Aqoonyahanka iyo Dareenka Bulshada Soomaaliyeed

Hordhac

“Daftarka iyo qalimada kuwaan ugu dadaaleeyney

Dambiilahana lagusoo korshiyo kimista duuduuban

Kuma diirsan daynkiina ma gudin duma laysaguye

Oo dib u heshiisiinta qaran uma dadaalaane”

Diiwaanka Abshir Bacadle

Kalmadda “Aqoon” sida uu tilmaamayo Qaamuuska Af-soomaaliga ee uu qoray Cabdalla Mansuur waa: “Cilmi, Garasho dheeraad ah oo wax loo leeyahay. Tus. Jaamac Xamar aqoon buu u leeyahay”. Haddaba; aqoontu waa fahan, waa dariiq nolosha qofka u iftiimiya, garasho dheeraad ahna ka siiya waxa sida gaarka ah uu u bartay.

Sidoo kale Cabdalla Mansuur waxa uu yiri: “Aqoonyahan waa qofka aqoontiisa cilmiyeed sarrayso”. Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha bulshada. Waxa uu noqon karaa dhakhtar, sharciyaqaan, dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu mariyo.

Aqoonyahanku maaha qofka waxbarta oo ku xeeldheeraada takhasus gaar ah oo keliya; balse waa qof waxbartay sida uu Dr. Zaki Najiib tilmaamayna xambaarsan fikrad uu wax uga beddelayo xaaladda bulshadiisu ay ku jirto, nolol iyo horumarna u horseeda. Aqoonyahanku maaha qofka aqoontiisa ku kooba naftiisa, ku raadsada waxtar u gaar ah, ku abuurta sumcad iyo dhaqaale, balse waa qof u nool bulshadiisa, cilmigiisa iyo garashadiisana ugu adeega, ku dadaala inuu wacyigooda iyo dareenkooda sare u qaado, ku baraarujiya xuquuqdooda, jeclaysiiya dalkooda, kuna tirtirsiinaya inay ilaashadaan wadajirkooda iyo dadnimadooda.

Aqoonyahanku waa qofka ay dad badan oo bulshada ka mid ahi kaga daydaan aqoontiisa iyo kartidiisa inay gaaraan si ay ugu faa’ideeyaan bulshada, waxa markaas looga baahanyahay in aqoonyahanku yahay mid ka hufan qabyaaladda iyo kala soocidda bulshada, si uu bulshada inteeda kale ugu noqdo hormuud ay ku daydaan kartidiisa iyo waxqabadkiisa. Aqoonayahanku waa lafdhabarta bulshada, waana kuwa ay dunidu ku kala horumartay. Ummad kasta oo dunida bur-bur iyo dhibaato ku habsatana waxaa bad-baadiya aqoonyahankeeda, waxgaradkeeda iyo da’yarteeda oo ah dadka ay bulsho kastaa ku faanto.

Qormadaan, waxaan ku iftiiminayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed, xaaladda uu ku suganyahay, doorka ay bulshadiisu ka sugayso iyo sida uu u gabay horseednimadii laga dhowrayay, waxaan kusoo bandhigayaa talooyin aan u soo jeedinayo aqoonyahanka Soomaaliyeed si ay fadhiga uga kacaan, dibna isugu noqdaan.

Xaaladda aqoonyahanka Soomaaliyeed

Dr. Maxamed Daahir Afrax oo sifaynaya aqoonyahanka Soomaaliyeed wuxuu yiri: Soomaaliya way ka jirtaa tacliinley (Aqoonyahan), hase yeeshee ma jirto cid lagu magacaabi karo “garwadeenka fekerka” lehna jiritaan muuqda. Ma haysano maskax-maal indheer-garad ah oo hoggaamiya habka ay u fekerto bulsha-weynta Soomaaliyeed. Tacliinleyda ayaa ah kooxdii laga filayay inay kaalintaas buuxiso, hase yeeshee way ka gaabisay. Koox ahaan iyo qof-qof ahaanba way yeelan kari weydey karti iyo bisayl ay ku noqoto gar-wadeen shicib-weynaha wacyigiisa hoggaamiya, waddada toosanna u tilmaama, khataraha uga diga, mustaqbalka sii saadaaliya, siyaasiga la dooda, qudhooda wacyi-geliya ama waxbara, marin habowgana uga diga.

Aqoonyahanka ama tacliinleyda Soomaalida waa lagu hungoobay, waxayna safka hore kaga jiraan inta ummaddani ka gablantay. Kaalintaas aan bannaynay ayaa u suurtagelisey qabqab-layaasha siyaasadda iyo qabyaalad wadeenka in ay ku keliyaystaan hoggaaminta habka bulshadu u fekerto, in ay ku guulaystaan beerista dhaqan-siyaasadeed sumaysan: inay maandooriyaan wacyiga dadka, taasina keento in la marin-habaabo oo middiyaha la isku afaysto halkii laga shaqayn lahaa horumar looga qaybgalo tartanka quruumaha dunida qarniga 21-aad.

Waa sidaas Dr. Afrax uu sheegaye, aoonyahanka Soomaalidu wuxuu qayb ka noqday dhaqan-siyaasadeedka gurracan ee bulshada Soomaaliyeed lagu burburiyey, halkii loo baahnaa inuu bulshada garab-istaago, dhinaceeda kasoo jeesto, una iftiimiyo dabinnada loo maleegayo iyo siyaasadaha gurracan ee lagula dhaqmayo.

Kaalinta laga sugayo aqoonyahanka Soomaaliyeed

Aqoonyahan waxaa lagu tilmaami karaa oo keliya ruuxii ficil ku muujiya inuu yahay indheer-garad maskaxdiisu cilmi iyo awoodba u leedahay inay curiso fikrado ummadda u gudba aqoonna ku kordhiya. Waa qalad qof kasta oo shahaado sita in uu isku magacaabo ama isu qaato “aqoonyahan”.

Waxa waajib ah in qofkasta oo aqoonyahan ah uu ka soo baxo doorkii lagu yaqaanay aqoonyahanka ee xaga horumarka bulshada iyo ka shaqaynta midnimada, inkastoo ay jiraan maanta kumanaan aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dunida dacalladeeda ku kala baahsan; balse aanay maanta jirin wax midnimo ah oo ka dhaxaysa aqoonyahanka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, waxaa la oran karaa waxay gabeen kaalintoodii ay ku lahaayeen bulshada iyo horumarka dalka iyo dadka. Laakiin waxaa loo baahanyahay aqoonyahan dhab ah oo dadkiisa iyo dalkiisaba wax tara, ugana faa’ideeye aqoontii uu soo bartay bulshada. Waa inuu yahay mid buuxiya kaalinta uu ku leeyahay bulshadiisa una tafaxayta sidii uu isagu uga qayb qaadan lahaa horumarka bulshada, hormuudna ugu noqon lahaa midaynta aqoonyahanka iyo bulshada inteeda kale. Aqoonyahan kasta waa inuu ka sheqeeyo midnimada, Horumarka, sare u qaadidda wacyiga iyo wax wada qabsiga bulshada si meel looga soo wada jeesto dhibaatooyinka dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee bulshada haysta loona gaaro horumar waara oo bulshadu ku naalooto.

Shacabka Soomaaliyeed waxay noqdeen maato caano leh, dad dayacan oo aan la xisaabtamayn aqoonyahan iyo siyaasi midnaba, dad aan damiir lahayn, xumaanta ka dhiidhiyin,  wacyigoodu aad u hooseeyo, xuquuqdooda aan garanayn, siyaasi ma naxe ahi hadba meeshuu rabo u jiheeyo, dhib kasta oo soo gaarana aan wax damqasho iyo dareen ah muujinayn, waakan Dr. Afrax oo Soomaalida xaaladdeeda ku matalay laba wiil: (wiil habaaran) oo ah damiir laawayaasha gacanta ku dhigay awoodda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee dalka, awooddaas oo ay si aan xishood lahayn ugu adeegsadeen dano shakhsi ah oo aan waarayn, kuna burburiyeen danihii ummadda ee ay kitaabka u mareen ilaalintooda.

Qolada labaad (wiilka doqonka ah) waa shacbiga caadiga ah oo garan kari waayey in ay meel uga soo wada jeestaan, iska qabtaan ama ugu yaraan ka daba haraan kuwaas ubadkooda aaya tiraya. Waxaa lagu sakhraamiyey beer-laxawsi qabiil oo hal nin oo dhagar-qabe ah dantiisa gaaban ku fushanayo waqti kooban, inta kalena uu ka dhiganayo xaabo uu dabka ku shito.

Nooca aqoonyahanka ay bulshada Soomaaliyeed u baahantahay

Hadaba; qofka aqoonyahanka ah waxa lagarabaa inuu wax badan ka beddelo bulshada uu la noolyahay:

  1. Aqoonyahanku waa inuu yahay qof Muslim ah, ku dhaqma diinta Islaamka, yaqaanna waxa u xalaala iyo waxa ka xaaraana, ku dadaala gudashada Salaadda, Soonka, Sakada iyo wixii Rabbi faray oo dhan, kana fogaada waxyaabaha Alle ka xarrimay oo dhan.
  2. Aqoonyahan qadariya dhaqanka soo-jireenka ah ee Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahan ay ku wayntahay waxbadan oo dhaqanka Soomaaliyeed huwan yahay oo ay ka mid yihiin, waddan jacayl, deeqsinimo, marti soor, gaadiid celis, xoola gooyo, dhibaad, lahaanshaha gaar ahaaneed, daacadnimo, is qaddarin iyo wadanoolaasho, hawlkarnimo iyo suugaan jaceyl.
  3. Aqoonyahan la jaanqaadaya ka-qaybgalka aqoonta iyo tiknooloojiyada adduunyada horumartay, tacliintu, haba lagu kala horumarsanaadee waa dhaxal dadyoowga adduunka ka dhexeeya, ummad walibana rabto inay hanato si ay dadkeeda ugu diyaariso nolol fiican iyo barwaaqo.
  4. Waa inuu yahay qof xambaarsan fikrad, wixii uu bartayna uga faa’ideeya bulshada dhinac walba ay tahayba, waayo waxa uu wax u bartay waa dadkiisa iyo dalkiisa; laakiin maaha inuu yahay qof dadka u sheegta aqoonyahan, kuna raadiya magac iyo sumcad u gaar ah oo aan waxba u soo kordhinayn bulshada uu la nool yahay.
  5. Aqoonyahanku waa inuu bulshada ku dhiiri-geliyaa midnimada, wadajirka, waddan jacaylka, wax wada-qabsiga iyo horumarka, kana fogyahay qabyaaladda, musuqa, nin jeclaysiga, eexda iyo dhammaan falalka gurracan ee bulshada kala gaynaya, horumarkoodana dhantaalaya.
  6. Qofkasta oo aqoonyahan ah waxa laga rabaa inuu ogaado inay maanta tahay maalintii aqoonyahanka lagu baxsan lahaa, kana shaqeeyo sidii uu dalku ku gaari lahaa xasillooni siyaasadeed, koboc dhaqaale, amni sugan, iyo adeeg bulsho oo la gaarsiiyo goob kastaba; iyagoo maskaxda ku haya inay yihiin cidda toosin karta qallooca galay siyaasadda dalka, xakamayn karta siyaasiga bahaloobay, sarena u qaadi karta wacyiga bulshada si ay uga dhiidhido xumaha iyo falalka gurracan ee loo maleegayo.
  7. Aqoonyahanku waa inuu dareensanyahay masuuliyadda kaga aaddan dadkiisa iyo dalkiisaba, ogaadaana in Alle kula xisaabtami doono wixii uu bartay hadduusan uga faa’idayn bulshada, waajibka saaranna uusan gudan. Waxaynu ognahay in maanta bulsho kasta oo dunida ku nooli ay ku horumartay aqoonyahanno u dadaalaya sidii dadkooda iyo dalkooda ay u gaarsiin lahaayeen dayaxa guudkiisa iyo meesha sare ee ay higsanayaan.

Gunaanad

Soomaaliya waxaa soo gaaray bur-bur ay la nooshahay muddo ku dhow afartameeyo sano, kaasoo saameeyey nolosha qof kasta oo Soomaali ah dhinacyada; siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, wada-noolaashaha, midnimada iyo isku haynta dalka, iyo ilaalinta madaxbannaanida.

Cid kasta oo Soomaali ah mas’uuliyad baa ka saaran dalkiisa iyo dadkiisa; balse aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa si gaar ah u saaran inuu ka fekero sidii dalka loo badbaadin lahaa, looga saari lahaa xaaladda uu ku jiro ee hubinta la’aanta ah, loona gaarsiin barri-amaan lagu noolaan karo, barwaaqo iyo horumarna lagu gaari karo.

Aqoonyahanka waxaa looga fadhiyaa inuu qaato doorka xakamaynta siyaasiga bahaloobay ee aan dal iyo dad midna dan u hayn, una nool naftiisa iyo inta xigtadiisa ah oo keliya, siyaasiga dabeecadda ay u noqotay musuqa, eexda, qabayaaladda, kala fogaynta iyo kala dilidda bulshada Soomaaliyeed. Aqoonyahanku waa midka u qareema bulshada, danahooda ka shaqeeya, wacyigooda sare u qaada, una tilmaama waxkasta oo dan u ah oo ay ku gaari karaan karaamo iyo nolol wanaagsan.

Maraajicda

  1. Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, Qaamuuska Af-soomaaliga, Roma TrE-Press, 2012.
  2. SomaliTalk.com » Doorka Aqoonyahanku ku leeyahay Bulshada. Q/2aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar
  3. زكي نجيب محمود، هموم المثقف، 2017
  4. Dr. Afrax, 2010: Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay.
Qoraaga
Dr Mohamed Ali
Dr Mohamed Aliwaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link