Dastuur Mise Hoggaamiye? Marka Hay’aduhu Daciifaan oo Taladu ku Ururto Hal Qof

Waxaa jira su’aal ay ummaduhu marar badan la kulmaan xilliyada kala guurka siyaasadeed: ma waxaa badbaadinaya dastuur iyo hay’ado adag, mise hoggaamiye xooggan oo go’aan qaata? Su’aashani ma aha mid cusub, mana aha mid Soomaaliya ku kooban. Waa su’aal soo martay ilbaxnimooyin badan, boqortooyooyin waaweyn, iyo jamhuuriyado ku faani jiray xorriyad iyo dawladnimo.

Taariikhdu waxay ina tusaysaa in ummaduhu mararka qaarkood ka daalaan muranka siyaasadeed, gaabiska hay’adaha, iyo khilaafaadka joogtada ah, dabadeedna ay qalbigooda iyo rajadoodaba ku wareejiyaan hal hoggaamiye oo ay u arkaan badbaadiye. Halkaas ayayse ka bilaabata khatarta ugu weyn ee dawladnimada: marka kalsoonida shacabka laga wareejiyo hay’adaha oo lagu ururiyo qof keliya.

Falsafad-yahankii Faransiiska ahaa Montesquieu wuxuu qoray oraah noqotay tiirka ugu muhiimsan ee dawladaha casriga ah:

“Qof kasta oo awood haystaa wuxuu u janjeeraa inuu ku takri falo awooddaas; wuxuuna sii wadaa ilaa uu la kulmo xuduud hor istaagta.”

Oraahdani waxay saldhig u noqotay mabda’a kala qaybinta awoodaha ee maanta lagu yaqaan dawladaha dastuuriga ah. Fikradda aasaasiga ahi waa mid sahlan: haddii awoodda lagu ururiyo hal qof, hal xisbi, ama hal hay’ad, waxaa lama huraan noqota in xorriyaddu yaraato, sharciguna daciifo.

Dhibaatadu ma aha in hoggaamiyaha laftiisu xun yahay. Dhibaatadu waa in bini’aadamku yahay bini’aadam. Sidaas darteed ayay dawladaha casriga ahi ugu dhisnaadeen mabda’a ah in qofna aan lagu aaminin awood aan xad lahayn, xitaa haddii uu yahay qof wanaagsan.

Laakiin fikirkan kuma koobna reer galbeedka. Qarniyo ka hor, mufakirkii Muslimka ahaa Cabdirraxmaan Al-Kawaakibi wuxuu buuggiisii Tabaa’ic Al-Istibdaad ku qoray: “Kelitalisnimadu ma kharribto siyaasadda oo keliya; waxay kharribtaa akhlaaqda, diinta, cilmiga iyo maskaxda bulshada.”

Al-Kawaakibi wuxuu aaminsanaa in dhibaatada ugu weyn ee kelitalisnimadu aysan ahayn xabsiyada iyo cabburinta muuqata oo keliya, balse ay tahay inay bulshada ka disho hal-abuurka, fikirka madax-bannaan iyo dareenka mas’uuliyadda. Marka ummaddu muddo dheer ku noolaato nidaam aan xisaabtan lahayn, waxay la qabsataa aamusnaanta, cabsi iyo ku tiirsanaanta talada hal qof.

Sidoo kale, Ibn Taymiyyah wuxuu yiri: “Ilaahay wuxuu taageeraa dowlad caddaalad ku dhisan xitaa haddii aysan Muslim ahayn, mana taageero dowlad dulmi ku dhisan xitaa haddii ay Muslim tahay.”

Oraahdan gaaban waxay xambaarsan tahay xikmad siyaasadeed oo qoto dheer. Jiritaanka dawladnimadu kuma xirna keliya diinta ama hal-ku-dhegyada siyaasadeed ee la qaato, balse waxay ku xirantahay caddaaladda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda bulshada.

Taariikhda siyaasadda adduunka waxaa ku badan tusaalooyin muujinaya sida ummaduhu ugu wareegeen shakhsiyaad xooggan markii ay daciifeen hay’adihii. Jamhuuriyaddii Roomaanka waxay lahayd goleyaal, sharciyo iyo nidaam muddo qarniyo ah shaqaynayay. Hase yeeshee markii khilaafkii siyaasadeed batay, dagaalladii sokeeyana kordheen, dadkii Roomaanku waxay si tartiib ah ugu wareejiyeen awooddii Julius Caesar iyagoo rajaynaya inuu soo celin doono kala dambaynta. Wuxuu keenay xasillooni muddo gaaban ah, laakiin geeridii jamhuuriyadda ayaa ahayd qiimihii lagu bixiyay.

Qarnigii labaatanaad, Jarmalkii Weimar wuxuu lahaa dastuur iyo hay’ado dimuqraadi ah. Si kastaba ha ahaatee, qalalaasihii dhaqaale, shaqo la’aantii iyo jahawareerkii siyaasadeed waxay dadka ku qanciyeen in xal lagu heli karo hoggaamiye adag. Sidaas ayuu Adolf Hitler ku helay awood sharci ah, dabadeedna awooddaas ayuu ku burburiyay hay’adihii sharciyadda siinayay.

Hannah Arendt oo ka mid ahayd mufakiriintii ugu waaweynaa ee daraaseeyay nidaamyada kelitaliska ah waxay qortay: “Dadka ma jecla kelitalisnimada marka hore; waxay jecel yihiin amniga. Kelitalisnimadu waxay dhalataa marka amniga loo huro xorriyadda.”

Oraahdani waxay si gaar ah u taabanaysaa bulshooyinka kasoo kabanaya dagaallada iyo fowdada. Marka ay dadka ka daalaan hubka, colaadaha iyo hubanti la’aanta, waxay mararka qaar diyaar u noqdaan inay qayb ka mid ah xorriyaddooda ku beddeshaan ballanqaad amni iyo kala dambayn ah.

Soomaaliya waxay casharkan si qadhaadh u soo martay dhammaadkii lixdamaadkii, jamhuuriyaddii rayidka ahayd waxay la daalaa dhacaysay musuqmaasuq, kala qaybsanaan siyaasadeed iyo tabar-darro hay’adeed. Dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo jahawareerkii siyaasadeed ee xigay waxay abuureen jawi ay dad badani ku qanceen in ciidanku yahay badbaadada qaranka.

Sidaas ayay ku dhalatay dowladdii militariga ahayd ee 1969.

Bilowgii, taliskaasi wuxuu helay taageero ballaaran. Wuxuu ku yimid magaca la dagaallanka musuqmaasuqa, ciribtirka qabyaaladda, mideynta qaranka iyo dhismaha dawlad adag. Waxaa la qoray afka Soomaaliga, waxaa la hirgeliyey ololihii farbarashada, waxaana la dhisay mashaariic badan oo dowladeed. Dad badan ayaa rumaysnaa in Soomaaliya gashay marxalad cusub oo dawladnimo iyo horumar ah.

Laakiin dhibaatadu waxay bilaabatay markii awooddii qaranka si tartiib tartiib ah ugu ururtay hal xarun iyo hal hoggaan. Xisbiyadii siyaasadeed waa la mamnuucay, saxaafaddii madaxbannaanayd waa la xiray, mucaaradkii waxaa loo aqoonsaday cadow qaran, halka hay’adihii dowladdana laga dhigay kuwo ku tiirsan rabitaanka madaxa sare ee taliska.

Muddo ka dib, dadku waxay bilaabeen inay ku kalsoonaadaan shakhsiga xukunka haya halkii ay ku kalsoonaan lahaayeen hay’adaha. Taasi waa calaamadda ugu weyn ee nidaam kasta oo si kelitalis ah ku bilowda.

Markii dagaalladii, dhibaatooyinkii dhaqaale iyo khilaafaadkii siyaasadeed isa soo tarayeen, ma jirin hay’ado madaxbannaan oo awood u leh inay saxaan khaladaadka ama maareeyaan kala-guurka. Dawladnimadii oo dhan waxay ku tiirsanayd hal xarun. Markii xaruntaasi daciiftayna, nidaamkii oo dhan ayaa wada dumay.

Burburkii 1991 ma ahayn oo keliya burburka xukuumad; wuxuu ahaa burburka hay’ado muddo labaatan sano ka badan lagu tababaray inay amar ka sugaan hal meel. Markii meeshaas la waayay, hay’adihii ma awoodin inay sii shaqeeyaan.

Waxaa laga yaabaa in tani tahay casharka ugu qaalisan ee ay Soomaalidu ka dhaxashay waayihii militariga. Dhibaatadu ma ahayn oo keliya qofkii xukumayay; dhibaatadu waxay ahayd in awoodda qaranka oo dhan lagu ururiyay qof iyo koox yar, halkii lagu qaybin lahaa hay’ado awood isku dheellitiran leh.

James Madison, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii dastuurka Maraykanka, wuxuu yiri:

“Haddii dadku malaa’ig ahaan lahaayeen, dawlad looma baahdeen; haddii kuwa xukuma ay malaa’ig ahaan lahaayeena, xakameyn looma baahdeen.”

Madison wuxuu xusuusinayaa xaqiiqo muhiim ah: dawladnimada wanaagsan laguma dhiso kalsoonida lagu qabo shakhsiga, balse waxaa lagu dhisaa nidaam awoodda xaddidaya.

Dastuurku ma aha warqad lagu qoro qodobbo sharci ah oo keliya. Waa heshiiska ugu weyn ee bulshada dhexdeeda ka jira. Waa xadka kala saaraya awoodda dawladda iyo xuquuqda shacabka. Marka dastuurka loo arko qalab lagu gaaro dano siyaasadeed oo ku meel gaar ah, waxaa dhaawacma kalsoonidii guud ee nidaamka.

Waxaa laga yaabaa in hoggaamiye xooggan uu mararka qaar xalliyo mushkilado degdeg ah. Waxaa laga yaabaa inuu gaaro go’aanno aysan hay’adaha kala duwan si dhakhso leh u gaari karin. Laakiin su’aasha muhiimka ahi waa: maxaa dhacaya marka hoggaamiyahaasi tago? Haddii jawaabtu tahay in nidaamkii oo dhan burburo, markaas dhibaatada lama xallin ee waa la dib dhigay.

Soomaaliya maanta waxay mar kale taagan tahay meel u baahan feejignaan siyaasadeed. Inkastoo duruufuhu ka duwan yihiin kuwii 1969, haddana waxaa muuqda calaamado taariikhdu nagu khasbayso inaan si taxaddar leh u eegno: marka awooddu ku ururto xarun keliya, marka hay’adaha madaxbannaan la wiiqo, marka dastuurka loo fasiro si uu ugu adeego dan siyaasadeed oo gaar ah, ama marka mucaaradka loo arko khatar halkii loo arki lahaa qayb dabiici ah oo nidaamka ka tirsan.

Khatarta ugu weyn ee Soomaaliya maanta ma aha oo keliya inay ku noqoto fowdo; khatarta kale ee dhabta ahi waa inay mar labaad ku qanacdo in badbaadadu ku jirto gacanta hal hoggaamiye oo ka sarreeya hay’adaha iyo dastuurka. Taariikhdu waxay ina bartay in waddadaas lagu heli karo xasillooni ku meel gaar ah, balse ay marar badan ku dhammaato cabburin siyaasadeed iyo qalalaase cusub.

Al-Kawaakibi wuxuu mar kale ina xusuusinayaa:

“Kelitalisnimadu waxay ka bilaabataa marka ummaddu aamusto, waxayna dhammaataa marka ummaddu garato in qofna aanu ka sarreyn sharciga.”

Sidaa darteed, su’aasha saxda ahi ma aha “yaa dalka badbaadinaya?” Su’aasha saxda ahi waa: “Maxaa dalka badbaadinaya?”

Taariikhdu waxay si joogto ah u bixinaysaa jawaab isku mid ah: hay’ado adag, sharci la wada ixtiraamo, awood la xaddiday, iyo dastuur ka sarreeya qof kasta.

Ummaduhu waxay waayaan xorriyaddooda marka ay rumaystaan in hoggaamiye keli ahi ka muhiimsan yahay dastuurka. Waxayna helaan xasillooni waarta marka ay rumaystaan in dastuurku ka sarreeyo hoggaamiyaha.

Taasi waa farqiga u dhexeeya dawlad ku nool qof iyo dawlad ku nool qaanuun. Qofku wuu yimaadaa wuuna tagaa; laakiin hay’adaha iyo dastuurku way sii noolaadaan, qarankuna wuu sii noolaanayaa. Haddii se hay’adaha lagu beddelo shakhsiyaad, taariikhdu waxay mar kasta ina tusaysaa in burburku uun dib u dhacayo, balse aanu baaba’ayn.

Tixraacyada

  1. Montesquieu, The Spirit of the Laws (1748).
  2. Hannah Arendt, The Origins of Totalitarianism (1951).
  3. James Madison, The Federalist Papers, No. 51.
  4. عبد الرحمن الكواكبي، طبائع الاستبداد ومصارع الاستعباد.
  5. ابن تيمية، مجموع الفتاوى.
  6. ابن خلدون، المقدمة.
  7. I.M. Lewis, A Modern History of Somalia.
  8. Ahmed I. Samatar, Socialist Somalia: Rhetoric and Reality.
Qoraaga
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)Waa qoraa iyo sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee SIDRA Institute, oo leh khbrad nidaamka caddaaladda Soomaaliya, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link