- Arar:
Erayada ay haddiiba dhagta qofka Soomaaliga ahi, gaar ahaan inteeda geeleyda ahi, ku baraarugeyso oo ay markiiba adeegsigiisa u dhug yeelanayso waxaa ka mida erayada ‘gun’ iyo ‘gob’. Waa laba eray oo aalaaba isku ‘aag’ ka hawl gala: Haddii midkood la soo ‘kiciyo’ -oo la adeejiyo- kan kalana u badi inuu soo jeedo oo uu hawllan yahay isna! Tusaale ahaan waxaad maqlaysaa iyadoo la leeyahay “waa gun”, waa “gunnimo”, “waa gun dhaqankeed”; “oo ma gun baan ahay!”, “oo ma gun baa tahay!”, “guntu yeelkeed!”, “alla gunsanaa!”, “alla! gunnimo weynaa”, “waa inan gumeed!”, iyo adeegsiyo kaloo badan oo dhammaantood maag iyo aabi looga socdo, iyo weliba gobanimo-ku-faan. Saasoy tahay haddana eraygu adeegsi maag uun ah kuma yimaado.
Adeegsiyo afeed oo kaloo badan buu leeyahay. Qaarkood bal aan keenno. Waxaa ka mid “ceelka guntiisa”, “guntuu u tagey!”, “geedka guntiisa”, iyo waliba maahmaahdii caanka ahayd ee “haani gun bay ka tolantaa”. Sidaynu aragno erayga gun iyo bahdiisuba, sida guney!, guntaas, kw[i], waxay afsoomaaliga ku leeyihiin adeegsi aad u ballaaran oo sida in weyn oo dhaqanka, aragtida, iyo weliba hannaanka beelo-dhaqameed ee guud ahaan dadka Soomaaliyeed, sii gaar ahaanna qaybteeda geeleyda ah, sidaynu horayba u soo tilmaannay, sugaanta geeleyda Soomaaliyeed ee badanna ku cad.
- Qeexid:
Haddaynu isla aragnay in eraygu ‘laandheere’ yahay ‘gunnimo’ na ay ka dheertahay, – waxaan uga soconnaa ‘laandheere’ eray aad loo adeegsado oo xagga afka si weyn u hawl gala- bal aynu, horta hore, macnihiisa isla garanno oo ku heshiinno. Wuxuu leeyahay Yaasiin Cismaan Keenadiid[ii]:
“Gun (-ta) –
1. Aan dadka sare oo gobta ah ka mid ahayn ee ka tirsan dadka hoose oo la liido; aan nasab ahayn.
2. (ulajeeddo wanaagsan) dad-weynaha[iii] maamulka dhaqanka iyo nolosha tolka ka arrimiya; taliska dadweynaha.
3. Aan dhaqan-wa-naagga[iv] iyo reer-magaalnimada la hayn ama aqoon.
4. Dad shisheeye u taliyo oo la gumeysto; beel.”
Sidaynu aragnaba qaamuuska Soomaaligu inama siin hal macne oo keliya, ee wuxuu ina siiyey afar. Hadaba maadaama wuxu uu hal eray yahay, ee loo adeegsaday dhawr macne oo kala duwan amaba uu ka hawl galay dhawr meelood, waxaa la isweydiin karaa tolow ma jiraa hal macne oo adeegsiyadoo dhan midaynaya, dabadeedna hadba meeshuu tago macno gaara ka muujinaya? Jawaabtuman waa haa. Waxaa jiraa macne keliya oo dhammaan adeegsiyada erayga, afartuba, ay ku midoobayaan. Bal aynu dhiraandhirinno marka.
Adeegsiga koowaadi waa midka caanka ah ee qaamuusku uu yiri:
“Aan dadka sare oo gobta ah ka mid ahayn ee ka tirsan dadka hoose oo la liido; aan nasab ahayn”.
Macnaha dulucda ahi marka waa “hoos”, oo dadkii baa qaarna la yiri waa ay hooseeyaan qaarna waa ay korreeyaan. Waxa ay ku kala hooseeyaan ama ku kala korreeyaani wax badan bay noqon karaan, halkanse waa dhalashadooda bulsho amaba nasabka, sida qeexiddaba ku cad.
Kan labaad ee qaamuusku ina siiyey, oo weliba ah macnaha keliya ee eraygu leeyahay oo wanaag ah, waa:
“(ulajeeddo wanaagsan) dad-weynaha maamulka dhaqanka iyo nolosha tolka ka arrimiya; taliska dadweynaha”.
Isna sidoo kale macnihiisa durugsani waa hoos; waa cidda talada bulshada amaba beesha aan looga hoosayn ee iyadu talada, markay cid kastoo kale soo dhaafto, u tageyso.
Macnaha saddexaad ee qaamuusku waa:
“Aan dhaqan-wanaagga iyo reer-magaalnimada la hayn[v] ama aqoon.”
In kastoo uu macnahaasi waxoogaa durugsan yahay oo laga il-duufi karo, haddana isna waxaa u asala, macno ahaan, hoosayn; Waxaa la sheegayaa in qof uu dhaqankiisu ka hoos maray halkii laga rabey heer magaalo. Halkaasaa hoosayntu, amaba gunnimadu ka soo gashay!
Ugu dambayn wuxuu qaamuusku ina siiyey macne afaraad oo ah:
“Dad shisheeye u taliyo oo la gumeysto; beel”.
Adeegsigaanna waxaa u asala hoosayn amaba ‘gumeysi’ oo macnihiisu yahay dad dad kale ay hoosta mariyeen, ulana dhaqmaan sidii dada iyaga ka hooseeya oo kale. Halkaasna waxaa ka dhashay erayo badan oo ay ka mid yihiin gumeyste, gumeysi, gumeysi-diid, gumeystihii, gobanimo-doon, gobanimo-u-dirir, wk.
Aad buu ugu badan yahay afsoomaaliga adeegsiga eraygaani, iyo adeegsiyadiisa afarta ah. Haddaad u kuura gashid waxaad garwaaqsanaysaa in afartaan macne ee raygu leeyahayba ay magacyo yihiin, ha haado magac qof keli loo wado, sida qeexidda koowaad iyo tan afaraad ee qaamuusku uu sheegay, amaba magac wadareed, sida qeexidda labaad iyo afaadi sheegtay.
Yeelkeede waxaa iyaguna jira adeegsiyo kale oo aan magac ahayn ee tilmaan[vi] ah. In badan oo tilmaamahan uu erayga ‘gun’ ku shaqeeyo waataynu ararta qoraalka ku soo sheegnay. Aynu qeexidda erayga ‘gun’ iyo bahdiisa intaas ku deysanno.[vii]
- Soomaalida iyo gunnimada:
Sidaynu ka soo sharqaminnay, soomaalidu aragtiyaha gunnimada iyo gobanimaduba aad bay dhexdeeda uga shaqeeyaan, waana aragtiyo aad u xooggan oo dhuuxa uga jira dhaqanka Soomaaliyeed, keentayna dhib iyo dheef aad u ballaarran labadaba, inkastoo ay dhibtu ka `badan tahay dheefta. Bal aynu sii dhuganno. Waxaa la yiraahdaa suugaantu waa muraayadda laga dheehdo dhaqanka iyo weliba aragtida nololeed ee ay ummadi leedahay. Ciddii doonta inay ummad barato oo dhuuxdo aragtida nololeed iyo weliba teeda diimeed ee ay leedahay, waa inay barataa oo dheehataa dhitada suugaaneed iyo midda dhaqameed ee umaddaasi. Waxaa dhitadaasi ka mida noocyada hal-abuurka ummaddaasi leedahay, sida gabaygeeda, maahmaahyadeeda, iyo xeer-dhaqameedkeeda guud. Halkaasaa waxaa ka soo baxaya sida ummaddaasi nolosha u aragto iyo waxay rumaysan tahay, if iyo aakhiraba. Kaydkeedaasi dhaqameed waxaa ka mida labada aragtiyood ee aynu ka warramayno ee kala ah ‘gun’ iyo gob’ iyo siday uga shaqeeyaan dhexdeeda.[viii]
Bal aynu tusaale ka keenno dhitada suugaaneed ee Soomaalida. Waxaynu weliba keenaynaa laba tuduc oo laba gabay ku kala jira, oo labada eray ee aynu daba-joognaana ay ku wada jiraan. Ugu horrayn aynu soo qaadanno tuduc caan ka ah Soomaalida dhexdeeda, iyo weliba suugaanta laga tiriyey gobanima-doonkii Soomaaliyeed. Waa tuduc ku jira gabaygii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu lahaa:
“……………………………………………
“Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye
Eebbow nin gob baan ahoo, guni rifaysaaye![ix]
Eebbow waxaa noo gurmaday, gaayo alifleeye
……………………………………………..”
Sida muuqata, Sayidku wuxuu sheeganayaa gobanimo idaylkeed, hadday tahay nasabnimo, hadday tahay qarannimo, hadday tahay talo iyo guddoon, hadday tahay dadnimo buuxda iyo aqoon, iyo weliba hadday tahay gumeysi diid. Si kale haaddan u niraahno, wadaadku waxaad mooddaa inuu gunnimada afarteeda macne ee aan soo sheegnayba uu iska fogeynayo, sheeganayo gobanimo dhammaanteed. Sadarradan ayaad mooddaa inay ku dhanyihiin macnihii gabanimo dhammaantood -inkastoo aynaan soo sheegin macnaha gobanimada sida aynu u soo sheegnay macnaha gunnimo oo kale, waase iska cadyahay!- iyo weliba gunnimo macnaheedii oo dhan: labada eray ayaad mooddaa inay is ifinayaan xagga macnahooda. Sayidku markuu gobannimadii dhammaateed sheego, isagoo daraawiish iyo halgankeedana matalaya, buu haddana dadka intiisii kale ee colka u ahayd Daraawiish, sokeeye Soomaaliyeed iyo shisheeye Yurubba, wuxuu ku sheegayaa inay gun yihiin.
Sidoo kale waxaa isna wada adeegsaday labada eray, isla hal tuducna ku wada keenay gabayaaga la yiraahdo Cilmi-carab Cabdi.[x] Isagoo Salaan-carrabey gobanimo nasabnimo ah ugu faanaya, haba tabar liitee, Salaan na gunnimo ku sheegaya, haba xoogganaadee, buu Cilmi yiri:
“……………………………………………..
Ladnaantuba waxay kuu ahayd, laba dharaaroode
Gob liciifta waa la arki jirey, gunise waa liide!
………………………………………………”[xi]
Cilmi wuxuu sheeganayaa, inkastoo laga xoogroonaado, inuu gobanimada u dhashay oo uu ‘gob liciiftay’, oo nasab ah yahay, Salaan na wuxuu ugu duurxulayaa inuu yahay gun ka xoog roon xilliga la joogo, laakiin asal ahaan aan nasabnimo u dhalan, xooggeeduna uu yahay uun ‘laba dharaarood’! Si kale haddaan u dhigno waxaa inoo muuqda mid ka mida macnihii ‘gun’ ee afarta ahaa inuu Cilmi ku sheegayo Salaan, isna uu ka durkayo oo uu geedka gobanimada dhalasha ah ka fuulayo.
Macnahan gun ee ah qofka aan nasabka ahayn ayaa ugu weyn uguna badan adeegsiga erayga gun Soomaalida dhexdeeda, uguna saamayn badan, marka laga fiirsho qarada ay leedahay waxyeellada ka dhalata, amaba ka dhalatay. Waa nin gobanimo sheeganaya, ninkii kalena gunnimo ku sheegaya, iyo nin isagu beeninaya oo la dagaalaya. Waa nin sarrayn, mid dhalasho, mid dhaqaale, iyo mid dhuleed, sheeganaya, kii kalana hoosayn dhalasho, mid dhaqaale, iyo mid dhuleed ku sheegaya, iyo ninkii kale oo intaba beeninaya!
Aadanuhu wuxuu marwalba jecelyahay oo wax ku beeran ah inuu sarreeyo, hoosayntana uu ka cararo, miday tahayba. Hase ahaatee waxaa dhib ka taagan yahay, cidda sheegaysa waxa lagu hoos maro amaba lagu gumoobo, iyo waxa lagu kor maro, amaba lagu goboobo. Ismaan-dhaaf badan iyo colaad lagu hoobtay baa ka dhalatay. ‘Qab qab dhaafay baa laba qabiil qaran ku weydaa’![xii]
- Taariikhda gunta iyo gobta:
Ciddii ugu horreysey ee gobannimo ku faanta waxay ahayd Ibliis. Goortii Eebbe abuuray nebigiisa Aadan waatii la amray Ibliis inuu u sujuudo Aadan oo uu yeelo sida malaa’igtuba yeeshay, oo uu amarka Alle u hoggaansamo. Waase la ahaan weydey Ibliis. Isagoo kasha kibir ka dhaansamay buu sarriig la’aan ku dhiirraday inuu Ilaahay ugu jawaabo, “anigaa ka mudan isaga; aniga waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo!’[xiii] Wuxuu Ilaahay bi’inayaa waa ba’aane Ibliis halkaasaa muuno uu yeesho ugu dambeysey[xiv]. Ibliis gobanimada uu sheetay iyo sarraynta ma uusan lahayn ee way la ahaatay. Sida dhabta ah gun ismooddey gob buu ahaa!
Si aynu u helno meel aynu ka cabbir qaadanno, aynu darka waxyiga ka darsanno oo aynu kitaabka Ilaahay u aroorno, si aynu runta ugu tagno. Dib aynu u milicsanno afartii macne ee aynu u keennay macnaha gun, oo aynu ka raadinno Quraanka bal inuu sheegayo afartan macne, iyo weliba sida uu u dhigayo amaba uga hadlayo. Midda koowaadi waa ka dhalashada amaba u dhalasha gobta, iyo weliba gunta. Ummadihii hore bal aynu jalleecno. Tan iyo nebi Nuux bal aynu dhuganno. Kadib markii uu wacdiyey oo waanshey tolkiis iyo beeshii uu ka dhashay bay waxay nebi Nuux ku yiraahdeen, “war ma waxaan ku raacnaa adoo ay gunta kasgaabka ahi kula socoto!”[xv], oo ay ka wadeen dadkii danyarta ahaa ee ahaa dad aan xoolo badan iyo adduun badan haysan, taladana aan waxba la waydiin jirin.
Kibirka iyo qabka ay huwanaayeen ayaa gob-isku-sheegtii ladnayd u diiday inay iyana nebiga aaminaan oo ay warkiisa yeelaan, mar hadday guntii reerku -waa wax-ma-haysatadii- uga hormadhay iimaanka iyo nebiga raaciddiisa. Nebi Nuux baa ugu warceliyey, “yeelkayga ma ahan inaan Ilaahay dadkiisa eryoh”, taasoo uu ka wadey dadkii rumeeyey, danyarba ha haadeene. Oo wuxuu isla-weyntii beeshiisa u sheegayaa in gobannimadu ay tahay iimaan, gunnimaduna gaalnimada, adduun yeelkiise![xvi]
Dooddan is-la-weynta aadanaha iyo iyo nebiyadii Ilaah soo diray dhexmartay ee yaa goba iyo yaa guna waa ay dheertahay. Meelkastoo nebi Ilaahay kaga warbixiyey Quraanka waad ku arkaysaa, ama duuduub ama iyadoo furfuran. Sidoo kale jawaabta ay nebiyadu ka bixinayaan ayaa marwalba ahayd isku mid: waxay lahaayeen war waxaa goba ninkii Ilaahay yaqaan, waxaana guna ninkii Ilaahay xarigiisa gooyey. Waxaa ugu dambeeyey nebi Maxamed. Waatuu isna yiri:
من بطَّأ به عملُه لم يُسرِعْ به نسَبُه
“Ninkii falxumadiisu la hadho [adduunka], abtirkiisu ma hor marinayo [aakhiro]!”[xvii]
Wuxuu nebigu leeyahay, ninkii ‘laandheerinimo’ isufilayow, oo isleh aakhiray wax ka taraysaa arrinkaaga, waad ku hungoobaysaa malahaaga habowga ah.
Halkaas waxaa la inoo sheegay oo dhaxal nebi ah in saddex ka mid afartii macne ee ‘gun’ lagu qeexay aysan ahayn sida dadka in badan oo ka mid ahi ay isu sheegto. Sidoo kale waxaa la inoo caddeeyey cidda dhabta ah ee gunta ahi in ay tahay ciddii falsami iyo fiicni uur laga waayo, addin laaban iyo uur xun -camal la’aan iyo iimaan la’aan- lagu helo, sida xadiiska nebigaba ku cad.
Ugu dambayn, bal aynu fiirinno macnaha ugu dambeeya ee afaraad. Dadka yaa goba? Waxaa cad in gobtu ay tahay ciddii Ilaahay ka yaabta, oo amarka Ilaahay ku toosan. Waxaa ka loo cad in ciddii Ilaahay ay isa seegaan ay gumoobayso, ama adduun ama aakhiro, mid uun. Arrintan ayaa Quraan iyo weliba warkii Nebiga si aad ah ugu cad. Waxaa ay ku cadday qiso kasta oo ka hadlaysa duulashii iyo ummadihii hore, ee goortay khilaafeen ambiyadii, la rogey. Aakhiro iyo adduunba kala sarraynu waa mid ka dhalanaysa falsamida qofka amaba ummadda, iyadoo laga ambaqaadayo ku dhaqanka iyo dhaqan-ka-yeelashada kitaabka Alle.
[i] “kw” waxaa loo soo gaabiyey “ku wad”. Qaamuuska Af-soomaaliga, Yaasiin C. keenadiid, b. xxx.
[ii] Qaamuuska Af-soomaaliga, Yaasiin C. keenadiid, b. 187.
[iii] Eraygam ‘Dad-weynaha’ amaba Dadweynaha’, isagaa qoraagu marna kala jebshey marna israacshey, sidaasuuna qaamuuska ugu yaal.
[iv] Eraygan waxaan u soo guurinay siduu qoraagu u dhigay.
[v] ‘la hayn’ waa hikaadda uu qoraagu dhigay. Waa uu kala dhigay.
[vi] Erayga ‘tilmaan’ baan ka door biday erayga ‘sifo’ oo aad uga hawgala afka qoran, iyo weliba kan lagu haasaawo!
[vii] Si ka ballaaran sida aynu erayga uga warrannay baa loo furfuri karaa, maaggeennu se ma ahayn faaqidaadda afeed ee erayga.
[viii] Sida muuqata waxaa qoraalkani ku egyahay faaqidaada erayga ‘gun’, waxaase la-ga-ma-maarmaan noqatay, meelaha qaar, xusidda ‘gob’, si fahanku u caddaado.
[ix] Sadarrandan waxaa laga soo gooyey gabaygii weynaa ee Sayidka ee loo yaqannay labada magac ee kala ah “Gudban” ama “Gaalo-leged”. Waxaa la weriyeye inay waajib ku ahayd daraawiish dhammaanteed qabashada amaba xifdidinta gabaygan! Fiire Diinwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Ururintii koowaad, Shiikh Jaamac Cumar Ciise, 1974, b.185.
[x] Cilmi-carab Cabdi wuxuu ka mid yahay halabuurradii waaweynaa ee ka qaybta ahaa silsiladdii weyneyd ee “Guba”. Wuxuu ku leeyahay laba riddo oo kulkul oo uu ku ridayo ;aba nin oo waaweyn oo kala ah Cali Aadan Gorayo, “Cali-dhuux” iyo Salaan “Carrabey”
[xi] Suugaanta soomalida waxaa ceegaaga adeegsiga labadan eray ee ‘gob’ iyo’gun’, iyadoo reeraha kala duwani, gaar ahaan inteeda geela dhaqa, ay aad isuugu faanayao ama baanayso laandheerinimo iyo gobannimo oday-ka-soo-gaar aah, gunnimana isku caayaysa. Gabaygan aynu marakan soo qaadannayi waxa uu ku jiraa suugaanta noocaas ah, weliba kuwa ugu sheeggan!
[xii] Waa tuducyo ka mida gabyadii Gabyaagii weynaa ee Raage Ugaas. Waxay hal-ku-dheg u noqdeen ismaandhaafka aadanaha, iyo ayaandarrada ka dhalata aalaaba.
[xiii] Fiiri aayadda 30naad ee S. Baqarah.
[xiv] Hddaad dooneysid faahfaahin dheeraada oo ku aaddan ibliis iyo warasadiisa, iyo guud ahaan taariikhda jinka iyo shydaanka, kitaabka la yiraahdo: عالم الجن والشياطين (Waayaha Jinka iyo Shaydaanka), Cumar Sulaymaan Ashqar.
[xv] Eeg suuratu Huud, aay. 27.
[xvi] Dhugo suuradda Ash-shucaraa; Gabyahannada, aayadaha, 11-15.
[xvii] Saxiix Atarqiib Watarhiib, b. 2964.
Qoraaga
Latest entries
MaqaaloMay 28, 2026Garanwaynaye guntu waa tee!










