Isbeddelka Xalinta Khilaafaadka iyo Kororka Dilalka Puntland: Xaalad u Baahan Farsamo Cusub

Hordhac

Bulshada reer Puntland waxay muddo dheer ku caan ahayd nabad iyo wada-noolaansho ku dhisan hab-dhaqan xeer-dhaqan leh oo awood u lahaa xallinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda. Xilligii hore, marka muran ama dhibaato dhacdo, odayaasha dhaqanka ayaa door muuqda ka ciyaari jiray dejinta xaaladda, iyagoo adeegsan jiray garaadkooda, waayo-aragnimadooda iyo xeer-dhaqameed sugan oo ay bulshada oo dhan wada aaminsantahay.

Dilalku waxay inta badan ahaayeen kuwo shakhsi ah, ku dhisan caro ama muran gaar ah, halka dambiyada abaabulan iyo aanooyinka qabiilka ay aad u yaraan jireen. Xaaladdaasina waxay suurtagelisay in lagu wada noolaado xasillooni bulsho iyo mid nafsadeed.

Isbeddelka casriga iyo burburka nidaamkii dhaqanka

Si kastaba ha ahaatee, sannadihii u dambeeyey waxaa si degdeg ah isu beddelay qaabkii bulshada ee is-maamulka iyo xallinta khilaafaadka. Tiknooloojiyada casriga ah, sida baraha bulshada iyo isgaarsiinta degdega ah, ayaa kaalin weyn ka qaadatay kala daadsanaanta nidaamkii hore ee ab-lagasoogaarka ahaa.

Garniqidii odayaasha dhaqanka ee geedka lagu falanqayn jiray wixii jira oo khilaafaad ah, waxaa beddelay guruubyo WhatsApp ah, halkaas oo ay fikrado iyo eedeymo ka dhiiban karaan cid kasta, iyada oo aan la tixgelinayn waayo-aragnimada ama xushmaddii talo wadaagga ee jirtey. Tani waxay dhalisay jaahwareer iyo kala qaybsanaan, iyadoo taladii dhaqanka ay noqotay mid aan lahayn miisaan iyo mudnaan.

Dhinaca kale, isbedelka dhaqaalaha ayaa sababay in awooddii dhaqaalaha ee odayaasha iyo ganacsatada hodonka ahayd ay gacanta u gasho dhallinyaro aan lahayn waayo-aragnimo siyaasadeed ama bulsho. Dhalinyaradaasi mararka qaar waxay khilaafaadka u rogaan arrimo lagu kasbado sumcad ama taageero bulsho, halkii ay nabad ka dooran lahaayeen.

Dhaqankii iyo caqligii hore ee aan la casriyayn

In kasta oo isbeddelka tiknooloojiyadeed iyo bulsho uu saameeyay bulshada inteeda kale, haddana odaygu weli waxa uu xaajada ugu jiraa qaabkii hore ee ahaa qoor-dhiibashada iyo guddoon rididda. Wuxuu wali u haystaa in reerkiisu ay aaminsanyihiin karaamadiisa iyo in ducadiisu ay miisaan leedahay.

Hase yeeshee, jiilka cusub iyo habka casriga ah ee is-gaarsiinta ayaa meesha ka saaray halgankii xushmadda iyo talada waayeelka, taas oo dhalisay kala go’naan iyo daciifnimo guud oo ku timid doorkii dhaqanka ee hore.

Kororka dilalka iyo aanooyinka cusub

Waxaa soo baxay dilal isdaba joog ah oo aan sal lahayn, kuwaas oo u eg tartan ama aargoosi ku dhisan car iyo wir. Rag aan dalka joogin oo ku sugan dibadda ayaa mararka qaar qayb ka noqda kicinta colaadaha, iyagoo u isticmaala baraha bulshada sidii goob dagaal.

Waxaa muuqata in aanooyinka qabiilka ay dib u soo cusboonaadeen, gaar ahaan magaalooyinka sida Galkacyo, halkaas oo dil kasta uu sababo dil kale, iyada oo aan la helin nidaam lagu qanco oo mideeya habka wax loo xalliyo.

Maxaa sababay duugoobidda tabihii hore ee xallinta khilaafaadka?

Tiknoolajiyada iyo kala go’a bulshada ayaa sababtay in baraha bulshada lagu beddelo wadatashigii dhaqanka, iyadoo doodaha iyo xanta qoyska laga dhigay kuwo si fagaare ah loogu falanqeeyo.Sidoo kale, dhaqaalaha ku dhisan tartan iyo sumcad ayaa dhalisay in awoodda dhaqaale ay gasho gacanta jiil dhallinyaro, taas oo keentay in la waayo dadkii waaweynaa ee dhexdhexaadka ahaa oo ahaan jiray laf-dhabarta isku haysa bulshada.

Awooddii odayaasha ayaa daciiftay, maadaama oday dhaqameedka maanta jira ay weli ka fakarayaan qaabkii hore, halka bulshada inteeda kale uu isbedel ballaaran ku yimid gaar ahaan meelihii talada laga heli jiray. Dhanka kale, dowladdu ma leh awood ciidan iyo sharci fulin sugan oo xakamayn kara falalka dilalka iyo aanooyinka, taas oo sii xoojisay fawdada iyo kala dambayn la’aanta bulshada.

Sidoo kale waxaa jira magangelyada dilayaashu ka helaan maamul kale, tusaale waxaa jira xaalado badan oo dilayaal dambiyo ka gaystay Puntland ay magan iyo gabaad ka heleen maamulada deriska ah sida Galmudug, iyo sidoo kale dilayaal kasoo jeeda Galmudug ay gabaad ka heleen Puntland. Tani waxay keentay in ay sii adkaato in caddaalad la helo, isla markaana ay sii kordhaan aanooyin iyo aargoosiyo joogto ah, maadaama dambiilayaashu helaan meel ay ku dhuuntaan. Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug weli ma aysan qaadan siyaasad cad oo mideysan oo ku saabsan soo qabashada iyo is-weydaarsiga eedeysanayaasha, taas oo ah caqabad weyn oo nabadda hortaagan.

Talooyin iyo farsamooyin lagu xallin karo xaaladda

  1. Dib u dhis nidaamka dhaqanka
    • Waa in la sameeyaa golayaal dhaqameed casri ah oo si rasmi ah ula shaqeeya dowladaha hoose, isla markaana leh awood sharciyeed iyo dhaqaale.
  2. Xoojinta doorka dowladda
    • Dowladda waa inay hirgelisaa ciidan nabadgelyo gaar ah, oo hubka dhigista ka sameeya magaalooyinka halista ah, laguna dhiirrigeliyo wada shaqeyn ka dhexeysa bulshada iyo booliiska.
  3. Dib-u-habeyn nidaamka xeerarka maxalliga ah
    • Waa in la isku keenaa xeer dhaqanka iyo sharciga dowliga ah, si loo abuuro nidaam isku dhafan oo ku dhisan caddaalad iyo wadajir.
  4. Xaalad degdeg ah (Marshal Law) magaalooyinka khatarta leh
    • Magaalooyinka qaar ee dilalka iyo aanooyinka lagu soo noqnoqday waa in lagu soo rogaa xaalad degdeg ah muddo kooban, si loo adkeeyo xasilloonida.
    • Waa in la sameeyaa ciidanka xasillinta oo leh dammaanad qaran, kana madax bannaan eedda shakhsiyeed ee dil, maadaama ay yihiin ciidan fulinaya waajibaad qaran.
  5. Wacyigelin iyo barnaamijyo bulsho
    • Hay’adaha bulshada, culimada iyo warbaahinta waa inay hormuud ka noqdaan olole lagu dhiirrigelinayo nabadda, isla markaana lagu dhaleeceynayo dhaqanka dhiigga iyo aanooyinka.
  6. Ka hortag hore
    • Kiis kasta oo khilaaf ah waa in la xaliyo ka hor inta uusan dhiig ku daadan, iyadoo odayaasha iyo booliisku si wadajir ah u shaqeeyaan.
  7. Mas’uuliyad wadareed
    • Qabiil kasta waa in uu qaataa mas’uuliyad guud oo ku saabsan nabadda, kana fogeeya dhallinyarada dhiigga ku kacda.

Gunaanad

Isbeddelka ku dhacay qaab-dhaqankii hore ee xallinta khilaafaadka Puntland waa mid aan la iska indho tiri karin. Tiknooloojiyada, dhaqaalaha iyo isbeddelka jiilasha ayaa dhaliyay xaalad cusub oo u baahan farsamo cusub oo isku dhafaysa dhaqanka iyo dowladnimada.

Si loo joojiyo dilalka iyo aanooyinka, waa in la helaa isfahan bulsho oo cusub oo ku dhisan wadajir, caddaalad iyo ixtiraamka waayeelka iyo dowladnimada labadaba. Puntland waxay weli haysataa fursad ay dib ugu dhisto sumcadda nabadda iyo wada noolaanshaha, balse taasi waxay u baahantahay in la qaato tallaabooyin degdeg ah oo dhab ah.

Ugu dambayn; dowlad iyo shacabba waa inaan u dhug lahaanno in xallinta khilaafkaa, yaraynta colaadaha, xasaradaha iyo dilalka bulshada ka dhex dhaca, ay horseed u tahay horumar, koboc dhaqaale, is-qaadasho bulsho iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta.

Qoraaga
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)Waa qoraa iyo sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee SIDRA Institute, oo leh khbrad nidaamka caddaaladda Soomaaliya, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link