Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Saddexaad: Burbur mise Bislaansho Siyaasadeed? Dowladnimada iyo dabeecadda khilaafka

Doodaha ku saabsan burburka ama jiritaanka dowladnimada Soomaaliya waxay inta badan ka dhashaan muranno siyaasadeed sida doorashooyinka, hannaanka awoodda lagula kala wareegaayo, iyo heshiisyada aan dhammaystirnayn. Dad badan waxay u arkaan in khilaaf kasta oo siyaasadeed uu calaamad u yahay burbur dowladeed, halka kuwa kale ay ku doodaan in dowladnimadu aysan ku dhammaan khilaaf, balse ay ku bislaato dhexdiisa.

Taariikh ahaan, dowlad-dhisku (state-building) marna ma ahayn hannaan nadiif ah, toosan, ama si buuxda ugu dhisan nabad iyo is-afgarad. Inta badan dowladaha casriga ah waxay kasoo unkameen geeddi-socodyo adag oo ay ku jireen dagaallo, gorgortan siyaasadeed, cadaadisyo kala duwan, tijaabooyin hay’adeed, iyo la-qabsasho bulsho.

Dowlad-dhis ma aha dhacdo hal mar lagu guuleysto, balse waa geeddi-socod dheer oo soo mara marxalado kala duwan. Geeddi-socodkaas waxaa ka mid ah muranno siyaasadeed, dib-u-dhacyo, isqabqabsi iyo loollan awoodeed, iyo dadaallo joogto ah oo lagu gaarayo dib-u-heshiisiin iyo is-afgarad.

Sidaas darteed, ismariwaaga siyaasadeed ee Soomaaliya maanta ka jira looma fasiran karo inuu yahay burburkii “Jamhuuriyaddii Saddexaad”, balse wuxuu qayb ka yahay marxaladaha kala-guurka iyo korriinka siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed ay marayso. Bulsho kasta oo isku dayaysa inay dib u dhisto hay’ado, heshiis qaran, iyo nidaam awood-qaybsi waxay si dabiici ah u martaa marxalado ay ka mid yihiin: kalsooni darro, muran sharci, tartan awood, iyo is-afgaranwaa ku saabsan jihada dowladnimo.

Khilaafyadaasi waxay noqon karaan kuwo halis ah, balse taariikhdu waxay muujinaysaa in aysan khasab ahaan ka dhignayn geerida jamhuuriyadda. Marar badan waxay yihiin calaamado muujinaya in bulshada iyo hormoodkeeda siyaasadeed ay wali ku jiraan geeddi-socodka qeexidda shaxda xeerarka ciyaarta siyaasadeed.

Waxaa intaas dheer in codadka ku baaqaya in “Jamhuuriyaddii 3aad fashilantay” ay mararka qaar galayaan gaf taariikheed oo weyn, sababtoo ah cimriga ummadaha laguma cabbiro cimriga ashkhaasta, xukuumadaha, ama hal, laba, ama saddex jiil. Ummaduhu waa mashruucyo taariikhi ah oo socda qarniyo badan, halka hoggaamiyeyaasha iyo nidaamyada siyaasadeed ay yihiin marxalado isbeddelaya oo ku-meel-gaar ah.

Sidaa darteed, qalalaase siyaasadeed oo dhowr sano socday laguma go’aamin karo jiritaanka ama dhimashada jamhuuriyad dhan. Taariikhda ummadaha waxaa lagu cabbiraa awoodda ay uga gudbaan dhibaatooyinka iyaga oo ilaalinaya jiritaanka guud ee bulshada iyo dowladnimada.

Dagaalka iyo dhismaha dowladaha

Cilmibaare siyaasadeed Charles Tilly, maqaalkiisii caanka ahaa “War Making and State Making as Organized Crime”, wuxuu soo bandhigay aragti saameyn weyn ku yeelatay fahamka dowlad-dhiska casriga ah. Tilly wuxuu ku dooday in samaysanka dowladaha casriga ahi uu si dhow ula xirnaa dagaallada iyo dadaallada lagu ururinayay awoodda siyaasadeed. Wuxuu aragtidiisa ku soo koobay weedha caanka noqotay: “War made the state, and the state made war.”

Tilly wuxuu ku dooday in dowladaha Yurub aysan ka dhalan heshiisyo qumman ama nidaamyo dimuqraadi ah oo markiiba hirgalay, balse ay kasoo unkameen tartan adag oo ku salaysnaa raadinta awoodda, sugidda amniga, ururinta canshuuraha, iyo xakamaynta bulshada.

Markii boqorrada iyo hoggaamiyeyaashu ay wajahaan dagaallo dibadeed, kacdoonno gudaha ah, iyo khataro amni, waxay ku qasbanaadeen inay dhisaan nidaam canshuureed oo joogto ah, ciidan rasmi ah, maamul dhuleed wax ku ool ah, kaabayaal dowladeed, iyo hay’ado maamul (bureaucracy) oo awood leh si ay u sugaan amniga una xoojiyaan awoodda dowladda.

Si loo maalgeliyo dagaallada loona ilaaliyo xukunka, dowladuhu waxay si tartiib tartiib ah u abuureen hay’ado casri ah. Tilly wuxuu xitaa isbarbardhig ku sameeyay dowladihii hore iyo dambiyada abaabulan ee maafiyada “organized crime”, isagoo sheegay in mararka qaar dowladuhu dadka ka qaadaan canshuur iyo baad iyagoo ku doodaya inay ka ilaalinayaan khataro — halka qaar ka mid ah khatarahaas ay iyagu qayb ka yihiin ama ay ka faa’iideystaan.

Hase yeeshee, waxaa muhiim ah in si sax ah loo fahmo aragtida Tilly. Ujeeddadiisu ma ahayn inuu ku talinayo in bulshooyinka maanta ay maraan waddadii rabshadaha iyo dagaallada ee ay soo mareen dowladihii Yurub si ay u dhisaan dowladnimo. Aragtidiisu waxay ahayd mid taariikhi ah oo sharraxaysa sida dowladaha maanta jira ay dhab ahaan kusoo samaysmeen qarniyadii hore.

Sidaas darteed, aragtidiisu ma ahayn in dhib iyo dagaal la maro si dowlad loo dhiso, ee waxay ahayd in dowladaha maanta jira taariikh ahaan sidan ayay kusoo koreen.

Farqigaas ayaa muhiim ah. Xilligan casriga ah, dowlad-dhis guuleysta wuxuu inta badan ku salaysan yahay heshiis siyaasadeed, sharciyad la aqbalo, hay’ado loo dhan yahay, iyo maamul hufan oo wax ku dhisan. Sidaas awgeed, dowladuhu maanta waxay u badan yihiin inay ku dhismaan is-afgarad iyo ka-qaybgal siyaasadeed, halkii ay ku dhismi lahaayeen dagaal, qasab, iyo adeegsiga xoogga.

Si kastaba ha ahaatee, casharka laga qaadan karo Tilly waa inaan sawir qurxin xad-dhaaf leh (romanticization) laga bixin dowladaha maanta deggan, sidii iyagoo mar walba ahaan jiray nidaamyo qumman oo xasilloon. Inta badan waxay soo mareen marxalado adag oo khilaaf iyo qalalaase leh ka hor inta aysan gaarin heerka ay maanta joogaan.

Casharrada taariikhda

Dalal badan oo maanta loo arko kuwo xasilloon ayaa soo maray xaalado ka adag kuwa Soomaaliya maanta wajahayso. Kenya waxay wajahday rabshado qowmiyadeed doorashadii 2007-dii; Lubnaan muddo dheer ayay madaxweyne la’aan ahayd; Talyaaniguna wuxuu caan ku noqday dowlado si joogto ah u dhacaya. Si kastaba ha ahaatee, dalalkaas jamhuuriyadahoodu ma aysan dhiman, sababtoo ah hay’adihii dowliga ahaa iyo heshiiskii guud ee wada noolaanshaha ayaa sii jiray.

Casharka ugu weyn ee taariikhdu bixiso waa in dowladuhu aysan ku xoogeysan maqnaanshaha khilaafka, balse ay ku xoogeystaan awoodda ay uga gudbaan khilaafka iyaga oo aan burburin nidaamka guud. Ummadaha waaweyn ma badbaadaan sababtoo ah ma laha dhibaatooyin siyaasadeed; waxay badbaadaan sababtoo ah waxay yeeshaan awood ay ugu dulqaataan qalalaasaha iyaga oo aan jebin xenydaabkii dowladnimada.

Hay’adaha iyo dulqaadka siyaasadeed

Dowladnimo waarta waxay ku tiirsan tahay waxa lagu magacaabo “institutional patience” — dulqaadka hay’adaha. Tani waxay tilmaamaysaa in bulshooyinka iyo kooxaha siyaasadeed ay aqbalaan in:

  • Guuldarro siyaasadeed aysan ka dhignayn burbur nidaam.
  • Isbeddelka lagu raadiyo gudaha nidaamka, aan la burburin nidaamka laftiisa.
  • Iyo in dowladnimadu ka weyn tahay danaha ku-meel-gaarka ah ee koox ama hoggaan gaar ah.

Culumo badan oo ka faallooda siyaasadda iyo dowlad-dhiska, sida Samuel Huntington iyo Francis Fukuyama, waxay tilmaameen in hay’adaha dowladeed aysan hal mar ku bislaan, balse ay ku kobcaan hab tartiib tartiib ah. Sidaa darteed, dowladaha cusub ama kuwa kasoo kabanaya burburka waxay si gaar ah ugu baahanyihiin waqti ku filan, dulqaad siyaasadeed, iyo heshiisyo siyaasadeed oo soo noqnoqda si loo dhiso hay’ado adag oo waara.

Marka kooxaha siyaasadeed ay lumiyaan kalsoonida hay’adaha, waxay u nuglaadaan inay nidaamka dhan fashiliyaan halkii ay ku sixi lahaayeen hab siyaasadeed. Halkaas ayay ka dhalataa khatarta ugu weyn ee dowladaha jilicsan: in khilaafka siyaasadeed loo beddelo su’aal ku saabsan jiritaanka qaranka laftiisa.

Soomaaliya iyo cimriga dowladnimada

Soomaaliya maanta waxay ku jirtaa marxalad adag oo kala-guur siyaasadeed ah, hase yeeshee taasi macnaheedu ma aha in dowladnimadu gebi ahaanba fashilantay. Taariikh ahaan, jamhuuriyaduhu inta badan hal mar ma burburaan; waxay maraan marxalado ay ka mid yihiin daciifnimo hay’adeed, muranno sharci iyo siyaasadeed, iyo dib-u-habayn joogto ah, ka hor inta aysan dib ugu soo laaban xasillooni iyo isku dheelitirnaan siyaasadeed.

Waxa muhiimka ahi ma aha in khilaaf siyaasadeed jiro ama uusan jirin, balse waa in hay’adaha dowladeed ay sii shaqeeyaan, in waddooyinka wada hadalka iyo is-afgaradku furnaadaan, iyo in bulshada ay sii rumaysnaato in isbeddelka lagu gaari karo hababka iyo hay’adaha sharciga ah ee nidaamka gudihiisa.

Gunaanad

Dowladnimadu ma aha heer hal mar la gaaro, balse waa geeddi-socod dheer oo ku dhisan dhismaha hay’adaha, kobcinta kalsoonida bulshada, iyo adkaysiga qaran. Ummadaha waaweyn kuma sii jiraan jiritaankooda sababtoo ah khilaaf kama dhex dhaco, balse waxay ku sii waaraan awooddooda ay ku maareeyaan khilaafaadkaas iyaga oo adeegsanaya hay’ado sharci ah iyo hannaan siyaasadeed oo shaqaynaya. Sidaas darteed, samirka siyaasadeed, dulqaadka hay’adeed, iyo kartida looga gudbo xilliyada qalalaasaha iyada oo aan laga tanaasulin dowladnimada ayaa ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo xasilloonida iyo jiritaanka qaran.

Sidaas darteed, ismariwaaga siyaasadeed ee Soomaaliya maanta ka jira looma fasiran karo inuu yahay dhammaadka Jamhuuriyadda Saddexaad, balse waa qayb ka mid ah geeddi-socodka dheer ee dowlad-dhisidda iyo bislaanshaha siyaasadeed. Waa marxalad ay bulshada Soomaaliyeed ku baranayso xeerarka tartanka siyaasadeed, hababka maareynta khilaafaadka, iyo dhismaha hay’ado waara oo ka sarreeya danaha gaarka ah iyo kuwa ku-meel-gaarka ah. Guusha geeddi-socodkan kuma xirna maqnaanshaha khilaaf, balse waxay ku xiran tahay awoodda lagu xallin karo khilaafaadkaas iyada oo la ilaalinayo hay’adaha, sharciga, iyo midnimada siyaasadeed ee dalka.

W/Q: Cabdullaahi Cabdi (Cabdullaahi Dheere)

Qoraaga
Abdullahi Abdi (Abdullahi Dhere)
Abdullahi Abdi (Abdullahi Dhere)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link