqon doontaa tusaale kale oo muujinaya sida dal daciif ah uu ugu baaba’o loollanka quwadaha adduunka.
Qoraaga

- waa wariye Soomaaliyeed oo si firfircoon warbixinada ugu soo gudbiya baraha bulshada, kana faallooda arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhacdooyinka bulshada. Waxaa lagu yaqaanaa tebinta degdegga ah iyo falanqaynta arrimaha Soomaaliya iyo caalamka.











