Maarshaalka Garashada

Maansadani, waxa ay soo baxday 2024-kii, waxa ayna maamuus iyo sharfid u ahayd xeeldheere Cabdalla Cumar Mnasuur. Marka qof laga qorayo sooyaalkiisa iyo taariikh-nololeedda uu soo joogey ma aha arrin fudud. Waxa hubaal ah in howshaasi tahay mid mudnaanteeda leh una baahantahay qalab-qaadasho iyo ka mira-dhalin waarta. Sidoo kale, waxa ay ka mid tahay wadiiqooyinka lagu kaydin karo taariikhda qofka (biography), waxtarkiisa, heerarka noloshiisa kala duwan, waxbarashadiisa iyo dhammaan wixii la xiriira oo ah xirfado, khibrado, safarro, wax-soosaar iyo waaya-agarnimo la taaban karo. Waxa jira inta ogaalkayga ah buug laga qoray sooyaalka Prof. Mansuur oo uu qalinkan qaatay jaalle Bilaal Qaasim Fiqi (Aaka, waa hubaal inuu kitaabkaasi yahay mus-dambeed laga dhimbiilqaadan karo, lagana dheehan karo shakhsiyadda buuni Maansuur iyo waxqabadkiisa dahabiga ah. 

Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha (JFS) Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu billadsharaf heer qaran ah u guddoonsiiyay Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof. Annarita Puglielli? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta qalinka, tixgelinta garhayaha aqoonta, ilaalinta naftiihuraha cilmibaarista, bidhaaminta gudashada iyo garashada daljirka, muujinta hormuudka iyo foolaadka danjiraha qalinka iyo qoraalka ummadda Soomaaliyeed.

Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur iyo Xurmo Prof. Annarita waxay astaan u yihiin joogtaynta ka-maridhalinta cilmibaarista. Marka aad dheehato dhambaallada taariikhda iyo galalka ummadaha kale, waxaad ogaanaysaa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay in wax laga dhaado, laga gunto, laga weeleeyo, laga xigto, laga ururiyo geeddi-socodkooda aqooneed iyo sahankooda ku qotoma waaya-aragnimada iyo dun-wanaagga qofnimo.

Shirka lagu maamuusay labada khabiir waxa uu ahaa Shirkii Cilmibaarista & Daaraasaadka Soomaalida oo ay iska kaashadeen Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare , Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya —Somali Studies International Association – (SSIA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qabsoomay caasummadda dalka- Muqdisho hilaaddii bishii December 2024-kii.

Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur waxa uu astaan u yahay dadnimada iyo kartida qofka Soomaaliga ah. Bulsho kasta oo gaarta tanaad iyo tisqaad nololeed ogow waa bulsho tixgelisa baraheeda. Dhanka kale, bulsho kasta oo hoos uga dhacda dhabbaha guusha iyo hayaanka, kuna hoos noqota burburkeeda, ogow waa bulsho bahdisha baraheeda ama aan maamuusin.  Haddaba, waxa hubaal in in uu macallinku yahay halbowlaha haba kanaallada qaada aqoonta iyo cilmiga, waxa bila, qurxiya, dheeha, kobciya garaadka iyo kasiista kasmada qofka. Macallinku waxa uu mudan yahay maqaam iyo kaalin lagu aslay karaamo iyo tixgelin bulsheed—ujeedkaygu waa in aan noqonno qaran qiimayn kara waxa uu gudo ama gooyo macallinka Soomaaliyeed. Haddii aan qeyb ka mid ah waxqabadkiisa ina xusuusiyo waxa ka mid ah:

  1. Bahda Afafka Kushiitigga iyo Taariikhda af Soomaaliga,
  2.  Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed.
  3. Diiwaanka Ereybixnta Af Soomaaliga (1) (Ereybixinta Maamulka & Afka)—Mansuur (diyaarin & ururin).
  4.  Diiwaanka Ereybixinta Af Soomaaliga (2) (Ereybixinta Cilmiga)—Mansuur (diyaarin & ururin).
  5. Diiwaanka Ereybixinta af Soomaaliga (3) (Ereybixinta Farsamada & Culuunta)—Mansuur (diyaarin & ururin), Le Lingue Cuscitiche e il Somalo (8), La Storia della Religione Tradizionale del Cusciti (The History of the Cushitic Traditional Religion).
  6.  Taariikhda Afka & Bulshada Soomaaliyeed.
  7.  Habdhigaalka af Soomaaliga Guud—Midayn, Horumarin & Casriyayn.
  8. Barashada Naxwaha af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli.
  9. Qaamuuska af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli.
  10.  Qaamuuska Dugsiyada af Soomaaliga—Mansuur & Annarita Puglielli.
  11.  Seeska Naxwaha af Soomaaliga—Mansuur & Idiris M. Cali.

Haddii laygu sooray ardaa lagu muunaynayo ee taariikh-nololeedda buuni Mansuur, waxa aan ku madiixi lahaa ereyadan soo socda:

Afka mirifrirkiisiyo

Buuni weeye Mansuur

Mahwi weeye aan gurin

Mufti weeye gaammurey

Muqni weeye kaafiya

Muguc weeye shaafi ah

Mad-hab weeye teeri ah.

Qaamuuska madiga ah

Ereyada magowsaday

Makaabkiisu adag yahay

Milayguu u sarakacay

Mar hadduu innoo qoray

Mintid weeye gudasho leh

Marna waa maddaaliyo

Maarshaalka garashada!

Moorada naxwaha guud

Magaciyo falkaabyada

Meelaynta weedhaha

Maaraynta qurubyada

Iyo magacuyaallada

Waa maqaddamkeedoo

Qofna kuma masuugoo

Kuma furo masaladaha

Muran iyo akeekamid.

Marna hirarka gabayguu

Milaalaa mudhbixiyaa

Marsadiisa joogaa

Miisaan gorfaynliyo

Mahadhooyin curiyaa

Muhashada aqoontuu

Marsinkeeda keenaa

Madal loo hiloobuu

Maageer u waabaa.

Waa musbaax hanuunoo

Mugdi lagaga guuroo

Mowjadaha ogaalkuu

Marjiceeda noo yahay

Maaraynta xarafkana

Marmaroor hadduu galo

Midayn laysu weriyiyo

Masdarkeeda weeyaan.

Taariikhda moolka ah

Maalmaha silsaladda ah

Maansadeenna Soomaal

Miiddiyo macaanka leh

Madxaf laga gunnaystiyo

Musdanbeedka weeyoo

Maankiyo garaadkuu

Misciliil u yahay adag.

Qoraaga
Maxamuud Cali Adan Hoorri
Maxamuud Cali Adan Hoorriwaa cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.Sidoo kale, waa bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link