Hordhac
Bulsho awood leh oo horumarsan waa mid ku dhisan aqoon, caddaalad, ka-qaybgal bulsho, iyo nidaam maamul oo hufan. Dunida casriga ah, horumarka bulshooyinka looma fahmo oo keliya koboc dhaqaale, balse waxa uu ku xiranyahay tayada nolosha, sinnaanta, xasilloonida, iyo awoodda bulshadu u leedahay inay si wadajir ah u xalliso caqabadaha horyaalla.
Maqaalkani waxa uu falanqaynayaa tiirarka asaaska u ah dhismaha bulsho awood leh, isaga oo adeegsanaya xog iyo tixraacyo cilmiyeed oo ku dhisan aragtiyo caalami ah.
1. Midnimada ummadeed
Midnimadu waa laf-dhabarta jiritaanka iyo horumarka bulshooyinka iyo tan Soomaalidaba. Taariikh ahaan, Soomaalidu waxay ku caan baxday wadajir, is-garabsi, iyo isku-tiirsanaan ku dhisan qiyamka Islaamka, dhaqanka iyo wadaagga af, diin iyo dhaqan. Markii midnimadu adkaato, bulshadu way xoogaysataa; marka ay daciifto, kala fogaansho iyo tabar-darro ayaa ka dhasha. Sidaas awgeed, dib-u-dhiska midnimada bulshada Soomaaliyeed waa waajib qaran oo u baahan wacyigelin, caddaalad, iyo ka-qaybgal bulsho oo loo dhanyahay, si loo xaqiijiyo nabad waarta, dowladnimo adkaysata, iyo mustaqbal ay wada leeyihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa Soomaaliya maanta khatar ku jira madaxbannaanideedii iyo wadajirkeedii dhuleed; iyadoo Israa’iil ay Icitaaftay maamulka Somaliland, taasoo dhaawac wayn ku keentay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed; waana tallaabo khilaafsan qawaaniinta iyo shuruucda adduunka u deggan. Waxay kaloo khatar ku tahay amniga gobolka iyo kan adduunkaba marka la eego goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland dhacdo oo ah marin-badeedka Gacanka Cadmeed oo aan sidaas uga sii fogayn marinka muhiimka ah ee Baaba-al-mandab iyo Badda Cas.
2. Waxbarashadu waa aasaaska bulsho awood leh
Waxbarashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso bulsho is-haysata, wadajir u fikirta, kana jawaabta caqabadaha dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho. Dalalka ka soo kabanaya colaadaha, sida Soomaaliya, waxbarashadu ma aha oo keliya aalad aqoon lagu gudbiyo, balse waa hab dib-u-dhis bulsho, nabadeyn, iyo dowlad-dhis. Daraasado badan ayaa muujinaya in bulshooyinka helay waxbarasho tayo leh ay yeeshaan isku-duubni, kalsooni bulsho (social trust), iyo awood ay ku xalliyaan khilaafaadka (UNESCO, 2015: Education for all).
Bulsho is-haysata waa mid xubnaheedu wadaagaan qiyam, ujeeddooyin, iyo dareen mas’uuliyadeed. Waxbarashadu waxay abuurtaa:
- Faham wadajir ah oo ku saabsan jinsiyadda, diinta, iyo dhaqanka
- Is-ixtiraam iyo dulqaad (tolerance)
- Hayb qaran (national identity)
Manhaj waxbarasho oo ku saleysan nabad, muwaadinnimo, iyo xuquuqda aadanaha ayaa hoos u dhiga kala qoqobka qabiilka iyo fikirka xagjirka ah. Soomaaliya gudaheeda, dugsiyada iyo jaamacaduhu waxay noqon karaan goobaha ugu muhiimsan ee lagu dhiso wacyiga qaran iyo wada-noolaanshaha (World Bank, 2018: Education and Fragility in Conflict-Affected States).
Waxbarashadu waxay kor u qaaddaa tayada shaqaalaha, hal-abuurka, iyo wax-soo-saarka. Bulsho waxbaratay:
- Waa ay firfircoon tahay dhaqaale ahaan
- Waxay leedahay xirfado ay kula tacaasho saboolnimada iyo shaqo la’aanta
- Waxay yeelataa hoggaan aqoon ku dhisan
Aragtida Human Capital Theory waxay caddeyneysaa in maalgelinta waxbarashada ay keento koboc dhaqaale waara (Becker, 1993). Soomaaliya, oo inta badan bulshadu ay yihiin dhallinyaro, waxbarashadu waa furaha ka hortagga tahriibka iyo ku biirista kooxaha hubeysan.
3. Maamul wanaag iyo hay’ado adag
Maamul-wanaagga iyo hay’adaha awoodda leh waa laf-dhabarta dhismaha bulsho horumarsan oo xasilloon. Qaramada Midoobay waxay ku qeexday maamul-wanaag inuu yahay habka loo maamulo awoodda, kheyraadka, iyo go’aan-qaadashada si hufan, caddaalad ah, isla markaana lala xisaabtami karo (UNDP, 2011: Governance Principles, Institutional Capacity and Quality). Bulsho kasta oo doonaysa horumar waara iyo isku-duubni bulsho (social cohesion) waa inay leedahay hay’ado dowladeed iyo kuwo rayid ah oo awood u leh fulinta sharciyada, bixinta adeegyada, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Hay’adaha awoodda leh (strong institutions) waxay hubiyaan in awoodda siyaasadeed aysan ku ururin shaqsiyaad ama kooxo gaar ah. Taasi waxay:
- Yareysaa khilaafaadka siyaasadeed
- Ka hortagtaa rabshadaha
- Xoojisaa kala dambeynta sharciga
Acemoglu & Robinson (2012: Why Nations Fail) waxay ku doodeen in dalalka horumaray ay wadaagaan hal sifo oo muhiim ah: hay’ado loo wada dhan yahay (inclusive institutions), kuwaas oo awoodda iyo kheyraadka si caddaalad ah u qaybiya.
Maamul-wanaaggu waa shardi lama huraan u ah horumar dhaqaale. Hay’ado daciif ah waxay horseedaan: Musuqmaasuq, maalgashi la’aan iyo sinnaan la’aan dhaqaale.
Bangiga Adduunka (World Bank, 2020: Worldwide Governance Indicators) wuxuu caddeeyay in tayada hay’aduhu si toos ah ula xiriirto heerka dakhliga qofka (GDP per capita). Soomaaliya, xoojinta hay’adaha maaliyadeed, canshuuraha, iyo kormeerka waxay gacan ka geysan karaan koboc dhaqaale oo loo wada dhanyahay.
Hay’adaha caddaaladda, amniga, iyo adeegyada bulshada marka ay si siman u shaqeeyaan, waxay yareeyaan caddaalad-darrooyinka, xoojiyaan dareenka muwaadinnimo, sidoo kalena ka hortagaan ku takrifalka awoodda.
UNESCO (2020: Social Cohesion and Institution Building) waxay muujisay in sinnaan la’aanta hay’adaha ay si toos ah u dhaawacdo wada-noolaanshaha bulshada. Soomaaliya, hay’ado u shaqeeya dhammaan muwaadiniinta iyada oo aan loo eegin qabiil ama deegaan, waa furaha bulsho is-haysata.
4. Caddaalad bulsho iyo sinnaan
Caddaaladda bulsho iyo sinnaantu waa tiirarka aasaasiga ah ee dhismaha bulsho is-haysata, xasilloon, isla markaana horumar waara gaarta. Caddaalad bulsho waxay tilmaamaysaa in dhammaan xubnaha bulshada ay helaan fursado, xuquuq, iyo adeegyo si caddaalad ah loo qaybiyey, halka sinnaantu ay diiradda saarto yareynta farqiga u dhexeeya kooxaha kala duwan (Rawls, 1971: A Theory of Justice). Bulsho kasta oo ay ka jirto cadaalad-darro iyo sinnaan la’aan joogto ah, waxay u nugushahay khilaaf, kalsooni darro, iyo burbur bulsho.
Bulsho is-haysata waa bulsho ay xubnaheedu dareemaan in ay si siman uga tirsanyihiin nidaamka bulsho iyo midka dowladnimo. Marka caddaaladdu jirto:
- Dadku waxay yeeshaan dareen ka-qaybgal iyo lahaansho (sense of belonging)
- Waxaa yaraada takoorka, qabyaaladda, iyo kala-qoqobka
- Waxaa kordha kalsoonida bulshada dhexdeeda
OECD (2012: Perspectives on Global Development: Social Cohesion in a Shifting World) waxay caddeysay in sinnaanta iyo caddaaladda bulsho ay si toos ah u xoojiyaan wada-noolaanshaha bulshada. Soomaaliya, halkaas oo khilaafaad qabiil iyo mid deegaan ay taariikh dheer leeyihiin, caddaalad bulsho ayaa ah furaha dib-u-dhiska kalsoonida bulshada.
Daraasado badan ayaa muujinaya in sinnaan la’aanta dhaqaale iyo bulsho ay si weyn ula xiriirto colaadaha hubeysan (Stewart, 2008: Horizontal Inequalities and Conflict). Marka kooxo gaar ah laga reebo: khayraadka, fursadaha waxbarasho iyo shaqo iy go’aan-qaadashada siyaasadeed, waxay abuurtaa dareen tabasho (grievance) keena rabshado iyo burbur bulsho. Sinnaanta fursadaha (equity of opportunity) waxay yaraysaa sababaha keena kacdoonka iyo colaadaha. Soomaaliya, sinaan darrada u dhexeysa magaalooyinka iyo miyiga, ama kooxaha kala duwan, waxay sii hurisaa nuglaanta amni, taasoo ay ka dhalato xasarado iyo colaado horseeda xasillooni darro siyaasadeed oo dalka khal-khal geliya.
5. Dhaqaale waara iyo shaqo abuur
Dhaqaale waara iyo shaqo-abuurku waa tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhiso bulsho awood leh oo xasilloon. Dhaqaale waara (sustainable economic development) wuxuu diiradda saaraa koboc dhaqaale oo daboolaya baahida jiilka maanta, isla markaana aan waxyeelleyn awoodda jiilasha mustaqbalka (Brundtland Report, 1987: Our Common Future). Shaqo-abuurkuna waa habka ugu wax-ku-oolsan ee lagu xaqiijin karo ka-qaybgal bulsho, yareynta saboolnimada, iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada.
Bulsho dhaqaalaheedu xasilloon yahay waxaa ku yaraada saboolnimada iyo ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda, dembiyada iyo rabshadaha ayaa hoos u dhaca, waxaana kordha kalsoonida bulshada iyo hay’adaha dowliga ah.
World Bank (2019: Jobs and Social Cohesion in Fragile States) waxay caddeysay in koboca dhaqaale ee loo wada dhanyahay (inclusive growth) uu si toos ah u xoojiyo is-haysashada bulshada. Soomaaliya oo saboolnimo baahsan iyo dhaqaale aan rasmi ahayn ay ka jiraan, dhaqaale waara waa furaha nabad waarta.
Shaqo la’aanta, gaar ahaan tan dhallinyarada, waxay si weyn ula xiriirtaa khilaaf, tahriib, iyo ku biirista kooxaha hubeysan. Sida ay muujisay ILO (2016: Global Employment Trends for Youth):
- Dhallinyaro shaqo la’aan ah waxay u nugul yihiin rabshad
- Shaqo abuurku wuxuu yareeyaa dareenka tabashada (grievance)
- Shaqo la helaa waxay xoojisaa mas’uuliyadda muwaadinnimo
Soomaaliya oo in ka badan 70% dadku ay ka hooseeyaan 30-sano, shaqo-abuur ballaaran ayaa muhiim u ah badbaadinta mustaqbalka qaranka.
Gunaanad
Dhismaha bulsho awood leh oo horumarsan waa hawl u baahan aragti fog, hoggaan wax ku ool ah, iyo ka-qaybgal bulsho oo ballaaran. Waxbarashada, maamul wanaagga, cadaaladda, dhaqaale waara, iyo kalsoonida bulsho ayaa ah tiirarka lama huraanka u ah horumarka. Haddii bulshooyinku si nidaamsan u xoojiyaan qodobadan, waxay gaari karaan horumar waara iyo xasillooni dhab ah.
Tixraacyo (References)
- UNESCO. (2015). Education for All 2000–2015: Achievements and Challenges.
- World Bank. (2018). Education and Fragility in Conflict-Affected States.
- UNDP. (2011). Governance Principles, Institutional Capacity and Quality.
- Acemoglu, D., & Robinson, J. A. (2012). Why Nations Fail: The Origins of Power, Prosperity, and Poverty. Crown Publishers.
- World Bank. (2020). Worldwide Governance Indicators.
- UNESCO. (2020). Social Cohesion and Institution Building.
- Rawls, J. (1971). A Theory of Justice. Harvard University Press.
- OECD. (2012). Perspectives on Global Development: Social Cohesion in a Shifting World.
- Stewart, F. (2008). Horizontal Inequalities and Conflict. Palgrave Macmillan.
- Brundtland Commission. (1987). Our Common Future. Oxford University Press.
- World Bank. (2019). Jobs and Social Cohesion in Fragile States.
- ILO. (2016). Global Employment Trends for Youth.
Qoraaga

- waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.
Latest entries
MaqaaloMarch 29, 2026Aqoonyahanka iyo Dareenka Bulshada Soomaaliyeed
MaqaaloFebruary 25, 2026Midnimada ummadda Soomaaliyeed: Tiirka karaamada, iyo mustaqbalka Qaranka
FaalooyinJanuary 29, 2026Sida loo dhiso bulsho awood leh oo horumarsan: Aragti, iyo Casharro Caalami ah
FaalooyinDecember 29, 2025Qorshayaasha lagu burburiyo bulshooyinka: Xeeladaha la adeegsado iyo sida looga hor-tagi karo










