Arar
Intaynaan dulucda hadalkeenna tiimban, bal aynu waxoogaa dib u noqonno oo aynu dib u majiiranno dadkeenna iyo hiddihiisa dhaqan, iyo weliba kiisa diimeed. Soomaalidu waa dad Islaam ah oo lagu tilmaamo inay ka mid yihiin dadyowga Islaamka ah ee duugga ah, diintuna ay biyadhigatay. Waxaa weliba ay taariikh-yahannadu sheegaan in Soomaaliya islaamnimadu soo gaadhay iyadoon weli Madina, Xaramka labaad ee Islaamka gaarin; oo waatii asxaabtii Nebigu, muuno iyo nabad korkiisa allaha yeelee, qaarkood magangaleen dal-weynihii la oran jirey Xabasha ee isaga diinta Nasaarada laga haystey xilligaasi, uuna hoggaankiisa hayey boqorkii Islaamay gadaashii ee Najaashi, oo isagu haystey haraadigii diintii Nebi Ciise ee dhabta ahayd, intii aysan doorsoomin. Dhacdadan ayaa ahayd ka hor intii aysan Muslimiintu degmeysan Madiina.
Waxaan uga socdaa Soomaalidu waa Islaam guuna. Hase ahaatee, waxaa sidoo kale taariikhdu ay sheegeysaa, ugu yaraan kun sano ka hor xilligan haatan la joogo, inay reer miyi ahaayeen, reero qabiillo ka koobana ay ahaayeen, welina sidii bay u yihiin amaba ugu badan yihiin. Inkastoo badankeedu haatan ‘magaalaysatay’ oo ay ‘daaro’ dhisteen, haddana reer-magaalnimadoodu waa dheeha sare ee weli dadku dhuuxa waa ka reer miyi, intiisa badan aynu niraahno: waana arrinta keeneysa inay xaal magaalo iyo maamul ku heshiin weydo, illeen weli waxay xagga bissaylka ka maraysaa ‘waa ku necebahay’, ‘intuu hebel haysan lahaa ha la waayo,’ iyo aragtiyo gaagaaban oo kuwaas lamid ah.
Dadyowga adduunka markaad fiiriso, waxaa loo kala saari karaa, duuduub ahaan saddex qaybood: bulso reer-magaalnimo asal u tahay oo fadhiid ah, madow, caddaan, ama maarriin, kay doonto ha ahaatee, leh ilbaxnimo sal dhigatay, magaalooyin hirgalay, talo bulsho oo hannaan fadhiya leh, iyo kayd aqooneed oo bulshada caqligeeda bisleeya. Kuwo kale, beelo reer-miyinimadu ay saldhig u tahay oo ma-deggan ah ama reer-guuraa aysan nolol-maalmeekeedu fadhiyin, wax ka fog iska daaye, iyo ugu dambayn, beel boqolkiiba toban ama shan iyo toban ay reer-magaal ama reer-miyi ka tahay.
Aan raacinnee, dal kasta waxaa dadkiisa waayeel iyo dhawrto u ah dawladdiisa: iyadaa wixii dayac ah ee bulsho ahaan waxyeellayn kara, marka laga hadlayo diinteeda, nafteeda, dhaqaaleheeda, iyo dhaqankeedaba, ka ilaalisa oo hoga-tusaalaysa. Qaabaka ay dawladdu wax u ilalaiso waxaa ka mid ah inay ‘irdaha’ daka looga soo dhici karo dhawrto u samayso, booliis, askar, sirdoon, sida xuduudaha waddanka, gegida diyaaradaha, dekedaha, iyo meeshii kaloo u nugul ‘in reerka looga soo dhoco’. Arrintaani waa midda keentay in adduunku samaysto dal-ku-gal ama ‘baasaboor’, noocuu doono ha ahaadee, si looga warqabo dadka qalaad ee soo gelaya dalka, si loola socdo dhaqdhaqaaqooda, iyo weliba ciddii deegaana oo dalka ka baxaysa, si looga warhayo oo dawladdu ay uga ilaaliso wixii waxyeello ah oo ku dhici kara, amaba ay u soo jiidi karaan dalka iyo dadka, sida jaajuus, cadow, kw, kas iyo kama’ba say doontaba ha ku dhacdee. Si kale haddaan u dhigno, dal kasta dawladdiisaa waayeel u ah, dadkana way ilaalisaa, gaar ahaan nugulkiisa iyo maxaska: dawlad-la-mood ma sheegeyno hadde; dawlad qumman baa u soconnaa.
Qaran-jabkii Soomaaliya
Soomaaliya goortay ka duntay dawladdii dhexe, maxaa ku dhacay dadweynihii; maxaa ku dhacay nugulkiisii; maxaa ku dhacay danyartiisii; maxaa ku dhacay kas-gaabkiisii aan isku filnayn; maxaa ku dhacay maatadii; maxastii iyo bir-ma-geydadii maxaa ku dhacay. Intii Soomaalidu dhexdeeda iska laysay marka laga yimaado, waxaa ku dhacay dayac; waxaa ku dhacay hoog iyo halaag; waxaa hareeraha uga soo galay nacabkiisii, isagoo miciyaha u lisanaya. Gabadhii gaaarida ahayd gun baa saloolatay, markaasay fagatay; gaal baa gacan-togaaleeyey. Way gaajootay; way baahatay, si kasta oo loo baahdo. Gayaankeedii waa le’day. Gurigeedii waa gubtay. Gunnimo buuxda baa usoo hoyatay.
Qaranjabkii kadib, Soomaalidu waxay u dagaagtay adduunka oo dhan. Habqankeedii wuxuu gaaray meel kasta oo aadane, mid liita iyo mid ladanba, dego, gaal iyo Muslimba. Haddiiba waxay ku butaacday Soomaalidii isasoo dishayi dalalkii nacabka u ahaa ee horraantiiba hagardaamada u geystey; waxay dhoobteen xuduudaha Kiinya iyo Itoobiya, iyagoo tabaalaysan oo arradan, misana is-hiifaya! Waa war qaawan oo la wada ogyahay. Waatii xeryaha qaxootiga loo ooday. Waxaa ka mid ahaa kuwii caanka baxay ‘Otaanga’ iyo ‘Majeengo’ ee ku yaalley magaalo-xeebeedka Kiinya ee Mombasa. Boqollaal kun oo qof baa lagu xareeyey. Xeryahan dadkii lagu xareeyey dhammaantiis, amaba badankoodii ‘waa la qaaday’. Waxaa loo qaaday Yurub iyo Marykanka; waxay heleen ‘risboonsar’. Waa erayadii ay dadkaasi qaxootiga ahi isugu ‘bishaarayn’ jireen; isboonsar baan helay! Hebel waa la qaadayaa! Dhabtu se waxay tahay in bulshadaas Soomaaliyeed la xaday oo aysan soo ‘addanayn’. Waatii maahmaahdu ahayd ‘dad galbeedsaday iyo rubad go’day midana sooma laabto’! Qorshaha lagu xadayaa waa uu degganaa intii aan ‘xeradooda’, dalkoodii hooyaan uga socdaa, la gubin baa la oran karaa; waaba la caddayn karaa haddii loo baahdo; waa bidhaan muuqata ninkii u dan leh; waa raad qoyan.
Adduunka kama dhicin, ugu yaraan waayadatan soke ee aadanuhu xog-wadaagga ahaa, dad intaas tiro la eg oo bilo gudohood la ‘xantoobsaday’, inta diyaarado guradadood weyntahay loo keensaday, iyagoo gacalo dheeraada u haya! Waxaa xaalkoodu ahaa xaalkii uu gabayaagu lahaa ‘iyaguna markaasay ku didi, diidi mahayaane!’ Markii waayeelkeedii la daaduunshey baa maxastii la daldashay.
Waxaa jirey kuwo ilaa maantadan ku jira xeryo qaxooti sida Xagar-dheer iyo Dhadhaab. Labadan dambe weli waa ay dhisan yihiin oo waxaa ayeeyo iyo awoowe ku noqday da’yartii ku hanaqaadday, iyadoo hadba da’dii soo kacda la dareersado, xaalkooduna uu yahay sidii gabayaagu yiri, “da’roontii kacdaba waydinkii gooyey reer dalale!”
Qoraalkan gaabani wuxuu wax yar ifinayaa bal waxa ku dhacay da’yartii uu waayeelkeedu dal shisheeye oo aysan diin iyo duud midna la wadaagin ula cararay, iyadoo dool ah oo dayeysan.
Goormaan la derisney gaalka
Sida taariikhda dhow ee Soomaaliya ku cad, Ingiriisku wuxuu ka mid uun yahay dawladihii Yurub ee ku soo qamaamay guud ahaan Afrika, gaar ahaana Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay abbaarihii 1884, iyagoo inuu gumeysto iyo inuu gumeeyo u socda. Waxay joogeen muddo le’eg toddobaatan iyo lix sano. Muddadaas ay joogeen badankeeda waxa ku socdey dagaal gobannimo-u-dirir ah oo uu ugu weynaa kii Daraawiishtu. Sidaas darteed uma suura gelin Ingiriiska inuu saamayn dhaqan iyo mid af oo weyn ku yeesho dadka Soomaaliyeed. Inkastoo uu dhawr dugsi ka furay dalka, gaar ahaan waqooyiga, haddana xilli dambe buu ahaa furitaankoodo, 1958-dii, ardaduna waa ay yarayd. Waxaase jirey mid isagu wa-xoogaa ka sii horreeyey kuwan dambe oo Berbera, fadhigii gumeystaha, laga furay abbaarihii 1938-dii. Waxaa guud ahaan dugsiyadatan loo furay carruurta xubnihii gumeystaha gacan-saarka la lahaa, iyo oday-dhaqameedyadii ka agdhawaa ee mishaaraka ka qaadanayey, intooda badana uu gumeystuhu ka dhinac sameeyey hoggaankii dhaqanka ee qummanaa, si uu u wiiqo hoggaanka dhabta ah ee bulshada. War mindhaa waa hawl uu weli wado! Sidoo kale, in dugsiyadaasi yeeshaan xer badan waxaa diiday kacdoonkii bulshada Soomaaliyeed, oo xilligaas dareenkeeda diimeed aad u xoogganaa, una arkaysay in dugsigu aanu ahayn kii saxda ahaa, isla markaana uu reebayo utun aan laga biskoon.
Inkastoo waddamo badan oo ka mid ahaa kuwii la gumeystay — kuwaas oo aad u badnaa— ay af-aqooneed (language of instruction) ka dhigteen afafkii gumeysiga kaddib markii ay xornimada qaateen, sida Ingiriisiga oo ay qaateen waddamo ay ka mid yihiin Kiinya iyo Nayjeeriya, ama Faransiiska oo ay qaateen Jabuuti iyo Gaana tusaale ahaan, Soomaalidu ma aysan qaadan hal af oo keliya oo shisheeye ah sida Ingiriisiga. Waxaa jiray deegaanno ay afafkaasi qalaad ka ahaayeen afafka maamulka sagaalkii sano ee ka horreysay dowladdii milateriga. Tusaale ahaan, xarumaha maamulka ee Mogadishu waxay ku shaqayn jireen af Talyaani, halka Hargeisa ay ku shaqayn jirtay af Ingiriisi.
Diidmadaas ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ayaa sababtay in gumaystuhu uusan si qoto dheer ugu dhex milmin maskaxda qofka Soomaaliga ah, uguna tallaalin caqiidadiisa ama jacayl uu u qaado dhaqankiisa. Sidaas darteed, waxaa adkaatay in bulshada Soomaaliyeed ka leexato diinteeda iyo dhaqankeeda, marka laga yimaado iska caabbintii hubaysnayd ee aan hore u soo sheegnay.
Arrintani waxay aad uga duwan tahay xaaladda dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Aasiya, kuwaas oo lagu qulaamiyey afafkii gumaystaha, kaddibna dadkoodu ay afafkaas u qaateen afka maamulka dowladda iyo kan waxbarashada. Dalalkaas waxaa ka mid ah kuwo afkooda hooyo ka dhigtay afka waxbarashada aasaasiga ah, sida Itoobiya, iyo kuwo si weyn waxbarashadooda ugu saleeyey afkii gumaystaha, sida Hindiya. Waxa kale oo jira dalal lagu guulaystay in si weyn looga fogeeyo afkoodii iyo dhaqankoodii asalka ahaa, sida Angola iyo Mozambique, kuwaas oo si tartiib ah ula qabsaday afkii iyo dhaqankii gumaystaha. Dalalkan waxaa u badnaa kuwii ay gumaysan jireen Faransiiska iyo Burtuqiisku, kuwaas oo lahaa hannaan gumaysi oo ka duwan kii Ingiriiska. Marka bulsho laga fogeeyo dhaqankeeda, afkeeda iyo dhaxalkeedii taariikheed, waxaa fududaata in lagu tallaalo dhaqan iyo aragti cusub, maadaama la daciifiyey xiriirkii ay la lahayd hiddeheeda iyo aqoonsigeeda. Sidaas darteed, bulsho leh dhaqan, diin iyo ilbaxnimo qoto dheer oo ku xididaysan nolosheeda maalinlaha ah ayaa ka adag in si buuxda loo daaduunsho ama loo qaabeeyo sida uu rabo gumaystuhu.
Dhaawac cusub iyo dhiraan la aqoon
Mar haddaynu isla aragnay wixii Soomaalida iyo reer Yurub hore u dhex maray, bal haatanna aynu wax ka niraahno waxa Soomaalidii Yurub iyo Maraykan ku qulqushay, iyo saamaynta ay ku yeelatay, gaar ahaan da’yarta. Bulshada Soomaaliyeed waxaa dhakhtar uga ahaa qof loo yaqaan dhir-yaqaan, nin ama naagba ha ahaadee. Dhir-yaqaankani, marka laga soo tago xirfadda uu u lahaa kabka lafaha jaban iyo lafa-gurka, wuxuu ahaa qof si qoto dheer u yaqaannay noocyada dhirta ka baxda deegaanka iyo waxtarka ay u leeyihiin daaweynta dhaawacyada iyo cudurrada bulshada dhexdeeda ka jira. Sidoo kale, wuxuu aqoon durugsan u lahaa xoolaha la dhaqdo iyo sida looga faa’iidaysan karo daaweynta, dhaymada dhaawacyada, baanista, ama kabka wixii jab ah ee yimaada. Marka laga soo tago aqoonta dhirta iyo xoolaha, dhir-yaqaanku wuxuu kaloo si fiican u garan jiray nooca dhaawaca, waxa sababay, ha ahaato hub ama duurjoog, iyo habka ugu habboon ee loo daweyn karo. Isku darka labadaas aqoonood — aqoonta dhirta iyo xoolaha dhinac, iyo fahamka dhaawaca iyo sababihiisa dhinaca kale — ayaa u suuragelin jiray inuu si guul leh wax uga qabto waxyeellada iyo dhaawacyada soo gaara bulshada.
Aan kaftan isaga darsannee, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Naagtii meel aysan ka uunsan jirin ka uunsata, meel aysan ka guban jirinna way ka gubataa.” Macnaha maahmaahdani waa in qofka aan aqoon iyo garasho ku dhaqmin ay u badan tahay in halkii uu waxtar ka heli lahaa uu waxyeello ka dhaxlo. Haddaba, hadalkan waxaan uga dan leeyahay in hooyada iyo aabbaha Soomaaliyeed, markii ay dalkoodii joogeen, ay lahaayeen hannaan iyo hab ay carruurtooda ugu barbaariyaan akhlaaqda, dhaqanka iyo diinta. Waxaa jiray waddooyin iyo habab gaar ah oo lagu laylin jiray dhallinyarada, ha noqoto dhinaca dhaqanka ama dhinaca diinta. Sidoo kale, ma jirin dhaqan ama diin qalaad oo si weyn ugu furan bulshada, taas oo laga cabsi qabay inay da’yarta aan weli korriinka buuxa gaarin ku dhex milmaan, dabadeedna ka leexdaan dhaqankoodii iyo diintoodii. Waxaa intaas dheer in Soomaalidu ay ahayd bulsho isku af, isku diin iyo isku dhaqan ah, oo aan ku kala duwannayn isir iyo caqiido. Arrintan, inkastoo ay lahayd faa’iidooyin badan, haddana waxay lahayd dhinac nugleyn ah. Qofka ka baxa bulshadaas oo gala deegaan shisheeye ma ahayn qof si buuxda loogu tababaray inuu iska difaaco saamaynta dhaqan iyo diin kale, ama si qoto dheer u fahmo caqabadaha ka dhalan kara. Waxa kale oo dhici karta inuusan si buuxda ugu baraarugsanayn qiimaha diintiisa iyo hidihiisa, maadaama uusan si toos ah u soo marin xaalad uu ku dareemo waxa laga dhaxlo dhaqan iyo diin la’aan, ama uusan garwaaqsanayn dadaalkii dheer ee loo soo maray ilaalinta iyo gudbinta dhaxalkaas bulsheed ee aan la kala iibsan karin.
Soomaalidu waxay Yurub iyo Maraykan imanaysey muddo ka badan boqol sano. Dadkii ugu horreeyey waxay ahaayeen rag badmaaxyo ah oo inta badan dhaqan ahaan reer miyi ahaa. Waxay ka shaqayn jireen maraakiibta waaweyn ee reer Yurub, kuwaas oo isaga gooshi jiray qaaradaha adduunka. Inta badan shaqadoodu waxay ku koobnayd hawlaha markabka dhexdiisa iyo dekedaha ay maraakiibtu ku xiran jireen. Raggaas, oo tiradooda lagu qiyaaso wax ka yar kun qof, intooda badani waxay ku milmeen bulshooyinkii reer Yurub ee ay tageen. Waxaa jiray qaar dib ugu soo laabtay dalkooda, balse ma aysan badnayn. Sababaha ugu waaweyn ee keenay milankooda iyo in ay lumiyaan qaybo ka mid ah diintoodii iyo dhaqankoodii waxaa ka mid ahaa in aysan wadan haween Soomaaliyeed, isla markaana ay u badnaayeen dhallinyaro xoogsato ah oo aan lahayn xirfado kale marka laga reebo aqoon kooban oo af Ingiriisi ah. Arrintaasi waxay sababtay in qaar badan ay ku milmaan noloshii iyo dhaqamadii ay la kulmeen, ayna la qabsadaan hab-nololeedkii bulshooyinka ay dhex galeen. Qof qof ayaa ka badbaaday isbeddelladaas, hase yeeshee intooda badan waxay ku dhex milmeen bulshooyinkii ay tageen, ama markii dambe waxay qoys ka samaysteen dalalkaas, gaar ahaan ka dib qulqulkii Soomaalida ee kordhay wixii ka dambeeyey siddeetamaadkii.
Soomaalidu uguma horrayn dad islaam ah oo inta dalkoodii ka yimaada Yurub rugeysta oo dega. Dad badan oo muslimka Aasiya ah baa uga horreeyey, tira ahaanna aad uga badnaa Soomaalidii badmaaxa ahayd.
Soomaalidu uguma horrayn dad Islaam ah oo dalkoodii ka yimaada kuna nagaada Yurub. Waxaa ka horreeyey bulshooyin badan oo Muslimiin Aasiya ka yimid, kuwaas oo Yurub degay xilliyo hore, tiradooduna aad uga badnayd tii Soomaalidii badmaaxiinta ahayd.













