Soomaaliya: Habdhaqanka Madaxda Siyaasaddu Ma Burburin Dawladnimaa Mise Dawlad Dhis?

Hordhac

Dhismaha dawladdu waxa uu ku salaysan yahaysalaysanyahay ku dhaqanka sharciga, dhisidda hay’ado dawladeed oo tayo leh oo bixiya adeegyo bulsho, iyo jiritaanka hay’ado loo wada siman yahay (inclusive institutions) oo aan u adeegin dano gaar ah sida kuwa ku dhisan ka faa’iidaysi (extractive institutions). Waxa kale oo muhiim u ah la dagaallanka musuqmaasuqa, wada-tashi joogto ah, iyo xallinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wadahadal iyo is-qancinta. Intaas waxaa dheer, wadaninimada iyo horumarinta danta guud oo laga hormariyo danta gaarka ah ayaa laf-dhabar u ah dawladnimada. Guud ahaan, dawlad-wanaaggu waa tiirka ugu muhiimsan ee horumarinta dawladnimada, qaybihiisuna waa kuwa aan kor ku soo xusnay. Haddaba, bal si qoto dheer uga fiirso arrimahaas iyo halka ay maanta Soomaalidu ka taagan tahay.

Qormooyin hore oo aan ku daabacay Majaladda Marag ayaan kaga hadalnay sababaha siyaasadda Soomaalida ay u saldhigan la’dahay, taariikhda ay soo martay dowladnimada Soomaaliyeed iyo caqabadihii sababay in ay burburaan. Haddaba qormadaan waxaan ku falaanqayn doonaa kaalinta habdhaqanka madaxda siyaasadda ee Soomaaliyeed ay ku leedahay dib u dhaca iyo horumar la’aanta dawladnimada Soomaaliyeed.

Xadgudubka Sharciga  

Ku dhaqanka sharciga macnihiisu waxa weeye in sharcigu qabto si siman dhammaan muwaadiniiinta kuwa xilka haya iyo shacabka caadiga ah labaduba waa u simanyihiin sharciga. Markii ku dhaqanka sharciga lagu xadgudbo dawladnimada awoodeeda ayaa aad hoos ugu dhacda sida hay’adaha dawladda oo noqda kuwo karti xumo iyo awood la’aan la soo gudboonaato sida maxkamadaha, booliiska, dhamaan hay’adaha dhaqangelinta sharcigu waxay noqdaan kuwa aan fulin ujeedadii loo dhisay.

Hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo danleyda ku xeeran waxay saameyn taban ku yeeshaan go’aamada hay’adaha u xilsaaran dhaqan-gelinta sharciga. Waa xaqiiq in madaxda Soomaaliyeed, kuwa ku kala sugan heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, dhammaantood aysan ixtiraamin sharciga, gaar ahaan marka ay xukunka raadinayaan iyo marka ay xukunka yimaadaan labadaba.

Xukunka waxay ku raadiyaan sifo aan sharci ahayn, sida bixinta laaluush iyo adeegsiga qabyaaladda, iyagoo ka faa’iidaysanaya dareenka u dabacsanaanta qabyaaladda ee shacabka Soomaaliyeed oo wacyigoodu hooseeyo. Sidoo kale, ma xaq-dhowraan sharciga, ixtiraamna uma hayaan. Waxay cod dheer ku sheegaan dhaliisha iyo xumaanta madaxda ay doonayaan inay xukunka ka beddelaan, laakiin marka ay xukunka yimaadaan, waxay sameeyaan wixii ay ku dhaliilayeen madaxdii ka horreysay.

Haddaba, waa maxay sababtu? Jawaabtu waa fududahay: ujeeddada siyaasadda ay ka leeyihiin waa dan shakhsi ah oo keliya, mana laha ajende qaran. Sidaas darteed, dantooda ayay ka arkaan in wixii ay shalay diidanayeen ay maanta sax u arkaan.

Markay xukunka yimaadaanna, waxay hoos u dhigaan kaalinta hay’adaha cadaaladda, sida awoodsiinta guddiga maamulka garsoorka, guddiga doorashooyinka, dhismaha maxkamadaha dastuuriga ah, iyo guud ahaan madax-bannaanida garsoorka, si garsoorku u noqdo mid ay si toos ah iyo si dadban labadaba u maamulaan, oo uusan u noqon garsoor madax-bannaan oo hawlihiisa si madaxbannaan u guta, isla markaana dheellitira dowladda oo ku ilaaliya sharciga. Soomaaliya kama jiro garsoor ka madax-bannaan labada heer ee dowladeed labadaba; taas macnaheedu waxa weeye in madaxda Soomaaliyeed ee labada heer dowladeed ay ka siman yihiin hoos u dhigista awoodaha garsoorka.

Ku xadgudubka sharciga ee ay muddo dheer sameynayeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed wuxuu sababay in dalka ay ka hanaqaadaan hay’ado dowladeed oo tabar daran, kuwaas oo aan shacabka kalsooni ku qabin. Waxa kale oo uu horseeday musuqmaasuq baahsan oo aan lahayn isla xisaabtan dhab ah. Kheyraadkii loo adeegsan lahaa horumarka dalka ayaa siyaabo kala duwan loo leexsaday ama loogu tagri falay. Sidoo kale, dhaqaalaha dalka iyo horumarkiisuba si weyn ayay u wiiqmeen, maadaama maalgashadayaashu marka hore eegaan jiritaanka ku dhaqanka sharciga iyo fulinta heshiisyada sharciyeed. Maalgashadayaashu waxay ka cabsadaan in Soomaaliya loogu geysto xoogsheegasho ama loola dhaqmo si aan caddaalad ahayn, sababtoo ah dalka kama jiro nidaam sharci oo si dhab ah loo dhowro loona dhaqan geliyo.

Heshiis la’aanta iyo khilaafka joogta  ah 

Dadka Soomaaliyeed waxay la dhibaataysan yihiin, ama dawladnimada Soomaaliyeed ay la hirgeli la’dahay, khilaafka joogtada ah ee u dhexeeya madaxda Soomaaliyeed, gaar ahaan khilaafka hadda caado iska noqday ee afartii sano kasta, xilliyada doorashada, lagu abuuro muran iyo khilaaf ku salaysan dano siyaasadeed oo gaar ah. Sidoo kale, waxay ku heshiin la’yihiin qaabka dawladnimada Soomaaliyeed iyo habka xukunka loo wadaagi ama loo kala yeelan karo marka laga hadlayo labada heer ee dowladeed.

Bal dib u eeg 12-kii sano ee la soo dhaafay: dastuurkii lagu heshiiyey lama dhaqan gelin, haddana mid aan la hubin in lagu dhaqmi doono ayaa lagu muransan yahay. Sidoo kale, afartii sano kasta waxaa soo noqnoqda muran doorasho oo leh dhibaatooyin isku mid ah.

Siyaasiga madaxda ka ah heer federaal ama heer maamul-goboleed waxaa caado u ah inuu siyaasadda ku jaangooyo dantiisa siyaasadeed ee shakhsi ahaaneed, isagoo dhaawacaya ama meel uga dhacaya danta guud ee dalka. Wuxuu isku dayaa inuu siyaasaddiisa ku qotonta dan gaar ah si jujuub ah ku meel mariyo, isla markaana inta kale ku qasbo. Halkii ay ahayd in siyaasadda lagu hago nidaam ku salaysan wada-tashi, wada-hadal, is-qancin iyo isu-tanaasul (bal dib u fiiri wixii ka dhacay heer federaal iyo heer maamul-goboleed tobankii sano ee u dambaysay).

Madaxda siyaasadda ee maanta joogta iyo kooxda u shaqaysa waxay doorbidaan inay ka leexdaan mabaadi’daas xallinta khilaafaadka, iyagoo adeegsanaya siyaasad ku dhisan “aan jiirno oo jujuubno, kana adkaanno cidda inaga soo horjeeda.” Waxaase la soo tijaabiyey in Soomaalidu ku kala adkaan karin xoog iyo xeelad midna; balse wada-hadalka iyo is-qancinta ay u badan tahay inay isku fahmi karaan, haddii hab niyad-sami ah oo cilmiyeysan loo maamulo wada-hadallada xallinta khilaafaadka siyaasadda ku salaysan.

Kobcinta musuqmaasuqa

Musuqmaasuqa waa kansarka dawladnimada; meel ay ka jiraan noocyadiisa kala duwan, isla markaana aanay hay’adihii u xilsaarnaa ka shaqayn la dagaallankiisa, waxaa la dhihi karaa dawladnimo kama jirto. Musuqmaasuqa noocyadiisa kala duwan wuxuu Soomaaliya ka noqday wax caadi ah. Xilliyada doorashada, laaluushka la kala qaataa wuxuu noqday arrin caadi ah, xataa shacabkuna way aamineen in qofkii aan lacag bixin karin xilliga doorashada uusan ahayn qof xil loo dooran karo. Laaluushku siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada doorashada, wuxuu ka noqday arrin aan ceeb ahayn, oo qofka madaxnimada raadinaya codka lagu iibsado.

Marka xukunka lagu yimaado hab laaluush ku dhisan, waxaa xiga in qofka sidaas ku noqday madax uu ka shaqeeyo sidii uu inta uu xilka hayo u xoolaysan lahaa, isaga oo aan wax xil ah iska saarin ilaalinta hantida ummadda iyo ka hortagga musuqmaasuqa iyo xatooyada. Soomaaliya, labadeeda heer ee dowladeed, kama jiro hanti-dhowr madax-bannaan oo si dhab ah u ilaaliya hantida dadweynaha, ama guddi la dagaallanka musuqmaasuqa oo si hufnaan iyo karti leh u guta waajibaadkiisa, kana madax-bannaan Madaxweynaha heer federaal ama heer maamul-goboleed.

Sidoo kale, eexda iyo qaraabakiilku waxay inta badan ka dhacaan shaqaalaysiinta hay’adaha dowladda, iyadoo aan shaqooyinka dowladda lagu bixin u-qalmid (merit-based), isla markaana aan muwaadiniinta fursad loo siin inay shaqada dowladda u galaan tartan furan si qofkii mudnaa uu u helo shaqada, dalkiisana ugu adeego. Intaa waxaa dheer, shaqaalaha dowladda waxaa lagu qaybiyaa qaab qabiil iyo nidaamka 4.5, oo markii hore xal loo biday in lagu soo xulo xilalka siyaasadda, balse hadda lagu dabaqo xitaa shaqaalaha dowladda. Taas waxay keentay in hay’adihii dowladda ay noqdaan kuwo aan lahayn karti iyo waxqabad, maadaama aan loo xulin shaqaale ku habboon, balse lagu saleeyo musuqmaasuq.

U-dabacsanaanta shisheeyaha

Waxaa sidoo kale caado noqotay ku xirnaanta iyo u dabacsanaanta shisheeyaha; madaxda Soomaaliyeed inta badan waxay u tagaan dowlado shisheeye iyagoo weydiista lacag ay doorashada ku musuqmaasuqaan, taas beddelkeedana waxay ka ballanqaadaan inay danaha dowladahaas ka shaqayn doonaan marka ay xukunka yimaadaan. Bal qiyaas marka ay dowlad shisheeye ka codsadaan kharash si ay dalka Soomaaliya madax uga noqdaan, dowladaasuna ka aqbasho; waa iska cadahay waxa qofkaas noqonayo iyo waxa uu ku soo kordhin karo xaaladda cakiran ee umadda Soomaaliyeed. Dabcan, wuxuu noqonayaa qof u shaqeeya dano shisheeye, mana noqonayo qof danaha ummadda Soomaaliyeed ka shaqayn kara ama ku dhiiran kara inuu xaaladda adag ka saaro.

Ku tagrifalka awoodda 

Madaxda hadda joogta ee labada heer ee dowladda Soomaaliyeed waxay ka siman yihiin inay ku takri-falaan awoodda dowladnimo, sida ku dhaqmi la’aanta dastuurka heer federaal iyo heer maamul-goboleed, hirgelin la’aanta nidaam dowladeed oo ku dhisan halbeegyada dowlad-wanaagga sida isla xisaabtanka, ku dhaqanka sharciga, kartida iyo hufnaanta, wada-tashiga, iyo xallinta khilaafaadka oo ku salaysan nidaam wada-hadal iyo is-qancin. Shan sano kasta in lagu murmo doorashada waa tusaale muujinaya ku takri-falka awoodda ee madaxda Soomaaliyeed, karti-xumada iyo awood la’aanta hay’adaha garsoorka, gaar ahaan maqnaanshaha maxkamadda dastuuriga ah oo aan ka jirin heer federaal, halka maamul-goboleedyada qaarkood ay magac ahaan uga jirto oo keliya. Isla xisaabtan la’aantaasi waxay fursad u siisaa madaxda Soomaaliyeed inay u dhaqmaan sida ay rabaan, iyaga oo aan ka baqayn sharci iyo shacab toona.

Kobcinta danta gaarka ah

Danta gaarka ah oo laga hormariyo danta guud waa dhibaato weyn oo haysata dawladnimada Soomaaliyeed. Madaxda Soomaaliyeed ee kala jooga labada heer ee dowladeed waxay siyaasadda iyo dowladnimada u fahansan yihiin inay danahooda gaarka ah u adeegsadaan, iyagoo hoos u dhigaya danta guud ama aan xil weyn iska saarin. Taasi waxay keentay in dowladnimadu noqoto mid lagu qaabeeyo danaha madaxda iyo inta ku xeeran, isla markaana loo adeegsado, halkii shacabka loogu adeegi lahaa. Waddaniyadda iyo horumarka dalka-na sidii la rabay looma shaqeeyo.

Adeegsiga danta gaarka ahi waa tan keentay in ilaa iyo hadda lagu guulaysan waayo dastuur la isku raacsan yahay, iyo dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay. Sidoo kale, waxay sababtay in aan lagu guulaysan in dalka laga xoreeyo cadowga, lana nabadeeyo oo la isku xiro, halkii la kala qoqobi lahaa. Adeegsiga danta gaarka ahi waa tan keentay in la curyaamiyo hay’adaha ilaalinta sharciga, sida maxkamadda dastuuriga ah iyo guud ahaan hay’adaha garsoorka.

Sidoo kale, waxay wiiqday hay’adaha ilaalinta maaliyadda, sida xisaabiyaha guud iyo hantidhowraha guud. Adeegsiga danta gaarka ahi waa tan keentay dhismaha guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn, isla markaana aan shaqadooda u madax-bannaanayn, taas oo horseedday muran doorasho oo joogto ah oo soo noqnoqda afartii sano kasta.

Adeegsiga danta gaarka ahi waa tan keentay in lagu takri-falo hantida dadweynaha, isla xisaabtan la’aan darteed. Dowladda Soomaaliyeed, labadeeda heer, waxay noqdeen kuwo karti daran oo aan shacabka Soomaaliyeed siin karin noocyada adeegyada ay dowladdu tahay inay bixiso, sida adeegyada amniga, caafimaadka, waxbarashada, biyaha nadiifta ah, yareynta faqriga, iyo kordhinta dakhliga shacabka si noloshoodu u hagaagto, dowladduna uga hesho cashuur ay ku fuliso hawlaha laga sugayo.

Gabagabo – Waa maxay xalku?

Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaamiye ka hufan waxyaabaha aan kor ku soo sheegnay, oo ku dhaqanka sharciga hirgeliya, kana bilaaba naftiisa iyo xafiiskiisa, kuna dadaala dhismaha hay’adaha dowladeed ee u adeega dadka Soomaaliyeed, kana saara mushkiladda kala qoqobnaanta iyo kalsooni xumada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waa inuu ambaqaadaa nidaam dib-u-heshiisiin ku dhisan wada-hadal iyo is-qancin, kana fogaada inuu dowlado shisheeye lacag uga soo qaato si uu xukun ku gaaro, balse lagu doorto kalsoonida ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

Hoggaamiye hirgeliya dastuur lagu heshiis yahay, oo ku dhisan wada-hadal iyo is-qancin, isla markaana si hab la isku waafaqsan yahay loogu shaqeeyo; wax ka qabta musuqmaasuqa iyo ku takri-falka awoodda dowladnimo; hirgeliya dowladnimo saldhig u ah nidaamka dowlad-wanaagga iyo maamul-wanaagga (good governance).

Hoggaamiye hirgeliya hay’ado dowladeed oo ku dhisan karti iyo hufnaan, leh shaqaale lagu soo xulay tartan iyo ku habboonaanta shaqada (merit-based), hay’adahaas oo dadka Soomaaliyeed siiya adeegyada ay u baahan yihiin (public service delivery). Hay’ado dowladeed oo dadku kalsooni ku qabaan, dadkana si siman ugu adeega (inclusive institutions), kuwaas oo beddel u noqda hay’adaha dowladeed ee hadda magac ahaan u jira, balse aan lahayn karti iyo awood ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan; kuwaas oo ah hay’ado dano gaar ah loogu shaqaysto (extractive institutions).

Su’aasha la isweydiin karaa waxa weeye: dadka Soomaaliyeed ma u diyaarsan yihiin inay si xorriyad ah u doortaan hoggaamiye leh sifooyinka aan kor ku soo sheegnay? Ma u diyaarsan yihiin inay fahmaan dhibka ay ku hayaan dawladnimada kuwa maanta madaxda ka ah dalka qaybihiisa kala duwan? Dantooda ma garanayaan mise qabqablayaasha siyaasadda ayay khaanado ugu kala xiran yihiin? Waqti intee le’eg ayayse ku qaadan doontaa dadka Soomaaliyeed inay gaaraan bisayl iyo wacyi ay iska dulqaadaan silica iyo dhibka ay badeen kuwa maanta madaxda ka ah dawladnimada Soomaaliyeed heerarkeeda kala duwan?

Si xorriyad ah ma u xulan karaan ama ma u dooran karaan hoggaamiyaha maanta Soomaaliya u baahan tahay inuu dhibaatada ka saaro, isagoo Ilaahay kaashanaya? Mise waxay ku sii jiri doonaan dhibkaas ay Soomaaliya ku rideen qabqablayaasha siyaasadeed, oo sababi kara mustaqbalka in dalka Soomaaliyeed uu shisheeye qaab isticmaar casri ah u kala qaybsado, iyagoo u maraya kuwa maanta madaxda sheeganaya?

Dhammaan su’aalahaas kor ku xusan iyo kuwo kaleba waxay horyaallaan inay ka jawaabaan waxgaradka, aqoonyahanka, culimada, dhalinyarada, iyo haweenka Soomaaliyeed, dhammaantood, gobol kasta oo ay ku nool yihiin. Taariikhda ayaa inoo sheegi doonta halka Soomaaliya ku dambayn doonto haddii aan dadkeedu isdaba qaban.

Qoraaga
Ahmed Said Aw-nur
Ahmed Said Aw-nurwaa khabiir muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeynayay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu madax ka noqday hay’ado caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link