Waxaa muddooyinkan dambe soo ifbaxay qoraallo iyo doodo ka soo maaxanaya caqliga aqoonyahanno Soomaaliyeed; kuwaasoo si toos ah oo aan gabasho lahayn u inkiraya in diintu ay siyaasadda iyo dawladda wax xiriir la leedahay, ayna ku kooban tahay xiriirka u dhexeeya qofka Muslimka ah iyo Allaha abuuray, waana Madhabka Calmaaniyadda oo kala saaraya diinta iyo dawladda, isagoo nolosha ka fogaynaya waxkasta oo diin u nasab sheegta, kuna koobaya masaajidka, cibaadada iyo xiriirka u dhexeeya qofka iyo Allaha abuuray.
Kala soocidda diinta iyo dawladda waxaa ku kadsoomay amaba ku qancay dhallinyaro wax bartay oo aan tiro yarayn, waxaadna arkaysaa iyagoo oranaya maxaa diinta ka galay siyaasadda iyo dawladnimada, wadaadkase maxaa siyaasad u geeyey, muu masaajidkiisa iska joogo, waxaas oo dhami waa fikrado iyo falsafado laga soo minguuriyay Reer Galbeedka, dadka Muslimiinta ah qaar ka mid ahina ay ku sirmeen, una maleeyeen fikrado sax ah oo meel loola noqdo leh.
Haddaba; anigoo dareensan saamaynta arrintani ku dhex leedahay dhallinayarada, iyo baahida loo qabo in laga jawaabo qoraallada, doodaha iyo fikradaha khaldan oo bulshada Muslimka ah lagu dhex faafinayo; si loo abuuro shaki iyo shubhooyin calmaaniyadda salka ku haya, diinteennana ku suntaya inaysan nolosha iyo maaraynteeda wax shaqo ah ku lahayn, ayaan waxaan jeclaystay inaan bilaabo taxane aan ugu magac-daray: “Diin iyo Dawlad” oo ah maqaallo dhowr ah oo aan ku sharraxayo “Calmaaniyadda”, waxay tahay, siday ku bilaabatay, iyo sababaha keenay; anigoo caddaynaya xiriirka ka dhexeeya diinta iyo dawladnimada amaba Islaamka iyo Siyaasadda.
Calmaaniyadda: bilowgeedii, siday u kobocday iyo saamaynta ay ku leedahay nolosha Islaamka ee casriga ah
Hordhac
Ummad marka burbur ku dhaco, waxaa haleela cudur ah inay “Haybteeda” garan wayso, waxayna la amankaagtaa ama la ashqaraartaa xadaaradda isticmaarka iyo gumaystaha: horumarkooda, nidaamyadooda iyo qiyamkooda.
Waxay arrintaani ku dhacday ummadda Muslimka ah markii ay diintii Alle u soo dejiyey dayacday, Reer Galbeedka dhal-dhalaalkoodana wax moodday, waana sida Nebigu SCW uu noo sheegay isagoo yiri:
“لتركبنَّ سنن من كان قبلكم شبراً بشبر ودراعاً بذراع حتى لو دخلوا جحر ضب لدخلتم، وحتى لو أن أحدهم جامع امرأته بالطريق لفعلتموه”. رواه مالك بسند صحيح، واصله عند مسلم.
“Waxaad raaci doontaan dariiqii kuwiii idinka horreeyey (Yahuud iyo Nasaaro), xattaa haddii ay galaan god Masolugalay waad ka daba galaysaan, haddii midkood haweenaydiisa ku jimaaco dariiqa waad ka daba samaynaysaan”.
Si kastaba ha ahaatee; Muslimiintu markii duullaan maskaxeedka ( الغزو الفكري) lagu soo qaaday, waxaa loo soo raray (waariday) afkaaro iyo madaahib aan dhulka Muslimiinta ka jirin, balse loogu ekeysiiyey inay xadaaradda iyo horumarka saldhig u tahay, waxaana ka mid ah Calmaaniyadda oo ah mad-hab ama fikrad nooga timid dhinaca Reer Galbeedka gaar ahaan gumaystayaashii reer Yurub, laguna laro inta badan kalmadda “dimuqraadiyadda” iyo hal-kudhegyo aysan dadku aad dareen uga muujin sida: “diinta iyo siyaasaddu isma dhex-galaan” iyadoo siyaasadda dadka loogu tusayo khiyaano iyo hagardaamo, diinkuse uu yahay muqaddas daahir ah.
Waxaa muddooyinkan dambe soo if-baxay aqoonyahanno bulshada Soomaaliyeed ugu yeeraya nidaamka calmaaniyadda oo ah in diinta laga fogeeyo nolosha oo dhan (siyaasad, maamul iyo qaybaha kale ee dhaqan-dhaqaale), laguna koobo masaajidka iyo xiriirka u dhexeeya qofka iyo Allaha abuuray. Waa mad-hab dagaal adag kula jira in diintu wax saamayn ah ku yeelato siyaasadda, xadaaradda iyo hab-dhaqanka nolosha dadka, lagana soo minguuriyey xaddaaradda Masiixiga ee Reer Galbeedka, oo iyadu markii ay duullaanka ku qaadday wadaadkii Kaniisadda joogay oo xukunka maroorsaday, ka fogaatay diin iyo wixii u nasab sheegtaba.
Aqoonyahannadani waxay qoreen buugaag ay ku suuqgaynayaan mad-habka calmaamiyadda, waxay qabteen doodo kala duwan oo ay bulshada ku wacyigelinayaan iyagoo ku tirtirsiinaya in diintu ay masjidka ku egtahay, noloshana aysan shaqo ku lahayn, tusaale ahaan waxay daliil ahaan u soo qaateen hadal uu yiri Mahatma Gandh (1869-1948) oo u qornaa sidan: “Haddii aan kelitaliye ahaan lahaa, diinta iyo dawladdu way kala soocnaan lahaayeen. Diintayda waan ku dhaaranayaa, waana u dhimanayaa. Laakiin waa hawl aniga ii gaar ah. Dawladdu shuqul kuma laha diinta. Dawladdu waxay daryeelaysaa baraaraha adduunyada, caafimaadka, isgaarsiinta, arrimaha dibadda, lacagaha iyo wixii la halmaala, laakiin shaqo kuma laha diintaada iyo tayda. Taasi waa hawl qof walba gaarkiisa ugu taal”.
Waxay ku doodayaan in Anbiyada iyo Rususha Eebbe ay ahaayeen hoggaamiyaal, caadi ahaanna hoggaamiyanimadoodu aysan ahayn mid dawlad iyo siyaasad shaqo ku leh, balse waxay ahayd hoggaamin xagga ruuxda ah oo ka dhalatay rumayn iyo okobbanaan. Hoggaamiyaha ruuxiga ahina wuxuu nafta ku leeyahay saamayn ka badan tan hoggaamiyaha dan ku baddayga ah. Mid ka mid ah aqoonyahannadan ayaa oranaya: “Qof ahaan, waxay ila tahay in Nebi Muxammed (SCW) uu Muslimiinta u ahaa hoggaamiye diimeed, laakiin aysan u arkayn madaxweyne dawladeed”. Waa oraah ay ku qarsoontahay “Diintu siyaasad iyo xukun shaqo kuma leh”.
Hadalka uu la soo shir-tay aqoonyahankan Soomaaliyeed, maaha mid cusub, balse waa oraah uu ku dhawaaqay nin u dhashay dalka Masar oo la oran jiray Dr. Cali Cabdirisaaq, kaasoo allifay kitaab uu u bixiyay: “Islaamka iyo Usuusha Xukunka” (الإسلام وأصول الحكم), oo la daabacay sanadkii 1925-kii, wuxuuna yiri: “Islaamku waa risaalo diini ah oo barax-la’ sida diimihii ka horreeyey..Nebi Muxammad-na wuxuu ahaa Rasuul Dacwo Diini ah oo barax-la’ (khaalis), sida Rusushii ka horreeysey..wax xiriir ah oo ka dhexeeya Islmaaka iyo Siyaasaddana ma jiraan”. Wuxuu kaloo yiri: “Nebi Muxammad (SCW) wuxuu ahaa oo keliya Rasuul Dacwo diimeed aan wax xukun ah lagu dheehin..Nebigu ma asaasin Boqortooyo sida hadda kalmaddaan siyaasad ahaan loo fahmo, ma ahayn Boqor, dawladna ma asaasin, mulkina ma raadin”.
Wuxuu kaloo wadaadkaasi yiri isagoo ka hadlaya waqtigii Nebiga (SCW): “Xukuumadi ma jirin, Dawladi ma jirin, wax siyaasad ku lug lihina ma jirin, sidoo kale ma jirin nidaam xukuumadeed, Guddoomiye goboleedyo (ولاة) iyo garsoorayaalna ma jirin… waxa keliya oo jiray waa hoggaamin diimeed..kala fogaa siyaasad iyo diin”.
Maalmuhu isku ekaa, Dr. Cali Cabdirisaaq boqol sano ka hor ayuu Madhabka Calmaaniyadda ugu yeeray dadka Muslimiinta ah, wuxuuna ahaa caalim ka mid ah culimada Azhar, ma jirin cid ka horreysey oo ku dhawaaqday in Nebi Muxammad uusan xukun Islaami ahi dhisin, dawladna madax u ahayn, waana oraahda saaxiibadeen ay hadda ku hadaaqayaan, oo ay maykarafoonnada u qaateen. Yaa u dardaarmay (أتواصوا به بلهم قوم ضالون).
Haddaba; maqaalkani wuxuu hordhac u yahay maqaallo dhowr ah oo aan jeclahay inaan ku falanqeeyo Mad-habka Calmaaniyadda oo dooddiisu ay soo xoogaysanayso; iyadoo rag aqoon durugsan leh oo Soomaali ah ay wax ka qoreen, dood ay la bareerayaanna soo bandhigeen. Sidaas daraadeed; waxaan jeclaystay inaan iftiimiyo waxa ay tahay calmaaniyaddu, meesha ay kasoo bilaabatay, cidda noo soo waaridday (rartay) iyo saamaynta ay ku leedahay nolosha bulshooyinka casriga ah.
Waa maxay Calmaaniyaddu?
Erayga Calmaaniyad oo afka Carabiga ka mid noqday muddadii dhexe, waxaa loogu dhawaaqaa laba siyaabood oo kala duwan oo kala ah: calmaaniyad iyo cilmaaniyad. Dadka qaarkood waxay u arkaan in eraygan laga soo qaatay kalmadda “cilmi” (science), sidaa awgeed waxay ugu dhawaaqaan “cilmaaniyad”, dad yar ayaana sidan qaba.
Hase ahaatee; erayga “calmaaniyad” waa tarjumidda sida ku shaacday Masar iyo Mashriqa Carabta-erayga Ingiriisiga ah “SECULARISM” oo ka yimi: adduun, caalam iyo waaqac; taasoo ku beegan “Muqaddas” oo ah “Diini ama cilmiga Eebbe”, wakiilna ka ah samada, awooddeedana gacanta ku haya, furayaasheeda milkiya, kana sarreeya dabeecadda iyo sunnooyinkeeda.
Waxaa qeexidda sare si fiican u muujinaya Qaamuus-aqooneedka Ingiriiska دائرة المعارف البريطانية oo erayga “Secularism” oo lagu fasiro “Calmaaniyadda” ku macneeya sidan: “waa dhaqdhaqaaq bulsho oo ujeeddadiisu tahay dadka in laga leexiyo ku dadaalidda Aakhiro, loona weeciyo adduunka oo keliya; sababtoo ah casriyadii dhexe dadku waxay xoogga saari jireen Alle iyo Aakhiro, waxayna ka dheeraan jireen adduunyada. Si haddaba loo kobciyo dareenka dadnimada iyo adduunyo jacaylka, waxaa xoogga la saaray mad-habka “calmaaniyadda”, iyadoo dadku ay bilaabeen inay u soo jeestaan horumarinta aqoonta iyo dadnimada”.
Qaamuus-waynaha Firqooyinka iyo Madaahibta ayaa isna “Calmaaniyadda” ku qeexay sidan: “Calmaaniyad (Secularism) waxaa si sax ah loogu turjumi karaa la-diineednimo (اللادينية) ama duniyawi-ni (الدنيوي). Waa aragti ku baaqaysa in nolosha lagu saleeyo cilmi bini’aadmi, caqli, iyo danta guud, iyadoo laga fogaynayo diinta. Dhanka siyaasadda gaar ahaan, waxay ka dhigan tahay in xukunka iyo maamulka laga saaro diinta. Ereygan “calmaaniyad” xiriir lama laha erayga “cilmi” (science)”.
“Macnaha guud ee calmaaniyaddu waa kala saaridda diinta iyo dowladnimada, iyo in diinta lagu koobo qalbiga qofka—iyadoo aanay ka gudbin xiriirka u dhexeeya qofka iyo Ilaah. Haddii loo oggolaado inay muuqato, waxay ku ekaanaysaa cibaadooyinka iyo xafladaha sida guurka iyo dhimashada”.
Bilowgii Calmaaniyadda iyo siday u kobocday
Haddii aan rabno inaan “calmaaniyadda” si dhab ah u fahanno, waxaa lama huraan ah inaan dib u jalleecno siday ugu soo dhex barbaartay xadaaradda Masiixiga ah ee Reer Galbeedka, taasoo ay raad wayn ku lahayd: (1) falsafaddii Giriigga, (2) raadkii xukunkii Roommaaniga iyo (3) diintii Masiixiyadda oo ay qaateen.
Fikraddan waxay ka soo ifbaxday Yurub qarnigii 17aad, waxayna u gudubtay Bariga bilowgii qarnigii 19aad, gaar ahaan dalalka Masar, Turkiga, Iiraan, Lubnaan iyo Suuriya, kadibna Tuniisiya, halka Ciraaq ay qaadatay dabayaaqadii qarnigaas. Dalalka kale ee Carabta waxay si weyn u qaateen qarnigii 20aad.
Marka la eego bilowgii hore, muddo dhowr qarni ah ayay diinta Masiixiyaddu u ahayd bulshooyinka reer Yurub: diin balse aan dawlad ahayn, shareeco aan nidaam xukun iyo marjiciyad qaanuun lahayn, risaalo xoogga saaraysa ruuxda iyadoo hal-kudhigeedu yahay: “Qaysar (dawladda) wixiisa u daa, Allena wixiisa u daa” (دع ما لقيصر لقيصر وما لله لله). Muddadaas risaalada Kaniisaddu waxay gaar ku ahayd boqortooyada samada (waxyiga xagga alle ka yimaada), wax awoodana kumay lahayn suldaanka dhulka, iyo qawaaniinta bulshada hagta; ha noqoto dhinaca siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo culuunta kala duwan. Muddadaas waxaa jiray laba awoodood: (1) awoodda Kaniisadda oo ah tan ruuxiga ama diiniga ah, iyo (2) awoodda madaniga ah ee dawladda, waxayna ahaayeen laba awoodood oo is-ixtiraama oo wada shaqeeya.
Muddo kadib, waxaa soo ifbaxay in Kaniisaddii xadkeedii ka gudubtay oo ay isku darsatay labadii awoodood ee diintii iyo madanigiiba, waxayna huwisay awoodda madaniga ah ee ay la wareegtay sharafta iyo magaca diinta, iyadoo awoodaha madaniga ahi ay noqdeen kuwo aan isbeddel lagu samayn karin oo sida diinta loo ilaaliyo, bulshooyinkii reer Yurubna waxay galeen marxaladdii burburka iyo casriyadii mugdiga ahaa, waxaana soo ifbaxay aragtidii la magac baxday “Xaqa Eebbe ee boqorka” نظرية الحق الإلهيoo ah in boqorka xukunkiisu yahay mid samada laga soo amray oo Kaniisaddu wakiil ka tahay.
Haddaba; si looga hortago awoodda cusub ee ay Kaniisaddu la soo baxday, ayaa waxaa la asaasay kacaankii calmaaniyadda oo dagaal adag ku qaaday xukunkii wadaaddada Kaniisaddu ay hormuudka u ahaayeen, waxaana lagu dul-dhisay calmaaniyadda cusub oo salka ku haysa dhaxalkii aqooneed ee reer Yurub iyo caqli-ku-salaysnaanta iftiiminta Yurub; taasoo caqliga iyo tijaabooyinka cilmiga ku beddeshay “diinta” iyo “cilmiga Ilaahiga ah”.
Kacaanka calmaaniyaddu wuxuu Kaniisadda dib ugu celiyey xuduuddeedii hore oo ah inay ku koobnaato ruuxda, iyo boqortooyada samada, iyadoo la hirgelinayo oraahda: Qaysar u daa xukunkiisa, Allena u daa arrintiisa; waxayna caqliga iyo tijaabooyinka cilmiga ah ka dhigatay marjica loola noqdo maamulka ilbaxnimada aadanaha marka laga soo tago diinta iyo cilmiga Ilaahiga ah, waxaana arrintaas ka dhashay in la kala fogeeyo amaba la kala gooyo diinta iyo maamulka nolosha aadanaha; iyadoo laga duulayo falsafada oranaysa: adduunku isaga ayaa isku filan, waxaana maamulaya asbaabaha Alle ku abuuray awooddiisa dabiiciga ah, loomana baahna maamul Alle iyo sharci xaggiisa ka yimaada oo dunida lagu hago. Isku soo duuboo; calmaaniyaddu waa in: marjiciyadda maamulka adduunka lagu koobo aadanaha, iyadoo wax faragelin ah aysan ku yeelanaynin shareecada Alle iyo waxyigiisuba.
Inkastoo falaasifada reer Yurub qaarkood sida Hobbes (1588-1679), Loke (1632-1716), Leibniz (1646-1716), Rousseau (1712-1778) ay aaminsanyihiin jiritaanka Alle iyo inuu koonka abuuray, haddana waxay ku raacsanyihiin kuwa kale ee Mulxidiinta ah ee jiritaanka Alle inkira in xadaaradda aadanaha iyo maamulkeeda ay ku koobnaato Bani’aadanka, xorna ay ka noqoto shareecada Alle; “Sida ku cad aragtida Aristotle, Ilaah waa mid keliya, kana sarreeya kana gooni ah adduunka, isla markaana waa abuuraha. Hase yeeshee, wuxuu adduunka iyo dabeecadda dhex dhigay sababo iyo nidaamyo u oggolaanaya inay ismaamulaan oo iskood isu maareeyaan, iyaga oo aan u baahnayn faragelin joogto ah ama daryeel Ilaah ka yimaada ka dib marxaladda abuurista.”
Sidoo kale waxa ka caawiyay calmaaniyadda inay guul gaarto aragtida Masiixiyadda ee ku saabsan xiriirka u dhexeeya diinta iyo dawladda. Aragtidan waxay qabtaa in waxa Qaysar (dawladda) leeyahay loo daayo Qaysar, halka diintana lagu koobo badbaadinta ruuxa iyo boqortooyada samada, iyada oo aan bulshada iyo dawladda u soo bandhigin sharci nidaaminaya noloshooda. Arrintaas awgeed, ‘ku xayiridda’ diinta kaniisadda gudaheeda iyo damiirka shakhsiga waxaa loo arkay ‘kacaan dib-u-hagaajin diimeed’, halkii loo arki lahaa weerar ka dhan ah diinta.
Waxaa sidoo kale ka caawiyay arrintan dhaxalka Roomaanka ee falsafadda sharci-dejinta iyo nidaaminta, kaas oo ka dhigay ‘danta’ ama ‘manfaca’ oo aan ku xaddidnayn diinta akhlaaqdeeda, ama shareecadeeda samada ka timaadda-inuu noqdo halbeegga wax lagu cabbiro. Sidaas awgeed, jidkii loo mari lahaa sharciga la dejiyo ee bini’aadamka (Positive Law) wuxuu u furnaaday calmaaniyadda, iyadoo uu taageerayo dhaxalkan Roomaanka.
Sidan ayay calmaaniyaddu ku dhalatay, iyadoo ka soo dhex baxday macnaha guud ee iftiiminta waaqiciga ku dhisan ee Reer Galbeedka, si loo gaaro kala soocidda samada iyo dhulka, iyo ka xoreynta bulshada bini’aadamka xuduudaha iyo xeerarka shareecada Ilaah. Waxay sidoo kale ku koobtay maamulka iyo maaraynta adduunka bini’aadamka oo keliya, iyadoo u aragta inuu yahay ‘sayidka’ maamula adduunkiisa iyo noloshiisa.
Gunaanad
Qoraalka waxaa inooga soo baxay in Calmaaniyaddu ku dhisantahay aragti kala soocaysa diinta iyo nolosha qaybaheeda kala duwan; ha noqoto siyaasad, dhaqaale iyo hab-dhaqanka bulshada. Waxaana laga soo minguuriyay xadaaraddii Masiixiyadda oo markay la collowday wadaadkii iyo Kaniisaddii, dib ugu noqotay falsafaddii Giriigga oo tibaaxaysa Alle inuu koonka abuuray oo keliya, maamulkiisana ay bani’aadanku leeyihiin iyagoo marjiciyad ka dhiganaya caqliga iyo manfacada. Waxay kaloo dib ugu laabteen qaanuunkii Roomaanka si ay ugu dhaqmaan.
Maraajicda:
- د. محمد عمارة، الإسلام والسياسة الرد على شبهات العلمانيين، مكتبة الشروق الدولية، عام 2008م.
- د. محمد عمارة، العلمانية بين الغرب والإسلام، دار الوفاء للطباعة والنشر، عام 1996م.
- د. سفر الحوالي، العلمانية نشأتها وتطورها وآثارها في الحياة الإسلامية المعاصرة، دار الهجرة.
- Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil, Siyaasad aan Sixir lahayn (Diin iyo Dawlad), 2021.
Qoraaga

- waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.
Latest entries
MaqaaloMay 28, 2026Taxanaha “Diin iyo Dawlad” Qeybta 1-aad
MaqaaloApril 28, 2026Dhaqan-Siyaasadeedka Soomaalida: Isdhexgalka Qabiilka, Xeerka iyo Dawlad-dhiska Casriga ah
MaqaaloMarch 29, 2026Aqoonyahanka iyo Dareenka Bulshada Soomaaliyeed
MaqaaloFebruary 25, 2026Midnimada ummadda Soomaaliyeed: Tiirka karaamada, iyo mustaqbalka Qaranka










