Hordhac
Abaaraha soo noqnoqda ayaa noqday caqabad joogto ah oo saameyn qoto dheer ku leh nolosha bulshooyinka ku nool dalalka dhaca dhulalka qallalan, gaar ahaan kuwa ku tiirsan roobka sida xoolo-dhaqatada iyo beeralayda. Badanaa abaaraha waxaa si fudud loogu sababeeyaa isbeddelka cimilada, roob yaraanta, iyo kulaylka sii kordhaya ee dunida. Hase yeeshee, marka si qoto dheer loo falanqeeyo, waxaa soo baxaysa su’aal muhiim ah: abaartu ma tahay masiibo cimilo ka dhalata oo keliya, mise waa fashil dowladnimo oo soo noqnoqda?
Saameynta Isbeddelka Cimilada
Dhanka cimilada, lama inkiri karo in isbeddelka cimiladu kordhiyay soo noqnoqoshada abaaraha. Roobabka oo aan joogto ahayn, xilliyada roobka oo gaaban, iyo heerkulka oo sare u kaca ayaa si toos ah u saameeya biyaha, daaqa, iyo wax-soo-saarka beeraha. Bulshooyinka ku nool dhulka qallalan—roobka yar—ayaa taariikh ahaan la qabsaday nolol ku tiirsan roobka, balse isbeddelka cimiladu wuxuu hoos u dhigay awooddii la-qabsigaas. Sidaas darteed, cimilo ahaan abaartu waa arrin dhab ah oo saameyn muuqata leh.
Si kastaba ha ahaatee, daraasaddo iyo falanqaynta aqooneed ee casriga ah—gaar ahaan tan uu hormuudka ka yahay Amartya Sen—waxay muujinaysaa in abaar iyo macaluul aysan si toos ah uga dhalan roob la’aan oo keliya. Amartya Sen wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Nobel ee cilmiga dhaqaalaha sannadkii 1998. Wuxuu buuggiisa Entitlement Theory and the Political Economy of Famine (1981) ku qeexay Aragtida Xuquuqda iyo Dhaqaalaha Siyaasadda ee Macaluusha, isagoo ku dooday in macaluushu ay dhacdo marka dadku lumiyaan awooddii iyo xuquuqdii (entitlements) ay ku heli lahaayeen cunto, biyo, iyo nolol—xitaa haddii kheyraadkaasi guud ahaan dalka ka jiro. Sidaas awgeed, dhibaatadu inta badan waa fashil nidaam siyaasadeed, dhaqaale, iyo hay’adeed, ee ma aha roob la’aan ama cunto-yaraan toos ah.
Doorka Dowladaha iyo Fashilka Hay’adeed
Dunida horumarsan, dowladuhu waxay dhisaan hay’ado u gaar ah oo saadaaliya, la socda, isla markaasna qiimeeya abaaraha, iyaga oo adeegsada calaamadaha hore ee digniinta abaaraha (Early Drought Warning Metrics) si ay u ogaadaan halista abaarta ugana hortagaan in ay isu beddelaan macaluul iyo gaajo. Tusmooyinkaani (matrix) waxay cabbiraan xaaladaha cimilada sida celceliska roobabka, kulaylka, iyo qoyaanka dhulka, sidoo kale waxay qiimeeyaan xaaladda nabaad-guurka dhirta iyo daaqa, heer wabiyada, kaydka biyaha, iyo xaaladda bulshada ee nugul. Cabbiraadahan waxaa ka mid ah tusayaasha qoyaanka dhulka (Soil Moisture Index), calaamadaha cagaarnaanta dhirta (NDVI – Normalized Difference Vegetation Index), sicirka suuqyada cuntada iyo xoolaha (Market Prices), heerarka nafaqo-darrada (Nutrition Rates), iyo guuritaanka bulshooyinka ku tiirsan xoolo-dhaqato (Population Displacement). Marka xogtan la isku geeyo, waxay dawladaha siinaysaa awood ay ku fahmaan baahida dhabta ah ee bulshada, si ay uga hortagaan macaluusha ka hor inta aysan dhicin, taasoo xoojinaysa doorka dowladnimada wax-ku-oolka ah isla markaana yareysa nuglaanshaha bulshada.
Hayeeshee, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika kama jiraan hay’ado si buuxda u shaqeeya oo saadaaliya, la socda, qiimeeya abaaraha, kadibna soo saara digniin waqtigeeda ku haboon Drought Early Warning Systems (DEWS), taasoo ka dhigan in uusan jirin qorshe waara oo ka hortag ah oo ku saabsan abaaraha. Sidaas darteed, bulshooyinka ku tiirsan roobka iyo xoolo-dhaqatada waxay si joogto ah u la kulmaan halista abaaraha, taasoo keenta soo noqnoqoshada abaaraha iyo saameynta ba’an ee macaluulsha.
Dowlad shaqaynaysa waxay awood u leedahay in ay abaarta ka hortagto ka hor inta aysan isu beddelin masiibo bani’aadannimo. Waxay dhisi kartaa kaabayaal biyo sida biyo-xireenno, ceelal waaweyn, iyo nidaamyo kaydin roob. Waxay dejin kartaa istaraatijiyad qaran oo ku saabsan maaraynta daaqa, dhaq-dhaqaaqa xoolo-dhaqatada, iyo taageeridda wax-soo-saarka beeraha. Sidoo kale, dowladdu waxay dhisi kartaa nidaam digniin hore (Early Warning System) oo saadaaliya abaaraha, kana jawaaba waqtigooda.
Halkan waxaa si cad uga dhex muuqda isku-xirka habka awooddaha (Capability Approach Theory) ee Amartya Sen: dowlad wax-ku-ool ah waa inay ilaalisaa awoodaha aasaasiga ah (capabilities) ee muwaadiniinta—sida helitaanka cunto, biyo, shaqo, iyo ammaan. Marka awoodahan la wiiqo, abaartu waxay noqotaa macaluul, xitaa haddii kheyraadku jiro. Dhinaca kale, marka dowladnimadu daciif tahay ama gebi ahaanba maqnaato, abaartu waxay noqotaa mid halis ah. Khilaafaadka biyaha iyo daaqa lama xalliyo, suuqyadu way fashilmaan, xooluhuna qiimo ayay beelaan. Xaaladdan, xoolo-dhaqato ama beeraley ayaa gaajo u dhiman kara xilli cunto ama xoolo ay wali jiraan, sababtoo ah ma haystaan awooddii ay ku heli lahaayeen, taasoo ah tusaale cad oo muujinaya fashil xuquuqeed (entitlement failure).
Kaalinta Warbaahinta iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda
Intaa waxaa dheer, warbaahin xor ah iyo isla-xisaabtan dimuqraadi ah ayaa door weyn ka ciyaara ka hortagga masiibooyinka abaarta. Warbaahinta xorta ah waxay soo bandhigtaa xaaladaha degdegga ah, waxayna ku cadaadisaa dowladaha inay falceliyaan. Taariikhda foosha xun ee wixii abaaro ama macaluul adduunka ka dhacay—macaluul la xusi karo—weligeed kamay dhicin waddan madax-bannaan, dimuqraadi ah oo leh saxaafad xor ah. Sida uu Amartya Sen uu cod dheer ku sheegay.
“In the terrible history of famines in the world, no substantial famine has ever occurred in any independent and democratic country with a relatively free press.”
Taas macnaheedu waa in marka codka bulshada la maqlo, xogtuna ay noqoto mid daahfuran, abaartu aysan si fudud ugu beddelmin musiibo qaran. Dimuqraadiyaddu waxay abuurtaa cadaadis siyaasadeed oo qasab ka dhigaya in dowladdu wax ka qabato dhibaatada waqtigeeda.
Gunaanad
Abaaraha soo noqnoqda waa isku-dar ka dhasha dhibaato cimilo iyo fashil masuuliyadii dowladnimo, balse masiibada bani’aadannimo ee ka dhalata inta badan waa mid dowladdu sabab u tahay. Roob la’aanta keligeed ma dhaliso macaluul; waxa macaluusha keena waa awood-darrada nidaamka siyaasadeed ee ku guul-darraysata maaraynta kheyraadka jira iyo ilaalinta xuquuqda bulshada. Sidaas awgeed, xalalka waara ee abaaraha kuma eka sugidda roobka, balse waxay ku tiirsanyihiin dhisidda dowlad karti leh, dejinta istaraatijiyad fog oo maarayn kheyraad, iyo nidaam ku dhisan caddaalad, daahfurnaan iyo isla-xisaabtan. Sidaa darteed, inkastoo abaaraha soo noqnoqda ay yihiin dhibaato cimilo, haddana musiibada bani’aadannimo ee ka dhalata inta badan waa natiijo ka timaadda fashilka dowladnimo.”
Qoraaga














