Haddii aad tahay injineer doonaya in uu ku fara-yaraysto guri casri ah oo qurux badan, xaggee baad marka koowaad shaqada ka bilaabi lahayd? Ma dhismaha daydka guriga? Ma kan qolalka? Ma dhiraynta? Mise shubabka?
Xaqiiqadu waxay tahay in injineer kastaa ay tahay in uu marka hore diyaariyo naqshadda (design-ka) guriga. Naqshaddu waa tan qeexda sida gurigu u ekaan doono marka la dhammeeyo, inta qol ee uu yeelan doono, halka uu albaabkiisu ahaan doono, tayada guriga laga filayo in uu yeesho iyo wixii la mid ah. Intaas ka dib ayaa injineerku ka fakarayaa dhammaan agabka uu u baahanyahay si uu dhiso guriga uu sawirkiisa haysto. Gurigaasu in uu noqdo mid waayo jira iyo in uu noqdo mid aan waarin, waxa ay ka bilaaban doontaa qaabka loo naqshadeeyo oo lagu daray agabka galaya iyo xirfadda fuundiyaasha dhisi doona.
Sidaas oo kale, siyaasadda waxbarashadu waa naqshadda bulshada iyo jiilka mustaqbalka. Waa qorshaha lagu sawirayo nooca kaadirka la doonayo inuu ka soo baxo dugsiyada iyo jaamacadaha dalka. Marka uu kuu sawiranyahay nooca ardayga ee aad doonaysid in uu kuu soo baxo ka dib ayaad ka fakari kartaa wax kasta oo aad u baahantahay si aad mustaqbalka aad u heshid ardayga kuu sawiran oo sax ah. Si kooban, siyaasadda waxbarashadu waa halka laga suureeyo mustaqbalka jiilka soo baxaya iyo si guud sida uu deegaankaasu u ekaan doono.
Siyaasadda waxbarashadu waa xeerar, mabaadi’, himilooyin iyo qorsheyaal hagaya nidaamka waxbarashada ee dal ama maamul. Waxa ay qeexdaa waxa la dhigayo, cidda la barayo, sida loo barayo, cidda mas’uulka ka ah, iyo natiijada laga doonayo nidaamka waxbarashada. Siyaasaddu ma aha oo keliya dukumenti; waa jihada iyo falsafadda hagaysa waxbarashada qaranka.
Muhiimadda Siyaasadda Waxbarashada
Siyaasad waxbarasho la’aanteed, waxbarashadu waxa ay noqon kartaa jaantaa rogan ay iskuulladu soo saaraan qofka ay doonaan, jaamacaduhuna door bidaan sidii ay ugu badiso. Haddaba, waxaa jira muhiimmado dhowr ah oo ay siyaasaddu gaar la tahay oo ay ka mid yihiin:
- Siyaasaddu waxa ay mideysaa jihada waxbarashada.
- Waxa ay xaqiijisaa tayada iyo heerarka waxbarasho.
- Waxa ay ilaalisaa qiyamka, dhaqanka iyo aqoonsiga bulshada.
- Waxa ay soo saartaa shaqaale iyo xirfadlayaal ka turjumaya baahida rasmiga ee dalkaas.
- Waxa ay taageertaa horumarka dhaqaale iyo bulsho ee deegaanka.
- Sidoo kale waxa ay yareysaa sinnaan la’aanta waxbarashada.
Siyaasadda Waxbarashada Puntland
Waxa ay igu qaadatay waqti dheer ah in aan helo siyaasadda waxbarashada Puntland. Waxa aan go’aansaday in aan ka bilaabo baaristeeda Website-ka rasmiga ah ee Wasaaradda Waxbarshada, nasiib-darro se waxa aan helay farriin sheegaysa in website-ka waasarradu uusan hawadaba ku jirin oo uusan xilligaan shaqaynayn. Waxa aan ku xijiyey in aan ka baaro maamuleyaasha dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ba, waxa aan u gudbay jaamacado, ka dibna xafiisyo tiro beel ah oo wasaaradda ah, intaba iigama suuroobin in aan helo siyaasadda waxbarshada ee Puntland. Wareeg dheer ka dib waxa aan ka helay mid ka mid ah saraakiisha wasaaradda. Arrintani waa mid ka mid ah dhaliilaha ugu waaweyn ee shaki galin kara dhaqan-galinteeda.
Siyaasaddani waa mid ku taariikhaysan in dib u eegis lagu sameeyey Feebaraayo 2024. Waxa aan ka samayn doonnaa taxane aan ku eegayno waxa ka hirgalay iyo waxa ka dhimman, waxa aanse maqaalkaan koowaad xoogga ku saari doonaa haddii Rabbi idmo arrimaha ay xoogga saarayso iyo si guud dhaliilaha ay leedahay lafteedu inta aan hirgalinteeda la gaarin.
Siyaasadda waxbarshada Puntland si guud waxa ay tilmaamaysaa qaab-dhismeedka waxbarashada, laga bilaabo waxbarashada carruurnimada hore ilaa tacliinta sare, iyadoo sidoo kale xoogga saaraysa waxbarashada farsamada iyo xirfadaha, waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxbarashada dadban, tayeynta manhajka, tababarka macallimiinta, nidaamka imtixaanaadka, hubinta tayada waxbarashada, iyo maamulka hay’adaha waxbarashada. Sidoo kale, waxa ay qeexaysaa himilooyinka, ujeeddooyinka, iyo istaraatiijiyadaha lagu hagayo horumarinta waxbarashada Puntland, iyadoo isku dayaysa inay abuurto nidaam waxbarasho oo loo wada siman yahay, tayo leh, isla markaana la jaanqaadi kara baahiyaha bulshada iyo isbeddellada dunida casriga ah. Haddaba, inkasta oo siyaasaddu si ballaaran u taabanayso dhinacyo badan oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada, haddana waxaa jira dhaliilo ay tahay in la saxo.
Dhaliilaha jira iyo dhammaystirkooda
Inkasta oo Siyaasadda Waxbarashada Puntland ee 2024 ay xambaarsan tahay himilooyin waaweyn iyo aragti ku salaysan horumarinta tayada waxbarashada, haddana marka si qoto dheer loo falanqeeyo waxaa muuqanaya dhowr arrimood oo muhiim ah oo u baahan dib-u-eegis, xoojin, iyo waafajin la jaanqaadaysa isbeddellada degdegga ah ee dunida casriga ah. Siyaasad kasta oo waxbarasho oo lagu saleeyo mustaqbal fog waa in ay awood u leedahay in ay saadaaliso caqabadaha soo socda, isla markaana ay diyaargarow u samayso jiilka la filayo in uu hoggaamiyo bulshada sannadaha dambe. Marka laga eego dhinacaas, siyaasaddan waxaa ku jira dhaliilo dhowr ah oo mudan in la dhammaystiro.
Marka koowaad, siyaasaddu ma siin mudnaanta ay mudan tahay kacaanka tiknooloojiyadda iyo isbeddelka dhijitaalka ah ee maanta dib u qaabaynaya habka waxbarashada, shaqada, iyo nolosha guud ahaan. Maanta dunidu waxa ay ku socotaa xawaare ay horseedayaan garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence) iyo tiknooloojiyado kale oo casri ah. Carruurta maanta fadhiya kuraasta fasallada hoose waxay u badan tahay inay mustaqbalka galaan suuq shaqo oo gebi ahaanba ka duwan kan maanta jira. Sidaa darteed, siyaasad waxbarasho oo doonaysa inay diyaariso jiil tartan la geli kara caalamka waa in ay si cad u qeexdaa qorshayaal lagu kobcinayo STEM (Science, Technology, Engineering and Mathematics), coding, digital literacy, iyo xirfadaha qarniga 21-aad. Inkasta oo siyaasaddu mararka qaarkood xusayso tiknooloojiyadda, haddana kama muuqato aragti istaraatiijiyadeed oo qoto dheer oo ku saabsan sida ardayda Puntland loogu diyaarinayo dunida dhijitaalka ah ee soo socota.
Marka labaad, siyaasaddu waxay si faahfaahsan uga hadlaysaa yoolal, himilooyin, iyo istaraatiijiyado badan, balse si cad uma qeexayso ilaha dhaqaale ee lagu hirgelinayo qorshayaashaas. Taariikh ahaan, caqabadda ugu weyn ee hortaagan siyaasado badan oo Afrika laga hirgeliyo ma ahan fikradaha ku qoran waraaqaha, balse waa awoodda dhaqaale ee lagu fulin karo. Sidaas darteed, qorshe kasta oo horumarineed wuxuu u baahan yahay hannaan maaliyadeed oo qeexan, miisaaniyad lagu kalsoonaan karo, iyo istaraatiijiyad lagu xaqiijinayo joogtaynta maalgelinta. Haddii aan la helin qorshe dhaqaale oo cad, waxaa jirta khatar ah in himilooyinka quruxda badan ee siyaasaddu ay ku ekaadaan qoraal aan si dhab ah uga muuqan goobaha waxbarashada.
Marka saddexaad, inkasta oo siyaasaddu xoogga saarayso tayada waxbarashada iyo ballaarinta helitaanka adeegyada waxbarasho sida ku qoran, haddana xiriirka ka dhexeeya waxbarashada iyo suuqa shaqada wali uma muuqdo mid si qoto dheer loo dhisay. Mid ka mid ah su’aalaha ugu muhiimsan ee ay tahay in ay siyaasaddu ka jawaabto ayaa ah: xirfado noocee ah ayay Puntland u baahan doontaa tobanka ama labaatanka sano ee soo socda? Jawaabta su’aashaas ayaa saldhig u noqon lahayd qorshaynta manhajka, tababarka macallimiinta, iyo kobcinta waxbarashada farsamada iyo xirfadaha. Haddii waxbarashadu ka go’do baahiyaha dhabta ah ee dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, waxaa sii kordhi kara farqiga u dhexeeya aqoonta ay dugsiyadu bixiyaan iyo xirfadaha ay bulshada iyo suuqa shaqadu u baahan yihiin.
Marka afraad, siyaasaddu si kooban ayay uga hadlaysaa daryeelka ardayda, balse si ku filan ugama hadlin caafimaadka maskaxda iyo adeegyada la-talinta ee dugsiyada. Xilligan casriga ah, caafimaadka maskaxdu wuxuu noqday tiir muhiim ah oo ka mid ah nidaamyada waxbarashada ee guuleysta. Arday badan ayaa la kulma culaysyo nafsiyeed, dhibaatooyin qoys, walbahaar waxbarasho, iyo caqabado kale oo saameeya waxbarashadooda iyo horumarkooda shakhsiyadeed. Sidaas darteed, siyaasaddu waxay u baahan tahay inay si cad u qeexdo doorka la-taliyeyaasha dugsiyada, adeegyada taageerada nafsaaniga ah, iyo hababka lagu ilaalinayo caafimaadka maskaxda ee ardayda iyo macallimiinta.
Marka shanaad, waxaa muuqata in doorka cilmi-baarista iyo hal-abuurka aan la siin mudnaanta ay mudan yihiin. Qarnigan la joogo, horumarka ummadaha laguma cabbiro oo keliya inta qof ee wax barata, balse sidoo kale waxaa lagu qiimeeyaa awoodda ay u leeyihiin inay curiyaan aqoon cusub, sameeyaan cilmi-baaris wax ku ool ah, islamarkaana abuuraan xalal u gaar ah dhibaatooyinka haysta bulshada. Jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashadu waa in ay noqdaan xarumo aqoon iyo hal-abuur laga dhaliyo, halkii ay ku ekaan lahaayeen goobo lagu gudbiyo aqoon hore loo soo saaray. Sidaas awgeed, siyaasaddu waxay u baahan tahay inay si xooggan u dhiirrigeliso dhaqanka cilmi-baarista, maalgelinta hal-abuurka, iyo dhismaha nidaam isku xira waxbarashada, cilmi-baarista, iyo horumarka bulshada.
Ugu dambayn, inkasta oo Siyaasadda Waxbarashada Puntland ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu hagayo horumarinta waxbarashada, haddana waxaa muuqata baahi loo qabo in la sii xoojiyo dhinacyada la xiriira tiknooloojiyadda casriga ah, maalgelinta waarta, isku-xirnaanta waxbarashada iyo shaqada, caafimaadka maskaxda, iyo kobcinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka. Xoojinta arrimahan waxay siyaasadda ka dhigi kartaa mid si dhab ah uga jawaabta baahiyaha maanta jira isla markaana diyaarisa jiil awood u leh inuu wajahayo caqabadaha iyo fursadaha mustaqbalka.
Bashiir Suuley
Qoraaga

- waa aqoonyahan u dhaqdhaqaaqa nabad-dhiska, bare jaamacadeed, isla markaana ah qoraaga buugga Hillaacii Lagu Hungoobey.
Latest entries
MaqaaloJune 29, 2026Dhan Mise Dhimman? Siyaasadda Waxbarashada Puntland (Qaybta 1-aad)
MaqaaloApril 28, 2026Mutaysi: Miid Aysan Soomaalidu Muudsan
MaqaaloFebruary 25, 2026Kobcinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Dhisidda Aadanaha: Kee Mudnaanta Leh?
FaalooyinDecember 29, 2025Hoos u Dhaca Ganacsiga Puntland: Sababaha, Saameynta iyo Talooyin Wax-ku-ool ah










