Burburka nidaamka caalamka, khilaafka siyaasadeed iyo saameynta uu ku leeyahay Soomaaliya

Burburkii nidaamka caalamiga ah ee ka dhashay ka bixitaanka dowladda Mareykanka in ka badan lixdan heshiisyo iyo ururro caalami ah, oo ay ku jiraan UNESCO, WHO iyo Paris Climate Accord, ayaa sababay in nidaamkii awoodda-baahansan ahaa ee dagaalka 2-aad ka dib la wiiqo. Go’aanka Madaxweyne Donald Trump ee ka-bixitaanka dowladda Mareykanka hay’adaha caalamiga ah waxa uu dunida ku riixay xaalad ay awoodda quwadaha waaweyn ay noqotay xeerka, taas oo si gaar ah u saameynaysa dalalka jilicsan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Dalalka nugul ee aan lahayn hay’ado adkaysi leh ayaa si toos ah u wajahaya cadaadis dibadeed iyo burbur gudaha ah, waxayna noqonayaan saaxadda lagu dagaalamayo ama laysku cayrsanayo.

Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa nuglaansho badan. Dhaqaale ahaan, dalka waxa uu leeyahay heer shaqo la’aan oo gaaraya ku dhawaad 67% dadkii shaqeyn karayey, halka dhallinyaradu ay ka yihiin in ka badan 70% bulshada. Tani waa khatar weyn oo aan u bixiyey “miino qarax-suge ah”, maxaa yeealay dhallinyarada shaqo la’aanta ahi waxay u nugul yihiin in ay ku biiraan kooxaha xagjirka ah, ama dalka ka qaxaan oo u bareeraan khatarka tahriibka, ama ay ku wareegaan saboolnimo joogto ah. Ka bixitaanka USAID ee barnaamijyada gargaarka Soomaaliya oo ay ku tiirsanaayeen adeegyo farabadan sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo hay’adaha dowliga ah, wuxuu sii cusleeyey xaaladda nololeed ee boqolaal qof oo shaqaale ka ahaa hay’adahaas oo shaqadii laga fariisiyey.

Isla markaana, waxaa hadda socda xaddidaadda lacagaha xawaaladaha ah ee ay soo diraan qurba-joogta Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, iyadoo lagu soo rogey sharciyo qeexaya in qofka ceyrta qaata uusan wax xawaalad ah diri karin, iyo in canshuuro dheeraad ah oo gaaraya 1% waxa la dirayo lagu soo rogo dadka oo dhan, taasina waxay khatar dheeraad ah ku tahay ilaha ugu muhiimsan ee dakhliga qoysaska Soomaaliyeed. Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay soo diraan ku dhawaad $1.7-$2 bilyan dollar sanadkii, taasoo gaarta ku dhawaad 40% qoysaska Soomaaliyeed, isla markaana ka dhigaysa 17–20% dakhliga guud ee wax-soo-saarka dalka (GDP-Gross Domestic Product). Haddii la xaddido xawaaladaha dibadda ka imaanaya ee dadka iyo dalkuba ku tiirsanyihiin, dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu hoos u dhici karaa ku dhawaad shan meelood meel, taas oo sii kordhinaysa saboolnimada iyo xasilooni-darrada dalka.

Intaas haddii lagu daro xaaladda bani’aadamnimo ee sii adkaanaysa waxaa si weyn u kordhaya nuglaanshaha dalka. Roobabkii Deyrta ee sannadka 2025 ayaa aad u yaraa oo sidii la filayey u di’in, taas oo sababi karta in 4.5 milyan oo Soomaali ah ay noqdaan kuwo aan cunto ku filan haysan, una baahan gargaar degdeg ah, weliba haddii xilli-roobaadka Gu’ga oo ku aadan April-May uu sii daaho. Arrintaan waxay muujinaysa u-nuglaanshaha dalka ee isbeddelka cimilada. Soomaaliya waxa ay ku jirtaa dalalka ugu nugul is-bedelka cimilada caalamka iyo saameynteeda taban, iyadoo abaaro iyo fatahaado is-daba-joog ah ay burburiyeen wax-soo-saarka beeraha sanadihii la soo dhaafey, isla markaana ay barakiciyeen bulshooyin badan. Isku dhaca isbedelka cimilada iyo dowladnimada daciifka ah ayaa abuurtay xaalad adag oo bani-aadanimo, waxayna abaaruhu keenaan barakac, in loo soo qaxo magaalooyinka waaweyn, iyo xasilooni-darro amni iyo mid siyaasadeed. Haddii aan la helin taageero caalami ah oo joogto ah, Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa xaalado macluul ah oo la mid ah kuwii dalka ka dhacay 1990-meeyadii.

Siyaasadda gudaha ee dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ayaa sidoo kale ah mid khatar ku jirta. Doorashada dowladda dhexe ee ku muddeysan dhammaadka muddo-xileedka ee dowladda uu madaxweynaha ka yahay mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee May 2026 ayaa ku soo beegmeysa xilli kala-guur ah oo xasaasi ah. Soomaaliya waxa hadda ka jira muran xoogan oo ku aadan habraacyada doorashada dalka, dib-u-habaynta iyo wax-ka-bedel dastuurka oo aan lagu heshiinin iyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

Khilaafaadka joogtada ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo maamul-goboleedyada ayaa curyaamiyey go’aan qaadashadii dalka, halka musuqmaasuqa iyo eexdu ay Soomaaliya ku hayaan booska ugu hooseeya sida ay sheegtay Hay’adda Transparency International, oo ay iyada iyo Koonfurta Suudaan ku kala kaltamaan halka ugu hooseeysa. Hoggaanka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu dhaliilayaa in uu aad isugu deyay in uu awoodda dowladnimada ku ururiyo gacantiisa, isla markaana uu ku guuldareystay dhisidda is-afgarad bulshadeed iyo mid maamul, taas oo keeni karta khatar xaga sharciyadda ah haddii doorashooyinka la qabto iyadoo aan la helin heshiis bulshadeed oo ballaaran. Dhinac kasta oo laga eego, kalsooni-darrada shacabka iyo kala qaybsanaanta siyaasiyiinta ayaa khatar ku ah midnimada qaranka.

Waxaa taas ka sii daran faragelinta dibadda oo sii murgineysa xaaladda. Aqoonsiga Israa’iil ee gooni-isu-taagga goboladda Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland ayaa caqabad ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya, inkasta oo ururrada caalamiga ah sida Golaha Qaramada Midoobey (UN), Ururka Midnimada Afrika (AU), kan Jaamacadda Carabta iyo kan Dowladaha Islaamka ah (OIC) ay si cad u taageereen madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Go’aankan waxa uu leeyahay saameyn istiraatiiji ah oo ku aadan Geeska Afrika, halkaas oo Soomaaliya ay ku taallo marin-badeed muhiim ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, oo ah marinnada ganacsiga ee caalamiga ah. Xasilooni-darrada Soomaaliya waxay khatar ku tahay amniga badda, ganacsiga adduunka, iyo xasilloonida dalalka deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya. Dalalka Khaliijka, Turkiga, Shiinaha iyo quwadaha reer galbeedka ayaa hore ugu tartamayey Geeska Afrika, taas oo saameynteeda ku yeelatay deganaanshaha dalka, burburka gudaha ee Soomaaliyana wuxuu siinayaa dalalkaas fursad ay ku kala baxaan.

Marka la soo koobo, isku-dhaca nuglaanshaha dhaqaale ee dalka, xaaladda adag ee xaga arrimaha bani’aadamnimada ee ka dhalatey roob-yaraanta iyo abaaraha, kala- qaybsanaanta siyaasadeed, iyo faragelinta dibadda ayaa Soomaaliya gelinaya meel halis ah, kana dhigaya masrax lagu dul dalaagamo. Horaa loo yiri “meeshii labo maroodi ku hardamaan cawskaa ku baaba’a”. Haddii ay taas u raacdo lacagaha xawaaladaha oo la xaddido, dhaqaalaha Soomaaliya oo ku tiirsan taas ayaa burburi kara. Haddii murannada doorashada aan la xallin sida ugu degdeg badan oo aan la qaban doorasho heshiis lagu yahay, sharciyadda ayaa ku lumeysa. Haddii khilaafaadka ragaadiyey xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada ay sii socdaan, hay’adaha dowladnimada ayaa sii daciifaya. Haddii abaaraha iyo fatahaadaha biyuhu ay sii socdaan, cuntada ayaa yaraaneysa ama dad badan oo ku tiirsan nolosha xoolaha iyo beeraha ayaa noloshoodu halis galeysaa.

Haddii aan la helin wadahadal wax-dhis ah, oo daacad laga yahay, kaas oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar ku saabsan jiritaankeeda, amnigeeda, iyo midnimadeeda dhuleed. Taageerada caalamiga ah iyo kalsoonida dowladnimada dalkuna way sii wiiqmeysaa, waxaana meesha ka baxaya rajadii aheyd inay Soomaaliya tahay dal ka soo kabtay burburkii, leh dowladnimo han-qaadeysa, leh hogaan ka heshiin kara khilaafaadkooda, taas oo ah xalka keliya ama dariiqa keliya ee looga hortagi karo burburka. Waa in masiirka ummadda Soomaaliyeed ay ka go’do dadkeeda, ee aysan noqon arrin caalami ah oo ka baxsan xuduudaheeda.

Waxaa intaas raaca, khataraha ka baxsan xuduudaha Soomaaliya iyo xasillooni-darrada Muqdisho waxay saamayn ku leedahay Geeska Afrika oo dhan, gaar ahaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo u jilicsan fowdo kasta oo ka timaada deriskooda, isla markaana carqaladaynaysa ganacsiga marin-badeedka Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Baabul-mandab. Dhibaato kasta oo ku habsata Soomaaliya waxay ka dhigan tahay musiibo qaran, caqabad goboleed iyo mid caalami ah oo u baahan fiiro degdeg ah oo ka timaadda siyaasiyiinta, aqoonyahannada, iyo waxgaradka kale ee dalka. Casharrada taariikhdu waa cad yihiin: marka dowladaha jilicsan ay burburaan, cawaaqibka ka dasha ayaa ka gudubta xuduudahooda.

Jid‑gooyadda ay hadda taagan tahay Soomaaliya ma go’aamin doonto masiirkeeda oo keliya, balse wuxuu saamayn ku yeelan doonaa xasilloonida guud ee gobolka oo dhan, kaas oo ku yaalla isgoys ay wadaagaan Afrika, Bariga Dhexe, iyo ganacsiga caalamiga ah. Dalalka gobolka ee maanta ku faraxsan kala-qaybsanaanta Soomaaliya iyo gooni‑isu‑taagga Somaliland, ha ahaadaan Afrikaan ama Carab, ugu dambayn waxaa gubi doona isla qalalaasaha ka dasha arrintan haddii aysan hadda ku dadaalin daminta dabka colaadda.

Tix-raac:

  1. Hiiraan Online – Somalia’s 2026 election risks a legitimacy crisis (Dec 2025).
  2. World Bank – Somalia Economic Update (2025).
  3. World Bank – Migration and Remittances Data (2025); FAO – Household Food Security Survey Somalia (2025); IMF – Somalia Country Report (2025).
  4. OCHA – Somalia Humanitarian Needs Overview (2025).
  5. UNEP – Climate Vulnerability Index (2025).
  6. Transparency International – Corruption Perceptions Index (2025).
  7. Al Jazeera – Israel’s Recognition of Somaliland (2025); Chatham House – Horn of Africa Geopolitics (2025).
Qoraaga
Cali Xaaji Warsame
Cali Xaaji WarsameWaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed, iyo khabiir ku takhasusay Maareynta Maaliyadda Guud (PFM). Waxa uu hore u soo noqday wasiir ka tirsan Puntland, wuxuuna sidoo kale yahay xisaabiye shahaado haysta (Certified Accountant).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link