Maxaan Galalka Duugaa!

Maraxa keliya ee laga dhaxlay burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliyeed ayaa ah siyaasi beenlow ah, ka arradan dhaqanka wanaagsan, ka qaawan dadnimada, u janjeera boobka, ku badhaadha boolida, ku mushaaxa gaajaysiinta shacabka iyo jaahwareerinta jiilka cusub. Sidoo kale, waxa hubaal ah, in  la dhaxlay wadaad-xume arxan daran, ka macaasha dhiigga dadweynaha, ku hubaysan kitaab uu moogyahay waxa ku qoran balaashiisa, muuqaal ahaanna waxa  uu eg yahay dhidar ama caalle meel waraq ah ido goosmay ku xasuuqaya.

Maansadani, waxa ay ka hadleysaa arrimo isbarkan oo isasuran. Waxa ay tilmaan iyo qaabayn ka bixineysaa waayaha natiijada laga dhaxlay burburkii lagu waayey dadnimadii iyo dunwanaaggii astaanta iyo sowraca u ahaa qofka Soomaaliga ah. Qaran-jabkii iyo jidbadii qabiilka miyaan laga dhaxlin hurgumo iyo hoog aan idlaanayn? Miyaan laga dhamin milil iyo sun? Miyaan laga cabbin darka qabyaaladda iyo hayb-soocidda ku dhisan caqlixumada iyo maanyarida? Tagtadii miyaan loo hiloobin iyo wixii la ahaa waa? Taaganta miyaan laga ashahaadan iyo afarjeeblayaasha? Timaatada miyaan quus iyo qalbi-jab looga fadhiyin? Maansada “MAXAAN GALALKA DUUGAA” waxa ay soo baxday 10, Ogoosto 2025, anigoo jooga caasumadda dalka –Muqdisho. Waxa ayna tidhi;

Maxaan galalka duugaa

Dadka been u sheegaa

Dowladdii kacaankiyo

Diricii dalka u kacay

Ducaqabe Siyaadkii

Kolba dacar ka mariyaa

Danjiraha wax baariyo

Duryaadkan ogoonta ah.

Maxaan daar kharaabada

Damiirkayga oo guran

Dubaaqayga oo maran

Dundumooyin moodoo

Dusha sare ka daawaday.

Maxaa duub la ii xidhay

Dar Allee shacbiga ba’ay

Dabka dami yidhaahdeen

Anigoon digiigaxan

Duul ii mashxaradeen.

Maxan ubad daleel waray

Duullaan abaabuley

Dermaday ku ladayeen

Duhur weerar geliyoo

Dusha sare ka daawaday.

Maxaan dayrka qoyskiyo

Duddadaan ku noolahay

Duul igu ammaaneen

Dabadeed ismahadshoo

Digtoorradu ka yaabeen.

Maxaan daallin weyn ahay

Maxaan deris xigaalo ah

Damiirkooda kala diley

Dabadeed ka baayacay

Diiratada qaxootiga

Inay dayr u seestaan

Dawarsiga ku barayaan.

Maxaan daw abaareed

Garyradaaca duunyada

Digadooda uga raray

Dabadeedna xooroo

Goosan iyo dabaylnuug

Daayeerku iga cunay.

Muxuu doqon garaad li’i

Dibin-daabyo ila helay

Anna aan darka u galay

Dabdeed hilmaamoo

Diiwaanka lagu daray

Inaan ahay dayuuskii

Sida dulinka ugu fiday

Maxaan door ismoodoo

Doqon reero  keeneen

Digtoor ugu cimaamday

Dabadeed majarihiyo

Ka dalaabay waayaha

Dadku iga ducaysteen.

Maxaan derin la jiifsaday

Doobbiro nin kale dhalay

Dantaydii ku laayacay

Dabadeed cirrooboo

Oday daaley lay yidhi.

Maxaan daabay godinkay

Gunta damalka gooyoo

Daraygiyo higloba jaray

Ku daldalay dameeraha

Dumar bacadka uga tegey

Anna doollar urursaday.

Maxaan ahay Ducaalow

Denbi loo cimaamaday

Dadku weli u haystaan

Daliil waxan cuskanayaa

Dooxatada qabiilkiyo

Simji-dhaanka duubka leh.

Maxan dogobyo shidayaa

Daacuun wax laayiyo

Duumo aan wax reebayn

Duufaan ku rarayaa

Dadweynaha saboolka ah

Qarax daafta ugu xidhay

Markuu waagu daalacay

Duugtii ka qaybgalay

Anigoo dibboro weyn

Deyiboow la leeyahay.

Qoraaga
Maxamuud Cali Adan Hoorri
Maxamuud Cali Adan Hoorriwaa cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.Sidoo kale, waa bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link