Hordhac
Su’aasha ah “Soomaaliya maxay u saaqiday?” ma aha oo keliya su’aal ku saabsan burbur dawladeed; waa su’aal ku saabsan taariikh, hayb, dhaqaale, iyo qaab-dhismeedka awoodda.
Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo isku dayay inay sharxaan sababta colaaduhu dalal badan oo Afrikaan ah—gaar ahaan Soomaaliya—u noqdeen kuwo daba dheeraaday. Qaar waxay ku doodayaan in dhibku yahay qaab-dhismeed bulsho oo qabiil ku dhisan; qaar kale waxay eedda dusha ka saaraan gumaysigii iyo xuduudihii uu ka tegay; halka kuwo saddexaad ay arrinta u rogeen xisaab dhaqaale iyo fursad (political economy).
Aragtida 1aad: Maqnaanshaha Awood-Guri Siyaasadeed
Aragtida ugu horreysa, oo tan ugu caansan, waxay ku doodaysaa in aysan jirin awood-guri siyaasadeed oo si dabiici ah uga hanaqaaday guud ahaan Afrika madow, gaar ahaan Soomaaliya. Haddii ay jirtayna, waxay ahayd mid dibadda ka timid, sida ay qabto aragtida daraasadda Afrika Galbeed (Hamitic hypothesis).
Sida aragtidan qabto, bilowgii iyo soo ifbixii sharciga iyo kala-dambaynta (law and order) ee Soomaaliya waa mid la kowsatay waqtigii isticmaarka (colonial period). Aragtidan waxay sidoo kale sheegaysaa in dagaallada sokeeye ay ka dhasheen xorriyadda oo si dhaqso ah loo siiyay; sidaas darteed, waxaa habboonaan lahayd in isticmaarku sii joogo oo shaqadiisa dhammeysto (colonialism ended too soon).
Si gaar ah marka loo eego Soomaaliya, aragtidaas waxaa calanka u sida aqoonyahanno ay ka mid yihiin I. M. Lewis, Enrico Cerulli, iyo Said Sheikh Samatar, kuwaas oo ku tilmaamay bulshada Soomaaliyeed mid ku dhisan qabiil reer-guuraa ah, oo aan lahayn dawlad dhexe oo taariikhi ah.
I. M. Lewis (1961). A Pastoral Democracy: Wuxuu ku tilmaamay bulshada Soomaaliyeed: “Bulshada Soomaalidu waa segmentary lineage system (qabiil ku dhisan nasab).”
Enrico Cerulli (1957). Somalia: Scritti vari editi ed inediti. Isaguna wuxuu yiri:
“Nidaamka siyaasadeed ee Soomaalida wuxuu ahaa acephalous society (bulsho aan madax dhexe lahayn).”
Said S. Samatar (1982). Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayyid Mahammad ‘Abdille Hasan. Wuxuu isna adkeeyey doorka qabiilka, isagoo sheegay: “Qabiilku waa qaab-dhismeedka ugu muhiimsan ee bulshada.”
Sida aragtidan qabto, colaadaha maanta jira waxaa asal u ah khilaafaad qabiil oo hore u jiray—farqiga keliya ayaa ah in warmo iyo fallaaro lagu beddelay hub casri ah, kaas oo khasaaraha badiyay.
Haddii la rabo in Soomaaliya nidaam dawladeed loo sameeyo, aragtidan waxay ku talinaysaa in hayb qabiil ku dhisan lagu saleeyo, awooddana si waafaqsan loogu qaybsado.
Dood Ka Hor Imanaysa Aragtidan
Inkastoo qabiilku qayb weyn ka yahay qaab-dhismeedka bulshada Soomaaliyeed, marka si qoto dheer loo eego taariikhda, sawirku wuu ka duwanyahay. Qarniyadii dhexe iyo kuwii ka dambeeyay, Soomaaliya iyo Geeska Afrika waxaa ka jiray nidaamyo siyaasadeed oo maxali ah, si wanaagsan u abaabulnaa, sida Saldanadda Ajuran, Saldanadda Adal, Saldanadda Geledi iyo Saldanadda Warsangeli).
Maamuladani waxay lahaayeen:
• Nidaam canshuur ururin
• Ciidan abaabulan
• Maamul dhuleed
• Xiriir diblomaasiyadeed
Tani waxay muujinaysaa in awood-guri siyaasadeed ay jirtay, inkastoo aysan qaab ahaan la mid ahayn dawladaha Westphalian-ka ee Yurub, oo u hanaqaaday si xoog iyo ismaquunin ku dhisan iyo xuduud astaysan oo xiran. Sidaas darteed, cabbiridda taariikhda Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo hal halbeeg oo reer Yurub ah waxay dhalin kartaa gunaanad qalloocan.
Marka laga yimaado sultanadaha, bulshada Soomaaliyeed waxay lahayd nidaam sharci oo laba tiir ku dhisnaa:
- Xeer–heshiisyo bulsho oo nidaamiya xallinta khilaafaadka, magdhawga, iyo ilaalinta nabadda.
- Shareecada Islaamka–nidaam diini ah oo culimo iyo qaadiyo ku dhaqmi jireen.
Isku darka labadan nidaam wuxuu abuuray hannaan sharci oo awood qaybsan, laguna xalliyo khilaafaadka iyada oo aan dawlad dhexe oo xooggan jirin. Tani ma ahayn fowdo; waxay ahayd qaab dawladnimo kala duwan.
Aragtida 2aad: Raadkii uu Isticmaarku ka Tagay
Aragtida kale waxay sheegaysaa in raadkii isticmaarku (colonial legacy) uu udub-dhexaad u yahay mushkiladda qaaradda ku habsatay, taas oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.
Gumeysigu wuxuu Afrika ka sameeyay mashruuc siyaasadeed oo ku dhisnaa kala qaybin bulsho. Xuduudo cusub ayaa la sameeyay, dad iyo deegaanno ayaa la kala jaray, waxaana la dhisay qaab maamul oo ku dhisan “tribal homelands” ama deegaanno qabiil lagu asteeyay. Nidaamkan ayaa abuuray maamulayaal qabiil oo loo xilsaaray inay bulshada xukumaan, taas oo keentay in qabiilku noqdo unug siyaasadeed oo maamul.
Isticmaarku waxa uu burburiyay hidihii, dhaqankii iyo hoggaankii soo jireenka ahaa ee bulshadu lahayd, isagoo abuuray hoggaan isaga ku xiran. Markii xorriyadda la qaatayna wuxuu ka tagay muran dhul, hayb iyo diin ku salaysan oo ilaa maanta aan xal loo helin.
Colaadihii dhexmaray Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah sida Itoobiya iyo Kenya waxay salka ku hayaan qaybintii isticmaarka ee gayiga Soomaaliyeed, taas oo horseeday burburkii dawladnimadii Soomaaliyeed. Kiiska Somaliland waxa uu salka ku hayaa xuduuddii Anglo-Italian Agreement iyo doodda ku saabsan in lagu noqdo xuduuddii uu isticmaarkii Ingiriiska ka tagay ee British Somaliland.
Hanaanka federaalaynta Soomaaliya qudheedu kama marna xuduudo hayb ku dhisan.
Intaa waxaa dheer, gumeysigu wuxuu keenay nidaam siyaasadeed iyo maamul oo aad uga fog hidaha, dhaqanka, iyo qaabkii bulshada Soomaaliyeed isu maamuli jirtay. Nidaamkan cusub ee dawladnimo, oo aan si buuxda ula jaanqaadin hab-dhaqankii iyo xeerarkii bulshada, ayaa sababay jaahwareer iyo faham darro ku saabsan sida dawladnimada loo dhiso iyo sida bulshada loo maamulo.
Aragtidan waxaa si weyn u taageera aqoonyahanno ay ka mid yihiin Prof. Ali Mazrui, oo ku falanqeeyay taxanihiisa The Africans: A Triple Heritage, iyo Prof. Mahmood Mamdani, oo buuggiisa Citizen and Subject ku sharxay sida gumeysigu u abuuray nidaam bulsho oo kala qaybinaya muwaadiniinta iyo bulshada miyiga.
Waxaa kale oo wax badan ka qoray raadkii uu isticmaarku ka tagay iyo sida ay saamayn ugu yeesheen colaadaha Soomaaliya Prof. Ahmed Ismail Samatar iyo Abdi Ismail Samatar.
Si kastaba ha ahaatee, marka la eego dhismaha bulshada Soomaaliyeed, waxaa jira arrin kale oo muhiim ah: dadka Soomaaliyeed waxay wadaagaan waxyaabo badan oo ka badan inta ay ku kala duwan yihiin. Waxaa ka dhexeeya af, diin, dhaqan, taariikh, iyo qaab nololeed aad isugu dhow. Arrimahan ayaa ka dhigay bulshada Soomaaliyeed mid ka mid ah bulshooyinka Afrika ee ugu midaysan marka laga eego dhinaca aqoonsiga qaran.
AUN Prof. Axmed Ashkir Botaan ayaa qaba dood la mid ah:
“Ma jirto cid inkiri karta in qabiilku ama qabyaaladdu ay qarniyo badan ahayd saldhigga nidaamka bulsho ee Soomaalida, isla markaana ay qayb weyn ka ahayd dhaqanka Soomaalida. Laakiin nooca qabyaalad ee hadda ka aloosan Soomaaliya wax shaqo ah kuma laha dhaqan qabyaaladeedkii hore ee Soomaalida, kaas oo u taagnaa laba arrimood oo waaweyn:
1. Is-dugsi: Qabiilku wuxuu xubnaha u dhashay ka difaaci jiray haddii dibadda laga soo weeraro, wuxuuna kaalmo hiil iyo hooba ah u geysan jiray dadka u dhashay marka ay dhibaato ama baahi la soo gudboonaato.
2. Is-aqoonsi: Dadka Soomaalida ah aqlabiyaddoodu waxay ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha iyo guurguurida joogtada ah. Maaddaama qofka Soomaaliga ahi uusan lahayn warqad aqoonsi ama degaan rasmi ah, jidka keliya ee lagu aqoonsan karo waa in uu abtirsado oo uu sheego qabiilka uu u dhashay, taas oo ka dhigan warqaddiisa aqoonsiga oo lagu garanayo.”
Halkaas ayay su’aasha muhiimka ahi ka dhalanaysaa: ma keentaa kala duwanaanshaha abtirsiimada qabiilku kala duwanaansho fikir iyo kala qaybsanaan siyaasadeed?
Abtirsiimadu waa qaab bulsho oo dadka ku mideeya asal iyo nasab wadaag, laakiin si dabiici ah uma dhaliso aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan. Xitaa hal qabiil gudaheed waxaa laga heli karaa fikrado siyaasadeed oo kala duwan. Sidaa darteed, kala duwanaanshaha haybtu lafteedu ma aha sabab toos ah oo dhalisa kala qaybsanaan siyaasadeed.
Marka aragtida ah in hayb kastaa xuduud gaar ah yeelato waa fufkii mashruucii isticmaarka, waana waxa hortaagan in la dhiso aragti ku dhisan qaran Soomaaliyeed oo salka ku haysa sidii loo heli lahaa mabda’a muwaadiniin Soomaaliyeed oo u siman xuquuqda iyo waajibaadka.
Aragtida 3aad: Dhaqaalaha Siyaasadeed (Political Economy)
Asalka iyo Mabda’a Aragtiyeed
Bartamihii sagaashamaadkii (1990-meeyadii), waxaa si weyn u soo ifbaxay aragti cusub oo lagu falanqeeyo colaadaha sokeeye, taas oo loo yaqaan political economy ama mararka qaar lagu tilmaamo Rationalist models of civil war. Aragtidan waxay si toos ah uga hortimid aragtiyihii hore ee ku salaysnaa in dagaallada sokeeye ay inta badan ka dhashaan kala qaybsanaan hayb, sida qabiil, diin, ama cadaalad darro siyaasadeed. Halkii ay taas xoogga saari lahayd, aragtidan cusub waxay ku doodaysaa in colaadaha sokeeye si weyn ugu xidhan yihiin danaha dhaqaale iyo go’aanno caqli ku dhisan oo ay qaataan shakhsiyaadku.
Cilmi-baarayaal ay ka mid yihiin Paul Collier iyo Anke Hoeffler ayaa hormuud u ahaa horumarinta aragtidan, iyagoo sameeyay daraasado tirakoob ku salaysan oo daboolaya dagaallo sokeeye oo dhacay intii u dhexaysay 1969 ilaa 1999. Daraasado kale oo ay sameeyeen James Fearon iyo David Latin ayaa iyaguna sii xoojiyay natiijooyinkan. Su’aasha ugu weyn ee ay isweydiiyeen waxay ahayd: maxaa qofka ku riixa inuu ku biiro jabhad ama koox hubaysan?
Jawaabta ay heleen waxay ahayd mid ku salaysan mabda’a “rational choice”, taas oo macnaheedu yahay in qofku sameeyo go’aan ku dhisan xisaab faa’iido iyo khasaaro. Qofku wuxuu qiimeeyaa waxa uu ka heli karo haddii uu ku biiro jabhad—sida dhaqaale, awood, ama badbaado—iyo waxa uu lumin karo haddii uu ku biiro. Haddii faa’iidada la filayo ay ka badato khasaaraha, waxaa kordha suurtagalnimada inuu qofku ku biiro koox hubaysan. Sidaas darteed, dagaalka sokeeye waxaa loo arkaa natiijo ka dhalata go’aanno shakhsiyeed oo isku biiray.
Saameynta Dhaqaalaha, Khayraadka, iyo Dowlad Daciif ah
Si ay u fahmaan waxa keena colaadaha, cilmi-baarayaashu waxay falanqeeyeen doorsoomayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin tirada dadka, heerka dhaqaalaha (GDP), khayraadka dabiiciga ah, iyo awoodda dowladeed. Natiijooyinka ugu muhiimsan ee ay heleen ayaa muujinaya in kobaca dhaqaale ee dal leeyahay uu si weyn u yareeyo khatarta dagaal sokeeye. Sababta ayaa ah in marka dhaqaalaha kobco, ay bataan fursadaha shaqo iyo nolol, taas oo kordhisa qiimaha “fursadda la lumiyo” (opportunity cost) ee dagaal gelidda. Qofka haysta shaqo iyo dakhli joogto ah ayaa ka laba-labaynaya inuu halis geliyo noloshiisa si uu ugu biiro jabhad.
Dhanka kale, aragtidan waxay muujisay in dalalka ku tiirsan khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan badeecadaha aasaasiga ah sida macdanta, beeraha, ama xoolaha, ay u nugul yihiin dagaallo sokeeye. Tani waxay ka dhalataa laba arrimood: marka hore, khayraadkani waxay siiyaan jabhadaha ilo dhaqaale oo ay isku maalgeliyaan; marka labaadna, ku tiirsanaanta khayraadkaas waxay badanaa keentaa dowlad daciif ah oo aan awoodin inay si buuxda u xakameyso dalka. Sidaa darteed, marka dowladdu daciif tahay, waxaa sahlan in kooxo hubaysan ay soo baxaan oo ay sii fidaan.
Intaa waxaa dheer, aragtidan waxay soo bandhigtay dood caan ah oo ah “greed versus grievance”. Dooddani waxay sheegaysaa in “damaca danaha dhaqaale” (greed) ay inta badan ka muhiimsan yihiin “cabashooyinka” (grievance) sida dulmiga ama cadaalad darrada. Inkasta oo kooxaha hubaysan ay mararka qaar sheegtaan inay u dagaallamayaan cadaalad, aragtidani waxay tilmaamaysaa in dhab ahaantii ay badanaa ka dambeeyaan dano dhaqaale, sida xakamaynta khayraadka ama helitaanka dakhli joogto ah.
Si kastaba ha ahaatee, aragtidan ma aha mid aan la dhaliilin. Qaar ka mid ah aqoonyahannada ayaa ku doodaya in ay si xad-dhaaf ah u yarayso doorka aqoonsiga bulshada sida qabiilka iyo diinta, kuwaas oo door weyn ka ciyaara colaado badan. Sidoo kale, waxaa la sheegaa in dadka mar walba aysan ku dhaqmin go’aan caqli ku dhisan, maadaama dareenno sida aargoosi, cabsi, iyo nacayb ay si xooggan u saameeyaan go’aannada. Intaa waxaa dheer, qaar ayaa aaminsan in aragtidan ay dhayalsanayso cabashooyinka dhabta ah ee ka dhasha dulmiga siyaasadeed iyo maamul xumada.
Gabagabo
Soomaaliya waxaa u saaqiday isku dhafka arrimo taariikhi, gumeysi, qabiil, iyo dhaqaale. Inkastoo hayb qabiil iyo nidaam dhaqameed hore u jireen, raadkii gumeysigu iyo danaha dhaqaale ayaa colaadaha sokeeye sii xoojiyay. Dhismaha hay’ado dawli ah oo caddaalad ku dhisan, oo ka turjumaya bulshada iyo mabda’a muwaadiniinta, ayaa ah furaha xasillooni iyo horumar waara. Fahamka isku dhafka ah ee arrimahan ayaa jid u ah Soomaaliya mid mideysan oo nabad ku nool.
Qoraaga














