“Danbi ku hadli maayo’e ma’arag dawladdaan rabaye “Qaasim
Hordhac
Dhibaatada bururka dawladuhu waa mid dunida si joogta ah ugu dhacda, soona martay dalal badan oo maanta ka soo kabtay. Arrimaha ku saabsan burburka dawaladaha, labo qodob ayaa dhigaalka taariikhda ka galay, kuwaas oo wax laga baran karo. Tan hore, waa sida ay dawladaha burburay u soo kabtaan iyo waxyaabaha sababa burburkooda. Soomaaliya oo ka mid ah dawlada burburay waxa laga bartay sida ay jabhadaha ku dhisan qabiil ay u dumiyaan qaran dhisan, hase yeeshee Soomaaliya oo loo soo qabtay 14 shir oo dib-u- heeshiisiin ah, weli lagama baran cashar ku saabsan soo kabashada dawladaha burburay, marka laga reebo casharada laga bartay Somaliland iyo Puntland ee ku saabsan maamulka gun-ka-soo-unuga ah. Labo arrimood ayaa keenay in ay soo kaban waydo Soomaaliya oo maanta kaalinta koowaad kaga jirta dawladaha nugul (fragile states) oo dhowr iyo toban sano lahayd dawlad ka soo gudubtay ku-meelgaar. Tan koowaad waa is-haysiga siyaasiyiinta oo dalka geliyey xaalad degnaansho la’aan ah iyo faragelinta shisheeyaha oo ku daaban hogaamiyaasha Soomaaliya”Gudiney imaadan goyseen haduu san gabalkey kugu jirin”. In kasta oo ay jiraan waxyaabo badan oo ka qabsoomay qaran dhiska Soomaaliya, haddana weli lagama gaarin horukac badan oo la qaban karay. Arrintaas waxay muujinaysaa in aan weli la helin hogaamiyihii horseedka u noqon lahaa in laga baxo nugaylka dawladnimada. Weli arrintu waxa ay maraysa halkii uu Qaasim ka gabyey sannadkii 1964-tii oo uu yiri: “Danbi ku hadli maayo’e ma’arag dawladdaan rabaye”. Waxa jira dawlado badan oo burburay intii ay Soomaaliya burburka ku jirtay, haddana maanta safka hore kaga jira dawlad-wanaaga, deganaanta iyo kobaca dhaqaalaha.
Qoraalkaan waxa uu si kooban uga hadalayaa sabaha saldhiga u ah soo-kabasho la’aanta qarankii Soomaaliyeed iyo tusaalooyinka ku saabsan talaabooyinka ay qaadeen dawladaha soo kabtay qaarkood.
Maxay Tahay Nuglaanta Dawladnimadu?
Nugaylka dawladnimada waxa lagu qimeeyaa 12 qodob oo ku saabsan arrimaha bulshada, dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo siyaasadda, kuwaas oo muujinaya sida ay dalalka dunidu ugu kala horeeyaan nugaylka dawladnimada. Si kooban, dalalka nugul waa dalalka aysan hay’adaha dawladoodu awood u lahayn fulinta sharciga, maamulida khayraadka, bixinta adeegyada bulshada iyo xakamaynta xuduudaha dalka. Sidoo kale, kalsoonida ay bushadu ku qabto dawlada oo yar, colaadaha iyo dambiyada oo si fudud uga dhaca, dhaqaalaha oo liita, iyo maamulka oo aan xakamayn karin dhibaatooyinka soo food saara.
Qiimeynta la sameeyey sannadkii 2024-tii ee ku saabsanay nugaylka dawladnimada (fragile states) oo lagu sameeyey 179 dal, waxa ay Soomaaliya (111.3) ka gashay kaalinta ugu saraysa, iyaga oo ay ku soo xigaan Suudaan( 109.3) iyo Koonfurta Suudaan (109.0). Dhibcaha qiimayntu oo u dhaxeeyaan 0 ilaa 120, wixii ka sareeya 90 ilaa 120, waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin dawladaha la daala-dhacaya khatarta nugaylka dawladnimada, taas oo ay Soomaaliya safka hore kaga jirto.
Sidoo Looga soo Kabtaa Nugaylka Dawladnimada?
Dalal badan oo dunida ka mid ah ayaa ka soo kabtay burburka iyo nugaylka dawladnimada, kuwaas oo dhammaantood helay hogaamiyaal hami sare leh oo horseed u noqday ka soo kabashada nugelyka dawladnima. Dawladaha Jarmalka iyo Jabaan ayaa tuusaale ah dawladaha sida dhaqsaha ah ugu soo kabtay burburkii ka soo gaaray dagaalkii labaad ee aduunka, kuwaas oo xooga saaray kobcinta dhaqaalaha oo fure u ah ka soo kabashada nugaylka dawladnimada. Dawladaha dhowaan burburay ee sida deg deg ah uga soo kabtay burburkii dawladnimada, waxaa tusaale wanaagsan u ah dalka Rwanda, oo dad badan oo Soomaaliyeed la geeyey si ay wax uga soo bartaan. Waxa ka dhacay Rwanda xasuuq balaaran oo ay dad kor u dhaafaya hal milyan ay ku naf waayeen muddo saddex bilood ah. Muddo kooban ayay Rwanda kaga soo kabatay burburkii dawladnimada, maanta waxa ay ku jirtaa dalalka degen ee sameeyey kobaca dhaqaaalaha iyo dawlad wanaaga. Qiimeynta nugaylka dawladnimada waxa ay kaga jirtaa kaalinta 46-aad (2024). Waxayaabaha horseedka u noqday soo kabashada dalka Rwanda waxa ugu horeeya hogaamiyaha dalka qabtay oo ka shaqeeyey dhisida hay’adaha dawlada, midaynta bulshada, kobaca dhaqaalaha, la-dagaalanka musuqa, iyo abuurista kalsoonida bulshada, kuwaas oo dhammaantood ka qayb qaadanaya deganaanshaha dawladnimada. Arrinta kale ee muhiimka ah, waxa ay ahayd dib-u-heshiisiinta bulshada ee ku salaysnayd xalka geedka hoostiisa lagu gaaro iyo dhaqanka bulshada oo aan ahayn arrinta dibada laga soo waariday, laguna heshiisiinaayo bulshda, oo aan ahayn arrin u dhexaysa hogaamiyaasha siyaasadda. Arrinta taariikhdu qortay waa Rwanda oo dalka aan bad lahayn oo dhul ahaan aad u yar (in ka yar 5% dulka Soomaaliya), haddana sameeyay kobac dhaqaale oo qayb ka qaatay deganaanshada ka jira dalka Rwanda. Arrintu waxa ay u muuqataa:” Caqligii wanaagsani, itaal inuu ka roon yahay, bale eegoo, u fiirsada!”.
Sababaha Keenay soo Kabasho La’aanta Burburkii Dawlada Soomaaliya
Sida in badan la qorey, hoggaanku waa arrinta ugu muhiimsan ee keenta isbedelka iyo ka soo kabashada burburka dawladaha soo gaartay. Sidaas darteed, sababta ugu weyn ee ay Soomaaliya u soo kaban weyday waa helitaan la’aanta hoggaan hormuud u noqda soo kabashada dawladnimada, kaas oo diyaariya barnaamij cad oo uu dalku kaga soo kaban karo burburka iyo kala qobqobnaanta ka jirta. Tan iyo curashadii Jamhuuriyada saddexaad ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, waxa jiray khilaaf xoogaan oo u dhexeeya madaxda la doorto iyo hogaamiyaasha siyaasadda ee dalka ka jira. Sidoo kale waxa jirta khilaaf inta badan ka dhex aloosan hogaanka sare ee dalka, kaas oo saldhig u ah degenaansho la’aanta siyaasada dalka.
Dawladii Cabdiqaasim, waxaa si xoogan uga horyimi hogaamiye kooxeedyada ka jiray Muqdisho iyo kuwo kale, oo ay taageeraysay dawlada Itoobiya, kaas oo sababay in ay dawladaasi fadhiid noqoto. Sidoo kale, waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyey madaxweynaha iyo raysul-wasaare Cali Khaliif Galayr. Dawladii dalka Kenya lagu soo dhisay ayaan iyana ka nabad gelin, khilaafyada ka imanyey hogaamiye kooxyada iyo khilaafka hogaanka dawlada u dhexeeya, tusaale ahaan, khilaadkii ugu horeeyey ee ay kula qaybsameen Shariif Xasan Shiikh Aadan (guddoomiyihii baarlamaanka) iyo Cabdulaahi Yusuf Axmed. Sidoo kale, waxaa jiray dagaal xoogan oo u dhexeeyey maxkamada iyo khilaafkii raysul wasaare, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) iyo Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo ugu dambayntii keenay in Cabdulaahi Yuusuf lagu cadaaadiyo in uu xilka ka dego. Dawladii Shariif Shiikh Axmed, iyana waxa ay la kulantay mid la mid ah khilaafyadii iyo dagaalkii uu la kulmay Cabdulaahi Yuusuf. Hase yeeshee, dawladnimu waxa ay gaartay in Muqdisho lagu shaqeeyo, in kasta oo ay jirtay cabsi badan iyo dhibaatooyin ay qabeen dadka dawlada u shaqeeya. Dawladii Xasan Shiikh Maxamuud ee hore, waxa soo if-baxay khilaaf u dhexeeya dawlada faderalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah, kaas oo ilaa iyo maanta taagan. Khilaafkan waxaa la kulmay dawladii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dawlada hadda jirta ee Xasan Shiikh uu madaxweynaha ka yahay.
Muranka ka dhasha hanaanka doorashada ayaa inta badan dhaliya khilaaf xoogan iyo dagaalo ay isku gacan saaraan siyaasiyiinta ku hardamaya madaxtinimada dalka ama dawlad goboleeyada, kuwaas oo ka dhacay Muqdisho, Garoowe, Baydhabo, iyo Kismaayo. Isbedelka hogaanka oo aan ku iman si degan, ayaa ka mid ah waxyaabaha keena nugaylka dawladnimada, iyo soo kabasha la’aanta dawladnimada ee dalka ka jirta. Dhinaca kale, waxaa dood ka jirtaa midnimada dawlad-goboleeyada, ka dhex jirta, tusaale, ahaan, gobolka Gedo iyo dawlad-goboleedka Jubaland ee ay ka mid tahay, waxaa ka jira muran iyo dagaalo sababay dhibaato badan iyo degenaansho la’aan ka jirta dalka. Sidoo kale, waxa guux ka dhex jiraa dawlad-goboleedyada dhexdooda, taas oo ka qayb-qaadanaysa habacsanaanta maamulada jira. Waxa kale oo jira colaado soo noqnoqday oo ka dhex jira beelaha dega hal maamul-goboleed ama labo maamul-goboleed oo deris ah. Dhibaatooyinkaas oo dhan waxa ay muujinayaa sida aan weli loo midayn bulshada iyo sida aan looga soo kaban burburkii dalka gaaray, iyada oo ay Soomaaliya ahayd dal midaysan.
Faragelinta shisheeye oo uusan daahu ku rognayn ayaa qayb libaax leh ku leh soo kabashada la’aanta dalka, in kasta oo ay jiraan dhaqaale badan oo ay dunidu ugu deeqday Soomaaliya. Haddana dhaqaalahaasi ma horseedin in horumar laga sameeyo nugaylka dawladnimada. Dhowaan waxa ay dawlada Soomaaliya xiriirkii u jartay dalka Imaaraadka Cartabta oo lagu eedeey in uu ka qayb qaatay kala qaybinta dalka. Waxa kale oo jira damac ay dalalka shisheeye ka leeyihiin dhulka iyo khayraadka ku duugan dalka Soomaaliya. Dalalka faragelinta ku leh Soomaaliya aayaan meel ka soo wada jeedin, taas oo keentay in dalka hadba dhinac u jeesto.
Gabagabo
Ugu dambayntii waa arrin u baahan in dood laga furo sababta ay Soomaaliya u kaban la’dahay 35 sanno ka dib, iyada oo loo sameeyey 14 dib-u-heshiisiineed. In kasta oo qoraalkani si kooban u sheegay sababo jira, haddana, waa lagama maarmaan in la sameeyo cilmi-baaris iyo dood qoto dheer si xal loo helo ka soo kabashada nugaylka dawladnimada iyo duruufaha ku gedaaman dalka. Deganaansho la’aanta siyaasada iyo muranka aan xalka laga gaarin ee doorashooyinka, musuqmaasuqa, colaadaha ka jira beelaha ood-wadaagta ah iyo faragelinta shisheeye ayaa ah arrimaha uu qoraalkani u tilmaamay sababaha ay Soomaaliya u soo kaban la’dahay. Dhaqanka qabyaalada ee huriya colaadaha ayaa ah waxyaabaha wiiqayda midnimda iyo nabadgelyada dalka. Haddii la helo midnimada maamulka, waxa ay sahli kartaa inay dawladu gacanta ku dhigto dhamaan gobolada dalka. In wax laga barto dalalka ka soo kabtay colaadaha iyo burburka dawladnimadu waa arrin loo baahanyahay, weliba dawladaha aan duruufo badan wadaango. Soomaalidu waxa ay haysataa kansho fara badan oo xoojinaya midnimada sida diinta, dhaqanka, afka, dubka iyo kuwo kale.
Qoraaga

Latest entries
FaaloMarch 29, 2026Maxaa Wiiqay Kaalintii Bulshada Rayidka ee Xoojinta Isla-Xisaabtanka Siyaasadeed ee Soomaaliya?
MaqaaloFebruary 25, 2026Maxaa Sababay Soo Kabasho La’ Aanta Qarankii Soomaaliyeed ee Kufay oo Kala Yaacay?
SomaliaNovember 27, 2025XASAASIYADA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA EE KA DHALATAY E-VISA: Khilaafka Cusub ee Dowladda Federaalka iyo Maamulada Soomaaliyada
FaaloOctober 29, 2025SALAQLAYNTA SIYAASADDA SOOMAALIYA: “ Saldhigasho La’aan iyo Samata-bixin La’aan”










