Waxaa jira aamusnaan gaar ah oo ku soo degta dhallinyarada Soomaaliyeed marka aad weydiiso mustaqbalka dalkiisa. Ma aha aamusnaan ka dhalatay aqoon-darro, waa aamusnaanta qof su’aashaas marar badan ka fekeray, marar badanna soo gaadhay natiijo xanuun badan, ka dibna si hoose oo gaar ah go’aansaday in “rajadu” tahay raaxo (luxury) uusan hadda awoodin.
Aamusnaantaasi ma aha dullinimo ama danayn-la’aan. Waa dhawaqa go’doonka siyaasadeed, waana dhibaatada siyaasadeed ee ugu cawaaqibka xun ee maanta haysata Soomaaliya iyo jiilka soo koraya. Waxaa la dhihi karaa dhibaatadani waxay ka saamayn weyn tahay khilaaf kasta oo doorasho, iska hor imaad qabiil, ama ismari-waa dhex mara dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada. Sababtoo ah dhibaatooyinkaas kale waa kuwo xilliyeed ah, laakiin dhibaatadan ka irdhowga nidaamyada nolosha waa mid jiil dhan saamayneysa.
Nabarrada Is-huwan
Hadal-haynta siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa si weyn u hareeyey dhibaatooyin muuqda una baahan in si degdeg ah xal loogu helo sida: amniga koonfurta, dhismaha nidaamka federaalka oo aan weli dhammaystirnayn, xiisadda u dhaxaysa Muqdisho iyo maamullada xubnaha ka ah, iyo shakiga joogtada ah ee laga qabo hufnaanta doorashooyinka. Waa dhibaatooyin dhab ah oo u baahan in madaxdu ay xil weyn iska saaraan una helaan xal deg deg ah.
Hase yeeshee, dhibaatooyinkaas dhammaantood waxaa ku hoos qarsoon dildillaac aan loo jeedin, kana qoto dheer dhibaatooyinka muuqda: waa jiil dhan oo aqoon leh, karti leh, damiir leh, kuwaas oo soo gaadhay natiijada ah in nidaamka siyaasadeed, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee hadda jira uusan iyaga u adeegayn, matalin, waxna aysan ka beddeli karin. Waxay u muuqdaan kuwo daawadayaal ah. Waxay bixiyaan faallooyin. Way haajiraan marka ay helaan fursad. Marka ay waayaanna, waxay ka fariistaan ka qayb-galka guud ee nolosha siyaasadeed ama dhaqan-dhaqaale, iyaga oo caqligooda iyo xooggooda u weeciya sida ay qof ahaan isu maarayn lahaayeen, halka ay qayb ka noqon lahaayeen dhismaha qaranka iyo u a deeggidda bulshada.
Dadka iyagu ku xeel-dheer cilmiga siyaasadda waxay arrintan ugu yeeraan “go’doon ama ka irdhow siyaasadeed (Political Alienation). Go’doonkan siyaasadeed oo macnahiisu yahay in ay ka go’an yihiin ama ka irdhoobaan dareenka qofka kaga aaddan nidaamka iyo nolosha siyaasadda taagan. Go’doonkan wuxuu ka dhashaa farqiga weyn ee u dhexeeya waxa uu qofku ka filayo dowladnimada iyo waxa dhabta iyo waaqica ah ee uu ku nool yahay (Expectation Gap). Soomaaliya gudaheeda, farqigaas waxaa sii ballaariyey tobannaan sano oo fashil hay’adeed ah (Institutional Failure), musuqmaasuq caadi iska noqday, doorashooyin u muuqda nidaam la iska maro oo aan isbeddel keenayn, iyo dhaqan siyaasadeed oo dhiirrigeliya daacadnimada qabiilka iyo kooxaysiga, halkii wax lagu dooran lahaa kartida, aqoonta qofka iyo mabaadi’da uu xambaarsan yahay ama barnaamijka siyaasadeed ee ka go’an in uu fuliyo.
Cawaaqibka ka dhasha arrintani ma aha mid dhalanteed ah. Marka dhallinyarada kartida lihi ay ka haraan nolosha bulshada dhexdeeda, tayada hay’adaha qaranka ayaa hoos u dhaca. Marka fagaaraha siyaasadda ay ka baxaan kuwa leh anshaxa iyo damiirka sare, waxaa buuxiya kuwa leh tayada iyo kartida ugu hooseeysa. Go’doonka siyaasadeed waa mid is-quudiya: mar kasta oo maamulku xumaado, dadka ugu wanaagsan ayaa ka fariista; mar kasta oo dadka wanaagsan ka fariistaanna, maamulku waa uu ka sii daraa. Soomaaliya waxay ku dhex jirtay meertadan xun in ka badan soddon sano.
Su’aasha mudan in la isweyddiiyo ee maqaalkan xudunta u ah: Meertadaas ma la jabin karaa? Yaase jabin karaa?
Xalka oo laga doono meel uusan Jirin
Madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya, marka si guud loo eego, waxay ku khaldan yihiin sida ay u fasirtaan go’doonka dhallinyarada (Political Alienation) ee siyaasadda. Jawaabaha laga bixiyo waa kuwo dul ka xaar ah oo aan qoto dheerayn sida in kooto dhallinyarada loogu daro xeerarka, in la-tashayo lagala sameeyo dhallinyarada, in laga shaqaalaysiiyo wasaaradaha, iyo in madaxdu ay baraha bulshada kala hadasho dhallinyarada. Arrimahaasi ma aha kuwo aan faa’iido lahayn ama aan habboonayn in lagu tallaabsado, laakiin waxay daweynayaan calaamadaha cudurka (symptoms) iyada oo la iska indho-tirayo cudurka dhabta ah ee jira.
Cudurka dhabta ah ma aha matalaad la’aan. Waa xanuun ka dhashay in ay dareemaan waxtar-la’aan (crisis of perceived efficacy). Dhallinyarada Soomaaliyeed ma dareemayaan in laga saaray siyaasadda oo sabab looga dhigay in ayan haysan kuraas keliya. Waxay dareemayaan in ka go’doomeen siyaasadda sababtoo ah waxay rumeysanyihiin in miiska go’aan qaadashada aan wax dhab ah lagu gorfayn, ama haddii ay fariistaan aysan waxba ka beddeli karin xaaladda.
In la fahmo farqiga labadaas arrimood aad ayay muhiim u tahay. Kooto dhallinyaro oo lagu daro baarlamaan aan shaqaynayn daawo uma ahan go’doonka siyaasadeed. Waxaaba dhici karta inay kasii darto maxaa yeelay waxaa dhici karta in dhallinyaro rajo lahayd ku dhex milmaan nidaamkii eexda iyo siyaasaddii riwaayadda ahayd ee markii horeba go’doonka keentay. Waxa loo baahan yahay ma aha dhallinyaro badan oo lagu dhex daro nidaamka jira. Waxa loo baahan yahay waa jiil u diyaarsan inay beddelaan nidaamka hadda jira una beddelaan mid ka waxtar iyo caddaaladsan, kana tarjumaya maslaxadda ummadeed iyo horumarka dalka.
Diyaarinta dhallinyaro noocaas ahi waa mashruuc muddo dheer qaadanaya. Waa mashruuc aan sawirrada baraha bulshada lagu qurxinayo aan ahayn. Waa mashruuc ka wayn in lagu galo olole doorasho ama muddo xileed afar sano ah. Waa mashruuca keliya ee xallin kara dhibaatada heerka ay hadda taagnan tahay iyo in rajada dhallinyarada la soo celiyo.
Maxaynu u Baahanay in aan Ogaanno?
Si loo jiheeyo dhallinyarada, dibna loogu soo nooleeyo ruuxdooda ka qaybqaadashada nolosha bulshada iyo tan siyaasadda waa in lagu baraarujiyo dhowr doodood oo muhiim ah:
Dooda koowaad: Kala Soocidda Siyaasadda iyo Siyaasiyiinta
Waa kala-soocidda aqooneed (epistemological separation) ee u dhexaysa siyaasadda iyo siyaasiyiinta. Dhallinyarada Soomaaliyeed, sida kala-soociddaani ku doodayso, waa in lagu tababaro inay kala gartaan siyaasadda cilmi ahaan oo lagu qeexi karo in ay tahay aqoonta ku saabsan sida loo agaasimo nolosha bulshada, loo maareeyo hantida dadweynaha, loona abuuro isla-xisaabtan dhab ah, iyo shakhsiyaadka hadda siyaasadda sida xun u adeegsanaya (siyaasiyiinta maanta) – in aan qori iyo qiiqiis la isla tuurin. Kala-soociddani ma aha mid fudud. Waa aasaaska fikirka qofka ku dhiirrigelinaya ka-qaybgal nolosha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee bulshada halkii uu ka quusan lahaa. Qofka dhallinyarada ah ee go’aansada in maamulku laftiisu yahay wax been abuur ah, wuxuu ka baxayaa masraxa waligiis. Laakiin qofka garawsada in dadka iyagu gacanta ku haya ay yihiin kuwa ku fashilmay waajibaadkoodii, qofkaasi wuxuu noqonayaa mid u oomman barashada cilmigaas, isaga oo isu diyaarinaya inuu si ka fiicnaado siyaasiyiinta maanta, dhaqana geliyo aqoonta dhabta ah ee cilmiga siyaasadda (in aan la isla tuurin biyaha iyo baaldiga).
Xaaladda maanta lagu jiro ee Soomaaliya, in dhallinyarada lagu wacyi geliyo fikirkan in la kala sooco siyaasadda iyo siyaasiyiinta, in aan qori iyo qiiqiis la isla tuurin waxay leedahay ahmiyad gaar ah. Sheekada ah “siyaasaddeennu asal ahaan way xumaatay” oo mararka qaarkood la huwiyo in ay ku sal leedahay dhaqan ama taariikh waa nooc ka mid ah is-fashilinta (Self-defeat) una adeegaysa kuwa ka faa’iideysta xaaladda hadda jirta. Fashilka hay’aduhu (Institutional Failure) ma aha masiir qoran. Waa cillad ka dhalatay sidii loo dhisay. Cilladaha noocaan ah waa la beddeli karaa, dibna waa loogu dhisi karaa si ka hufan, kana waxtar badan.
Doodda Labaad: Jihaynta Awoodda Dhallinyarada
Doodda labaad ee muhiimka ah waxay khuseysaa jihaynta awoodda iyo tamarta dhallinyarada. Dooddani waxay salka ku haysaa falsafadda “Stoic Philosophy” iyo cilmiga “Neuroscience”: carada iyo xanaaqa joogtada ah ee aan jihaysnayn ee laga qaado xaaladaha siyaasadeed ee qofka gacantiisa ka baxsan ama uusan wax ka qaban karin ma aha oo keliya xaalad qofka ku beeraysa quus keliya ee waa xaalad xanuun-maskaxeed qofka ku reebi karta raad xun. Walwalka siyaasadeed ee joogtada ahi wuxuu wiiqaa awoodda caqliga sida falanqaynta, qorshaynta fog, iyo xakamaynta dareenka qofku ugu baahnaa in uu sameeyo isbeddel dhab ah. Dooddan macnaheedu ma aha baaq ku aaddan aamusnaan ama is-dhiibid. Waa baaq ku aaddan dulqaad marxaladeed oo looga jeedo in qofku xoogga saaro dhisidda aqoontiisa iyo kartidiisa qofeed ka hor inta uusan isku dayin inuu nidaamka oo dhan ka hor yimaado. Waxay ka dhigan tahay in qofku ku mashquulo waxa uu qaban karo (What you can control) oo uusan aad tamartiisa iyo awooddiisa maskaxeed ugu bixin arrin uusan waxba ka qaban karin (Out of control).
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay uga dhigan tahay: afarta saacadood ee maalin kasta lagu bixiyo doodaha kulul ee baraha bulshada ee ku saabsan federaalka ama doorashada, waa afar saacadood oo aan lagu bixin qofku inuu noqdo dhaqaale yahan, looyarnimo, injineernimo, ama maamulihii loo baahnaan lahaa si loo maareeyo nidaam iyo dowlad shaqaynaysa. Carada iyo niyad jabka ku saabsan burburka dawladeed iyo musuqmaasuqa waa la fahmi karaa, laakiin waxaan la fahmi karin in qofka dhallinyarada ahi waqtigiisa iyo tamartiisa ku dayaco arrimo uusan waxba ka qaban karin ama wax ka bedeli karin – waa istaraajiyad ma dhalays ah.
Doodda saddexaad: Helidda Hoggaankii loo Baahnaa
Waxaa muhiim ah in aan loo arag firaaqa siyaasadeed ee maanta jira in ay tahay musiibo keliya oo loo arki karo in ay tahay fursad qaali ah oo lagu heli heli karo hoggaankii loo baahnaa. Marka dib loo raaco taariikhda dunida, halyayga iyo hoggaanka fiicani ma yimaado xilli barwaaqo iyo nabadi jirto. Halyaygyu wuxuu ka dhashaa musiibada iyo dhibaatada, wuxuu kasoo dhex baxaa burburka iyo marka ay jirto xaalad niyad jab baahsan. Xilli kasta oo ay dhacdo fashil dawladeed ama siyaasadeed oo aad u ba’an, waxaa ugu dambayn ka dhasha jiil aasaasayaal ah — dad ka soo dhex baxa burburka iyagoo leh damiir cad oo diidaya wixii fashilmay iyo karti aqooneed oo ay ku dhisaan wixii loo baahnaa.
Jiilka aasaasayaasha Soomaaliya maanta way nool yihiin. Waxay fadhiyaan fasallada Muqdisho, Hargeysa, iyo Garoowe. Waxay ka shaqeynayaan xafiisyada qurba-joogta ee Minneapolis, London, iyo Nairobi, iyagoo urursanaya xirfado ay dhici karto inay dalka dib ugu soo celiyaan. Waxay maamulaan ganacsiyo yaryar oo ka samatabaxay xaaladda fawdada ee aysan jirin qawaaniin ganacsi oo shaqaysa. Waxay wax ka baraan dugsiyo aan qalab iyo agab midna haysan iyagoo muujinaya karti iyo dadaal ka badan intii laga fili karay.
Dhallinyarada maanta inay noqdaan ama isu diyaariyaan inay noqdaan jiilka aasaasayaasha Soomaaliya waxay ku xiran tahay waxa ay qabtaan tobanka sano ee soo socota iyo in madaxda iyo aqoonyahannada hadda jira ay yeeshaan xigmaddii iyo garashadii ay ku maalgashan lahaayeen diyaarintooda jiilka mustaqbalka.
Maxay Madaxda Siyaasaddu ugu Qaamaysan Yihiin Jiilka Berrito?
Madaxda siyaasadda Soomaaliya waxay soddonkii sano ee la soo dhaafay ku shaqaynayeen male ah: in kartida dadku (human capital) tahay wax iska yaalla oo ka baxsan go’aannada siyaasadeed, lagana faa’iidaysan karo markii loo baahdo. Xaqiiqdu waa lidka arrinkaas. Kartida dadku waa waxa ugu saamaynta badan nolosha qaranka. Waxay ku kortaa jawi ay jirto kalsooni hay’adeed, maalgashi waxbarasho, iyo fursad lagu helo karti iyo aqoon. Waxay ku daciiftaa, ugu dambayntiina ku burburtaa, jawiga musuqmaasuqa, eexda, iyo fashilka hay’adaha.
Qof kasta oo dhallinyaro ah oo karti leh oo qaxa ama ka taga dalka sababo la xiriira in ay waayeen waddo ay nidaamka ku dhex galaan ama kartidooda uga faa’iideeyaan iyagoon damiirkooda iyo dadnimadooda lumin waa khasaare hantiyeed oo aan laga soo kaban karin soona gaaray qaranka iyo dawladnimada Soomaaliyeed. Arday kasta oo jaamacadda ka soo baxay oo meel lagu geeyey qabiil dartiis iyo eex halkii lagu xulan lahaa aqoon iyo karti qofeed, waa khasaare culus iyo dhaawac soo gaaray dawladnimada iyo qaran dhiska: waa qofkii aqoonta lahaa oo laga tagay, iyo hay’addii qaranka oo laga qadiyey aqoontii ay u baahnayd.
Waxa jiilka hadda siyaasadda haya laga rabo ma aha eex iyo gacan-ku-hayn (patronage). Ma aha kooto dhallinyaro. Ma aha khudbado ku saabsan doorka dhallinyarada ee mustaqbalka. Waxay ku qaamaysan yihiin in ay dhisaan ama yagleelaan hufnaan hay’adeed (Institutional Integrity) oo ah mabda’a aasaasiga ah ee lagu maamulayo hay’adaha dadweynaha si loo dhiirrigeliyo kartida, loona fuliyo xeerarka si loo siman yahay iyadoo fursad la siinayo qofkasta oo mudan inuu kor u kaco. Tallaabadani ma aha riyo (idealism). Waa shuruudda ugu yar ee lagu hanan karo dhallinyarada leh aqoonta iyo kartida aan looga maarmin mustaqbalka Soomaaliya.
Loolanka Fog (The Long Game)
Dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu si la fahmi karo ugu mashquulsan yahay arrimaha wakhtiga dhow. Marka amnigu jilicsan yahay, dakhliga dowladda uu yar yahay, isbahaysiyada siyaasadeedna ay markasta isbeddelayaan, qorshaynta muddada fog waxay u muuqataa raaxo aan la gaari karin. In sidaa loo fakaro waa dabin iyo ilduuf siyaasadeed.
Waddamada ku guuleystay inay ka gudbaan dowlad-nimo jilicsan una gudbay dowladnimo shaqaysa burbur iyo dagaal sokeeye ka dib sida Rwanda, Georgia, Estonia, iyo Botswana — waxay wadaagaan hal sifo: xilli adag oo taariikhdooda ka mid ah, hoggaankoodu wuxuu qaatay go’aanno aan faa’iidadooda la arkayn toban ama labaatan sano. Waxay maalgashadeen waxbarashada. Waxay hay’adeeyeen kartida iyo aqoonta (merit). Waxay dhiseen nidaam maamul oo ka cimri dheer hoggaamiyeyaasha markaas talada haya. Waxay aqbaleen khasaare siyaasadeed oo wakhti dhow ah si ay u helaan faa’iido hay’adeed iyo dhismo dal iyo dad wakhti dheer ah.
Soomaaliya maanta waxay maraysaa xilli kala guur ah. Jiilka hadda dugsiyada iyo jaamacadaha ku jira waxay soo geli doonaan shaqada iyo fagaaraha siyaasadda shanta ilaa shan iyo tobanka sano ee soo socota. Su’aasha ku saabsan nooca ay noqon doonaan – inay noqdaan kuwo leh aqoon iyo karti madax-bannaan ama kuwo ku tiirsan dad kale, kuwo damiir leh ama kuwo quustay, kuwo hay’adaha dhisi kara ama kuwo iska noolaanda uun – jawaabteeda waxay ku xiran tahay go’aannada ay hadda qaadanayaan macallimiinta, madaxda siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo dhallinyarada laftooda.
Gunaanad: Dawladnimada lama dhaxlo ee waa la dhisaa
Go’doonka siyaasadeed ee dhallinyarada Soomaaliyeed ma aha wax qarsoon. Waa fal-celin caqli-gal ah oo ka timid jiil arkay rajooyin dawlad dhiska iyo siyaasadda dalka inta badan fashilantay welina aan loo hayn sabab lagu qanci karo oo ay ku rumaystaan in markan ay ka duwanaan doonto kuwii hore.
In dhallinyarada la siiyo sabab ay ku qancaan waa mas’uuliyad saaran qof kasta oo haya xil kasta oo lagu kalsoon yahay ee dalkan — hadday tahay mid siyaasadeed, aqooneed, waxbarasho, ama mid bulsho. Ma aha hadal uun. Waa iyada oo loo marayo hab-dhaqan hay’adeed (Insitutional Behaviour) muuqda oo abaal-mariyana kartida, ciqaabaya musuqmaasuqa, u diyaariya goobo ay jiilka soo socda ku koraan iyadoo lagu qiimeynayo waxa ay yaqaannaan iyo waxa ay qaban karaan.
Burburku waa dhab. Su’aashu waxay tahay sidee looga kabanayaa ama burburkaas loogu dul dhisayaa?
Jawaabta waxaa iska leh jiilka soo koraya ee looga fadhiyo in ay beddelaan qaab-fakarka maanta. Waxa ugu yar ee intayada kale aan samayn karno waa inaan ka fariisanno ama ka fogaanno in aan jiilkaas xagal-daacinno.
Qoraaga

- wuxuu haystaa Ph.D. Jaamacadda Leicester ee UK, MBA Jaamacadda De Montfort, iyo Shahaadada Executive MBA ee Masterminds Business School, UK. Waa Chartered Manager ka diiwaangashan CML, UK. Wuxuu hore u ahaa bare iyo cilmi-baare ka shaqeeya UK iyo Bariga Dhexe, isagoo leh in ka badan 15 sano oo waayo-aragnimo tacliimeed ah qorayna 30 in ka badan oo maqaal cilmi-baariseed. Hadda, waa lataliye ku takhasusay istaraatiijiyadda ganacsiga, maamulka, iyo hoggaaminta.
Latest entries
MaqaaloMay 28, 2026Jiil Dhaxli doona Burbur Mise Yagleeli doona Jamhuuriyad? Go’doonka siyaasadeed ee dhallinyarada, iyo loolanka fog ee qaran-dhiska Soomaaliya
MaqaaloApril 28, 2026Heshiis Bulsho Cusub: Furaha Mustaqbalka Dowladnimada Soomaaliya
MaqaaloFebruary 25, 2026Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Juqraafi-Siyaasadeedka Geeska Afrika
FaalooyinNovember 27, 2025Dheesha juqraafi-siyaasadeedka (Geopolitics) iyo Faragelinta Shisheeye










