Doorka xisaabiyayaaasha Soomaaliyeed ee koboca dhaqaalaha dalka iyo kalsoonida beesha caalamka

Hordhac

Soomaaliya waxay mareysaa marxalad adag marka loo eego dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, horumarinta, dowlad-dhiska iyo dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo maamul-wanaaga. Sida ay qortey Hay’adda Transparency International ee qiimeysa musuqa, Soomaaliya waxay heshay 9 dhibcood marka loo eego boqoleyda (9/100) qiimeynta musuq-maasuqa iyadoo 0 ay tahay cidda ugu musuq badan, 100-na ay tahay cidda ugu yar musuq yar, halka wadamada Saaxilka Afrika uu yahay 33, iyadoo ka gashey kaalinta 179aad dalalka la qiimeeyey oo ah 180 sannadkii 2024, taas oo caddeyneysa in kaalinta musuqa ee Somaaliya uu aad xargaha u goostey. Waxaa taas dhinac socda in aysan dalka u dhisneyn hay’adihii maamul-wanaaga iyo isla xisaabtanka sida barlamaan ka madax-bannaan fulinta, hantidhowr madax-bannaan, saxaafad xor ah iyo guddi doorasho oo madax-bannaan.

Sida aan ku xusey daraasaddii aan hore ugu daabacey Majaladda Marag (AHMIYADDA HAY’ADAHA MAAMUL-WANAAGA & HUFNAANTA: XAALADDA SOOMAALIYA – Majaladda Marag), mid ka mid ah tilmaamaha muhiimka ah ee maamul-wanaaga Afrika waxaa lagu soo bandhigay tilmaanta Mo Ibrahim ee lagu qeexo maamul-wanaagga Afrika (Ibrahim Index of African Governance – IIAG), taas oo bixineysa qiimeyn ku saabsan tayada maamul ee waddamada Afrika. IIAG waxay uruurisay 81 tilmaamood iyo 265 tilmaan-isbeddel oo ka soo baxay 54 mashruuc oo xog ururin ah, iyadoo ka soo xiganeysa 47 ilo-xogeed oo madax-bannaan ee Afrika iyo caalamka ah. Soomaaliya waxay ku dhacdey kaalinta 53aad markii loo eego 54-ta dal ee Afrikaan ah, taas oo la macna ah in aan liiska ka galney meesha ugu hooseysa.

Duruufahaas dalkeena ka jirta waxay muhiim ka dhigeysaa in la helo ama dib loo dhiso hay’adaha isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta, taas ayaana keentay in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso hay’ad kulmisa xisaabiyayaasha Soomaaliyeed, oo wax weyn ku kordhin kara nidaaminta xisaabaadka dalka, iyadoo loo marayo nidaamka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay, taas oo ugu dambeyn suurtagelisey in la aasaaso Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed (Somali Institute of Certified Public Accountants – SICPA).

Sida la wada ogyahay, Soomaliya waxay horseed u tahay dalalka ugu nugul adduunka ee loo yaqaan (world’s most fragile states), iyadoo la tacaalaysa musuqmaasuq baahsan, qaraabo-kiil heersare ah, amni-xumo, maamul liita, iyo kalsoonida dadweynaha ee dowladda heerarkeeda kala duwan oo hooseysa. Isku daygii ugu horreeyay ee guuleysta ee lagu soo celinayo maamul dowlad Soomaliyeed wuxuu ahaa Shirka Carta 26 sano ka hor, laakiin waxaa la oran karaa wax weyn kuma kordhin dhismaha hay’adaha lafdhabarta u ah hanaqaadka dowladnimada, isla xisaabtanka, hufnaanta maamul iyo in qofka Soomaaliga ah lagu qiimeeyo aqoontiisa intii wax loogu qeybin lahaa nidaamka 4.5.

Taas macnaheedu ma aha in aan la isku deyin in la dhiso hay’adahaas daruuriga u ah dowlad-wanaaga, ee waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya aysan helin hogaan xil-gudasho leh, aaminsan in sharcigu sarreeyo, ilaalinaya xuquuqda dastuuriga ah ee qofka Soomaaliga ah, ka fog musuq iyo fowdo, kaas oo suurtageliya in hoggaanka dalka lagu doorto daah-furnaan, aqoon, wada-ogol, raadraac fiican iyo tixgelinta rabitaanka shacabka.

Taariikhda Aasaaska Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed (SICPA)

Aasaaska Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed (Somali Institute of Certified Public Accountants-SICPA) waxay aheyd natiijo dheer iyo dadaal joogto ah oo ay sameeyeen xisaabaadyaasha xirfadlayaasha ah ee Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso, loona nidaamiyo xirfadda xisaabaadka ee Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha jamhuuriyadda uu xeerka Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed (Accountants Act) saxiixey 10 Janaayo 2026, iyadoo isla markaasna lagu shaaciyey faafinta rasmiga ah (official gazette) 11 Apriil 2026. 

Fikradda in la aasaaso hay’ad qaran oo ururisa xirfadlayaasha xisaabaadka Soomaaliya waxaa ugu horreyn la hindisay sanadkii 2012, markii koox xisaabiyayaal Soomaaliyeed ah ay garteen baahida degdega ah ee loo qabo hay’ad sharciyeed iyo xirfadeed, si ay u taageerto maamulka dhaqaalaha dalka, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka. Isla sannadkaas, kooxdaas ayaa bilaabay xiriir inay la sameeyaan Ururka Caalamiga ee Xisaabiyayaasha (International Federation of Accountants – IFAC), iyagoo ka helay talo farsamo iyo qalab aasaasi ah oo loogu talaggalay aasaaska hay’ad xirfadeed. Iyadoo loo marayo IFAC, kooxdaas ayaa sidoo kale la xiriirtay daneeyayaasha muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka, oo ay ku jiraan Ururka Xisaabaadyaasha Pan Afrikanka ah (The Pan African Federation of Accountants – PAFA), taas oo xoojisay dadaalladii hore ee ku aadanaa horumarinta hay’ad matasha xisaabiyayaasha Soomaaliyeed oo dhan. 

In kasta oo dadaal xoog leh la bixiyey, haddana si degdeg ah looma gaarin guushii la filayey, waxaan yimid gaabis sababo badan dartood oo la xiriira tartamo kale, hase yeeshee marna lagama tanaasulin in mar uun ay hirgasho ximiladdii xirfadeed ee xubnahii aasaaska u dhigey hay’adda xisaabiyayaasha Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2014, ayaa dib boorka looga jafey hindisahaaas, iyadoo loo marayo ka qaybgal ballaaran oo lala yeeshay xisaabiyayaasha Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Sidoo kale xilligaan wuxuu ku beegmay kororka xiisaha loo qabo shahaadooyinka xirfadeed sida ACCA, CPA, CIMA, CIPFA iyo kuwa kale ee la midka ah,  taasoo muujinaysa baahida loo qabo in la soo celinayo dib-u-haneynta xirfadda xisaabaadka.

Sanadkii 2015, SICPA oo kaashaneysa IFAC iyo PAFA, waxay bilowday diyaarinta Xeerka Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed, iyada oo dhisaysa aasaaska sharci ee hay’adda. Horumarinta hay’addu waxay sii socotay illaa sanadkii 2017, oo ku beegnayd markii la magacaabay guddi-maamul oo ku meel gaar ah, oo ay ku jiraan Maamulaha Guud (Chief Exectuive Officer – CEO), Agaasimaha Maamulka (Director of Administration), iyo Agaasimaha Xubinimada Hay’adda (Director of Membership).

Guddigaan waxay si xirfad leh u hogaamiyeen dadaalladii dhiirrigelinta xubinimada hay’adda, waxayna si guul leh u diiwaangeliyeen tiro badan oo arday ah oo raadinaya shahaadooyinka xirfadeed ee xisaabaadka. Muddadii u dhaxeysay 2018 ilaa 2020, SICPA waxay xoojisay xiriirka iyo ka-qaybgalka shaqada laamaha muhiimka ah ee dowladda, oo ay ku jiraan Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Hantidhawrka Guud, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Sidoo kale, intii lagu guda jiray howlahaan, Hay’ada SICPA waxay xoojisay xiriirka ay la leedahay hay’adaha xisaabiyayaasha ee caalamiga ah iyo kuwa goboleed, waxayna dib-u-eegis ku sameysay Sharciga Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed, si loo suurtageliyo in uu la jaanqaado xaaladda Soomaaliya, waxayna xeerka u turjuntay Af- Soomaali, iyadoo sidoo kalena la wadaagtay daneeyayaasha, oo ay ku jiraan Bangiga Adduunka (World Bank).

Waxaa xusid mudan in Hay’adda SICPA ay kordhisey horumarinta dhinaca dhijitaalka ah (digital presence) oo muhiim u ah horumarinta iyo joogitaanka baraha bulshada, oo ay ku jiraan website iyo kayd xog-xirfadeed loogu talaggalay xisaabiyayaasha. Waxaa la gaaray meel muhiim ah sanadkii 2020, markii Wasaaradda Maaliyaddu si rasmi ah ugu gudbisay Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dalka (Attorney General) sharcigii Hay’adda Xisaabiyayaasha (Accountants Bill), si loo hubiyo sharci ahaan, kadib markii laga yeeshay la-tashiyo heer sare ah dhammaan inta ay khuseyso oo ka mid yihiin hoggaanka dowladda.

Bishii Sebtembar 2021, SICPA waxay gashay waji cusub dhinaca hoggaaminta, iyadoo la magacaabay guddi cusub oo maamul. Waxaa Guddoomiye (Chairman) loo doortey Cabdullahi Tahliil, waxaana Maamulaha Guud (CEO) loo magacaabay Burhaan Saalax. Hoggaamintan cusub waxay xoojisay dadaalladii u-doodista hay’adda, iyo iskaashiga Xafiiska Hantidhawrka Guud (Office of Auditor General), iyadoo horumarin weyn ku sameysey muuqaalka hay’adda iyo kalsoonida heer qaran iyo mid goboleedba. Hawlaha wacyigelinta iyo horumarinta xirfadeed ee SICPA ayaa si weyn u kordhay intii u dhexeysay 2021 iyo 2024, iyadoo hay’addu ay kordhisey ololaha xubinnimada, waxayna hay’addu la falgalay ururada xirfadeed ee gobolka, waxayna martigeliyay shirkii ​​xubnaha ee sanadlaha ahaa ee ugu horreeyay bishii Juun 2022, kaas oo isku keenay in ka badan 200 qof oo ka-qeybgalayaal ah, kuwaas oo ka kala socday bulshada, iyadoo ay marti ku ahaayeen mas’uuliyiin sare ee socdey dowladda, taasoo muujisay taageero qaran oo xooggan oo ku aadan muhiimadda hay’adda iyo kaalinteeda.

SICPA waxay kale oo xoojisay jiritaankeeda gobol iyo caalami. 24kii Nufeembar 2024, hay’adda SICPA waxay heshay xubinnimada Ururka Xisaabaadyaasha Pan Afrikanka ah (Pan African Federation of Accountants Associate Member), taasoo calaamad u aheyd guul muhiim ah oo loo marayo aqoonsiga caalamiga ah. SICPA waxay si firfircoon uga qaybgashay golayaal xirfadeed oo heer sare ah, oo ay ku jiraan Kongareyskii 8aad ee Afrika ee Xisaabaadka (ACOA), oo ka dhacay Kigali, iyo sidoo kale kulanka 4aad iyo 5aad ee Kongoresyka Afrikada-bari ee Xisaabaadka (EACOA).

Hawlgalladan is-daba-jooga ah ee ay ku dhaqaaqdey SICPA waxay noqdeen madal la  isku weydaarsado aqoonta, lagu soo bandhigo dhaqamada ugu wanaagsan ee caalamiga ah (benchmarks), loona diyaariyo xisaabiyayaasha Soomaaliyeed sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen dhigooda adduunka, gaar ahaan gobolka. Isla waqtigaas, SICPA waxay qabatay kulamo istiraatiiji ah oo ay la yeelatay daneeyayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan hoggaanka International Federation of Accountants, Maamulka Guud ee PAFA, iyo hay’ado kala duwan oo xeer-dejin ah, taasoo xoojisay ballanqaadkeeda iskaashiga iyo waafajinta shaqadeeda heerarka caalamiga ah.

Kadib ansixintii Golaha Wasiirada DFS ee bishii Janaayo 2023, sharciga Xisaabiyayaasha si rasmi ah ayaa loogu gudbiyay labada gole ee Baarlamaanka Federaalka. Guddiyada baarlamaanka ayaa dib-u-eegis ku sameeyey qodobada sharciga, iyagoo tixgeliyay aragtida daneeyayaasha, waxayna hubiyeen is-waafajinta qaab-dhismeedka sharciga iyo hay’adaha dowladda.

10-kii Febraayo 2024 ayey ku dhamaatay ansixinta 1aad ee xeerka ee Golaha Hoose ee Baarlamaanka, halka Aqalka Sare laga ansixiyay Sharciga 31-da Luulyo 2024, iyadoo sharcigana loo gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo, xeerna uga dhigo, hase yeeshee, dib-u-eegis ayaa  geliyay iyadoo dib looga ansixiyay Golaha Baarlamaanka labada aqal bishii Diseembar 2025, Madaxweynuhuna si rasmi ah uu u saxiixay Xeerka Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed 10kii Janaayo 2026, ka dibna si rasmi ah ayuu loogu shaaciyey Faafinta Rasmiga ah 11-ka Abriil 2026, taas oo calaamad u aheyd aasaaska sharci ee rasmiga ah ee Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyed – SICPA, taas oo u taagan hay’ad qaran oo xirfadeed oo sharci ahaan laga aqoonsan yahay Soomaaliya.

Muhiimadda Hay’adda Xirfadlayaasha Xisaabaadka ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad muhiim ah oo ku suntan dib-u-dhis dowladnimo, kadib colaad iyo dagaal sokeeye oo aad u dheeraadey, taasoo ka dhigaysa xirfadda xisaabaadka mid aad muhiim u ah mar walba. Sababaha ay hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyed SICPA ay muhiimka u tahay waxaa ka mid ah:

1. Dib-u-dhiska Kalsoonida Maaliyadeed ee Dalka

Caqabadaha ugu waaweyn ee ka jira dalka waxaa ka mid ah wacyi-gelin la’aan ka dhex jirta madaxda iyo hawl-wadeenadda dawladda iyo kuwa gaarka ah ee ku saabsan muhiimadda xisaabiyeyaasha xirfadeed, iyo sidoo kale maqnaanshaha xisaabiyeyaasha aqoonta leh ee ka shaqeeya dalka. Hay’ad xirfadeed oo dalka ka hanaqaada si toos ah ayay arrintan u xallisaa.

2. Soo Jiidashada Maalgashiga & Gargaarka Caalamiga ah

Xisaabiyeyaashu waxay ka caawiyaan hay’adaha dowladda iyo kuwa rayidka ah inay u hogaansamaan shuruucda iyo inay hagaajiyaan howlaha la xiriira daneeyayaasha maalgashiga iyo deeq-bixiyayaasha. Nidaam-xisaabeed fadhiya waa shaqo muhiim u ah soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo gargaarka dibadda, kuwaas oo lagama maarmaan u ah horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

3. La-dagaallanka Musuqmaasuqa & Dhaqaale-dhaqidda

Waxaa jira sababo badan oo ka dhigaya xirfadda xisaabaadka mid muhiim u ah horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulshaweynta Soomaaliyeed. Kuwa ugu muhiimsan waa la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo la-dagaalanka dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah (illicit financial transactions), taas oo aheyd ballanqaadkii dowladda federaalka ah ay la gashey beesha caalamka inay wax ka qabaneyso.

4. Maareynta Gargaarka

Dhab ahaan Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay kaalmada beesha caalamka, waxayna ka heshaa gargaarka xaddi weyn leh oo ka yimaada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, halka miisaaniyadda dowladda dhexe lagu kabo saddex-meelood laba-meelood (2/3), taas oo caddeyneysa in dowladda Soomaaliya ay si mug leh ugu tiirsan tahay gargaarka kabidda miisaaniyadda iyo deeqaha caalamiga ah. Dhismaha hay’adda xisaabiyayaashu waxay laf-dhabar u tahay hubitaan in kheyraadkan si waxtar leh loo maamulo, oo uu gaaro meelaha loogu talaggalay, taas oo ka caawineysa dowladda ka hortagga maamul-xumo, khiyaano iyo musuq baahsan.

5. Shaqo-Abuurka Dhallinyarada & Awood-siinta Deegaanka

Doodda ugu muhiimsan baahida loo qabo hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed waxay ku tiirsan tahay in dowladdu ay leedahay waajibaad ku aadan shaqo-abuurka dhallinyarada, gaar ahaan dhinaca shaqooinka xirfadleyda ah, nidaamka xisaabaadkuna wuxuu ka mid yahay qorshahaas, taas oo siinaysa dhallinyarada aan hadda dalka ka shaqeyn fursad ay ku helaan shaqo-abuur, isla markaana abuureysa shaqooyin xisaabiye ama xirfado kale, gaar ahaan haddii la abuuro nidaam cashuur-celin oo horumarsan iyo weliba hay’ad doowladeed oo xor ah, oo u xilsaaran nidaaminta cashuuraha iyo dakhliga dalka (Somalia Revenue Authroity), halka hadda dowladda ay ka shaqaaleysiinayso xisaabiyayaasha dalalka kale, si ay u baaraan lacagaha caalamiga ah iyo xisaabaadka hay’addaha dowladda.

Mudnaanta muhiimka ah ee SICPA iyo xirfadlayaasha xisaabaadka Soomaaliyeed waa qorshe istiraatiijiyadeed oo ku aaddan:-

  • Diiwaangelinta xirfadlayaasha xisaabaadka iyo hirgelinta heerarka shirkadaha.
  • Ilaalinta danaha shacabka iyada oo loo marayo anshax iyo isla-xisaabtan.
  • Dhisidda iyo horumarinta nidaamka xisaabaadka, kormeerka iyo heerka anshaxa maaliyadeed, iyadoo la raacayo hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah.
  • Bixinta shatiga shaqo (professional licence) iyo kormeerka u hogaansanaanta nidaamka maaliyadeed.
  • Horumarinta xirfadda xisaabaadka, iyada oo loo marayo waxbarashada, aqoonsiga shahaadada xisaabaadka iyo horumarinta xirfadeed ee joogtada ah (Continuous Professional Development – CPD).

6. Mudnaanta Aqoonsiga Sharciga Xisaabiyayaasha

Xeerka Hay’adda xisaabiyayaasha ee la ansixiyey wuxuu aqoonsan doonaa SICPA inay tahay hay’ad sharci ah oo u taagan xirfadda xisaabaadka ee Soomaaliya, taas oo u oggolaaneysa inay fuliso waajibaadka nidaaminta shaqooyinka la xiriira xisaabaadka, ayna hesho aqoonsi dadweyne, iyadoo haddana ka mid noqoneysa ururadda xisaabaadka ee gobolka iyo caalamka. Taasi waxay muhiim u tahay daneeyayaasha iyo maalgashadayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, iyagoo heli doona kalsooni ay ku go’aan qaadan karaan dhinaca maalgashiga, marka la hirgeliyo xisaabaad nidaamsan.

Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed waxay noqon doonaan xubno ka tirsan hay’ad sharci ah, laga aqoonsan yahay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, taas oo u taagan hubinta tayada iyo fursadaha horumarinta xirfadeed ee sii socota illaa jiilalka dambe. Gunaanadkii, xirfadlayaasha xisaabaadka ee Soomaaliyeed ma aha tirooyin (not just numbers), laakiin waxay aasaas u yihiin:

  • Dhisidda dowladnimo qaangaar ah
  • Soo kabashada dhaqaale ee dadka iyo dalka,
  • La-dagaallanka musuqmaasuqa, qaraabo-kiilka iyo wax-is-dabamarinta,
  • Soo celinta kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Shaqada Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed (Somali Institute of Certified Public Accountants-SICPA) iyo hay’adaha la midka ah ayaa muhiim u ah xasilloonida iyo koboca fog ee Soomaaliya dhinaca dhaqaalaha, hufnaanta maamulka iyo ka-hortaga musuqa. Bulsho xirfadlayaal ah waxay abuuri kartaa dhaqaale-koror mug leh oo wax ka bedella nolosha muwaadinta Soomaaliyeed. SICPA waxay u baahan tahay garab-istaaga bulshada marxaladda aasaaska ah, kalsoonida xisaabiyayaasha iyo kartida maamulka hay’adda.

Qoraaga
Cali Xaaji Warsame
Cali Xaaji WarsameWaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed, iyo khabiir ku takhasusay Maareynta Maaliyadda Guud (PFM). Waxa uu hore u soo noqday wasiir ka tirsan Puntland, wuxuuna sidoo kale yahay xisaabiye shahaado haysta (Certified Accountant).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link