XASAASIYADA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA EE KA DHALATAY E-VISA: Khilaafka Cusub ee Dowladda Federaalka iyo Maamulada Soomaaliyada

Hordhac

Dhowaan waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqan gelisay adeegsiga dal-ku-galka elektarooniga ah (e-visa), taas oo meesha ka saartay in dal-ku-galka laga qaato garoomada Soomaaliya ee ay dadka ajaanibta ah iyo dadka Soomaaliyeed ee sita baasaboorrada dalalka shisheeye ka degaan ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo magaalooyin ku yaala Somaliland iyo Puntland. Arrintani waxa ay dhalisay muran siyaasadeed oo cusub oo soo kala dhexgalay Dawlada Faderaalka iyo maamulada Somaliland iyo Puntland. Sidoo kale, waxa ka dhasay caqabado ay la kulmeen dadka socdaalka ah, sida in ay dib uga dhacaan safarkoodii (e-visa oo daahda, ama ay diidaan qaadashadeeda), in laga qaado labo lacagood (dadka ka soo dega Somaliland iyo Puntland), in dal-ku-galka lagu bixiyo lacag ka badan mida ay dowladdu u jaangoysay, iyo dad arrimo siyaaseed dartood uga baaqaday inay tagaan Soomaaliya. Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa arrintan ku tilmaamay mid dano dhaqaale laga leeyahay oo dad gaar ah lagu naas-nuujiyey.  Fal-celinta Dowladda Federaalka ayaa ku koobnayd sheegashada xaqa ay u leedahay bixinta dal-ku-galka, iyada oo indhaha laga laabtay dhibaatada ka dhalatay adeegsiga dal-ku-galka elektarooniga ah. Arrinta socdaalka, duulista hawada, iyo jinsiyada ayaa ah   shaqada ay wadaageen Dowladda Federalka iyo maamullada Soomaaliya oo uusan weli raad weyn ku yeelan khilaafaadka siyaasadda iyo kala aragti duwanaanshaha.  Dhinaca Kalena, dalalka reer galbeedka qaarkood ayaa walaac ka muujiyey jabsashadii xogtii dal-ku-galka elektarooniga ah ee Soomaaliya. Qoraalkani, waxa uu si kooban u eegaya xasaasiyadda siyaasadeed ee ka dhalatay hirgelinta dal-ku-galka elektarooniga ah iyo raadka ay ku yeelatay dadka u socdaala Soomaaliya ee ajaanibta ah ama Soomaalida sidata baasaboorrada dalalka shisheeye.

Bixinta Dal-ku-Galka

Ma ahaa arrin muran ku jiro in ay Dowladda Federalka Soomaaliya ay xaq u leedahay bixinta dal-ku-galka, marka laga eego dhinaca sharciga, hase yeeshee, waxaa arrintaas sharci daro ku tilmaamay wasiirrada duulista hawada ee Somaliland (Cabdiraxman Maxamed) iyo Puntland (Cabdulaahi Bile). Dowlad kasta oo bixisa dal-ku-galka waxa ay isku dheelitirtaa amniga qaranka, danaha dhaqaalaha, maareynta socotada iyo xiriirka dalalka kale. Dalalka dunidu siyaabo kala duwan ayey u bixiyaan dal-ku-galka. Marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, dalalka qaarkood waxa ay tixgeliyaan dhaqaalaha laga helayo dal-ku-galka (visa cost), sida dalka Sacuudiga oo bixiya adeega dalk-ku-galka elektarooniga ah, isaga oo haysta fursad ay dad tiro badan oo  Muslimiinta ah oo gudanaya Xajka iyo Cimrada ay dalka Sacuudiga booqdaan sannad kasta, taas oo Sacuudigu u arkay in ay tahay ilo-dhaqaale oo kor u qaadaysa wax-soo-saarka guud ee gudaha (GDP). Kenya ayaa bilowgii 2024, soo saartay adeegsiga dal-ku-galka elekarooniga ah, taas oo ay uga gol-lahayd in lagu kobciyo dhaqaalaha dalka, laguna soo jiito dalxiiska iyo maalgashiga, iyada oo la fududeynayo adeegga bixinta dal-ku-galka oo qofku si fudud ku heli karayo. Arritaas, ayey weli doodi ka jirtaa sida ay uga qayb qaadatay kobaca dhaqaalaha iyo fududeynta dalk-ku-galka. Dhinaca kale, waxa jira dalal ka eegay dhaqaalaha lacagta uu qofka socotada ah uu dalka soo gelinayo, iyaga oo qaatay siysaad ah in qofka socotada ah laga siiyo dal-ku-galka halka uu dalka ka soo galo, iyada oo laga qaadayo khidmad ama khidmad la’aan. Dhinaca xiriirka dibada, ayaa isna keenaya dalalka ay xiiriirka siyasaadeed ama goboleed ka dhexeeyo ay dal-ku-galku noqdaan kuwo lacag la’aan ah oo si fudud loo helayo. Tusaale ahaan, dalalka ku bahoobay Iskaashiga Bariga Afrika (EAC) waxa ay dadkooda u fududeeyeen isku socodka, iyada oo looga dan leeyahay korarka dhaqaalaha, iskaashiga iyo is-dhexgalka bulshooyinka.

Xagee laga Eegay Bixinta Dal-ku-galka Elektarooniga ah ee Soomaaliya?

Haddaba, maxay ku salaysay in Dowladda Soomaaliya soo dedejiso bixinta adeegga dal-ku-galka elektanooniga ah? Soomaaliya ma aha maanta dalka ay dunidu u soo jeeddo inay ka sameeyaan maalgashi, marka laga reebo dowladaha maalgashaday dekadaha iyo garoommada dalka qaarkood. Sidoo, kale Soomaaliya ma ahan maanta meel loo soo dalxiis tago, oo ay dadku u safri karaan si fudud. Maanta, inta badan, ma jiro qofka jooga Muqdisha oo gaari ku tagi kara  magaalooyinka ku xeeran Muqdisho. Dhinaca kale, dadka ugu badan ee ay arrinta dal-ku-gulku raadka ku yeelanayso waa dadka Soomaaliyeed oo sita baasaboorrada dalalka shisheeeye, kuwaas oo dalka si joogta ah ugu soo noqnoqda. Sida uu sheegay siyaasiga Warsame, arrintani waa mid ku salaysan dano dhaqaale oo dad gaar ah helayaan, maadaama ay jiraan dad kale oo ka macaashaya qabashada lacagaha dal-ku-galka oo aan dowladda ahayn.

Waa arrin markasta ay ka dhalanayso natiijo gurracan marka ay dowladu hal dhinac oo keliya wax ka eegto, sida in ay eegto oo keliya waxa ay awoodda u leedahay, iyada oo aan la eegin waxa waajibka loogu leeyahay. Bal u fiirso, gadiidkii badeecadaha ka qaaday dekada Muqdisho oo madax-furasho loogu haysto meel 90 km u jirta Muqdisho. Xaaladaas oo kale, waa in ay dowladdu isku dheelitirtaa gudashada waajibaadkeeda iyo adeegsiga awoodaha sharciga ah oo qabanaya dadka ku jirta xayndaabka awoodda dowladda.

Waxa jirta aragti siyaasadeed oo ka hadlaysa is-bedelka bulshada, taas oo ah Kobac iyo Kacaan (Evolution and Revolution Theory). Aragtida ah in ay bulshadu ay isku bedesho si tartiib ah (evolution) waa mid looga baahanyahay dalka kala qoqoban oo u baahan in la isku soo celiyo. Is-bedelka ku dhisan kacaanka (Revolution) waa mid aysan aqbali karin bulsho burburtay, taas oo keenta khilaaf, mucaarad iyo duminta nidaamkii jiray. Aragtida kacaanka, waxa loo bixiyey 1960-dii, dalgaalka gudaha (Internal war), taas oo loogu magac daray dhibaatada ka dhalanaysa. Tusaale ahaan, kacaankii ka curtay Soomaaliya, waxa uu dumiyey dhamaan nidaamkii ka jiray dalka, waxa uuna abuuray khilaafaadka ilaa maanta ka jira dalka, oo ka dhashay iska caabbin bulsho. Haddaba, arrinta dal-ku-galka elektarooniga oo dhalisay xasaasiyadda siyaasadeed, waxa loo baahnaa in ay si tartiib ah u dhaqangasho ayna noqoto qorshe dowladeed oo horay loo qorsheeyey.

Maxaa ka Dhashay Bixinta Dal-ku-galka Elektarooniga ah ee Soomaaliya?

Qaadashada iyo sharciyada adeegsiga ee dal-ku-galka elektarooniga ah ee Soomaaliya ay si ballaaran u hirgashay oo ay wada aqbaleen shirkadaha diyaaradaha, hay’adaha duulista ee caalamiga ah iyo dalalka dunida. Waxa kale oo ay tillaabadani mujinaysaa dowladanimada Soomaaliya. Dhinaca kale, soo saarista adeegga dal-ku-galka ee elektarooniga ah waxaa ka dhashay dhowr caqabood oo u baahan in xal laga gaaro:

  1. Khilaafka siyaasadeed ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamullada Somaliland iyo Puntland, oo aad uga carooday soo bixista adeegga dal-ku-galka elektarooniga ah. Arrintaas waxaa sii huriyay, Dowladda Federaalka oo hakisay dagenaasho laga bixin jiray Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo ay qaadan jireen dad badan oo Ajnabi ah oo jooga maamulladaas. Taasi, waxaa ay caqabad ku tahay dadka shaqaalaha hoose ee ka shaqeeya dhismayaasha iyo hoteellada oo aan daganaasho u doonan karain Muqdisho iyo dadka kale ee ajaanibta ah ee jooga Hargeysa iyo Garoowe. Talaabadani, waa mid ragaadinaysa is fahanka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo maamullada Soomaaliya iyo wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland oo looga gol-lahaa in la gaaro is-fahan siyaasadeed oo soo af-jara khilaaf muddo dheer soo jiray.
  2. Dadka ka dega maamullada Somaliland iyo Puntland oo laga qaado labo-lacagood, taas oo ah in maamullada Puntland iyo Somaliland aysan ogolaan dal-ku-galka ay bixiso Dowladda Federaalka ah. Arrintani waa mid u baahan wada-hadal siyaasadeed iyo dhaqaale qaybsi, maadaama garoommada iyo dal-ku-galka ay lacag ka helaan maamullada Somaliland iyo Puntland, haseyeeshee aan la sheegin qorshaha dhaqaalaha ee ka soo xeroonaya dal-ku-galka ee dib loogu soo celinayo Somaliland iyo Puntland, si culayska looga qaado dadka laga qaado labada lacagood oo inta badan dad Soomaali ah. 
  3. Cabsida laga qabo in la helo xogta dadka, taas oo ah mid ka mid ah qodobbada la tixgeliyo marka la sameynayo nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah. Walaacaas waxaa sii xoojiyey, ka dib markii la jabsaday xogtii dal-ku-galka. In kasta oo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in wax laga qabtay, uuna socdo baaritaan cidda ka dambaysay, haddana arrintaasi meesha kama saarin cabsidii ka jirtay bed-qabka xogta.
  4. Si dadka looga qaado lacag hawl-fududeen ah, waxaa daaha helista dal-ku-galka, taas oo keenta in qofka laga qaado lacag aan u xaroon dowladda.
  5. Waxa jirta cabsi laga qabo, in dadka siyaasiyiinta ah oo inta badan wata baasaboorro dalal shisheeye loo diido in la siiyo dal-ku-gal ay ku soo galaan dalka. In kasta oo ilaa iyo hadda aysan dhicin arrintaas, haddana waa fal horey uga jiray dalka sida, in dad siyaasiyiin ah loo diido in ay tagaan Kismaayo ama Baydhabo.
  6. Caqabada kale oo iyana iman karta waa arrinta la xiriirta sida ay dadku aqoon ugu leeyihiin adeegsiga kumbuyuutarka (digital literacy) taas oo dad badan ku keeni karta inay cid kale lacag ku siiyaan buuxinta foomka dal-ku-galka.

Gabogabo

Arrinta ku saabsan adeegga dal-ku-galka elektarooniga ah ee ay dhowaan soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa mid ay hadal hayn badan ka dhalatay, gaar ahaan dhinaca siyaasadda maamullada ka hor yimi iyo dadka dhibta kala kulmay helidda adeeggan. Sababta ugu weyn ee keentay waa kala qaybsanaanta siyaasadeed ee ka jirta dalka, la-tashi la-aanta iyo sal-fudeydka deg-degga ah ee gaarista go’aannadda siyaasadeed oo uusan xamili karin dal burbur ka soo kabanaya. Waa arrin tixgelin u baahan, in arrimaha siyaasadda ee la qaadayo ay fulaan si aan dhib ka iman (Do no harm), taas oo ah in fulinta siyaasadda iyo qanaca bulshadu ay isla socdaan. Si caqabadaha jira wax looga qabto, waa in uu jiraa nidaam cabasho oo uu soo gudbin karo qofka ay ka daahdo helidda dal-ku-galku iyo hufnaan ku saabsan in aan cidna arrimo siyaasadeed darteed dal-ku-gal loogu diidi karin. Si culayska looga qaado dadka laga qaadayo labada lacagood, waa in ay Dowladda Federaalka ah dib u eegtaa saami-qabsiga dhaqaalaha laga helo dal-ku-galka. Ilaalinta xogta ayaa ah arrinta aan marna laga gorgortami karin, taas oo u baahan farsamo iyo khibrad lagu ilaalinayo xogta dadka soo galay xerada bixinta dal-ku-galka. Arrinta xalkeedu waa in aysan noqon sida uu cabiray abwaan Shaacir oo matalaya madaxweyne Xasan Shiikh:

“Bada iyo cirkaan xiray

Haddii lagu buuqana

Berrigaan ku darayaa

Baawarkiyo awoodiyo

Sharcigay baneeyoo

Dalka laga bixi karo”

Qoraaga
Cabdiraxmaan Shiikhdoon
Cabdiraxmaan Shiikhdoon

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link