Soomaaliya: Maxay siyaasadu u saldhigan weyday, xagee iska qaban la’dahay?

Hordhac

Marka hore, si aan u fahano qeexista iyo macnaha siyaasadda bal aan eegno sida ay ku sifeeyeen ama ku qeexaan aqoonyahanada cilmiga siyaasaddu (Political scientist), Harold Lesswell, (1936), Wuxuu siyaasadda ku macneeyey in ay tahay qaybinta khayraadka iyo awooddaha bulshada dhexdeeda (distribution of power and resources). Harold wuxuu xoogga saarayaa in bulshada qaybaheeda kala duwan loogu qaybiyo khayraadka dalka si siman sidoo kale awoodda dalka ay tahay in shacabku leeyahay sida loogu qaybinayana ay saldhig u tahay shuruuc iyo nidaamyo heshiis lagu yahay oo la raaco lana wada ilaashado.

Andrew Heywood (1997), wuxuu siyaasadda ku qeexay inay tahay shaqo dadku ku sameeyaan, ku dhowraan, kuna bedelaan sharciyadooda guud oo noloshooda khuseeya, wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhimada ay leedahay dejinta shuruucda bulshada lagu dhaqayo dantoodana lagu ilaalinayo, iyo sidoo kale xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda.

Bernard Crick (1962) wuxuu siyaasadda ku macneeyey hab dhaqan dadku isku maamulaan, ku xalliyaan khilaafkooda, iyagoo dariiqa wada hadalka iyo isu tanaasulka u maraya kana fogaanaya adeegsiga xoogga iyo qalalaasaha, wuxuu hoosta ka xariiqayaa muhiimada dariiqa wada xaajoodka nabdoon uu u leeyahay horumarinta siyaasada.

Qeexidaha kor ku xusan oo sadexdaas caalim siyaasadeed waxay ka simanyihiin muhiimada siyaasaddu siinayso, qaybinta awooda iyo khayraadka, xallinta khilaafaadka iyo dejinta shuruuc dadku isku raacsan yihiin oo ay ku dhaqmaan ilaashadaanna.

Haddaba; ma jiraa xiriir ka dhexeeya siyaasadda iyo danaha shakhsiga ah ama danaha koox gaar ah, sideese siyaasadu u qaabaysaa danta shakhsiga ah?

Culimo badan oo siyaasadda wax ka qoray waxay ku doodaan shakhsiyaadka ka qayb galaya siyaasadda muhiimadooda koowaad waa inay ilaaliyaan ama horumariyaan danahooda dhaqaale, bulsho iyo afkaareed. Anthony Downs (Economic theory of democracy, 1957) wuxuu ku doodayaa cod bixiyayaashu waa inay u dhaqmaan si macquul u ah ayna xulashadooda siyaasadeed ku saleeyaan wixii dantooda anfacaya, Downs wuxuu aaminsan yahay in siyaasadu tahay suuq ay jilayaasha siyaasadu ku tartamaan iyagoo soo bandhigaya siyaasado waafaqaya danaha shaqsi taas oo uu ku macneeyey inay ururrada shaqaalaha, ururada ganacsatada, xisbiyada siyaasaddu ay matalaan danaha shaqsiyaadka iyo kooxaha hadba intii dantoodu isku xirantahay waxayna kooxahaasu saamayn ku yeeshaan siyaasadda si ay u ilaaliyaan danahooda.

Danaha gaarka ahi waxay ku dhiiri geliyaan daneeyayaasha inay siyaasadda ka hawlgalaan iyagoo u maraya dariiqa codaynta iyo xodxodashada siyaasadeed (Voting and lobbying). Mancur Olson (The logic of collective action, 1965) wuxuu taxliil weyn ku sameeyey sida shaqsiyaadka wadaaga dan gaar ah ay u dhaqaajin karaan siyaasadda iyagoo isku duuban xoogana aan saarayn dan shaqsi oo kooban. Jilayaasha siyaasadu waxay isticmaalaan fikrado ka turjumaya hadafkooda siyaasadeed (Political ideology), dowaldaha iyo asxaabta siyaasaduna waxay ku dhismaan oo saldhig u ah afkaarta siyaasadeed oo ay aaminsan yihiin (ideologies).

Fahamka Soomaalida ee  siyaasadda

Inta badan Soomaalidu waxay siyaasadda u fahansiyihiin khiyaano, qofka siyaasiga ah waxay ka aaminsan yihiin inuu yahay qof afkiisa iyo uurkiisu ay is khilaafsan yihiin, qof waxa uu sheegayaa aysan dhab ka ahayn, ceeb uma arkaan in siyaasadda la musuqmaasuqo oo lacag lagu kala qaato, ma jiraan mabaaddii siyaasada Soomaalidu salka ku hayso; balse waxaa cad in siyaasadda Soomalida ay saldhig u tahay dan shaqsi, qabyaalad iyo ku tiirsnaan dowlado shisheeye, habka uu qofku madaxnimo ku gaaraana ay tahay inuu isticmaalo qabyaalad, laaluush iyo inuu taageero dhaqaale ka raadsado ajnabi. 

Inta badan Soomaalidu ma fahansana in siyaasadu tahay furaha waxkasta, haddii ay siyaasadu hagaagi weydo ama xasili weydo dhaqaaluhu ma hagaagayo, ammaanku sidoo kale, xasilooni siyaasadeed baa abuurta amni iyo dhaqaale wanaagsan. Marna siyaasadda Soomaalidu ma helin xasillooni.

Qabyaaladda iyo siyaasadda Soomaalida

1960-kii markii xornimada la qaatay, dalka Soomaaliya waxaa laga hirgeliyey nidaanka asxaabta badan, asxaabtii la sameeyey waagaas kuma dhisnayn afkaar siyaasadeed (political ideology), waxay taageero ka raadsan jireen deegaamada qabiilkoodu degan yahay, inkasta oo meelaha qaar ay jirtay dad laga soo dooran jiray deegaamo aan qabiilkoodu u badnayn; haddana qabyaaladu saameyn weyn ayay markii dambe ku yeelatay nidaam siyaasadeedkii Soomalidu ku dhaqmaysay. Ilaa hadana qabyaaladu kaalin weyn bay ku leedahay siyaasadda, tusaale, qof Soomaali ah oo ku nool meel ka mid ah Soomaaliya wuxuu aad ugu farxaa in qof ay isku hayb yihiin uu dowladda madax ka noqdo, laga yaabee qofkaas in uusan aqoon u lahayn; laakiin uu yaqaan inay isku qabiil yihiin. Su’aalaha ay Soomaalidu waqtiga ku lumiyaan inay ogaadaan waa qabiilka uu ka dhashay qofka madaxda ah, laakiin isma waydiiyaan qofkaan madaxda ah qorshahiisa dowladeed iyo afkaarta uu soo bandhigay oo uu ku hormarinaayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Danaysiga shaqsiga ah iyo siyaasadda Soomaalida

Inta badan siyaasiga Soomaaliga ahi wixii dantiisu maalintaas ku jirto buu siyaasad fiican u yaqaan, haddii shalay wuxuu diidanaa uu maanta dantiisa ka dhex arko wuxuu oranayaa waa arrin wanaagsan waana ku dagaalamayaa.

Sidoo kale, inta badan siyaasiga Soomaaliga ah markii uu kursiga ugu sarreeya ku fariisto, afar arrimood buu xoogga saaraa; kow, waa inuu dhaqaale badan ka sameeyo xukunka, labo, waa inuu qoyskiisa ka xoolaysiiyo, saddex, in saaxiibadiis ay xoolaystaan, iyo tan afraad oo ah in uu ka shaqeeyo sidii uu xukunka u sii joogi lahaa. Ma jiraan shuruuc xannibaya ama xakamaynaya Madaxweynaha, sharcigu isaga ma qabto, isaguna ma ixtiraamo, ku dhaqanka sharciga (rule of law) meeshaba ma yaal. Badanaa waxaa sharciga lagu ciqaabaa shacabka ama dadka shaqaalaha ah, taas macneheedu waxa weeye ninkii xoog leh sharciga isna ma ixtiraamo lagumana dhaqi karo. 

Qofka madaxda ahi waa tusaale (role model), wuxuu noqon karaa tusaale wanaagsan ama tusaale xun, hadba sida uu u dhaqmo, saamayn bayna ku yeelanaysaa dadka uu xakumo ama la shaqeeya, iyo sidoo kale bulshada guud ahaan, waa sababta loo yiraahdo hoggaamiyaha wanaagsani isbedel buu keeni karaa markii uu naftiisa ka bilaabo, inta ka hooseysana waa ku dayanaysaa, shacab weynuhuna sidoo kale hab dhaqankiisu saamayn buu ku yeelanayaa.

Laaluushka iyo siyaasadda Soomaalida

Waxaa dhaqan iyo caado noqotay in qofka madaxnimo rabaa sida keliya uu ku gaari karaa ay tahay inuu helo lacag badan oo uu laaluush u bixiyo; bal eeg doorashooyinka Soomaaliya ka dhaca, ma xasuusan kartaa doorasho kasta inta lacag lagu kala qaatay, hadday ahaan lahayd doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka? Inta badan lacagtaas waxay ka timaaddaa dibada ama dalal shisheeye, waa fasahaad ku dhacay siyaasadda Soomaliada, dadka wax dooranayaa waxa keliya oo ay qiimeeyaan waa in ay faa’iidaan lacag waqtigaas, codkoodana gataan, iyagoo weliba u tegaya musharax kasta oo lacag ka qaadanaya. Barnaamjika tartmayaashu soo bandhigaan  iyo shaqsiyadda qofka waxaa ka muhiimsan laaluushka la qaadanayo. Ma jiro cod bixiye qiimeeya barnaamijka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo ay tartamayaashu soo bandhigaan, kaasoo codka uu bixinayo ku saleeya oo kala doorta barnaamijka waxqabad ee tartamayaasha, shaqsiyadooda iyo taariikhdooda wax qabad.

Gunaanad

Inta fahamka dadka Soomaaliyeed ay ka qabaan siyaasadda uu isbedelayo, wacyigoodu hagaagayo,  siyaasadana loo fahmayo inay tahay wax danta dadka iyo dalka lagu hagaajinayo, oo aan dan shaqsi ah u adeegin ee danta guud u adeegta, ee ku dhisan mabaadii oo aan ku dhisnayn danta shaqsiga ah ee maanta taagan, aan laga xoolaysan ee dadka noloshooda lagu hagaajiyo,  qofka siyaasiga ah oo xilka raadinaya lagu qiimaynayo waxqabadka uu soo bandhigo iyo ajandihiisa siyaasadeed, dhaqaale iwm ee aan lagu qiimaynayn iyo qabiilkee yahay, muxuu laaluush bixin karaa si uu madaxnimada u iibdsado. Inta fikirka noocaas ahi jiro siyaasadda Soomaalidu ma saldhigan doonto, waxna kama hagaagi doonaan.

Qoraaga
Ahmed Said Aw-nur
Ahmed Said Aw-nurwaa khabiir muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeynayay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu madax ka noqday hay’ado caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link