XILKU WAA KU DHIBAYAA!

Nin baa laga sheegay dadku waxa ay naannays iiga dhigeen magac yaab leh—magacaasi waa “Dembi soconaya” waase lay qariyaa!

Xilku waa ku dhibayaa oo dhab, waana gar inuu ku dhibo oo waxa aad ku hafatay mowjadaha iyo maayadaha hoggaaminta. Xilku waa ku dhibayaa oo hubaal, waana wax lagaaga fadhiyey inaad ku habowdo ayda iyo owra-daaqeenkaba. Xilku waxa uu dhib ku yahay qof kasta gorodda loo suray culays ka weyn—maansadani waxa ay curatay hilaaddii 11-11-2011— Waxa aan kaga hadlayaa dhibaatada ka muuqata maamullada Soomaalida iyo hagardaamada joogtada ah ee ay ku hayaan dadkooda iyo naftoodaba.

Waxa aan ognahay in uu yahay xilku wax adag, oo u baahan: caqli iyo cilmi, garasho iyo gudasho, tab iyo taag, talo iyo tusaalayn. Dhibka ugu weyn ee ka jira dalka qofba dhinac ayuu ka cabbiray! Mar waxa aad maqalaysaa “Soomaaliya, waxa godka ku ridey gaarsiiyey odayaasha koofiyadaha iska dhookeeyey”. Mar kale, waxa aad maqlaysaa ‘Soomaaliya, waxa uubta ku ridey siyaasi danayste ah, dullaal afarjeeb leh, wadaad wareeray, IWM”. Dadka qaar ayaa ku sheekeeya mararka qaar “Soomaaliya waxa gujo iyo tantoobaba isku daray shisheeye ku soo duuley, waxa birta mariyey dhoohane dheef raadis ah”.   

Soomaaliya, waa waddan ama dal leh khayraad kala duwan sida; xoolo, beero, kalluun iyo macdan ciidda iyo carradaba ka badan dadku waa ka baahanyahay. Soomaaliya, waxa ka jira cudurro xun oo dilaa ah waxana ka mid ah; xanuunka eexda, aafada dulimiga, hagardaamada, xad-gudubka, nin-jeclaysiga iyo dhabar-k- taabashada.

Marka aad tahay qofka aad tahay! In qof kale kugu sheego waxaadan ahayn sow yaab iyo amakaag maahan? Garashadu waa sahayda ugu weyn ee qof lagu kuunyi karo, maantase waxa tilmaan iyo summadba u ah mxuu dhistay? Muxuu dhaqday? Muxuu boobay? Muxuu leexsaday? Muxuu dullaaley? Xaggee buu kiraystay? Horaa loo yidhi “af nooli hadal ma daayee”, waxase weydiini ka taagan tahay 15 sano ka hor wixii aan dareemayey ama iiba muuqdey ayaa weli na hortaagan.

Xaajada adduunyadu

Xilligii la joogoba

Waa xowsad gaaroo

Xukumada dhacaayaa

Xaraf Eebbe weeyee

Ninba xeeladdiisuu

Xaajada ka doonaa.

Xilliyada guddonkiyo

Uu xifaaltan joogona

Ama xaajo murugtee

Ninba xeeladiisuu

Xaajada ka doonaa.

Xumaan baan la daynayn

Xurmad baan la dhowrayn

Xushmad baan la siinayn

Xurguf baan la daminayn

Xasad baa la xiisayn

Xanta waa la dhaqan gelin.

Xilka waa la suurayn

Xaajada nimaan garan

Ama xarig ku xirankarin

Ama xarigga xirikarin

Xumaan aan ka caagnayn

Xilka waa u dhiibnaa

Xikmad waa ka doonaa

Waa xaal adduunyee

Ninba xeeladiisuu

Xaajada ka doonaa.

Boholaha xarggan baan

Xalay reerka geeyoo

Xero reerka uga dhigay

Xaajadu waxay tahay

Maqashiyo xayeeshidu

Xagarada ma daaqaan

Xaska guriga yaalliyo

Xaab key abaabaan.

Anna xoorka sare iyo

Meel xagari ay taal

Baan adhiga xuliyaa

Waa xaal adduunyee

Ninba xeeladiisuu

Xaajada ka doonaa…

Xukumada dhacaayana

Waa xarafkaEebbee

Xaaji been ma sheegaa?

Xigtadiis ma diidaa?

Xaqa belo ma siistaa?

Xoloddada ma huriyaa?

Xanannada ma daadshaa?

Xaaraan ma quutaa?

Xawadii ma waayaa?

Waa xaal adduunyee

Ninba xeeladiisuu

Xaajada ka doonaa.

Qoraaga
Maxamuud Cali Adan Hoorri
Maxamuud Cali Adan Hoorriwaa cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.Sidoo kale, waa bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link