Dib-u-Milicsiga Taariikhda Soomaaliyeed: Shiikh Cabdulcasiis Al-Maqdishawi

Hordhac

Taariikhda Soomaaliya ee xilligii dhexe (medieval period) weli si buuxda looma diiwaangelin, hase yeeshee qaybo ka mid ah qoraallo taariikheed, sheekooyin afeed, iyo warbixinno safarley ayaa suurtagelinaya in dib loo dhiso kaalinta ay culimada Soomaaliyeed ku lahaayeen dunida Islaamka. Qoraalkan wuxuu diiradda saarayaa nolosha iyo dhaxalka Shiikh Cabdulcasiis Al-Maqdishawi, isagoo muujinaya sida uu uga mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee saameynta fog ku yeeshay gobolka Badweynta Hindiya, gaar ahaan Maldives.

1.Muqdisho iyo Banaadir: Xarumo Cilmiga iyo Ganacsiga

Xilligii dhexe, Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir waxay ahaayeen xarumo istaraatiiji ah oo isku xira ganacsiga, diinta, iyo aqoonta, iyagoo door muhiim ah ka ciyaaray shabakadaha dhaqaalaha iyo dhaqanka ee Badweynta Hindiya. Magaalooyinka sida Baraawe, Marka, iyo Muqdisho waxay hoy u ahaayeen goobo waxbarasho oo horumarsan, halkaas oo ardaydu si nidaamsan ugu baran jireen Qur’aanka, xadiiska, fiqiga Islaamka, iyo culuum kale oo diini ah, iyagoo ka faa’iidaysanaya hagidda culimo aqoon sare leh. Isla mar ahaantaana, deegaannadani waxay lahaayeen xiriir ganacsi oo xooggan oo kala dhaxeeyay Bariga Afrika, Koonfur Aasiya, Jaziiradda Carabta, iyo jasiiradaha Badweynta Hindiya, taas oo sahashay isu socodka ganacsatada, culimada, iyo fikradaha. Isku dhafka dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo firfircoonida aqooneed ayaa Banaadir ka dhigay deegaan soo saara culimo leh aragti caalami ah iyo dhaqan dhaqdhaqaaqeed, kuwaas oo safarro dheer ku tegi jiray dalal fog si ay u faafiyaan diinta Islaamka, u gudbiyaan aqoonta, isla markaana uga qayb qaataan dhismaha isku-xirnaanta bulshooyinka kala fog.

2.Nolosha iyo Waxbarashada Shiikh Cabdulcasiis

Shiikh Cabdulcasiis Al-Maqdishawi wuxuu ku dhashay Muqdisho qarnigii 14aad, halkaas oo uu ku helay aasaaska waxbarashadiisii diineed iyo aqooneed ee hore, isaga oo ku barbaaray deegaan caan ku ahaa cilmiga Islaamka iyo dhaqanka waxbarasho ee hodanka ah. Wuxuu Qur’aanka Kariimka ah xifdiyay yaraantiisii, kadibna si qoto dheer ugu takhasusay culuumta Islaamka sida xadiiska, fiqiga, iyo tafsiirka, isagoo ka faa’iidaysanaya duruufaha waxbarasho ee ka jiray xarumaha cilmiga ee Banaadir. Intii uu joogay Soomaaliya, wuxuu ka mid noqday culimada wax ka dhigta xeebaha, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay fidinta aqoonta iyo hanuunka bulshada, isla markaana uu saameyn togan ku yeeshay nolosha diineed iyo akhlaaqeed ee dadka deegaanka. Inkasta oo xogta taariikhiga ahi ay weli koobantahay oo aan si buuxda loo diiwaangelin, haddana tilmaamaha la heli karo waxay muujinayaan in Shiikh Cabdulcasiis uu ka tirsanaa culimada safarka badan ee xilligaas, kuwaas oo isku daray barashada iyo baridda cilmiga, faafinta diinta (dacwo), iyo ka qayb qaadashada maamulka caddaaladda ee bulshooyinka ay gaareen.

3. Safarkiisa Badweynta Hindiya iyo Doorkiisa Maldives

Mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee nolosha Shiikh Cabdulcasiis Al-Maqdishawi ayaa ahaa safarkiisii dheeraa ee uu ku gaaray Maldives, oo ku taalla qiyaastiina 3,000 km koonfur-bari kaga beegan Muqdisho, safar ka tarjumaya xiriirradii xoogganaa ee ganacsi iyo aqooneed ee ka jiray Badweynta Hindiya xilligii dhexe. Maldives waxay waqtigaas ahayd xarun ganacsi oo istaraatiiji ah, isla markaana ahayd bulsho Muslim ah oo si firfircoon ula xiriirtay dunida Islaamka, taas oo ka dhigtay meel soo jiidata culimo iyo ganacsato ka kala yimid gobollo fog. Markii uu gaaray jasiiradda Utheemu, Shiikh Cabdulcasiis waxaa loo magacaabay qaaddi (garsoore sare), xil muujinaya kalsoonida lagu qabay aqoontiisa diineed iyo kartidiisa hoggaamineed. Doorkiisa qaaddinimo wuxuu isku darayay fahamka qoto dheer ee shareecada Islaamka iyo maaraynta arrimaha bulshada, isagoo xallin jiray khilaafaadka, ilaalin jiray caddaaladda, isla markaana abuuri jiray jawi aqooneed oo uu ku soo dhoweeyo culimo iyo safarley. Saameyntiisa waxay si cad u muujinaysaa kaalinta firfircoon ee culimada Soomaaliyeed ay ku lahaayeen gudbinta aqoonta, hirgelinta nidaamyada caddaaladeed, iyo dhismaha hay’adaha bulsho ee ka baxsan xuduudaha Soomaaliya, iyagoo qayb ka ahaa shabakado caalami ah oo isku xira dunida Islaamka.

4. Xiriirka Caalamiga ah: Kulankii Ibnu Battuuta

Intii uu joogay Maldives, Shiikh Cabdulcasiis Al-Maqdishawi wuxuu la kulmay safarleyga caanka ah ee Ibnu Battuuta qarnigii 14aad, kulan ka tarjumaya heerka sare ee isku xirka aqooneed iyo dhaqan ee dunida Islaamka xilligii dhexe. Is-dhexgalka noocan ah wuxuu muujinayaa sida culimo iyo safarley ka kala yimid gobollo fog ay u samayn jireen shabakad isdhaafsi oo ku dhisan aqoon, waayo-aragnimo, iyo dhaqammo kala duwan, taas oo kor u qaadday fahamka iyo isdhexgalka bulshooyinka Islaamka. Warbixinnada Ibnu Battuuta, oo ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee taariikhda safarrada, waxay si gaar ah u iftiiminayaan joogitaanka culimada Soomaaliyeed ee meelaha fog sida Maldives, iyagoo muujinaya doorkooda firfircoon ee gudbinta aqoonta iyo hirgelinta nidaamyada diineed iyo bulsheed. Sidaas awgeed, kulankaas wuxuu noqday astaan muujinaysa kaalinta muhiimka ah ee Soomaaliya ay ku lahayd shabakadaha caalamiga ah ee aqoonta, ganacsiga, iyo diinta ee xilligaas.

5. Dhaxalka Muqdisho: Masaajidka Shiikh Cabdulcasiis

Dhaxalka Shiikh Cabdulcasiis Al-Maqdishawi wuxuu weli si muuqata uga dhex iftiimaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Masaajidka Shiikh Cabdulcasiis ee ku yaalla degmada Cabdulcasiis, kaas oo noqday astaan taariikheed iyo mid diineed oo si qoto dheer ugu xiran xusuusta magaalada. Inkasta oo masaajidkan la dhisay kahor dhalashadiisa, haddana waxaa loogu magac daray si sharaf iyo xus u muujinaysa kaalintii weynayd ee uu ku lahaa faafinta cilmiga iyo diinta Islaamka. Muddo qarniyo ah, masaajidkani wuxuu sii waday doorkiisii ahaa xarun waxbarasho iyo cibaado, halkaas oo jiilal kala duwan ay ku barteen Qur’aanka iyo culuumta Islaamka, isagoo ilaalinaya hiddaha aqooneed ee Banaadir. Maanta, masaajidku wuxuu ka mid yahay astaamaha taariikhiga ah ee Muqdisho, waxaana booqda dad danaynaya taariikhda iyo dhaqanka magaalada. Sidoo kale, degmada uu ku yaallo ayaa loo bixiyay magaca Shiikh Cabdulcasiis, taas oo ka tarjumaysa saameynta joogtada ah ee uu ku leeyahay aqoonsiga diineed, dhaqan, iyo bulsheed ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo xusid mudan in qarnigii 14aad uu jiray shiikh Soomaaliyeed oo ka mid noqday silsiladda culimada safarka badan ee dunida Islaamka. Waa Shiikh Saciid al-Muqdishawi, kaas oo la kulmay Ibnu Battuuta sanadki 1331. Ibnu Battuuta wuxuu si qoto dheer oo xiiso leh u dhegeystay sheekooyinka iyo waayo-aragnimada uu la wadaagay Shiikh Saciid, kaas oo uga warramay Bariga fog, gaar ahaan siyaasadaha adag ee Boqortooyadii Yuan, (1271–1368), oo uu aasaasay Kublai Khan. Sida uu tilmaamay Peter Jackson, waxaa la rumeysanyahay in sheekooyinka iyo faahfaahinta uu Ibnu Battuuta ka helay Shiikh Saciid ay door weyn ka ciyaareen fahamkiisa ku saabsan Shiinaha xilligii Yuan, taas oo uu markii dambe ku soo bandhigay safar-qoraalkiisii caanka ahaa ee “Rihla”.

6. Gunaanad

Shiikh Cabdulcasiis iyo Shiikh Saciid waxay tusaale u yihiin kaalinta culimada Soomaaliyeed ee xilligii dhexe, gaar ahaan kuwa ka soo jeeday Muqdisho, kuwaas oo si wax ku ool ah iskugu xiray aqoonta, diinta, iyo dhaqdhaqaaqa caalamiga ah. Waxay muujinayaan doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ku lahayd shabakadaha aqooneed iyo ganacsi ee Badweynta Hindiya, iyagoo ka qayb qaatay fidinta aqoonta, faafinta diinta, iyo isdhaafsiga fikradaha ee dunida Islaamka. Labada shiikh waxay sidoo kale la kulmeen Ibnu Battuuta, iyagoo ku kordhiyay macluumaad qoto dheer oo ku saabsan Bariga fog, nidaamyada bulsho, iyo dhaqamada kala duwan, taas oo uu si weyn uga faa’iidaystay qoritaanka kitaabkiisa caanka ah ee “Rihla”. Doorkoodu wuxuu muujinayaa sida culimada Soomaaliyeed ay u ahaayeen il muhiim ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo laga dhaxlo, kana qayb qaata samaynta fahamka juqraafiyeed iyo dhaqan ee dunida Islaamka xilligii dhexe. Dhaxalkoodu wuxuu caddeyn u yahay awoodda aqoonta iyo dhaqdhaqaaqa culimada Soomaaliyeed ee isku xira bulshooyin kala fog, isla markaana weli dhiirrigeliya jiilalka maanta.

Qoraaga
Dr. Cabduraxman Baadiyow
Dr. Cabduraxman Baadiyowwaa aqoonyahan Soomaaliyeed, bare jaamacadeed iyo cilmi-baare ku takhasusay siyaasadda, taariikhda Islaamka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Wuxuu qoray buugaag iyo maqaal-cilmiyeedyo badan oo falanqeeya xiriirka diinta iyo siyaasadda, federaalka, iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link