Hannaanka Doorasho ee Dalka: Akhrin Xaaladeed iyo Xulashooyin Siyaasadeed

Hordhac

Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad soo noqnoqota oo afartii sano mar dalka gelisa hubanti la’aan siyaasadeed iyo walaac qaran. Waa marxalad dadku ay “wadnaha farta ku hayaan”, iyaga oo ka warwarsan jihada uu dalku u dhaqaaqayo. Mar kasta oo doorasho soo dhowaato, waxaa sare u kaca xiisado siyaasadeed, muran sharciyeed, iyo cabsi laga qabo in khilaafku isu beddelo dagaal sokeeye iyo kala fogaansho bulshada Soomaaliyeed.

Nasiib darro, weli xal waara looma helin qaab doorasho oo dalka ka saara wareeggan hubanti la’aanta ah. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, inkastoo ay ku timid rajo dib-u-habeyn iyo dhammeystir dastuur, haddana ma aysan suurtagelin in la helo dastuur laysku waafaqsanyahay, dhammaystiran oo qeexaya hannaan doorasho oo lagu wada qanacsanyahay. Dastuurku waa heshiis bulsho oo lagu qoro xeerarka wada noolaanshaha iyo kala dambeynta awoodda; marka uu dhammaystirnaan waayo, khilaaf siyaasadeed ayaa buuxiya booskiisa.

Sanad walba xilligan oo kale, Muqdisho waxa ku soo qulqula waxa loogu yeero “saamilayda siyaasadda”, kuwaas oo badankood aan ugu yeero danlayda kursiga Villada yaal. Iyada oo ay dantoodu tahay inta badan sidii ay ku heli lahaayeen nidaam doorasho oo isaga ku haboon una sahla hanashada kursiga, halkii laga eegi lahaa dan qaran oo waarta.

Marka dib loo milicsado xaaladaha la soo maray, waxaa muuqata in doorashada soo socota ay ku koobnaan karto saddex nooc oo waaweyn.

Nooca Koowaad: Doorasho Qof iyo Cod ah (Doorasho Toos ah)

Noocan waxa ay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran, xukuumad wadaag ah, iyo muddo-kordhin u dhaxaysa hal ilaa laba sano si loo dhiso hay’adaha, loona diyaariyo sharciyad iyo maamul doorasho heshiis lagu yahay, laguna kalsoonaan karo.

1. Qof iyo Cod Xaddidan (Deegaan ku Kooban)

Waa doorasho qof iyo cod ah, balse laga yaabo in lagu koobnaado xarumaha gobollada ama meelaha ay dawladdu si buuxda u maamusho.

Astaamaha:

Astaamaha nidaamkan waxaa ka mid ah in kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo beelaha sida uu dhigayo hab-qaybsiga 4.5, taas oo ka dhigan in saamiga matalaaddu horey u sii qeexanyahay, balse habka lagu dooranayo wakiillada uu noqonayo mid tartan ah. Musharrixiintu waxay ku tartamayaan kuraasta ay beelahoodu leeyihiin, taas oo ilaalinaysa qaab-dhismeedka awood-qaybsiga ee hadda jira, isla markaana siinaysa bulshada fursad ay si toos ah ugu kala doortaan cidda matalaysa. Sidoo kale, nidaamkan waxaa lagu dari karaa qaab xisbiyeed, si tartanku uga gudbo heer qabiil oo keliya una yeesho aragtiyo siyaasadeed iyo barnaamijyo la isku hayo, inkastoo weli saldhigga kuraastu ku xirnaanayo nidaamka 4.5.

Faa’iidooyinka:

Nidaamkan waxa uu siinayaa dadweynaha fursad ay si toos ah ugu doortaan wakiilladooda, taas oo xoojinaysa xiriirka u dhexeeya muwaadinka iyo xildhibaanka isla markaana kordhinaysa isla xisaabtanka siyaasadeed. Sidoo kale, maadaama codka go’aanka leh uu si toos ah uga imaanayo bulshada, waxa uu yarayn karaa ku tiirsanaanta iyo saameynta ay odayaasha dhaqanka iyo maamul-goboleedyadu ku lahaayeen xulista wakiillada, taas oo horey door muhiim ah uga ciyaari jirtay nidaamyada dadban.

Caqabadaha:

nidaamkan waxa uu la imanayaa caqabado muuqda, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaqaale aad u ballaaran oo ku baxaya diiwaangelinta, qalabka farsamada, tababarka shaqaalaha iyo sugidda amniga. Waxa kale oo jirta suurtagalnimada amni xumo, gaar ahaan meelaha ay khataraha amni ka jiraan, taas oo carqaladayn karta habsami u socodka doorashada. Intaa waxaa dheer, muwaadiniin badan oo ku nool deegaanno ka fog xarumaha diiwaangelinta iyo goobaha codbixinta ayaa laga yaabaa in ay ka maqnaadaan ka qaybgalka, taas oo dhaawici karta sinnaanta fursadaha. Sidoo kale, waxaa iman karta cabsi ah in musharrixiinta qaar si toos ah ama si dadban looga hor istaago isa sharaxidda, taas oo wiiqi karta furfurnaanta iyo caddaaladda tartanka siyaasadeed.

2. Qof iyo Cod Qabiilaysan

Waa nooc qof iyo cod ah, balse ku dhisan beel ahaan. Cidda wax dooranaysa iyo kan la dooranayaba labaduba waxay ku xiranyihiin beesha kursiga leh.

Astaamaha:

Astaamaha nidaamkan waxa ka mid ah in kursi kasta loo aqoonsado deegaan doorasho oo ay leedahay beel gaar ah, taas oo ka dhigan in cidda wax dooranaysa iyo kan la dooranayo labaduba ku xiranyihiin isla beesha kursigaas leh. Qaabkan looma baahna nidaam xisbiyeed, maadaama tartanku si toos ah uga dhex dhacayo xubnaha beesha dhexdeeda, iyadoo muwaadiniintu dooranayaan musharraxa ay u arkaan inuu matalaad wanaagsan siin karo. Sidoo kale, doorashadu waxay ka dhacaysaa dalka oo dhan hal mar, taas oo siinaysa nidaamka isku mar qabsoomid qaran, isla markaana yarayn karta kala jiidashada wakhtiga iyo faragelinta maamullada iyo dawladda federaalkaba.

Faa’iidooyinka:

Nidaamkan waxa adkaanaysa in la musuqmaasuqo, maadaama tirada codbixiyeyaashu ay aad u badantahay, taas oo yaraynaysa suurtagalnimada in koox yar lagu maamulo ama lagu iibsado natiijada. Markasta oo tiradu ballaarato, kharashka iyo dadaalka lagu sameyn karo faragelinta sharci-darrada ah wuu kordhaa, taas oo si dabiici ah u xaddidaysa musuqmaasuqa. Sidoo kale, diiwaangelintu waxay noqoneysaa mid hal mar qaran ahaan loo wada qabto, taas oo fududayn karta maamulka iyo habsami u socodka doorashada, isla markaana abuuri karta kayd xogeed mideysan oo mustaqbalka laga faa’iideysan karo.

Caqabadaha:

Nidaamkan weli wuxuu u baahanyahay muddo-kordhin si loo diyaariyo sharciyadiisa, loona dhiso hay’adaha iyo farsamooyinka fulinaya doorashada. Waxa kale oo uu u baahanyahay dhaqaale iyo qorshe amni oo xooggan, maadaama diiwaangelinta iyo sugidda goobaha codbixintu ay ku fidi doonaan dalka oo dhan. Intaa waxaa dheer, maadaama qaabkani si toos ah ugu dhisanyahay beel, waxaa jirta khatar ah in siyaasadda lagu sii xoojiyo qabiilka, halkii laga gudbi lahaa loona wareegi lahayd aragtiyo iyo barnaamijyo qaran oo ka tarjumaya dan guud.

Nooca Labaad: Doorasho Dadban (Indirect Election)

Noocan uma baahna isbeddel xukuumadeed, balse wuxuu u baahanyahay muddo-kordhin farsamo oo lagu qabto doorashada. Waa qaab la mid ah kii 2016 ama 2022, iyadoo isla xukuumaddii jirta ay qaban karto.

1. Ku Noqoshada Noocii 2016/2022 ama Mid u Eg

Astaamaha:

Nidaamkan waxa uu ku dhisanyahay ergooyin ay soo xulaan odayaasha dhaqanka, kuwaas oo noqda cidda si toos ah u dooranaysa xildhibaannada. Habka xulista ergada iyo habsami u socodka doorashadaba waxa saamayn muuqata ku leh maamul-goboleedyada, kuwaas oo door ka ciyaara hagidda iyo jihaynta geeddi-socodka. Inkastoo maamulka doorashada lagu tilmaamo mid wadaag ah oo u dhexeeya heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, haddana awoodda dhabta ah ee saameynta leh inta badan waxay gacanta ugu jirtaa maamul-goboleedka martigelinaya doorashada.

Faa’iidooyinka:

Qaabkan waa nidaam hore loo soo tijaabiyay oo dalka ka dhacay, sidaa awgeed dhinacyada siyaasadda iyo hay’adaha fulinta waxay leeyihiin waayo-aragnimo ku saabsan habraaciisa iyo sida loo maareeyo. Tani waxay ka dhigaysaa mid aan u baahnayn diyaarin farsamo oo ballaaran ama qalab iyo hannaan cusub oo la dhiso, maadaama qaab-dhismeedkiisii hore iyo khibraddii laga helay ay fududayn karaan hirgelintiisa mar kale.

Caqabadaha:

Nidaamkan waxa hareeya eedo la xiriira musuqmaasuq iyo faragelin siyaasadeed, maadaama tirada ergadu ay koobantahay isla markaana ay fududaan karto in la saameeyo ama lagu hago jihada ay rabaan daneeyayaasha awoodda leh. Sidoo kale, inkastoo uu yahay doorasho dadban, haddana wuxuu u baahanyahay dhaqaale iyo qorshe amni oo qaali ah si loo sugo goobaha doorashada iyo badqabka ergada. Intaa waxaa dheer, qaabkan waxaa si gaar ah u riixaya qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo u arka in uu siinayo door iyo saameyn ballaaran oo ay ku yeeshaan habsami u socodka iyo natiijada doorashada.

2. Doorasho Dadban oo Casriyeeysan

Astaamaha:

Nidaamkan waxa lagu gartaa in goobaha doorashada la ballaariyo si ay uga dhacaan xarumo badan oo ay dawladdu gacanta ku hayso, taas oo yarayn karta ciriiriga iyo isku ururinta hal meel. Sidoo kale, kuraasta looma dooranayo mid mid oo gooni ah, balse waxaa loo qaabeeyaa koox-koox, iyadoo koox kasta ay wada dooranayaan ergooyin isku mar u codeynaya kuraastaas. Dhanka kale, ergada dooranaysa musharrixiinta waxaa soo xulaya 135-kii oday dhaqameed, taas oo ka dhigan in asalka matalaadda uu weli ka soo bilaabanayo odayaasha, inkastoo habka codbixintu noqdo mid nidaamsan oo ballaaran.

Faa’iidooyinka:

Qaabkan waxa uu yareyn karaa boobka iyo faragelinta maamul-goboleedyada, maadaama habraaca loo qaabeeyo si nidaamsan oo aan si fudud loogu kala maamuli karin hal meel ama hal koox. Marka kuraasta loo doorto si koox-koox ah oo goobaha la ballaariyo, waxaa adkaanaysa in si gaar ah loo maamulo natiijada kursi kasta. Sidoo kale, maadaama doorashadu isku mar uga dhaceyso dhowr goobood, waxay abuureysaa hannaan isku xiran oo dedejinaya geeddi-socodka isla markaana yarayn kara suurtagalnimada in marxalad-marxalad loo farageliyo.

Caqabadaha:

Nidaamkan weli kama marna saameynta maamul-goboleedyada, kuwaas oo awood u yeelan kara inay si toos ah ama dadban u farageliyaan habsami u socodka doorashada. Intaa waxaa dheer, inkastoo uu yahay qaab la nidaamiyey, haddana wuxuu u baahanyahay dhaqaale iyo qorshe amni oo xooggan, maadaama doorashadu ka dhaceyso goobo badan isla markaana ay ku lug leeyihiin ergooyin tiro badan. Haddii maamulka guud ee doorashada si buuxda loogu daayo maamul-goboleed gaar ah, khatar ayaa jirta in geeddi-socodku u janjeero dan gaar ah, taas oo dhaawici karta kalsoonida iyo wada-oggolaanshaha qaran.

Nooca Saddexaad: Doorasho Odayaal Toos u Magacaabaan (Qaabkii 2012)

Waa nooca keliya ee aan u baahnayn muddo-kordhin ama kharash badan.

Astaamaha:

Nidaamkan waxa uu ku salaysanyahay in 135-kii oday dhaqameed ay si toos ah u magacaabaan xildhibaannada, iyaga oo aan loo marin hannaan codbixin dadweyne ama ergo ballaaran. Sidaas darteed, looma baahna diiwaangelin muwaadiniin ama abaabul farsamo oo heer qaran ah, maadaama go’aanku ku koobnaanayo odayaasha la aqoonsan yahay, taas oo ka dhigaysa hab fudud oo degdeg ah marka loo eego noocyada kale ee doorashooyinka.

Faa’iidooyinka:

Nidaamkan waxa uu u baahanyahay dhaqaale aad u yar marka loo eego noocyada kale ee doorashooyinka, maadaama uusan ku lug lahayn diiwaangelin ballaaran, qalab farsamo ama sugid amni oo heer qaran ah. Sidoo kale, wuxuu ku qabsoomi karaa waqti gaaban, maadaama go’aanku ku koobnaanayo tiro xaddidan oo odayaal ah. Marka la barbar dhigo qaababka kale, waxa uu keeni karaa khilaaf siyaasadeed oo ka yar kuwa kale, maadaama tartanku uusan ku fidayn dadweyne ballaaran ama heerar maamul oo kala duwan, inkastoo doodaha ku saabsan matalaadda iyo sharciyaddiisu ay weli jiri karaan.

Caqabadaha:

Si kastaba ha ahaatee, nidaamkan waxa horyaalla caqabado u baahan in si cad loogu heshiiyo, gaar ahaan marka ay timaaddo odayaashii dhintay ama hawlgab noqday iyo habka lagu buuxinayo booskooda si sharciyad iyo aqoonsi buuxa loo helo. Waxaa kale oo suurtagal ah in muranno ka dhashaan saxiixyada, matalaadda iyo cidda xaqa u leh magacaabista, taas oo keeni karta khilaaf beeleed ama siyaasadeed. Sidaas awgeed, waxaa lama huraan ah in la helo guddi lagu wada heshiiyey oo u qaabilsan xalinta khilaafaadka, si loo hubiyo in geeddi-socodku ahaado mid la aqbali karo oo aan dib u hurin muran siyaasadeed.

Ugu dambayntii

Doorashada dalka ma aha oo keliya hannaan farsamo; waa imtixaan qaran oo hal-beeg u ah bisaylka siyaasadeed iyo awoodda lagu maareeyo khilaafka. Saddexdan nooc mid walba wuxuu leeyahay suurtagalnimo iyo caqabado u gaar ah. Doorashada dhabta ah ee hortaalla Soomaalida ma aha oo keliya nooca la qaadanayo, balse waa su’aasha ah: ma awoodnaa in aan heshiis qaran ka gaarno mustaqbal wadajir ah?

Marka si dhab ah loo eego, dhammaan noocyada doorasho ee kor lagu soo bandhigay muran ayaa ku hareeraysan. Mid walba wuxuu leeyahay dhinacyo lagu kala aragti duwan yahay—ha ahaato sharciyaddiisa, saamaynta maamul-goboleedyada, kharashka, amniga ama suurtagalnimadiisa siyaasadeed. Sidaas darteed, doorashadu maanta ma aha oo keliya su’aal farsamo, balse waa su’aal ku saabsan is-aaminaad iyo heshiis siyaasadeed oo qaran.

Haddii Golaha Mustaqbalka iyo mucaaradkuba si cad u diidaan muddo-kordhin nooc kasta ha ahaatee, markaas si macquul ah waxay ku khasbanyihiin in ay qaataan qaabkii 2012 lagu galay doorashada—oo ah in 135 oday si toos ah u magacaabaan xildhibaannada. Waa qaabka keliya ee aan u baahnayn waqti dheeraad ah, diyaarin farsamo ama isbeddel xukuumadeed. Inkastoo uu leeyahay dood iyo dhaliil u gaar ah, haddana waa qaab degdeg lagu gaari karo si looga baxo qalalaasaha waqtiga.

Haddiise ay jirto diyaar u ahaansho muddo-kordhin kooban oo farsamo—qiyaastii saddex ilaa lix bilood—markaas dalka waa inuu aadaa doorasho dadban oo casriyeeysan, taas oo si cad loo dhimayo saamaynta maamul-goboleedyada iyo xukuumadda federaalka intii macquul ah. Qaabkani wuxuu noqon karaa xal ku meel gaar ah oo hagaajiya habraacyadii hore, isla markaana yareeya faragelinta iyo eedaha musuqmaasuqa.

Balse haddii la rabo in muranka doorasho si waara loo soo afjaro, dalkuna u gudbo nidaam qof iyo cod ah, markaas lama huraan ayey noqoneysaa muddo-kordhin dheer iyo in la dhiso dawlad wadaag ah oo lagu heshiiyo. Tani waa dariiqa keliya ee suurtagelin kara in si dhab ah looga heshiiyo dastuur dhammaystiran, sharciyada doorashada, iyo hay’adaha maamulaya. Waxaa laga yaabaa in nidaamka qof iyo codku marka hore noqdo mid ku salaysan xaalad gaar ah oo ka duwan qaababka caalamka, balse waa nidaam la horumarin karo sanadaha xiga. Taasi waxay noqon lahayd bootin weyn oo dhanka horumarka ah—midkii ugu horreeyey ee noociisa ah tan iyo dowladdii rayidka ahayd ee lixdamaadkii—oo dalka ka saari kara wareegga hubanti la’aanta ee afartii sano mar soo noqnoqda.

Qoraaga
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)Waa qoraa iyo sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee SIDRA Institute, oo leh khbrad nidaamka caddaaladda Soomaaliya, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link