Heshiis Bulsho Cusub: Furaha Mustaqbalka Dowladnimada Soomaaliya

Hordhac

Taariikhda dawladaha casriga ah waxay muujinaysaa in marxaladaha kala-guurka ahi ay yihiin kuwa ugu khatarta badan uguna adag in dhakhso looga gudbo. Soomaaliya maanta waxay ku jirtaa xaalad kala-guur iyo marxalad u dhaxaysa burburkii dawladnimo ee 1991 iyo isku dayga dib-u-dhis soo jiitamayey tan iyo sanadihii 2000-meeyadii (~25 sano). Inkastoo la dhisay hay’ado dowladeed, la qabtay doorashooyin dadban, lana helay aqoonsi caalami ah, haddana waxaa dhegaha bulshada ka guuxaya su’aasha masiiriga ah ee: ma jirtaa dowladnimo si dhab ah loo wada aqbalay ama loo wada leeyahay?

Qoraalo-cilmiyeedka ku saabsan dawladaha nugul (fragile states), waxay tilmaamayaan in dowladuhu ay fashilmaan marka saddex arrimood ay is biirsadaan: awood la’aan hay’adeed, kalsooni darro bulsho, iyo khilaaf ku saabsan sharcinimada hay’adaha dawladda (legitimacy). Waxaa cad in saddexdaan arrimoodba ay hadda jiraan marka loo kuurgalo xaaladda hadda Soomaliya ku sugantahay. Hay’adaha dowladdu waa kuwo dhisan laakiin aan si buuxda u shaqayn. Waxaa hadda soo afjarmay muddo-xileedkii xukuumada iyo barlamaanka oo ku kala eg 15 May 2026 iyo 14 April 2026, sida ay u kala horreeyaan. Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku kala dhaqan gobollada ee deegaamada dawladaha xubnaha ka ah Federalka ma wada aaminsana hal nidaam iyo hal sharciyad oo la isku waafaqsanyahay. Sharcinimada dowladdu waxa ay ku xirantahay heshiisyo siyaasadeed oo is beddela lana wada aqbalo ama loo hoggaansanyahay fulintooda.

Marka la eego aragtida xaaladda kala-guurka (Critical Juncture Theory) ee cilmiga siyaasadda, marxaladaha noocan ah waxay noqon karaan kuwo horseeda laba jid: mid keena xasillooni waarta iyo isfahan qaran ama mid sii xoojiya kala daadsanaanta, khilaafka iyo burburka siyaasadeed ee dalka. Sidaa darteed, Soomaaliya maanta ma aha oo keliya meel ay ka jirto dhibaato, balse waa meel ay ka jirto fursad taariikhi ah haddii looga faa’iidaysto sida saxda ah, danta qaranka iyo danta guudna laga hormarinayo danaha deegaamada, reernimada iyo damacyada gaarka ah ee siyaasadeed. Xilliga xaalada kala-guurka waa waqti xasaasi ah oo la hirgelin karo isbeddel dhab ah iyo dhaq-dhaqaaq bulsho isbedel doon ah.

Maxaa Gundhig u ah Dhibaatada Bulsho iyo Siyaasadeed?

Marka si qoto dheer loo falanqeeyo arrimaha murugsan ee siyaasadda, waxaa la oran karaa gundhigga khilaafka is-mariwaaga joogtada noqday wuxuu salka ku hayaa ama ku saabsanyahay fahanka laga haysto iyo qaabka dowladnimada, ee ma aha oo keliya cidda talada qabanaysa. In la iswaydiiyo fahamka dhabta ee laga haysto dawladnimada sida loo xaqiijin karo waa arrin muhiim ah oo badanaa la iska indho-tiro marka la samaynayo falanqaynta maalinlaha ah ee siyaasadda.

Aragtida heshiiska bulshada (Social Contract Theory) waxay qeexaysaa in dowladnimadu ku dhalato heshiis ay bulshada ku oggolaatay inay ka tanaasusho qaar ka mid ah xorriyadeeda si loo helo amni iyo nidaam. Soomaaliya, heshiiskan wuxuu burburay 1991-dii, waxaana ilaa hadda socda isku day lagu dhisayo mid cusub. Si kasta oo la iskugu dayay laga soo bilaabo shirkii Carta, Jabuuti sanadkii 2000, haddana weli ma hirgelin ama lama helin heshiis bulsho oo cusub, laguna wada qanacsanyahay ama diyaar loo yahay in bulshadu ka tanaasulaan qayb ka mid ah xorriyadooda si uu u dhaqangalo nidaam dawladnimo lagu helo amni iyo kala dambayn. Waxaa loo tiirin karaa helitaan la’aanta heshiiskaas dhowrka arrimood ee soo socda:

  • Qeexid cad oo aan weli laga bixin ama la isku raacsanayn wixii ku saabsan awoodda dawladnimo iyo sida loo hananayo: yaa go’aaminaya siyaasadda guud?
  • Hab sharciyeed lagu xalliyo khilaafaadka oo aan weli jirin ama aan muuqan sidii loo hirgelin lahaa. Ma jirto maxkamad dastuuri ah ama la damacsanyahay in la dhiso oo kala saarta khilaafka siyaasadeed ee caadada noqday iyo ishaynta joogtada ah ee dawladda dhexe (DFS) iyo dawladaha xubnaha ka ah (DXF).
  • In aysan jirin kalsooni bulsho oo ka sarreysa qabiilka iyo deegaanka. Tasarufaadka siyaasiyiinta, hoggaamiyaasha bulshada iyo weliba haldoorka bulshada weli kuma guulaysan in bulshada la baro wadaninimada iyo in abtirsiga qaranimo ka mudan yahay ama ka horreeyo tan qabiilka ama deegaanka.

Cilmi-baarisyo badan waxay muujinayaan in haddii aan la isku raacsanayn macnaha iyo fahamka dowladnimada uuna hooseeyo wacyiga bulshada ay ka qabaan dawladnimada in ay horseedi karto waxa loo yaqaan isdiido qaranimo (contested sovereignty), taasoo keeni karta in qaybo kala duwan oo bulshada ah iyo deegaanno ka mid ah dalka aysan si buuxda u aqoonsanayn awoodda xarunta dhexe ama awoodaha darafyada kala duwan. (Mansur, 2023).

Tusaale ahaan, murannada ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka doorashooyinka waxay muujinayaan in aan la isku raacsanayn xeerarka ciyaarta siyaasadeed. Marka xeerarka laftoodu lagu muransanyahay, nidaamka oo dhan wuxuu noqdaa mid nugul.

Sidee Lagu Heli Karaa Isbedel Bulsho?

Si loo fahmo sababta iyo duruufaha keenaya in Soomaaliya ka gudubto xaaladdan kala-guurka iyo ishaysadka soo noqnoqda, waxaa muhiim ah in la adeegsado aragtiyo cilmiyeed sharaxaya sida isbeddel bulsho u dhaco iyo sida lagu hirgelin karo.

Aragti cilmiyeedka abaabulka khayraadka (Resource Mobilization Theory) waxay tibaaxaysaa in dhaqdhaqaaqyada bulshada ee guulaysta ay ku tiirsanyihiin awood-abaabulka khayraadka (lacag, waqti, xirfad, dad aqoon iwm.). Daraasado laga sameeyey dhaqdhaqaaqyada isbedel-doonka ee caalamka sida: dhaqdhaqaaqa xuquuqda madowga ee Maraykanka (USA Civil Rights Movement) iyo kacdoonnadii Carabta (Arab Spring) waxay caddeeyeen in abaabulka dhaqaale, aqooneed iyo mid shabakadeed (isku-xirnaan) uu yahay furaha guusha keenta kacdoon isbedel ee bulshada. Ilaa iyo imminka ma jiro ilo dhaqaale, aqooneed ama shabakadeed oo ka shaqeeya sidii loo hirgelin lahaa ama abuuri lahaa kacdoon isbeddel togan ee bulshada Soomaalida. Waxaa jira dhaqaale xooggan oo ay bixiyaan dalalka daneeya siyaasadda Soomaaliya oo ujeedkeedu tahay sidii saamayn ama faragelin dadban iyo mid toos ahba loogu samayn lahaa siyaaasadda dalka looguna jihayn lahaa ama loo soo saari lahaa cid iyagu ay wax u yeeriyaan (Proxy Puppets). Faragelinadaani waxay sii murgiyeen in la helo isbeddel togan ee bulsho iyo in waddanku aado jiho sax ah. Waxaa kale oo ay ka dhigaysaa dalka meel lagu loollamo loona adeegsado dagaalka juqraafi-siyaasadeedka ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Labada aragti-cilmiyeed ee aragtida hanaanka siyaasada (Political Process Theory) iyo aragtida ra’yi-suuraynta (Framing Theory), waxay iyaguna tilmaamayaan in dadku aysan ku hawlgelin xaqiiqooyinka jira ee ay ku duulaan hadba sida loogu sharraxo xaqiiqooyinkaas iyo fahamka ay ka haystaan. Tusaale, doodaha siyaasadeed ee ka jira dalka waxaa had iyo jeer lagu fasiraa in ay ku salaysanyihiin qabiil iyo dano gaar ah taas oo ka hortagaysa in la abuuro aragti qaran iyo mid dan guud.

Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay: side loo heli karaa isbedel bulsho keeni kara isbedel wax ku ool ah?

Iyadaoo laga faa’iidaysanayo aragti-cilmiyeedyada cilmiga bulsha kor ku xusan, waxaa la oran karaa, waxaa gundhig u ah helitaanka isbeddel bulsho oo taabba gala dhowr arrimood oo is-huwan:

  • Wax ka beddelka hab-dhaqanka iyo fakarka bulshada (Cultural and Idealogical Shift): in bulshada dhexdeeda iyo dhallinta soo koraysa loo abuuro lana baro qiyam (values) iyo waxyaallo lama-gudbaan ah oo saldhig u noqda noloshooda iyo hab-dhaqankooda, sida: wadaninimada, fahamka dawladnimada, daris-wanaagga, ilaalinta bii’ada, gacan qabashada dadka taagta daran, ka fogaanshaha qabyaaladda, fahamka dowrka qofkasta ku dhexleeyahay bulshada iwm. Isbeddelkaan waxaa laga hirgelin karaa baraha bulshada iyo meediyaha kala duwan, goobaha waxbarashada iyo manaahijtooda iyo dhaqdhaqaaq wacyi-gelineed oo laga dhex fuliyo bulshada dhexdeeda.
  • Abuurida dhaqdhaqaaq bulsho iyo ururo isbeddel doon ah (Social Movement and Activism): in lagu dhaqaaqo abaabul isku dubaridan iyo in la abuuro ururro bulshadeed si gaar ah ugu howlan sidii looga shaqayn lahaa in isbeddel lagu sameeyo bulshada waxay ka aaminsan tahay nolosha, siyaasadda, dawlad-dhiska iyo wada-noolaanshaha bulshada dhexdeeda. Way jiraan ururro badan oo ku magaacaaban bulshada rayidka ah, waxayse u eg tahay in ay fuliyaan mashaariic loogu adeego danaha hay’adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa gudahaba. Waxaa bulshadu u baahantahay ururro u eg sida Xarakaadka Islaamiga ah ee iyagu dhaliyay isbeddel la taaban karo dhanka caqiidada iyo labiska dumarka kuna guulaystay muddo kooban in ay ku keenaan isbeddel aragtiyeed; inkasta oo ay ku fashilmeen wax ka beddelka aragtida iyo fahamka dawladnimo ee bulshada dhexdeeda.
  • Dhisidda hay’ado iyo nidaam (Institution Building) lagu wada kalsoonyahay ka hor awood qaybsi iyo khayraad wadaag. Arrinkaan wuxuu abuurayaa in faham sax ah laga haysto noocyada heshiis iyo nidaam ee dadku aaminsanyahay ama ku kalsoonyahay inta aan loo gudbin wax-qaybsi iyo wax-wadaag. Haddii aysan jirin hay’ado la wada ixtiraamayo oo kala haga dadka, nidaamiya nolosha, loo arko in ay cadaalad yihiin, in laga bilaabo waxqaybsiga siyaasadeed ama khayraad waxay dhalinaysaa sad bursi, kala aamin bax iyo qanaaco xumo. Nidaamka dawladnimada waa ku cusub yahay Soomaaliya, moodelka uu gumaysigu uga tagayna waa mid ku dhisan in inta talada haysataa iyagu wax boobaan ama ehelkooda naas-nuujiyaan. Bulshada Soomaalida waxay u baahantahay moodel kaas ka duwan, oo abuuraya kalsooni iyo caddaalad bulsho loo simanyahay.

Maxaan Laga Baran Karaa Taariikhda Dhow?

Marka la eego taariikhda dhow ee bulshada caalamka, waxaa jira labo qaab oo waaweyn oo bulshooyinku uga gudbeen qalalaasaha iyo is-maandhaafka bulshada:

  1. Wadahadal iyo heshiis bulsho (Negotiated Settlement)

Koonfur Afrika iyo Rwanda waxay muujiyeen in colaadaha qotada dheer lagu xallin karo wada-xaajood. Waxay dhiseen hay’ado cusub oo sharciyeynaya nidaamka cusub. Weli Soomaaliya kama hirgelin wada-hadal iyo kala eed-sheegad dhab ah ee bulshada iyo qabaa’ilka dhexdooda. Dagaallada sokeeye iyo colaaduhu waxay u joogsadeen si aan qorshaysnayn ama ku imaan dib u heshiis dhab ah oo lagu qanacsanyahay natiijadiisa. Waxaa suurtagal ah in markasta ay colaadahaas dib usoo cusboonaadaan haddii aan heshiis bulsho cadaalad ah oo lagu wada qanacsanyahay laga gaarin.

  • Dib-u-dhis hay’adeed (Institutional Reconstruction)

Jarmalka iyo Japan kadib WWII waxay xoogga saareen dhisidda hay’ado adag oo xaddida awoodda siyaasadeed. Soomaaliya weli kama jiraan hay’ado adag oo danta bulshada iyo tan guud ka hormarinaya danta deegaanka iyo tan qabiilka. Weli waxaa awood qaybsigu ku dhisanyahay danaha qabiilka iyadoo qabiilooyin badani ku ciil qabaan ama u arkaan in la dulmiyey. Waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso hay’ado ka madax banaan dano qabiil, kuna dhisan dan qaran, horumar bulsho iyo mid qofeed. Hay’ado ku dhisan qofku muxuu yaqaan, muxuu qaban karaa ee aan ku dhisnayn reerkee iyo deegaankee ka soo jeedaa.

Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya ku soo noqon karto oo keliya in si siman oo taxaddar leh loo hirgeliyo labadaas qaab ee kore.

Maxaa Hortaagan Xalka Soomaaliya?

Haddii si kooban loo falanqeeyo, caqabadaha ugu waawayn ee ilaa hadda hortaagan dib usoo kabashada Soomaalaya waa mid isku dhaf ah oo isugu jira mid dawladeed iyo mid dhaqan:

  • Caqabado Amni (Security dilemma): Weli waxaa muuqata in aan si buuxda qabaa’ilka iyo deegaannadu isugu qabin kalsooni amni oo buuxda. Reerkasta iyo deegaan kasta wuxuu haystaa hubkiisa, maleeshiyaadkiisa, waxaana suurta gal ah in markasta dagaal qabiil ka dhex dhaco. Weli laguma guulaysan in la sameeyo hub ururin bulshada iyo qabaa’ilka ah iyadoo aan weli bulshadu kalsooni buuxda ku qabin maamullada iyo nidaamka dawladnimada, kana haysan faham buuxa.
  • Faragelinta dibadda (Foreign Interference): Caqabadaha waawayn ee weli loo gaari kari la’ yahay hannaan dawladnimo iyo heshiis bulsho oo dhab ah waxaa qayb ka ah dawladaha dariska ah iyo kuwa Bariga Dhexe oo u muuqda in ay faragelin joogta ah ku hayaan dawlad-dhiska Soomaaliya iyagoo ilaashanaya danahooda qaran iyo xisaabaadkooda juqraafi-siyaasdeed. Qofkasta oo raba in uu hoggamiyo Dawladda Dhexe ama Dawladaha Goballada wuxuu dhabarka ku hayaa taageero shisheeye iyo dhaqaale ay bixiyaan. Ilaa laga maarmo faragelintaas shisheeye, waa adkaanaysaa in dawladnimo sax ah ka hirgasho Soomaaliya.
  • Dhaqanka qabiilka (Toxic Somali Culture): inkasta oo dhaqanka qabiilka Soomaalida yahay nidaam bulsho oo taariikhi ah, haddana wuxuu caqabad aan la inkiri karin ku yahay dhismaha hay’ado qaran oo dhexdhexaad ah. Awood-qaybsiga jagooyinka dawladnimadu waxay ku dhisantahay awoodda qabiilka kaslooni daro laga qabo sida caddaalad loo siman yahay loo heli lahaa.
  • Xaalad Kala Guur oo Dastuuri ah (Constitutional Crisis): Waxaan weli loo hayn ixtiraam iyo qaddarin heshiisyada dawladnimo ee bulshada sida Dastuurka oo kale oo u muuqda in uu yahay khad waraaqo ku qoran, wax ixtiraamna aan lahayn. Waxaa hadda dhamaaday muddo xileedkii Barlamaanka Federaalka iyada oo xitaa la iswaydiin sidii looga gudbi lahaa. Waxaa dhamaad ah muddo xileedkii xukuumada (Ra’iisulwasaaraha iyo Maxadwaynaha) iyadoo aan la is waydiin sidii dawlad cusub loo soo dooran lahaa. Waxaa burburay ixtiraamkii loo yahay nidaamka Federaalka ah marka la eego duullaanka hubaysan ee magacaabista ay DFS ku samaysan Baydhabo. Haddii aan arimahaan deg deg loo xallin, waddanku wuxuu gelayaa xaalad hubanti la’aan iyo kala guur ay adag tahay in dhakhso looga soo kabto.

Dib-u-dhiska Heshiiska Bulsh Cusub

Marka aad looga fakaro, xaaladda hubanti la’aan ee siyaasadeed iyo isbedelka bulsho ee ku habboon xilligaan kala guurka ah, waxaa cad in loo baahanyahay dib u dhis heshiis bulsho oo cusub. Dib u dhiska heshiiska bulshada wuxuu u baahanyahay saddex tiir:

  • Sharciyeyn (Legitimacy): Bulshadu waa inay dareentaa in nidaamka matalaa, caddaalad iyo sinaan u horseedi karo.
  • Wax-ku-oolnimo (Effectiveness): Hay’adaha dawladda waa inay bixiyaan adeegyo loogu adeegayo bulshada oo ku dhisan caddaalad iyo in bulshadu u simantahay, kala soocidna ka maran.
  • Isla-xisaabtan (Accountability):In la abuuro nidaam daahfuran oo lagula xisaabtami karo hoggaamiyaasha iyo hay’ahadaha Dawladda.

In la helo heshiis bulsho oo cusub oo ku dhisan saddexdaas tiir waxay u baahantahay geeddi-socod dheer oo isku dhafan dhan siyaasadeed, dhinac dhaqaale iyo khayraad bulsho iyo weliba kacdoon iyo dhaqdhaqaaq isbedel doon ah oo ay hoggaaminayaan dhallinyarada waxbaratay, kana maran waxyaalihii horay u soo ragaadiyay bulshada Soomaaliyeed, sida: qabiil iyo nin jeclaysi ama in danta gaarka ah laga hor mariyo danta guud iyo tan qaran.

Si uu u taabo galo heshiiska bulsho ee dhabta ah, waa in lagu saleeyaa aragtida casriga ah ee dowladnimada taas oo diiradda saaraysa waxaa loo yaqaan “shared sovereignty.” Aragtidani waxay ka dhigantahay in awoodda aan lagu koobin hal xarun, deegaan iyo qayb ka mid ah bulshada balse lagu qaybsado heerar kala duwan oo isku xiran, kuna dhisan sida loo gaari karo horumar iyo dib u dhis lagu wada kalsoonyahay. Tusaale ahaan, dalalka sida Canada iyo Switzerland waxay muujiyeen in nidaam federaal ah oo si sax ah loo maareeyo uu noqon karo mid xasilloon oo waara.

Taabbagalka heshiis bulsho (Social Contract) oo cusub, laguna heli karo nidaam dawladeed oo waara wuxuu u baahan yahay:

  • Qeexid cad oo awoodaha DFS iyo DXF.
  • Nidaam wadaag dhaqaale iyo khayraad la isla ogol yahay.
  • Hay’ado dhexdhexaad ah oo si siman ugu adeega bulshada iyo deegaannada Soomaaliyeed.

Gunaanad:

Soomaaliya waxay maraysaa marxalad kala guur oo adag una baahan in dhakhso looga gudbo. Go’aan qaadashada hortaalla waa mid cad: In la dhiso nidaam iyo heshii bulsho cusub ku dhisan qiyam, akhlaaq, isfahan, wadanoolaansho iyo dawladnimo u adeegta danta guud oo ka fog awood qaybsi beeleed, deegaan ama qof jeclaysi iyo sad bursi. Waxaan u baahannahay adeegsiga iyo dhaqangelinta aragtiyo-cilmiyeedka cilmiga bulshada si aan u daraasadayno hab fakarka bulshada uguna horseedno isbedel taabanaya dhinacyo badan. Taariikhdu waxay muujinaysaa in dowladnimo waarta aysan ka dhalan guul hal dhinac ah, balse ay ka dhalato tanaasul iyo dhisidda kalsoonida bulshada. Si loo dhiso mustaqbal fiican iyo heshiis bulsho oo cusub waxaan soo jeedinaynaa talooyinka soo socda:

  1. Maxkamad Dastuuri ah:

Waa in la dhisaa hay’ad leh awood sharciyeed iyo madax-bannaani buuxda. Soomaaliya ka biximayso ismari waaga soo noqnoqda iyo hubanti la’aanta haddii aysan jirin hay’ad dastuuri ah oo lagu wada kalsoonyahay, kalana saarta hoggaamiyaasha heerarka kala duwan.

  • Heshiis Qaran oo Cusub

In la qabto shirar dib u heshiineed oo baahsan, la isuguna qalbi xaarayo bulshada Soomaaliyeed sida kuwa laga hirgeliyay Rwanda oo kale; si looga saaro meesha kala aamin baxa bulshada iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.

  • Dib-u-habeyn Amni

In la mideeyo ciidamada, lana dhiso nidaam adag oo lagu sugayo amniga deegamada iyo kan bulshada. Midaynta ciidan qaran oo ka howlgala xuduudaha keliya iyo nidaam booliis iyo Daraawiish ka hawlgala gudaha deegaannada iyo maamullada oo aan midba kan kale ku xad gudbin waxay lama huraan u tahay dib u soo kabashada qaran.

  • Nidaam Maaliyadeed oo Hufan

In la sameeyo xeerar iyo xeer-nidaamiyaal cad oo lagu qaybsado dakhliga iyo khayraadka dalka si loo simanyahay oo caddaalad ah.

  • Xoojinta Waxbarashada iyo Wacyiga

In bulshada la baro muhiimadda dowladnimada iyo sharciyadda. In sidoo kale la dhiirigeliyo qiyamka suubban iyo wada noolaanshaha iyada oo lagu darayo manaahijta waxbarashada iyo barnaamijta wacyi-dhiska bulshada.

  • Joojinta Ku-tiirsanaanta Dibadda

Shaki kuma jiro in Soomaaliya aysan weli si buuxda isugu fillayn. Waxaase laga maarmaan ah in la joojiyo ku tiirsanaanta dibadda ee arrimaha siyaasadda iyo faragelinteeda. Waa in laga hortagaa in qof jago rabaa uu dhaqaale iyo taageero nooc kasta ah ka helo dibadda. Waa in doorashooyinka iyo qabashada xukunku ku dhismaan barnaamijta, aragtida iyo fikradaha horumarineed ee qofka ama kooxda damacu kaga jiro hoggaanka bulshada iyo qaranka ee aysan ku dhisnaan laaluush, gacan shisheeye iyo cod iibsi.

Qoraaga
Dr. Maxamuud A. Maxamuud
Dr. Maxamuud A. Maxamuudwuxuu haystaa Ph.D. Jaamacadda Leicester ee UK, MBA Jaamacadda De Montfort, iyo Shahaadada Executive MBA ee Masterminds Business School, UK. Waa Chartered Manager ka diiwaangashan CML, UK. Wuxuu hore u ahaa bare iyo cilmi-baare ka shaqeeya UK iyo Bariga Dhexe, isagoo leh in ka badan 15 sano oo waayo-aragnimo tacliimeed ah qorayna 30 in ka badan oo maqaal cilmi-baariseed. Hadda, waa lataliye ku takhasusay istaraatiijiyadda ganacsiga, maamulka, iyo hoggaaminta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link