Dalnimadu waa aqoonsiga iyo jiraalka ay ummadi kaga soocan tahay dadyowga kale; waa deegaanka iyo hiddaha uu qofku ka dhex helo abtirsigiisa iyo nuxurka dadnimo. Dowladnimaduna waa weeleeyaha iyo ilaaliyaha dalnimadaas. Marka la helo dhul, dad, maamul, hay’ado danguud, xukuumad, ciidan, iyo dastuur hagaya, ayay dowladnimadu taabbagashaa—waana tiirar sugan oo aan si dhib yar u dhalanrogmin.
Xukuumaddu waa qayb ka mid ah nidaamka dowladnimada, waana mishiinka fulinta ee loogu talaggalay inuu masiirkaas hirgeliyo. In kasta oo af Soomaaligu xoogaa ka arradan yahay eraybixinnada dowladeed, haddana inta badan “Xukuumad” waxaan u naqaan oo keliya Golaha Fulinta; hase yeeshee, asalka eraygan oo Carabi ah wuxuu isku dhex koobayaa hay’adaha Sharcidejinta, Garsoorka, iyo Fulintaba.
Dastuurku waa laf-dhabarta dowladnimada, doorashaduna waa hab-raac uu dastuurkaas qudhiisu amrayo si awoodda loo maamulo.
Is-khilaafka Sharciga iyo Waaqica Soomaaliya
Sida uu dhigayo dastuurka, Soomaaliya waa Jamhuuriyad federaal ah oo dimuqraaddi ah. Waxaa ka dhex jira nidaam ay ku wada heshiis yihiin dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada (marka laga reebo Somaliland oo xaalad gaar ah mudan). Dastuur kasta oo maanta dalka ka jira wuxuu qeexayaa nidaam dimuqraaddi ah, laakiin hab-dhaqanka hoggaamiyeyaasha qaabilsan maamulka wuxuu si cad u gudbinayaa kelitalisnimo dhab ah.
Marka ay doorasho ka dhacayso deegaannada Soomaalida, qofku wuxuu ku qancayaa habka wadar-oggolka ah iyo hannaanka ay wax u socdaan balse sannad kaddib, marka aad aragto isbeddelka ba’an iyo isla-waynida qofkii la doortay, waxaad isweydiinaysaa: “Kani ma yahay kii shalay la doortay, mise waa nin kale oo boob iyo xoog ku qabsaday kursiga?” Su’aashu waxay tahay, xorriyaddii aaway?
Aragtiyaha Siyaasadeed: Dimuqraadiyad Maqaarsaar ah
Aqoonta siyaasadda waxaa jirtay aragtiyo si saynis ah u qeexaya nidaamyada dhab ahaantii kelitaliska ah laakiin dibadda ka xidhan dhar dimuqraaddi ah. Habkan waxaa loo yaqaannaa:
1. Kelitalisnimada ku dhex dhuumata Dimuqraadiyadda Rasmiga ah
(Dhuxul Dambas Huwan)
Qoraaga caanka ah ee Fariid Sakariya, buuggiisa “Mustaqbalka Xorriyadda”, wuxuu ku falanqeeyay arrinkan isagoo adeegsaday eraybixinta: “Dimuqraadiyadda ka arradan xorriyadda” (Illiberal Democracy). Tani waa nidaam lagu heshiis yahay oo keliya maalinta codeynta iyo sanduuqa, laakiin maalinta xigta uu qofkii soo baxay sidii uu doono u maamulo shacabka iyo dalka.
Xaaladdan waxay dhalataa marka geeddi-socodka doorashada ay afduubaan siyaasiyiin ujeeddadoodu tahay oo qura inay xukunka hantaan. Waxay ku gorgortamaan qaabka doorashadu u dhacayso, iyagoo bulshada u qaybiya beelo iyo koox-koox si ay masiirkooda ugu adeegsadaan danahooda gaarka ah. Maadaama aan markii horeba loo tartami jirin dowladnimo dhab ah, qofka guuleysta wuxuu kursiga u arkaa “qayb-libaax” oo uu ka helay dhaxalkii aabihii oo la kala boobayay; sidaas darteed wuxuu u dhaqmaa si kasta oo ay naftiisu la qummanaato!
2. Kelitalisnimada Debecsan
Qoraagii caanka ahaa ee reer Maraykan, Aleksis Do Tokfiil (Alexis de Tocqueville), wuxuu buuggiisa “Dimuqraadiyadda ka jirta Maraykan” ku qeexay nooc cusub oo kelitalisnimo ah oo uu u bixiyay: “Dangiigga Xukun ee Debecsan” (Soft Despotism). Waa maamul kelitalis ah oo huwan hannaanka dimuqraadiyadda, wuxuuna ka eegay laba xagal:
- Sad-bursiga Aqlabiyadda: In nidaamku u xaglinayo keliya cidda codka badan haysata, iyadoo meesha laga saarayo xuquuqda dadka tirada yar (inkastoo qodobkani uusan ahayn diiradda qoraalkan).
- Dul-ka-xaadinta Dimuqraadiyadda: Waa marka uu siyaasigu u adeegsado magaca dimuqraadiyadda danihiisa gaarka ah, isagoo curyaaminaya bulshada iyo cid kasta oo uu u arko inay halis ku tahay kursigiisa.
Shanta Astaan ee Kelitalisnimada Soomaalida
Astaamaha lagu garto kelitalisnimada ku hoos dhuumata dimuqraadiyadda waxay maanta si cad ugu muuqdaan nidaamyada ka jira dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah:
- 1. Dimuqraadiyad Maqaarsaar ah: Doorashooyinka Soomaalidu badankood waxay ku dhacaan wadar-oggol, natiijadana waxaa aqbala tartamayaashii laga guulaystay. Iyadoo taasi jirto, haddana qofka soo baxa wuxuu noqdaa mid siday la tahay u adeegsada awooddii weynayd ee gacanta loo geliyay.
- 2. Farataysiga iyo Beddelka Dastuurka: Maadaama uu dastuurku yahay tiirka ugu weyn ee dowladnimada, faragelintiisu waa calaamadda koowaad ee kelitalisnimada. Tani waa mid lagu yaqaan badi madaxda Soomaalida; waxaan tusaale u soo qaadan karnaa hab-dhaqankii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee Puntland iyo tillaabooyinka hadda taagan ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu ku beddelayo dastuurkii 2012 ee lagu wada heshiiyay.
- 3. Aamusinta Codka Mucaaradka: Waa astaanta saddexaad. Marka aad u kuurgasho xaaladda dalka, waxaad arkaysaa in garoonka siyaasadda laga cidhiidhyay mucaaradka, lana diiddan yahay inay helaan maydaan xor ah oo ay ku muujiyaan fikradahooda.
- 4. La-dagaallanka iyo Iibshada Saxaafadda Xorta ah: Iyadoo maamuladu ku dhawaaqayaan inay difaacayaan xorriyadda hadalka, haddana maalin walba waxaa la xiraa lana jirdilaa suxufiyiinta. Sidoo kale, xukuumaduhu waxay lacag iyo laaluush ku iibsadaan warbaahinta madax-bannaan. Tusaale ahaan, xukuumaddii Deni waxay laasahay warbaahintii Dasparaani Media iyo weriye Faarax Gaylan, halka xukuumadda Xasan Sheekh ay iibsatay bogagga dhowr ah iyo wariyeyaal ay ka mid yihiin Hanoolaato iyo Cali Aadan Muumin iqk.
- 5. Bahalogelinta Mucaaradka: Hoggaamiyaha kelitaliska ahi wuxuu had iyo jeer jeediyaa khudbado uu isku tusaaleynayo inuu yahay “Badbaadiyaha keliya ee Shacabka”, halka uu dadka ka soo horjeeda ku tilmaamo cadow u tafo-xaytay inay dalka ka ridaan qar iyo haadaan.
Farqiga iyo Isu-eekaanshaha Kacaankii Hore iyo Maanta
Kelitaliskan casriga ahi ma baabi’iyo dastuurka gebi ahaanba, balse wuxuu ka beddelaa qodobbada xaddidaya awooddiisa ama kursiga ka qaadi kara. Wuxuu xukuumadda ka dhigaa mid ku dhex nool “madaxa hal qof”, halka hay’adihii kale ee dowladda ay noqdaan kuwo fadhiid ah oo hawlgab ah. Wuxuu u takri-falaa hantida iyo awoodda dalka, isagoo xilalka u magacaaba si shakhsi ah, miisaaniyaddana u isticmaala siday la tahay—isaga ayaa ah garsooraha, isaga ayaana ah dacwoodaha!
Haddaba, marka aan eegno waaqiceenna, farqiga keliya ee u dhexeeya Kacaankii uu hoggaaminayay AHN Maxamed Siyaad Barre iyo xukuumadaha maanta jira waa habka ay xukunka ku yimaadeen. Kacaanku wuxuu talada ku qabsaday afgambi iyo qori, halka madaxda maanta ay ku yimaadaan doorasho wadar-oggol ah. Wixii intaas ka ulul, waxay ka siman yihiin wax kasta: talada dalka oo ku ururtaba gacanta hal qof iyo hay’adihii dowladda oo wada curyaamay.
Gunaanad: Maxay Ku Bilaabataa Daaweyntu?
Xalka arrinkani wuxuu ku jiraa badbaadada iyo baraarugga saamilaha ugu weyn ee dowladnimada, kaas oo ah Dadweynaha Soomaaliyeed.
Haddaba, inta ay qabyaaladdu tahay halbeegga keliya ee ay bulshadu ku miisanto aayaheeda iyo masiirkeeda, siyaasiyiintu waxay sii wadayaan inay ka ganacsadaan mustaqbalka umadda. Afartii sanaba mar ayay ku heshiin doonaan qaabka ay kursiga u kala boobi lahaayeen, qofka soo baxaana wuxuu dalka ka sii miisi doonaa halkii uu kii ka horreeyay kaga tegay—ama xaaladda ka sii dari doona.
Qoraaga
Latest entries
E-paperMay 28, 2026Cadadka 14-aad
MaqaaloMay 28, 2026Dhuxul Dambas Huwan: Doorashooyinka Soomaalida: Shuluggii Reerka oo Isu Rogay Kelitalis
E-paperApril 28, 2026Cadadka 13-aad
FaaloApril 28, 2026Dhitadu waa dhallinyarada: Faya-dhowrka faca soo aaddan










