Dhaqan-Siyaasadeedka Soomaalida: Isdhexgalka Qabiilka, Xeerka iyo Dawlad-dhiska Casriga ah

Hordhac

Siyaasaddu waa tiir muhiim u ah nolosha bulshooyinka, culimada falsafada iyo taariikhdu siyaabo kala duwan ayay u qeexaan, iyadoo laga eegayo xiriirka ay la leedahay dawladnimada iyo awoodda, waxayse kusoo aruuraysaa in loo adeego bulshada si ay nolol fiican ugu noolaadaan; Caalimka la yiraahdo Jubaaci wuxuu siyaasadda ku qeexay: “Dariiqa lagu gaaro aqoonta dawladnimada; ha ahaato dadka, dhulka iyo nidaamka maamulka ee jira; iyadoo xoogga la saarayo maaraynta danaha bulshada”, qaar kale waxay ku qeexaan inay tahay farsamada lagu xalliyo khilaafaadka. Dhinaca kale marka laga eego; siyaasaddu waa maaraynta awoodaha iyo in loo adeegsado sida ugu habboon oo ay ku jirto danta bulshadu, haddii kale waxay keeni kartaa burbur iyo xasillooni darro. Waxaa isna Qaamuuskiisa Af-soomaaliga ku macneeyey Keenadiid oo yiri siyaasaddu waa: “Cilmiga, farsamada iyo tabta danaha iyo arrimaha qaranka loo maamulo”.

Siyaasadda waxaa haga qiyamka iyo akhlaaqda suubban ee ku cad diinteenna sharafta leh, Quraanka iyo Sunnadu meela badan ku tilmaameen, saxna maaha in dadka loo tuso in siyaasaddu tahay wax ku dhisan khiyaano iyo is-daba maryayn sida siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood ku hadaaqaan, iyagoo oranaya: “Siyaasaddu moral shaqo kuma laha”, waana fikirka Mikaafiili oo aaminsanaa in siyaasaddu aysan akhlaaq shaqo ku lahayn, isagoo ku sababaynaya in dadka sharku asal u yahay, ayna tahay in loo adeegsado awood iyo siyaasad aan naxariis iyo akhlaaq ku dhisnayn.

Dhaqan-siyaasadeedka oo ah cinwaanka maqaalkeennu waa: habka ay bulsho u fahanto, u wajahdo, uguna dhaqanto arrimaha siyaasadda. Soomaaliya, dhaqanka siyaasadeed wuxuu si weyn ugu xiran yahay nidaamka qabiilka iyo xeerarka dhaqanka. Sida uu sheegay M. I. Lewis (2002), bulshada Soomaalidu waa “segmentary lineage society” oo ku dhisan isir iyo qaraabo.

Maqaalkani wuxuu falanqaynayaa dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida isagoo diiradda saaraya doorka qabiilka, xeerka dhaqanka, iyo dowlad-dhiska casriga ah. Ujeeddadu waa in la fahmo sida qaab-dhismeedka bulshada ee ku saleysan qabiilka uu u saameeyo hay’adaha dawliga ah iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda; inkasta oo qabiilku caqabad ku yahay dawladnimo mideysan oo casri ah, haddana wuxuu dhinaca kale leeyahay door wax ku ool ah oo lagu xasilin karo bulshada haddii si habboon loo maareeyo loona adeegsado.

Tan iyo burburkii dawladdii dhexe sanadkii 1991, Soomaaliya waxay la tacaalaysay dib-u-dhis dawladeed, iyadoo ay si joogto ah u saameynayaan qabiil, diin iyo faragelin dibadeed (Menkhaus, 2006). Sidaas darteed, fahamka dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida wuxuu muhiim u yahay xalinta caqabadaha dawladnimo ee Soomaalidu la dhutinayso.

Daraasado badan ayaa diiradda saaray xiriirka ka dhexeeya qabiilka iyo siyaasadda Soomaaliya. Lewis (2002) wuxuu ku dooday in qabiilku yahay tiirka ugu muhiimsan ee bulshada. Dhanka kale, Samatar (1992) wuxuu tilmaamay in ku tiirsanaanta qabiilka ay burburisay hay’adihii dawliga ahaa.

Menkhaus (2006) wuxuu soo bandhigay fikradda “governance without government,” taasoo muujinaysa in nidaamyo aan dowlad rasmi ah lahayn ay haddana shaqeyn karaan. Hoehne (2011) wuxuu isna caddeeyay doorka odayaasha dhaqanka ee xasilinta bulshada, gaar ahaan waqooyiga Soomaaliya.

Qabiilka iyo Dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida

Qaab-dhismeedka guud ee ay bulshada Soomaalidu u dhisantahay waxaa weeye: qaab-dhismeedka qabiilooyin kala duwan. Qabiil walba wuxuu leeyahay dano u gaar ah oo ka dhexeeya, oo ay iska kaashadaan; sida: magta, qaaraanka, difaaca, iwm, iyadoo ay danahaas gaarka ahi jiraan, haddana waxa jira dano kale oo aan ka dhaxaynin qabiilka. Inkastoo danaha qabiilka dhexdiisa aysan isku mid ahayn; haddana waxaad arkaysaa inta badan qof kasta oo qabiilka ka mid ahi wuxuu si gaar ah u taageersanyahay hoggaamiyaha siyaasadda ee ay isku beesha yihiin, waana waxa uu Cabdiraxmaan Xasan Daa’uud ugu yeeray: “Qab-dhalanteedka qabyaaladda”, taasoo ku salaysan been lagu gardaadiyo, ama lagu barbaariyo carruurta yaryar ee Soomaalida. Waa dareen marwalba la xasuusiyo qofka Soomaaliga ah, ilaa iyo inta uu ka dhimanayo. Waa dardaaran uu qabiil waliba kula dardaarmo dadkiisa.

Qabiilku wuxuu asaas u noqday dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida, iyadoo shirweynihii dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay Carto sanadkii 2000 laga dhigay dastuur in Soomaalidu wax ku qaybsato qabiil oo marka la qurxinayo ama afka laga dhowrayo loogu yeero “wax-qaybsiga 4.5”. Qof kasta oo siyaasadda uu damac kaga jiro wuxuu adeegsadaa qabiilka si uu helo metelaad siyaasadeed, waxaa qabiilku xalliyaa khilaafaadka beesha ka dhex jira iyo kuwa kala dhexeeya beelaha kale ee Soomaalida, wuxuuna saldhig u yahay qaybsiga awoodaha iyo khayraadka dalka ku jira.

Siyaasiyiin ku-sheegta Soomaalida ayaa ka faa’idaysta qabiilka marka ay ku tartamayaan awoodda dalka iyo boobka xoolaha ummadda, siyaasi walbaa wuxuu soo urursadaa qabiilkiisa; oo shuruud la’aan iyo indho-la’aan ku taageera siyaasigooda. Qabiilku wuxuu keenaa: qabyaalad indha la’, kala-qaybsanaan siyaasadeed oo qabiil salka ku haysa iyo dawlad daciif ah oo aan tiir adag ku taagnayn.

Xeerka Dhaqanka iyo dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida

Marka la eego taariikhda fog ee Soomaalida, taasoo salka ku haysa nolosha miyiga, waxaa kuu muuqanaya in xeerka dhaqanka Soomaalida iyo siyaasaddu ay yihiin laba shay oo si qoto dheer isugu xiran; iyadoo xeerku uu yahay saldhigga hab-nololeedka, garsoorka iyo nidaamka bulshada, siyaasadduna ay tahay maamulka awoodda iyo maaraynta talada dalka. Xeerka dhaqanku waa nidaam sharci-dhaqameed oo lagu maareeyo dilalka, khilaafaadka dhulka iyo biyaha iyo arrimaha bulshada.

Soomaaliya waxay leedahay dhaqan soo jireen ah oo ka tarjumaya heerarka kala duwan ee nololsha dadka Soomaaliyeed, wuxuu salka ku hayaa dadka reer guuraaga ah, beeralayda iyo dadka kalluumaysatada ah. Maadaama inta badan dadka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo aan wax qorin, ayaa Soomaalidu waxay dhaqan u lahayd inay suugaanta noocyadeeda kala duwan isugu gudbiso farriimaha, iyagoo iska xogwaraysan jirey, iskuna maaweelin jiray Gabayada, Geeraarrada, Guurowga, Heesaha Sayliciga ah, Buraamburka, Jiiftada, Shirirbka, Dhaantada, Wilisiqada, Kabeebey, Saarka, Beerreyda, Jaandheerta iwm.

Geedka oo xeerka dhaqanku saldhig u yahay, waxa uu mar ahaa goobta lagu gooyo go’aannada muhiimka ah ee beeshu qaadanayso sida colaadda, dagaallada, heshiisyada iyo ganacsiga; sidoo kale wuxuu ahaa goob-garsoor (maxkamad) dadka lagu kala saaro, marna wuxuu ahaa gole wadatashi oo lagu xalliyo khilaafka beesha dhexdeeda ah ama kala dhexeeya deriskeeda. Sida badana geedka garta cidna lagama celin jirin oo waxa uu ahaa madal furan oo ay dhagaysigeeda dadku ka qaybgali karaan. Geedka waxaa ka garnaqi jiray xidaar aqoon ah, oo xirib iyo xilkasnimo lagu majeerto, xurmana ku dhex leh golayaasha lagu galgaal-bixiyo doodaha bulshada ka dhex aloosan.

Dawladnimada Carsiga ah iyo hab-dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalida

Dawladnimada casriga ah iyo hab-dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalida waa mawduuc isku xira laba arrimood oo waaweyn: dhismaha dawlad casri ah (modern statehood), iyo dhaqanka siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed oo leh taariikh iyo astaamo gaar ah oo ka dhashay duruufaha kala duwan ee ay soo martay bulshadeennu.

  1. Dawladnimada Casriga ah (Modern Statehood):

Dawladnimada casriga ahi waxay ku dhisan tahay mabaadi’ caalami ah sida:

  • Sharciyad (Rule of Law): Sharcigu waa inuu ka sarreeyaa qof kasta, qof walbana waa inuu u hoggaansamaa si loo xaqiijiyo caddaalad, horumar, iyo nolol wanaagsan.
  • Hay’ado Dastuuri ah: Dalka waa inuu yeeshaa hay’ado dowladeed oo kala madax-bannaan, isla markaana is-korjoogteeya, kana masuul ah fulinta waajibaadka iyo shaqada dowladda loo igmaday.
  • Dimuqraadiyad: Dadku waa inay leeyihiin awoodda doorashada, si ay u soo doortaan cidda matalaysa, uguna igmadaan maamulka iyo hoggaanka dalka.
  • Xuduud iyo Qarannimo: Dowladda waa inay lahaataa xuduud cad iyo aqoonsi caalami ah, sidoo kalena awood u yeelataa ilaalinta xuduudaheeda iyo madaxbannaanideeda.

Soomaaliya waxay qaadatay nidaam dawlad casri ah markii ay xornimada ka qaadatay gumaysigii Talyaaniga iyo Ingiriiska 1960-kii, iyadoo markaas la dhisay dawlad dastuuri ah balse aan hanaqaadin, burburna ku yimid sanadkii 1991-dii, kaasoo raadkiisii weli kasii muuqdo dawladnimada Soomaaliya.

  • Hab-dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalida:

Dhaqan-siyaasadeedka Soomaalidu wuxuu ku salaysan yahay:

  • Qabiil iyo reernimo door weyn ku leh go’aan-qaadashada iyo dawlad-dhiska.
  • Wadatashi (shir) oo ah dhaqanka odayaasha iyo heshiis raadinta.
  • Xeerka dhaqanka oo inta badan lagu xalliyo khilaafaadka beelaha ka dhex dhaca.

Waxaa halkaas nooga muuqanaya in dawladnimada Soomaalidu ay tahay mid isku-dhaf ah: nidaam casri ah oo dastuuri ah oo leh dhammaan hay’adihii dawliga ahaa sida Baarlamaanka, Garsoorka, iyo Fulinta; waxaana barbar socda xeerka dhaqanka oo qabiilka salka ku haya, kana qayb weyn ka qaata xallinta khilaafaadka beelaha iyo daminta colaadaha.

Gunaanad

Dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida waa mid isku-dhafan oo u baahan faham qoto dheer iyo in daraasado mug leh laga sameeyo sida loo maareyn karo, loo heshiisiin karo, laysuguna hayn karo qabiilka, xeerka dhaqanka, iyo dawladnimada casriga ah. Waa arrin u baahan inay bulshadeenna ka dhaadhacdo in qofku, isagoo qabiil leh, diin leh, iyo dhaqan suubban leh, haddana uu qayb ka noqon karo dawlad casri ah oo jirta. Qabiilka iyo xeerku ma aha oo keliya caqabado, balse sidoo kale waa aalado muhiim ah oo lagu dhisi karo nabad, xasillooni siyaasadeed, iyo dawladnimo waarta.

Tixraac:

  1. جدلية العلاقة بين السياسة والأخلاق والفكر عند جاد الكريم الجباعي
  2. Yaasiin C. Keenadiid, 1976, Qaamuuska Af-soomaaliga
  3. Ken Menkhaus, 2006, Governance without government in Somalia; Spoilers, State Buildign, and the Politics of Coping.
  4. M.I. Lewis, 2002, Modern State of Somalia.
  5. Cabdiraxmaan Xuseen Daa’uud, 2010, Dhaliisha Dhaqanka Soomaalida
  6. Xeerka Siyaasadda Dhaqanka ee Soomaaliya, 2023.
Qoraaga
Dr Mohamed Ali
Dr Mohamed Aliwaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link