Yaan Suleekho kaa dhiman!

Maansadani waxa ay soo baxday hilaaddii 22,12-2022-kii. Waxa ayna dhiirrigelin iyo guubaabo u tahay dhallinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Maansadu waxa ay si toos ah ula hadlaysaa dhallinta ku dhaqan gobolka Sanaag iyo waxgaradkooda kala duwan. Marna waa xusuus iyo dhito jaan-tus u ah waayihii iyo sooyaalkii cuddoonaa ee la soomaray beri-samaadkii. Sanaag, waa gobol irmaan, dihin, cogor ah, leh macdan iyo xooloba. Marna waa goob leh sooyaal iyo taariikh mug leh.

Taariikhdaa mugga iyo miisaanka ku dhaadan ama ku guntan, maanta yaa wax ka og? Waa kumaa qofka maraxeeda haystaa? Xaggee ku damaysey gobannimadii iyo garashadii lagu faani jirey? Yaa maanta aroorrada kala ah;  Aroow-weyn iyo Aroor-yar ka arrimiya? Kumaa daaqa oo xoola ku dhaqda Moon iyo Mash-caleed? Laasqoray xaggee ku dambaysey? Wiilka ka arradan dhaqanka, diinta, sooyaalka iyo dadnimada oo dhex mushaaxaya Ragaad, Xidid, Saaqood, Galgala iyo Guud-Cayow yaa keenayn? Adiguse diyaar ma u tahay inaad ogaato waxa aad haysato? Maxaa se kaa maqan? Waa kuma ninka la qorsheeyey 30 sano ka hor dhimashadiisa iyo dhiig-baxiisa oo iska soo taagan, weliba isga oo dammane ah?

Dhammaan, weydiimahani waxa ay ku wareegayaan giraanta hortaada taal iyo fundhucyada laguu fadhiyo, jidka laguugu jiro, dhabbada lagugu gaadayo, darka lagaa celinayo iyo sabadka lagaa rarayo. Waa gar jaalle! Waxa aad tahay qaafil aan summad lahayn! War hurddaayow iska hurud horaa loo yidhi Ninba dooxada wax ku soo dadab..

Subcis maaha maansadu

Hal sarbeeb ah kuma jiro

Misna hadal ma saafnee

Ciisa Dhiif sarkaalkii

Saajinkii kelya adkaa

Waxan saaka leeyahay

Seerihii Quddaax iyo

Saaqood war iga sii?

Sankii Gorayga yaa deggan?

Simanaarka yaa dhiga?

Talisyada sirdoonkuna

Suuliyada ma baaraan?

Kumaa Seeta-walacle ah?

Salbadhoodhi waa kuma?

Sama-talisku waa kee?

Samaddoon ma adigaa?

Saaxiibkay CIISOW

Saahidkii Kutubo mee?

Sirta Fiqiga diinkiyo

Siirada ma wariyaa?

Mise Sool abaaruu

Salli geed ku jiifaa?

Saaxiibkay CIISOW

Aw –siciid sareedada

Iyo saaca khayr jiro

Sabeen waa la siinjirey

Xaggee subaxan joogaa?

Saaxiibkay CIISOW

Ximistina sifaha guud

Subur iyo Wasaafaad

Weheshada Safiinaha

Burjigiyo siraha culus

Weli sadar ma baaraa?

Nabarrada ma simayaa?

Saaxiibkay CIISOW     

Lo’dii siinaddalahayd

Sako miyaa ka dhiibtaa?

Mise waysa seegteen?

Saaxiibkay CIISOW

Waxa taar la soo dhigay

Saxaafaduhu weriyeen

Cali Aadan sikhigii  

Sabo inaad wadaagtaan

Suugaan ku marisaan

Cowsame salkeediyo

Afartii Sandaqadood.

Marna seermaweydiyo

Kal-tirsiga salsiladaha

Sidii dirir ahaan jirey

Saadaal ku sheegtaan.

Saaxiibkay CIISOW

Nimankii Saliid galay

Haddey Sugurre joogaan

Sunta noogu milaayaan

Maadigaa Saldanad iyo

Sooyaal i bari kara?

Siinkaygu wuxu yahay;

Ina-Shire suldaakii

Dowladuhu sifeeyeen

Birta sulubka ka adkaa

Sange dhabarkii saarnaa

Seyidkii is haysteen

Si kastaba ha noqotee

Hadduu saaka soo baxo

Ama sahan inaga helo

Doqon sarara-weynoow

Ku salaamimaayee

Yey suleekho kaa dhiman.

Siinkaygu wuxu yahay;

Saaqidnimo ma fiicnoo

Surin laguma gaaroo

Sidko laguma maalee

Saxal baa ku mirayee

Yaa Suqurka hoosiyo

Sararaha Gadoobkiyo

Marinnadii Sanaag iyo

Halkii saantu kuu tiil

Doqon sarara-weynoow

Subax yaa ka sarakaca?

Siinkaygu wuxu yahay;

Sabadii Caleed iyo

Gurigii Siraadnaa

Suunnaari hogan jirey

Siirada wadaadkiyo

Sirta lagu cirbixin jirey

Socotada daryeel iyo

Soohan loogu qali jirey

Marna dhiilo saabliyo

Sibraar caano geelana

Sooryo looga dhigi jirey

Doqon sarara-weynoow

Saaka yaa atoor ka ah?

Siinkaygu wuxu yahay;

Saddex baan ku dhaartaye

Yaa Xubeera kaa siray?

Laasqoray ka salowdeye

Sebenkaa madowga leh

Kumaa sahanka loo diray?

Saxaraha-lamood iyo

Baradaad ku sugan tahy

Ma su’aal gingiban baa?

Ninna aanu sixi karin?

Yaa saqaafka kuu qoray?

Yaa saboolka kaa dhigay?

Sahaydaada yaa qubay?

Soortaada yaa wada?

Saanadi ha joogtee

Doqon sarara-weynoow

Dunidee ku sugan tahay? 

Siinkaygu wuxu yahay;

Waa seben colaad iyo

Siidhi laysku yeershee

Horta soor ma leedahay?

Maxaa saanad wadataa?

Sangehee ku joogtaa?

Salabkiisu buuxaa?

Hub maxaa ka sidataa?

Siinkaygu wuxu yahay;

Ninka saraf-sanaayow

Kolna sacabsanaayow

Subkadow hurdaayow

Markaa suuqa joogtaan

Sinta bidix ma sayrtaa?

Socod dumar ma leedahay?

Sacaadada adduunkana

Doqon sarara-weynoow

Sifir miyaa ka joogtaa?

Qoraaga
Maxamuud Cali Adan Hoorri
Maxamuud Cali Adan Hoorriwaa cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.Sidoo kale, waa bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link