Puntland: Caqadaha Hortaagan Ka-gudbidda Nidaamka Qabiilka iyo Higsiga Dawladnimo ku Dhisan Hay’ado (Institutionalization)

Hordhac iyo Gun-dhigga Taariikhiga ah

Muddo ka badan rubuc qarni ayaa ka soo wareegtay markii la aasaaasy Puntland, xilli ay rajadu ahayd in ay noqoto tusaale ku dayasho mudan oo ka tarjumaya dib-u-dhiska dowladnimo Soomaaliyeed oo ku salaysan nidaam iyo kala dambayn. Sannadahaas dheer, waxaa jiray horumarro la taaban karo oo dhinacyada amniga, maamulka, iyo xasilloonida ah, balse dhinaca kale waxaa si qoto dheer u soo ifbaxay dhibaato nidaamsan oo ku baahday laf-dhabarta dowladnimada. Dhibaatadaas ma aha mid ku kooban hal waax ama hal heer, balse waa mid si guud u taabatay hab-fikirka siyaasadeed, qaab-dhismeedka hay’adaha, iyo kalsoonida bulshada. Inkasta oo la dhisay xafiisyo iyo dhismayaal, haddana nuxurka dawladnimada oo ah Institutionalization—waa marka ay hay’aduhu ka awood badnaadaan shakhsiyaadka iyo qabaa’ilka—ayaa weli ah mid aan si dhab ah loo hirgelin.

Isku-dhaca Nidaamyada iyo Caqabadaha Qaab-dhismeedka

Xuddunta dhibtu waa isku dhaca u dhexeeya laba nidaam oo aan si fudud isu qaadan karin: nidaamka qabiilka iyo dowladnimada casriga ah. Qabiilku waa xaqiiqo bulsheed oo taariikh dheer leh, waana qaab ay bulshada Soomaaliyeed muddo dheer ku maareyn jirtay xiriirkeeda, khilaafaadkeeda, iyo is-difaaceeda; laakiin marka uu qabiilku noqdo saldhigga go’aan qaadashada dowladeed, wuxuu si toos ah u wiiqaa mabda’a dawladnimo ee ku dhisan sinnaan, caddaalad, iyo hufnaan. Jagadii dowladeed oo noqota mid lagu saleeyo cidda uu qofku ka dhashay halkii laga eegi lahaa kartidiisa iyo aqoontiisa, waxay dhaawacdaa tayada maamulka waxayna niyad jab ku abuurtaa qaybaha bulshada ee aan helin fursad siman. Tani waxay dhashay nidaam ah “kooxaysi”, halkaas oo kooxo yari ay adeegsadaan magaca beesha si ay u xakameeyaan kheyraadka, iyagoo dareenka qabiilka u isticmaala gaashaan ay kaga baxsadaan xisaabtanka iyo sharciga.

Dhibaatada Hay’adaha iyo Maamul-xumada

Dhibaatooyinku kuma ekaan keliya habka xilalka loo qaybsado, balse waxay si qoto dheer ugu milmeen habdhaqanka hay’adaha dowliga ah, kuwaas oo mararka qaar noqda kuwo aan si buuxda u madaxbannaanayn. Marka hay’aduhu noqdaan kuwo ku shaqeeya cadaadis siyaasadeed ama mid qabiil, waxay lumiyaan awooddii ay ku ilaalin lahaayeen sharciga iyo nidaamka. Garsoorka oo aan helin madax-bannaani buuxda, iyo hay’adaha fulinta oo lagu dhex milo dano gaar ah, waxay abuuraan jawi uu sharcigu noqdo mid la kala dooran karo, halkii uu ka ahaan lahaa mid lagu wada dhaqmo. Muuqaalkaas daciifnimada hay’adaha waxaa sii xoojiya musuqmaasuq si joogto ah u saameeya habsami u socodka dowladnimada. Maamulka kheyraadka oo aan hufnayn, qandaraasyada oo lagu bixiyo xiriir iyo eex, iyo xisaabtan la’aanta joogtada ah, waxay si toos ah u wiiqaan kalsoonida dadweynaha, iyadoo inta badan musuqmaasuqa lafteeda lagu difaaco dareen qabiil, taas oo ka dhigaysa arrinta mid adag in si dhab ah loo wajaho.

Siyaasadda iyo Tartanka ku Salaysan Isbahaysiga

Dhinaca kale, siyaasadda Puntland waxay weli si weyn ugu tiirsantahay isbahaysiyo qabiil, taas oo ka dhigtay tartanka siyaasadeed mid ku wareegaya “cidda yaa mataleysa” halkii uu ka ahaan lahaa mid ku saleysan aragtiyo iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ololeyaasha siyaasadeed ee ku dhisan dareen qabiil waxay hoos u dhigaan tayada dimuqraadiyadda, waxayna xannibaan kobaca nidaam siyaasadeed oo caafimaad qaba. Marka hoggaanka lagu doorto qaabkan, waxaa yaraata isla xisaabtanka, maadaama taageeradu aysan ku imaan waxqabad balse ay ku timaaddo isku xirnaan bulsheed. Taariikhda dowlad-dhiska adduunka waxay muujinaysaa in isbeddelka noocan ahi uu mar walba la yimaado halgan dheer oo u dhexeeya dhaqanka soo jireenka ah iyo nidaamka cusub, Puntland-na kama reebna xeerkan guud ee u baahan in looga gudbo geesinimo siyaasadeed oo dhab ah.

Jidka Xalka: Isbeddelka iyo Dib-u-habaynta

Si loo dhiso dowlad ku salaysan hay’ado shaqeynaya iyadoo aan la iska indha tirin xaqiiqada qabiilka, waa in la helaa isbeddel tartiib-tartiib ah oo ka bilaabma wacyigelin bulsho, kuna dhammaada dib-u-habayn hay’adeed oo dhab ah. Waxaana lagu gaari karaa hirgelinta doorashooyin hufan oo ku saleysan codka shacabka, taas oo meesha ka saarta dhex-dhexaadnimadii odayaasha qabiilka, kana dhigaysa mas’uulka mid u adeega muwaadinka si uu codkiisa u helo. Isla markaana, waa in la dhisaa shaqaale rayid ah oo ku yimaada tartan furan (Meritocracy), si loo kala saaro adeegga dadweynaha iyo saami-qaybsiga beelaha. Marka hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan garsoorka iyo hanti-dhawrka, la siiyo madax-bannaani dhab ah, waxay awood u yeeshaan inay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo oo si siman u dhaqangeliya sharciga, iyadoo la dagaalanka musuqmaasuqu uu noqonayo tiirka koowaad ee lagu dhisayo kalsoonida shacabka.

Gunaanad iyo Rajada Mustaqbalka

Ugu dambayn, inkasta oo dhalinyarada iyo aqoonyahanka lagu tilmaamo tiirka ugu muhiimsan ee isbeddelka, haddana xaqiiqdu waxay tahay in aysan gebi ahaanba ka marnayn dhibaatooyinka jira; qayb ahaan waxay iyaguna ku dhex milmeen saameynta qabiilka iyo nidaamka taban ee soo jireenka ah. Taasi se kama dhigna in doorkoodu yaraado, balse waxay muujinaysaa baahida loo qabo in ay si miyir leh u qaataan masuuliyaddooda taariikhiga ah.

Dhalinyarada iyo aqoonyahanku waa in ay ka gudbaan xayndaabka qabiilka, kana hormariyaan danta guud, iyagoo ka faa’iidaysanaya fahamkooda casriga ah iyo xiriirkooda ballaaran, waxay awood u leeyihiin in ay dhisaan dhaqan siyaasadeed oo cusub oo ku saleysan hufnaan, isla xisaabtan, iyo caddaalad.

Puntland maanta waxay u baahantahay jiil ay si dhab ah uga go’an in uu jebiyo wareegga dhibaatooyinka soo noqnoqday. Sii wadista nidaamka hadda jira waxay sii xoojinaysaa caqabadaha, halka u gudubka dowladnimo ku dhisan hay’ado iyo sharci uu u baahanyahay geesinimo, dulqaad, iyo go’aan mideysan. Isbeddel dhab ah ma yimaado hal mar, balse wuxuu ka dhashaa dadaal joogto ah iyo rabitaan dhab ah oo lagu dhisayo mustaqbal ka duwan kii hore—mustaqbal uu muwaadinku yahay udub-dhexaadka xuquuqda iyo waajibaadka, hay’aduhuna ay yihiin ilaaliyeyaasha caddaaladda.

Qoraaga
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)Waa qoraa iyo sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee SIDRA Institute, oo leh khbrad nidaamka caddaaladda Soomaaliya, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link