Hordhac
Soomaaliya waxay u baahantahay siyaasad arrimo dibadeed (foreign policy) oo qorsheysan, fadhida (strategic), isla markaana ka tarjumaysa danaheeda qaranimo (national interests). Siyaasaddan ayaa ah aaladda ugu muhiimsan ee difaaca madaxbannaanida (sovereignty) iyo wadajirka midnimada dhuleed, gaar ahaan marka laga soo kabanayo burburkii dowladeed iyo khataraha gudaha iyo kuwa gobolka ka jira.
Qormadaan wuxuu bidhaaminayaa falanqayn istiraatiiji ah iyo talo-bixin cad oo ku saabsan sida Soomaaliya u dhisi karto siyaasad dibadeed oo waarta.
1. Siyaasad Aan Fadhiyin iyo Halista Ka Imaanaysa
Soomaaliya waxay wajahaysaa halis weyn marka siyaasadda arrimaha dibadda aysan fadhiyin. Xaqiiqdu waxay tahay in siyaasad arrimaha dibadda oo aan fadhiyin ay horseedi karto fashil siyaasadeed iyo gafaf waaweyn oo dhaawaca madaxbannaanida iyo wadajirka midnimada dhuleed ee dalka.
Tani waxay ka dhigantahay in go’aanno degdeg ah oo ku saleysan cadaadis dibadeed, laabla-la-kac, dano shakhsiyeed, ama xaalado degdeg ah ay dhaawici karaan sumcadda Soomaaliya iyo awooddeeda fulinta ee siyaasadda arrimaha dibadda.
2. Qeexidda Danaha Qaranka (Define National Interests)
Si loo dhiso istiraatiijiyad arrimaha dibadda oo waarta oo wax ku ool ah, waxaa lama huraan ah in marka hore si cad loo qeexo danaha qaranka (national interests). Danaha qaranku waa tiirka hagaya go’aannada diblomaasiyadeed, xulashada xulafada, iyo qaabka ay Soomaaliya ula falgasho nidaamka caalamiga ah. Qeexid la’aan ama mugdi ku jira danaha qaranka waxay keeni kartaa jaahwareer siyaasadeed iyo u nuglaansho faragelin dibadeed.
2.1 Amniga Qaranka (National Security)
Amniga qaranku waa mudnaanta ugu sarreysa ee danaha qaranka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa ilaalinta midnimada wadajirka dhuleed, sugidda madax-bannaanida qaranka (sovereignty), iyo ka hortagga khataraha amni ee gudaha iyo dibadda. Arrintani waxaa sidoo kale qayb ka ah la dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta amniga xuduudaha badda iyo berriga, kuwaas oo laf-dhabar u ah jiritaanka iyo badbaadada dowladnimada Soomaaliya.
2.2 Danaha Dhaqaalaha (Economic Interests)
Danaha dhaqaale waxay saldhig u yihiin xasilloonida iyo horumarka qaranka. Soomaaliya waxay dan weyn ka leedahay horumarinta ganacsiga (trade), soo jiidashada maalgashiga shisheeye (foreign investment), iyo ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda dabiiciga ah (natural resources). Kheyraadka sida kalluunka, shidaalka, iyo gaaska ayaa ah fursado istiraatiiji ah oo haddii si xikmad leh loo maareeyo, kor u qaadi kara awoodda dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee dalka.
2.3 Danaha Siyaasadda (Political Interests)
Dhanka siyaasadda, danaha qaranku waxay ku saleysanyihiin dhismaha xulafo istiraatiiji ah (alliances), kordhinta saameynta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah (influence), iyo ilaalinta sharaf iyo sumcad qaran (prestige). Xiriir diblomaasiyadeed oo miisaaman ayaa u oggolaanaya Soomaaliya in ay ka qaybqaadato go’aan-qaadashada caalamiga ah isla markaana ay si hufan u difaacdo mowqifkeeda siyaasadeed.
2.4 Danaha Dhaqanka iyo Fikradda (Cultural / Ideological Interests)
Danaha dhaqanka iyo fikradda waxay xoojiyaan aqoonsiga qaranka iyo midnimada bulshada. Kuwaas waxaa ka mid ah ilaalinta qiyamka (values), adkeynta aqoonsiga qaranka (identity), dhowrista diinta Islaamka (religion), iyo horumarinta luqadda Soomaaliyeed. Qodobbadani waxay door muhiim ah ka ciyaaraan sida ay Soomaaliya isu aragto iyo sida ay dunidu u aragto.
3. Xaaladaha Gobolka iyo Caalamiga ah (Regional and Global Environment)
Soomaaliya waxay ku dhex jirtaa deegaan ay ka socdaan mawjado siyaasadeed iyo dhaqaale oo tartan xooggan ka dhexeeyo, oo leh mid heer gobol iyo heer caalami labadaba. Fahamka qoto-dheer ee xaaladahaan waa lama huraan si loo difaaco danaha qaranka (national interests), madaxbannaanida (sovereignty), iyo midnimada dhuleed (territorial integrity).
3.1 Nidaamka Caalamiga ah (Global System)
Dunida maanta waxaa lagu tilmaamaa nidaam awoodo badan (multipolarity), halkaas oo quwadaha waaweyn sida Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, UK, iyo awoodaha soo baxaya sida Turkiga, Saudi Arabia, Qatar, UAE iyo Iran ay ku tartamayaan saameynta gobolka (great power rivalries).
• Fursadaha: Taageero dhaqaale, tababar ciidan, ka qaybgal siyaasadeed oo caalami ah
• Khataraha: Faragelin siyaasadeed oo wax u dhimaysa sovereignty iyo territorial integrity
3.2 Xaaladaha Gobolka (Regional Environment)
Soomaaliya waxay ku taal gobol istiraatiiji ah oo ay ka jiraan tartan siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale oo xoogan. Gobolkan waxaa ka jira khilaafaad xuduudeed, danaha quwadaha waaweyn, iyo isku-dhacyada danaha istiraatiijiga ah ee awoodaha gobolka. Quwadaha waaweyn sida Maraykanka, Shiinaha, iyo dalalka Turkiga, Qatar iyo UAE, iyo dalalka deriska ah sida Itoobiya, Kenya, iyo Jabuuti, waxay daneeyaan saameynta siyaasadeed, ganacsi, iyo amni ee gobolka, mid walbana wuxuu leeyahay dano isdiidan oo saamayn ku leh xasilloonida Soomaaliya.
Faham qoto-dheer oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, iyo juquraafiyadda gobolka iyo caalamka ayaa muhiim ah si Soomaaliya u difaacdo danaha qaranka, u ilaaliso madaxbannaanida, isla markaana u xoojiso midnimada dhuleed. Fahamkan wuxuu sidoo kale u oggolaanayaa Soomaaliya in ay ka faa’iideysato fursadaha iskaashi, taageero caalami ah, iyo xoojinta saameynta ay ku leedahay go’aan-qaadashada gobolka iyo dunida.
4. Midnimada Gudaha: Muraayadda Siyaasadda Dibadda
Midnimada gudaha (internal cohesion) waa laf-dhabarta siyaasadda arrimaha dibadda. Dal gudaha ka kala qeybsan ma yeelan karo mowqif dibadeed oo xooggan.
Midnimada gudaha ma aha arrin gudaha oo keliya, balse waa hub istiraatiiji ah oo si toos ah u xoojiya siyaasadda arrimaha dibadda. Dal gudaha ka mideysan wuxuu dibadda ka yeeshaa mowqif cad, awood gorgortan (negotiation leverage), iyo kalsooni caalami ah (international credibility). Kala-qaybsanaanta gudaha waxay u sahashaa faragelin shisheeye waxayna wiiqdaa difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed.
5. Fulinta Siyaasadda Dibadda: Doorka Diblomaasiyadda iyo Safiirrada
Guusha istiraatiijiyadda siyaasadda arrimaha dibadda ma ku xirna oo keliya dejinteeda, balse waxay si toos ah ugu xirantahay sida loo fuliyo. Dowladda Federaalka Soomaaliya waa in ay xilalka muhiimka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda u magacawdaa shaqsiyaad leh aqoon qoto dheer oo ku saabsan sharciga caalamiga ah iyo xiriirka caalamiga ah.
Safiirrada la dirayo waa in ay si qoto dheer u fahamsanyihiin taariikhda, dhaqanka, luqadda iyo siyaasadaha dalalka ay ka howlgalaan. Waa in ay si xeeladaysan u adeegsadaan diblomaasiyadda dhaqanka iyo kooxaha saamaynta leh (lobby groups), isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan doodaha iyo fagaarayaasha qaabeeya siyaasadaha iyo daraasadaha istiraatiijiga ah, sida hay’adaha cilmi-baarista (think tanks).
Sig aar ah safiirrada loo magacaabayo dalalka awoodda leh sida Maraykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Ruushka, iyo Shiinaha, iyo dalalka saaxiibka dhow sida Saudi Arabia iyo Turkiga, waa in ay lee yihiin karti ay ku metelaan dalka, u iib-geeyaan, ugana dhaadhiciyaan danaha qaranka, isla markaana ay difaacaan mowqifka Soomaaliya.
Gabagabo
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waa inay noqotaa mid istiraatiiji ah, fadhida, oo ku dhisan danaha qaranka. Guusha siyaasaddan waxay ku xirnaan doontaa qeexid cad oo danaha qaranka, faham sax ah oo ku saabsan juquraafiyadda gobolka iyo caalamka, iyo midnimo gudaha oo xooggan.
Soomaaliya oo midowday, leh aragti wadaag, waxay dibadda ka noqonaysaa dal leh sharaf, saameyn, iyo awood uu si madax-bannaan ugu difaaco jiritaankiisa, isla markaana uga faa’iideysto fursadaha caalamiga ah. Siyaasad dibadeed oo cad waa furaha Soomaaliya maanta iyo mustaqbalka.
Qoraaga














