Buugiisa (Think again – the power of knowing what you don’t know) ayuu qoraa la yiraahdo Adam Grant si buuxda ugu difaacay in qof kasta ay tahay inuu dib ugu fekero waxyaabaha agtiisa ka dhacaya ama waxyaabaha uu ku qanacsanyahay, tusaalayaal badan buuna u keensaday si uu dadka ugu qanciyo in dib u fekerku faa’iidooyin badan wato.
Waxaa ka mid ah tusaalayaashaas uu soo qaatay sheeko dadka agtooda ka ah mid biya kama dhibcaan ah ama shaki aan la gelin, waxay leedahay sheekadu in haddii aad Rah ku rido biyo karaya uu si degdega uga fakanayo weelka biyaha kulul ay ku jireen, meesha haddii biyaha lagu riday si tartiiba loo siyaadiyo heer kulka aysan ka fakanayn maxaa yeelay jirkeeda baa kulka si la mida la qabsanaya is bedelada heer kulka; laakiin Grant wuu diiday isagoo yiri sheekadaan dib ugu feker haddii Rah lagu rido biyo karaya way murxaysaa wayna bakhtin, laakiin markii deegaanka ay ku noolayd uu noqon waayo mid raaxo leh bay carari kartaa, waana marka biyaha si tartiiba loo kordhiyo heer kulkooda.
Si kastaba ha ahaatee waxa uu tusaale ugu soo qaatay waxyaabaha la iska aamino iyaga oo aan la jirrabin ama dib loo fiirin.
Feker joogto ah
Islaamka dhexdiisa fekerku waa joogto, waana amar xagga Eebe ka yimi, taas oo u ekeysiinaysa in uu noqdo cibaado Eebe lagu caabudo, sida loo jeedona Quraanka ayaa marar badan ay ku soo aroortaa is-waydiinta ah (أفلا يتفكرون) mayaysan fekerayn.
Weedha ah mayeysan fekerayn waxay inoo sheegaysaa in fekerku uu yahay wax joogta ah oo aan kala go’in, waxaana lagu fekerayaa, wax tegey, wax jooga iyo wax soo socdaba, weedha aan soo sheegnay waxay si wayn ula xiriirtaa waxa soo socda maxaa yeelay falka Quraanku ku cabiray wuxuu si aada ula sii xiriiraa aayaha iyo waxa soo socda oo ay tahay in aad wax la isaga waydiiyo.
Quraanku si kale ayuu u dhigaa fekerka ama caqli ka shaqaynta oo (يعقلون) oo ah weelayn, taasina waa mid timaada markii feker la sameeyo wixii xog ahaa ama xikmad ahaana gadaal laga weelayo, sidoo kale weelayntu waxay la xiriirtaa ka faa’iidaysiga casharada ku duugan waxa la weelaynayo ama loo dhug yeelanayo, maxaa yeelay weelaynba ma jirayso iyadoo aan la hanan duruus laga dhishay waxyaabaha lagu fekeray.
Haddaan ka soo tagno labadaas eray, waxaa ilaa 18 jeer kusoo noqnoqday Quraanka erayga hore ee ah (يتفكرون) kulligoodna waa fal socda marka laga tago hal mar oo lagu cabiray fal tagto ah, waxaa sidoo kale Quraanka ku soo aroortay erayo kale oo badan sida (يعقلون والتدبر) iyo sifooyin dadka caqliga iyo fekerka u saaxiiba lagu tilmaamayo; tusaale ahaan erayga (أولى الألباب) bal aan kusoo aroorino qormadan dhowr aayadood oo is daba yaal oo kuu sheegaya in la fekero:
- (إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ) الجاثية 13.
- (وَتِلْكَ الْأَمْثَالُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ وَمَا يَعْقِلُهَا إِلَّا الْعَالِمُونَ) العنكبوت 43.
- ( وَقَالُوا لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِي أَصْحَابِ السَّعِيرِ) الملك 10.
- (انْظُرْ كَيْفَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ لَعَلَّهُمْ يَفْقَهُونَ) الأنعام 65.
- ( يُقَلِّبُ اللَّهُ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِأُولِي الْأَبْصَارِ) النور 44.
Dib u milicsi yar oo aad ku samayso aayadahaas oo dhan waxay kuu sheegaysaa dhacdooyin tagay oo ay tahay in si joogto ah loogu fekero si loogala soo baxo duruus nolosha soo socota, mid dhow iyo mid dheerba loo dheefsado.
Qofka Muslimka ah ayaa diinta Islaamku u qaabaysaa mid mar walba dhiifoon oo feker joogto ah ku jira, waxaana aad looga dayriyaa qofka dhoohan oo aan wax socda iyo wax dhacay war ka hayn, taasi miyaysan inoogu yeerayn in aan si cad dib ugu fikirno, oo maanka iyo maskaxdaba dib ugu celino ayaamo tegey iyo dhacdooyin aan si xeel dheer loo dhuuxin si aan u hubsano tubta aan hayno meeshay u socoto.
Sidoo kale sunnada suubanaha – nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee – ayaa saas oo kale ku baraarujiyey ummadiisa inay fiiriyaan caaqibada arimaha, kuna fekeraan oo aayaha odorosaan, markii la odorosayo arrima soo socdana waxaa lagu odorosaa fikirka oo dib loo celiyo iyadoo la adeegsanayo arrimo dhacay oo duruus lagala soo baxayo, taas waxaa kuu iftiiminaya hadalka saxaabiga Adardaa’ ku eg ee ku leeyahay “saacad aad fekerto baa ka khayr badan habeen dhan oo aad salaad u taagantahay” shucab al iimaan – Bayhaqi – 1/136/118, ama kan uu leeyahay Cumar Qays Al-mulaa’i “waxaa isoo gaadhay in saacad aad fekerto ay ka wanaagsantahay xilli xilliyada ka mid ah oo aad shaqayso, waxaase kuwaas saxaabada qaar ka mida ay yiraahdeen inoo ka dhow ama inoo ka muhimsan in suubanuhu–naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-inoo sheegay in aduunyada la inoo dhiibayo ka dib la fiirinayo fekerka aan ku maamulo iyo sida aan u dhaqano, bal fiiri weerahan soo socda ee afka carabiga aan u daayey:
عن أبي سعيد الخدري -رضي االله عنه- عن النبي -صلى الله عليه وسلم- قال: “إنَّ الدُّنيا حُلوةٌ خَضِرةٌ، وإنَّ اللهَ مُسْتخلِفَكم فيها فَيَنْظر كيف تَعمَلون، فاتَّقوا الدُّنيا واتَّقوا النِّساءَ، فإنَّ أوَّلَ فتنةِ بني إسْرائيلَ كانتْ في النِّساءِ” رواه البخاري ومسلم.
Haddaba xadiiska iyo aayadaha iyo kan saxaabada ku egba waxay inoo sheegayaan inaan fekerno oo fiirino cirib-danbeedka arin kasta oo ina soo marta.
Taariidhda iyo fekerka
Taariikhyahanada ka faallooda falsafada taariikhda qaar ka mid ah waxay ku doodaan in samayska taariikhda ay sabab u tahay fikrado loolamaya ama is waydaaranaya oo mid markay daciifto aragti kale ama fikir kale la curinayo taas danbena ay taageerayaal helayso lana fulinayo, sida uu ku qoray Dr Jaasim suldaan kitaabkiisa yar ee faa’iidada badan ee la yiraahdo (فلسفة التاريخ – الفكر الإستراتيجي في فهم التاريخ) waxa uu kasoo guuriyey kitaabada uu qoray faylasuufka reer Jarmal ee la yiraahdo Hegel inuu qabay in taariikhdu ay tahay fikrad wayn oo hoosta ku wadata wixii burin lahaa; laakiin ay noolaanayso fikraddaasi mudo ilaa ay ka hoos baxdo fikrad kale oo ka duwan, taasoo noqonaysa mid horseedda horumar kale.
Wuxuu rumaysnaa sida uu Dr. Jaasim kasoo werinayo qolyo kale oo taariikhda daraaseeya in marxalad kasta taariikheeda si gooni ah loo daraaseeyo, maxaa yeelay afkaarta ay xanbaarsantahay baa ah mid marxaladdaas u gooni ah. Dr. jaasim – falsafada taariikhda 89 – 92.
Iskusoo wada dar arimahaas aan soo qaadannay oo waxay kulli cadaynayaan arrin aan muran ku jirin oo ah in fikirka ama dib u fiirinta arrimuhu ay tahay gun-dhiga guusha iyo ka dheehashada casharro lagu maamulo nolosha laguna hanto aayo suuban.
Soomaaliya gaariga marna ma la hojiyey
Dhamaan arimaha aan cuskannay ee qormada qaybteeda hore aan kusoo gudbinay, biya dheceedu waxa uu ahaa inaan is weydiinno annaga maxaa ina ka qaldan? Ma is weydiinnay weli xaggee inoola socdaa gaariga aan saarannahay? Maxay fikrad kasta ama hab maamul kasta muxuu inoo la ciirayaa inaga oo aan guulo la taaban karo gaarin? Ma inagaa cilladu mise waa nidaamyada aan ku dhaqayno dalkeenna?
Waxaa socon waayey hab-maamulkii madaniga ahaa, kii milatariga, kii qabaliga ahaa oo xataa beeluhu ay hormarin waayeen meelihii beelohoodu deganaayeen, dhowaan waxaa la qaatay hab-maamul federaal ah isagii baa maanta lugta lagu walaaqayaa oo aan marna kan gobol joogaa u joojinayn kan maamulka dhexe jooga, kan kan dhexe joogaana kan gobolka jooga uusan u joojinayn, waxay maraysaan in lagu kala faano ajnebiga loo kala shaqeeyo ama lala shaqaysto hadaan malaha xoogaa u wanaajinno.
Waxaas oo dal baylah ah iyo durriyaad badaha ku go’aaya, iyo badaha la jariifayo, ma in fekerku inagu yaryahay baa leh mise inaynaan si togan u fekerayn baa leh?
Si kastaba ha ahaatee waxaan ugu baaqayaa dhamaan midowyada raba inay wadankaan ku darsadaan hab-maamulkiisa wax aragti ah, gaar ahaan (midowga Haybad Qaran) inay curiyaan oo keenaan aragtiyo ka gadma muwaadinka Soomaaliyeed, laguna beddelo is jiid-jiidkaan iyo habqankaan aan hiraalka saxda ah hayn, tubta toosanna waydaarsan.
Jamhuuriyadu waxay rabtaa badbaado, in arrinkaas la sameeyana waa waajib diini ah intuusan noqon maslaxad bes; in kastoo diintuba maslaxad ilaalinteed ay u socoto ama u timi.
Qoraaga

Latest entries
FaalooyinJanuary 29, 2026Qaran aan dib u fekerin ma badbaado
FaalooyinNovember 27, 2025Nidaaminta nolosha iyo aragtida Islaamka
FaalooyinJune 21, 2025Masuuliyadda dadwaynaha (Qaybtii 2-aad)
FaalooyinMay 11, 2025Masuuliyadda dadwaynaha (1)










