Dowlad xoog leh, ku dhisan falsafad adag iyo siyaasad cad, garanaysa waxa ay xaqiijinayso ayaa hal-doorka & labeenteeda qaabayn karta, haddiise werweynteeda laga helo goof bannaan (baylah) oo aan dowladi ka jirin shaki kuma jiro in ay cid kale jarabaranayso si ay u fuliyaan qorshaheeda iyo hadafkeeda— taasina waa guri ba’ay, gelengel iyo reera muskood, waana waxa maanta inna ka dhigay bulsho dhakhtar wada jiifta.
HORDHAC
Barbaarinta & gardaadinta hal-doorka iyo maanka bulshada: maxaa loo abuuraa ama loo diyaarshaa? Sidee se loo barbaariyaa ama loo sameeyaa? Yey se dani ugu jirtaa oo ay u adeegaan? Weydiintan, haddii aan ka keenno ama aan su’aal iska warsanno ku aaddan nuxurka iyo fahanka ay xanbaarsan tahay horta labeenta bulshada ma la sameeyaa? Haddii jawaabtu noqoto “haa”, waa maxay sababta loo sameeyaa? Qaabkee se loo sameeyaa dadka loo dooranayo in ay noqdaan hol-doorka qaybaha kala duwan ee bulshada?
Dood kasta, waxa ay leedahay curiye soo ifbixiya iyo laliye baahiya—gaarsiiyana dadweynaha kala duwan iyo daafaha adduunka. Jawaab-celin kastana, waxa ay u baahantahay in lagu dhiso xaqiiqo sugan iyo difaacasho lagu xoojinayo meelmarkeeda aqooneed iyo midda sharciyeedba, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara xagaldaacin iyo falloocinba.
MILICSI
Soomaaliya, waa dal ka soo kabanaya dhacdooyin waaweyn. Soomaaliya, waxa ka dhacay qaran-jab iyo burbur baaxaddiisa leh. Soomaaliya, waxa muddo ka aloosan colaado aan weli la garanayn cidda falkinaysa. Soomaaliya, waxa ka jira aragtiyo iyo fiirooyin loo soo waaridey iyo duullaan guud oo natiijadiisa dhibbane loo yahay. Soomaaliya, waxa ay martigelisey aragtiyo gurracan iyo colaado isku dhafan.
Haddii aan ka soo qaadanno qodobbada ugu doorroon iyo tiirarka ugu mudan ee shacabka Soomaaliyeed la tiicayo (liicliicayo) welina aanu si sax ah uga soo kabsan waxa ka mid ah;
- Colaad Sokeeye Oo Raagtey: Hilaaddii 1991-dii Soomaaliya waxa ka dhacay burubur iyo qaran-jab weyn. Shacabka Soomaaliyeed, waxa uu cagta saaray dhabbaha halaagga iyo wadiiqada jaah-wareerka. Carriga ama geyiga Soomaaliya waxaa ka dhacay qax iyo qarracan, dhac guud, dagaallo fool xun iyo xasuuq bulsho, dil, kufsi, boob iyo ku habsasho dhul dowladeed, qabsasho hanti dadweyne, bililiqo xarkaha goosatay, colaad baahdey oo guri kasta gaartey. Shaki kuma jiro in arrinkaasi yahay mid laga dheehan karo meertada nolosha iyo shacabweynaha Soomaaliyeed.
- Loollan & Khilaaf Siyaasadeed: Marka laga hadlayo khilaafka iyo loollanka ka dhex jira giraanta (shukaanta) siyaasadda iyo hoggaanka bulshada hor taagan— waxa hubaal ah inuu u dhexeeyo is-maandhaafkaasi siyaasi ku mamay burburka, hoggaamiye-dhaqameed ku milmay foolxumada burburka, danayste ku bullaalay maqnaanshaha dowladda, qab-qable ku tabaraystay dilka iyo dhaca dadweynaha, hal-door iyo hormuud ku barbaaray aragti shisheeye iyo falsafad ka maran qarannimo.
- Jidba-kooxeed & Dagaallo Argaggixiso: Burburkii iyo qaran-jabkii Soomaaliya ka dib, dalka waxa soo galay aragti ku dhisan kooxaysi diimeed, takoorid caqiido, gaalaysiin ku dhisan mad-hab gaar ah, jihaadiyiin aan la aqoon haybtooda. Sidoo kale, dalka waxa ka dhacay dagaallo dhex maray bulshada iyo kooxo isu caleema saaray hoggaanka diinta iyo jihaynta bulshada. Waxa ka dhashay cawaaqib-xumo iyo xasillooni-darro aan weli laga soo kaban.
- Caamo Culimowdey & Caqiido Leexsan: Dagaalka ka dhasha diinta iyo caqiidada waxa uu noqdaa mid lagu gubto in badan. Waxa laga dhaxlaa jaah-wareer iyo xasarado waaweyn. Soomaaliya, markii ay burburtay ama dowladdeedii ay dhacay, waxa ka kacaamay dhalllinyaro iyo ducaad aan aqoon buuran u lahayn diinta Islaamka. Fadwo ku dhisan qiiro iyo jidbo ayaa hareeraysay dhammaan gobollada dalka. Caamo fara badan ayaa la wareegtey hoggaankii diinta.Wadaad-xume waranku gacanta ugu jiro ayaa minbarkii diinta Islaamka ku habsadey. Waxa ay tashwiish iyo buuq ku fureen bulshadii Soomaaliyeed ee la daaladhacaysay kasabka nolosha, waxa ay kala dileen wiil iyo aabbihiis, waxa ay kala geeyeen nin iyo xaaskii, waxa ay kala qaareen wadaad iyo ducadiis, waxa ay soo waarideed caqiido leexsan iyo colaad isku qoofalan, waxa ay tuureen mad-habkii dalka ka jirey, waxa ay faafiyeen aragtiyo sumaysan iyo hurgumo aan la xakamayn karin.
- Fashil & Laciifnimo Hoggaamineed: Shacabka Soomaaliyeed waxa uu dhibbane u yahay fashil hoggaamineed iyo hor-seed gabay kaalintiisii. Soomaaliya, waa dal baahi weyn u qaba in loo helo hoggaan togan, hoggaan shirraban, hoggaan leh aragti qaran, hoggaan leh damqasho iyo dareen bulsho, xanbaarsan waddaniyad iyo difaacid ummadnimo. Fashilka hoggaanku waa halaagga jiritaanka ummadnimada iyo qarannimada. Haddii, foolaadka bulshadu lumiyo kalsoonida shacabka, dayaco ilaalinta sharafta, lunsado hantida ummada, liiciyo tiirarka wax lagu dhiso ama lagu hoggaamiyo waxa hubaal ah in lagu riiqanayo jidka loo marayo dowladnimada iyo xayn-daabkeedaba.
- Dhaqan-guur Bulsho: Ummad kasta waxa ay leedahay summad iyo dhaqan lagu garto. Ummad kastana, waxa ay leedahay hidde iyo dhaxal-dhaqameed lagaga sooco qayrkeed. Soomaaliya, markii burburku dhacay, lagana qaxay caasimaddii dalka iyo dhammaan maagaalooyinkii waaweynaa waxa si bareer ah loo daadiyey dhaxalkii ummadda Soomaaliyeed, waxa baylah noqday wax kasta oo astaan iyo jiritaan sooyaal u ahaa shacabka Soomaaliyeed. Muddadii lagu jirey dowlad la’aanta waxa dhacay dhaqan-guur bulsho, dhalan-rog dhaqan, dhimaal af, bililiqo suugaaneed, been-abuur taariikheed, tahriibin agab-dhaqameed, xaraashid agab farsamo iyo sanceedba.
- Hoos-u-dhac Dhaqaale: Dhaqaaluhu waxa uu ka mid yahay dhardhaarrada iyo kaabayaasha lagu ilaasho qarannimada iyo danaha ummadi leedahay. Dhaqaalaha oo burbura waxa ka dhasha baahi dadweyne oo xarkaha goosata. Sidoo kale, waxa ka dhasha foolxumo bulsho, karaama-darro iyo dawarsi aan loo meeldayin. Soomaaliya, markii ay burburtay waxa la burburay dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha, waxa lumay jaangoyntii dhaqaalaha, waxaa faraha ka baxay kor-joogtayntii suuqa dadweynaha, waxa baylah noqday furdadihii iyo marsooyinkii dalka, garoomadii iyo gegooyinkii dalka, xeebihii dalka oo idil. Waa hagaage, waxa laga faa’iidaystey baahidii guud, macaluushii ka dhacday dalka, gaajadii garbaduubtay garaadka iyo garashada qofka, saboolnimadii jirdagoysey cirdiga ruuxa Soomaaliga ah. Hoos-u-dhaca dhaqaaluhu, waxa uu wiiqaa danaha iyo maslaxadda dowladnimda, ilaalinta danaha qarannimo, xurmadda, seeraha iyo xuduudaha dalka. Sidoo kale, waxa uu sababi karaa ama uu saamayn weyn ku leeyahay jihaynta qofka iyo qaabayntiisa nololeed.
- Burbur Waxbarasho: Waxbarashadu waxa ay qaabaysaa qofka u soo baxaya bulshada iyo dalkiisa. Waxa ay sahmisaa garaadka qofka iyo baaxadda uu ku dabaalan karo, waxa ay laylisaa kasmada qofka iyo garaadkiisa, waxa ay toshaa, tuntaa, toosisaa qofka la rabo inuu soo baxo. Burburkii Soomaaliya ka dhacay ka dib, dalka waxa soo galay, manaahij dool ah iyo aragtiyo kala duwan— waxa dalka laga furay iskuullo aan la aqoon haybtooda, ujeedkooda, siyaasaddooda iyo qofka ay soo saarayaan. Keliya, waxa maanta laysla qirsan yahay in dhammaan dhibbane loo yahay wixii dalka soo galay. Dalka waxa laga furay jaamacado kala duwan, cidi ma taqaan waxa lagu dhiganayo, lama saadaalin karin qofka ay soo saarayeen, lama qiyaasi karin ardayga ay barbaarinayeen, lama hilaadin karin waxa maraxu noqon doono. Keliya, waxa dhibbane maanta loo yahay natiijadii ka dhalatay! Manaahij kala duwan oo xanbaarsan aargtiyo gurracan, xagjirnimo, gaalaysiin, caqiido leexsan, fiqi qalloocan, dacwo ku dhisan colaad iyo gacan-ka-hadal. Shacabka Soomaaliyeed, meel uu joogaba waa mid ku jaahwareeray hirarkii burburka iyo taya-xumadii waxbarasho ee ka dhalatay firaaqii qarannimada. Kaaddirka iyo hoggaanka lagu ababiyey aragtidii iyo felsafaddi doolka ahayd ayaa ah maanta caqabadda ugu weyn ee fahmila’ meesha loo socdo iyo waxa la hiigsanayo. “Mar kasta oo dowladnimadu xoogsato, kobocdo, yeelato tayo haggoomineed iyo fulin awoodeed waa mar kasta oo kaadirka waxbarashadu tooso, muujiyona tisqaad iyo taabbagal la taaban karo”.
- Caddaaladdarro & Tabaryari Garsoor: Burburka waxa laga dhaxlaa caddaaladda oo weecata, garsoorka oo wiiqma, fulinta oo fashilanta, tayada iyo aqoonta qaalliga oo yaraata, xulashada shaqaalaysiinta guud oo noqota mid ku dhisan eex iyo qabyaalad, ninjeclaysi iyo garabsiin. Burburkii ka dib, waxa soo ifbaxay kooxo ka macaasha hantida qaranka, booba dadka tabarta yar, ku fooggan musuq-maasuqa iyo jaangoynta sicirka suuqa. Dal burburay; dadkiisuna waa la burburaan. Qaran-jabkii Soomaaliya, waxa ka dhashay oo welina taagan tabasho dadweyne, tacaddi baahsan, tagrifal awoodeed. Caddaaladda oo toosta ayaa lagu gaari karaa bulsho bedqabta. Caddaaladda oo la hirgeliyo ayaa lagu gaari karaa hoggaan hagaagsan. Garsoorka iyo xeer-ilaalinta oo si qumman u guta howlaha loo igmaday ayaa lagu xaqiijin karaa israac bulsho, anbaqaad ummadeed iyo ifafaale qarannimo.
- Maleeshiyaad Askaroobey: Marka aan ka hadleynno diyaarinta hal-doorka iyo labeenta bulshada waxa ka mid ah, in la helo ciidan carbisan, oo leh cudud xooggan iyo caqiido sugan. Soomaaliya, waxa markiiba lagu yaacay, cagtana la mariyey salabkii iyo saanaddii cududdii uu lahaa xooggii dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybihii kale ee ciidanka qalabka sida, waxa soo baxay maleeshiyo iyo qowlaysato garabka qori ku sidata, waxa ay ku barbaareen burbur iyo dawlad la’aan, waxa ay kansho iyo fursad u heleen in dalka iyo dadkaba muquuniyaan. Waa hagaage, waxa loo yaqaanney qab-qablayaal iyo dagaal-oogayaal. Dhammaan qabqablayaashii iyo hoggaamiya-kooxeedyadii dalka soo maray waxa ay ku milmeen ciidanka qaranka kadib, markii dib loo yabyabay Xoogga Dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Wiil ku barbaaray, ku indha-qaaday, ku koray, kuna dhaqday, ku hanaqaaday, ku tabaraystay ama ku taagsaday mowjadihii iyo hirarkii ku suntanaa falsafadda qabyaaladda iyo is-muquuninta kaabba-qabiillada waa hubaal inuusan noqonayn sarkaal qaran oo buuxa, cudud fayoow oo lagu ciirsado, gaarhaye carbbisan oo la harsado, muwaaddin wanaagsan iyo astaan qaran oo lagu seexan karo. Haddaba, jaalle “xulasahda askariga ayaa ka dhigan midda ugu habboon ee laga rabo in dowladi ku tallaabsato”. Sidoo kale, “laylinta sarkaalka oo hagaagta ayaa waxa ka dhasha hoggaan waxtar leh iyo talis gudasho leh”.
- Talis Debecsan & Kaadir Habowsan: Qof kasta oo ogaal iyo aqoon u leh culuumta lagu derso ciidanka iyo fanka dagaalka, waxa dhab ah oo hubaal ah, inuu garan karo qiimaha ay leedahay in la helo talis awood leh, ku hubaysan xirfad, ku guura sahan, ku maareeya qorshe, ku dhisan xeerar iyo qawaaniin, ku fooggan danaha qarankiisa, u carbisan diyaarinta iyo geeddi-socodka dhismaha hoggaanka guud ee ciidan yeelan karo. Soomaaliya, waxa ay ka mid ahayd burburka ka hor dowladaha ugu awoodda badan dhanka millateriga iyo saanadda cudud-ciidaneed, waxa ay safka hore kaga jirtey dowladaha mudnaanta iyo milgaha ku dhex leh qaaradda Geeska Afrika.
Sidoo kale,waxa iyana dhab ah, ruux kastana fahmi karaa, maraxa iyo miraha ka dhasha debecsanaanta taliska iyo is-weydaarka tababarka ciidanka qaran loo dhisayo. Soomaaliya waxa ka burburay dal iyo dad, aqoon iyo xirfad, garab iyo gaashaan. Haddii aan tusaale u soo qaadanno arrinkan waxa ka mid ah; dhamman waxa burburay kulliyadihii lagu diyaarin jirey saraakiisha S\kiil xigeennada Xoogga Dalka, iyada oo ay beddeshey in dalka dibaddiisa lagu soo tababaro dablayaasha iyo saraakiisha qaranka. Tababarka ciidanka oo la mideeyo ayaa ah astaamaha ugu waaaweyn ee lagu dhisi karo ciidan xooggan oo caqiido iyo aragti ku dhisan.
Haddaba, haddii dib boorka looga jafo dhammaan goobihii iyo akadeemiyadihii lagu laylin jirey saraakiisha qaranka, hoggaammada xoogga ee kala duwan, talisyada fadhiyada, cilmibaarayaasha danaha qaranaka Soomaaliyeed, sahmiyayaasha iyo wardoonka xogaha qarsoon, curiyaasha istiraatiijiyadda qaranka iyo qaabaynteeda, waa marag-madoonto in ay soo noqonayso haybaddii iyo xurmaddii uu lahaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Tababarka gudaha lagu qaadanayo oo la soo celiyo; ayaa ka dhigan xoojinta, xulashada caqiidada ciidanka lagu carbinayo. Halka, uu yahay tababarka dalka dibaddiisa lagu soo qaadanayo mid barxan oo aan ka turjumayn bedqab caqiido iyo aragti ummadeed oo shirraban.
BARBAARINTA & GARDAADINTA
HAL-DOORKA BULSHADA
- MAXAA LOOLA JEEDA HAL-DOORKA BULSHADA: Bulsho kasta waxa ay leedahay dad hormuud iyo xeerbeegti u ah iyo dad hal-door loogu yeero oo ah kuwo asteeya meesha la degayo ama reerka lagu furayo. Waxa jira ereyo iska macne ag dhow oo ku soo ururaya reyga hal-door. Dhammaan ereyadani waa ku leh macne gaar ah, xanbaarsanna nuxur iyo fahan ku dhisan ujeeddooyin kala duwan. Waxa ka mid ah ereyadan isku bahda ah marka laga hadlayo dhanka fahanka iyo macnaha guud; horseedka, horweynta, hormuudka, hoggaanka, indheer-garadka, foolaadka, labeenta, qoorweynta, qammaammurta, gargayrtida, madaxyaweynta, mudantida iyo hal-doorka.
Hal-doorka bulshada waxa loola jeedaa waa, “dadka ugu mudan ama ugu firfircoon bulshada”, kuwaas oo leh saamayn weyn oo togan ama waxay bulshada ugu jiraan meel muhiim ah. Hal-doorka, waxaa loo arkaa shaqsiyaad leh hibo, karti, aqoon, iyo hoggaamin bulsho, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarinta iyo hagaajinta nolosha bulshada inteeda kale. Waxaa ka mid noqon kara hal-doorka hoggaamiyayaasha, aqoonyahannada, ganacsatada, saamileyda siyaasadda, culimada, bahweynta waxbarashada, iyo kuwo kale ee sida muuqtaa uga dhex muuqda bulshada isla markaana leh saamayn togan.
Haddii aan mar kale eegno ereyga (Elite) ama (النخبة) waxa loo adeegsadaa ama lagu tilmaama dadka ka shaqeeya dhiirrigeliya bulshada, tusaale fiican u noqda qaybaha kale ee bulshada—kuna dadaala sidii ay bulshada u hagi lahaayeen ama u barbaarin lahaayeen. Waxa hubaal ah in bulshada ka koobantahay laba qaybood oo kala ah; hoggaan sare iyo shaqaale hoose. Hoggaanku waxa uu tusaale ka yahay cidda diyaarisay, barbaarisay, garabqabatay, ku shubtay falsafadda nolosha uu ku dhex dabaalanayo, una jeexday dariiqa iyo wadiiqada uu u marayo habka uu wax maamulayo.
Sidoo kale, waxa iyana mudan inaan tibaaxno ama ishaarno in mar kasta bulshada “qaybta shaqaalaha ahi u baahanyihiin barbaarin iyo jihayn joogta ah, waa in ay helaan laylin iyo diyaarin lagu kaabayo aqoontooda, garaadkooda, hab-fekerkooda iyo in ay ilaaliyaan shuruucda dalka iyo dadkaba, laguna ilaaliyo inaysan ka bixin xayndaabka qarannimada iyo danta guud” Haddii aan fahanka iyo nuxurka soo dhoweynno, waxa jira dad caan ah, oo loo sameeyay si waafaqsan halbeegyo laga yaabo inay ku dhisanyihiin anshax-darro iyo qarbudaad. Maxaa yeelay, ujeedka iyo hadafka loo asaasay ayaa ah, awood siin aan dabar lahayn, hor-mood ka dhigis aan xad la ahayn, iyo helidda awood iyo maamul badan oo aan cidina korjoogta ka ahayn— waxa sidan loo yeela ama qaabkan loogu barbaariyaa waa “in ay noqdaan qalab lagu dagaalamo, af lagu wadahadlo, hub lagu dumiyo fekradaha kale iyo in loo adeegsado farsamo kasta oo lagu gaarayo dib-u-dhaca dalka iyo dad kaba”.
Kolka laga doodayo hal-doorka iyo labeenta bulshada Soomaaliyeed, kuma koobna saamileyda siyaasadda oo keliya. Bal waxa jira kooxo ku suntan diin, aqoon, dhaqan, dhaqaale, warbaahin, farshaxan, ciyaaro iyo hal-abuurrada bulshada. Dhamman qaybaha ni waxay samayn xun iyo mid fiicanba ku leeyhiin kala-soocidda bulshada, jihaynta bulshada, carbinta ra’yiga dadweynaha iyo maaraynta dadweynaha.
- YAA JAANGOOYA (GARDAADIYA)? Dal marka uu burburo waxa la burbura wax kasta oo tilmaan u ah gobannimadiisa, xorriyaddiisa, doonistiisa, masaalixdiisa iyo wax kasta oo ku gadaaman badbaadinta dadkiisa. Dal burburay waxa uu baylah u yahay in loo carbiyo ama diyaarsho dadkii qaban lahaa hoggaankiisa, taladiisa, geed-fadhigiisa iyo ka arrimintiisa guud ba. Waxa loo tababaraa kaadir u heeggan fulinta dano gaar ah iyo xaqiijinta qorsheyaal ka baxsan danaha dalkiisa. Haddii aan is weydiinno su’aashan ah; ilaa intee in le’eg ayay danta gaarka ahi ku tumanaysaa danta guud?
Ubucda iyo nuxurka marka aan soo koobno waxa jaangooya hal-adoorka bulshada Soomaaliyeed;
- Bulshada Lafteeda: Bulshooyinka ayaa guud ahaan leh door muhiim ah oo ay ku aqoonsato hal-doorkeeda, iyadoo qiimayn ku samayneysa kartida, dadaalka, iyo saamaynta qofeed ee ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
- Hoggaamiyeyaasha Dhaqanka: Hoggaamiyeyaasha dhaqanka ayaa leh kaalin mug weyn sida odayaasha dhaqanka, cuqaasha, iimaamyada, malaaqyada, waberrada, boqorrada, ugaasyada iyo waxgaradka kale ee deegaanka ayaa inta badan door ka qaata jaangooynta hal-doorka. Iyagu waxay soo saaraan qofka ay u arkaan inuu u qalmo ama ay ay ka arkaan dantooda gaarka ah, weliba iyagoo ku salaynaya dhaqan iyo caado bulsho ee aan ka eegayn danaha qaranka iyo masalaxadda guud dowladnimada.
- Hay’adaha Dowliga ah & Bulshada Rayidka ah: Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa bulshada rayidka ah waxa ay sidoo kale, kaalin ku leeyihiin jaangoynta hal-doorka iyo foolaadka bulshada, gaar ahaan iyagoo soo xula una aqoonsada shakhsiyaad si gaar ah uga dhexmuuqda bulshada, lana siiyo abaalmarino, xilal, ama taageero bulsho. Lamana yaqaan xulashada shakhsiyaadkaas iyo cidda gadaal ka taagan oo soo barbaarisay.
- Warbaahinta & Baraha Bulshada: Warbaahinta iyo baraha bulshadu waxa ay door muhiim ah ku leeyihiin kor u qaadista iyo aqoonsiga hal-doorka. Warbaahinta ayaa inta badan soo bandhigta shaqsiyaadka waxqabadka wanaagsan ku leh bulshada, taas oo ka dhigta kuwa sumcad ku leh bulshada dhexdeeda. Sidoo kale, warbaahintu waxa ay si fudud u baahisaa ama dadweynaha uga dhaadhicisaa shakhsiyaad aan wax aqoon ah loo lahayn, la aqoon ra’yigooda, doonistooda, afkaartooda, cidda ay u adeegayaan iyo halka ay ka soo shidaalqaateen.
- Aqoonyahannada & Culimada: Dadka aqoonta leh iyo culimada bulshada ku dhex nool ayaa mararka qaar jaangooya hal-doorka iyo nukhbada bulshada, iyagoo ku qiimeeya hufnaanta iyo dadaal-shaqsiyaadkooda. Waxa ay tusaale ahaan u aqoonsadaan kuwa leh hibo gaar ah, karti, waxqabad saamayn leh, bulshada na wax tar u leh. Inta badan, waxa dhacda ama xaqiiqo jirta ah aqoonyahanka iyo culumadu inay yihiin kuwo u janjeera aragtiyo shisheeye, haddaba, ma yihiin kuwo u adeegaya danaha dalkooda, dadkooda iyo dowladdooda? Dowlad xoog leh, ku dhisan falsafad adag iyo siyaasad cad oo la yaqaan waxa ay xaqiijinayso ayaa aqoonyahanka iyo culumada qaabayn karta, haddiise ay helaan goof bannaan oo aan dowladi ka jirin shaki kuma jiro in cid kale ay wax u fulinayaan.
- QAABKEE LOO ABABIYAA? Hal-doorka bulshada waxaa lagu ababiyaa habab kala duwan oo diiradda saaraya hibo, hufnaan, iyo hoggaamin togan, waxaana ka mid ah:
- Waxbarashada & Tababarrada: Waxbarashadu waa habka ugu weyn ee lagu kobciyo kartida hal-doorka bulshada. Waxbarasho tayo leh iyo tababar ku saabsan xirfadaha hoggaaminta, xiriirka bulshada, iyo anshaxa ayaa muhiim u ah dhisidda haldoorka. Waxaa loo abaabulaa siminnaaro, aqoon is-weydaarsiyo, iyo barnaamijyo waxbarasho oo kor u qaada xirfadaha iyo aqoonta haldoorka.
- Dhiirrigelinta Hufnaanta & Akhlaaqda: Akhlaaqda wanaagsan iyo hufnaanta waa astaamo muhiim ah oo lagu tarbiyeeyo hal-doorka bulshada. Waa muhiim in bulshada iyo waalidiintu dhiirrigeliyaan shaqsiyaadka hufan oo leh akhlaaqda wanaagsan, kuwaas oo tusaale wanaagsan u noqon kara bulshada inteeda kale. Tusaalaha wanaagsan ee lagu barbaariyo guriga iyo iskuulada wuxuu door muhiim ah ka qaataa barbaarinta hal-doorka wanaagsan.
- Kaalinta Horumarineed & Hogaamineed: Hal-doorka waxaa lagu ababiyaa iyagoo lagu dhiirrigeliyo in ay qaataan kaalin muhiim ah oo bulsho, kuwaas oo ku jihaynaya waajibaadyo mas’uuliyadeed. Kuwo waxqabad, muujiya hoggaamin fiican. Sida caadada ah ama dhacdaba inta badan dadka firfircoon ayaa la siiyaa mas’uuliyado dheeraad ah oo bulshada dhexdeeda ah, si ay ugu adeegaan dadkooda una kasbadaan xirfado dheeraad ah.
- Horumarinta Xirfadaha Isgaarsiinta & Xalinta Khilaafaadka: In la baro hal-doorka xirfadaha isgaarsiinta iyo xallinta khilaafaadka waxa ay sare u qaaddaa awooddooda hoggaamineed. Waxaa muhiim ah in la siiyo fursado ay ku bartaan sida looga hadlo madalaha, loo dhageysto dadka kale, iyo sida dhibaatooyinka loogu xalliyo si nabad ah oo deggan.
- Taageero & Dhiirrigelin bulsho: Hal-doorka bulshada waxaa lagu ababiyaa iyagoo hela taageero buuxda oo bulshada ka timaadda, oo ay ku jiraan waalidiinta, macallimiinta, iyo hoggaamiyeyaasha. Taageerada bulshadu waxa ay dhiirrigelin u tahay hal-door kasta si uu u horumariyo xirfadaha iyo saamaynta uu ku leeyahay bulshada.
- Korinta Qiimaha & Wacyiga Bulshada: Haldoorka waxaa lagu tarbiyeeyaa ama lagu barbaariyaa in uu ogaado qiimaha bulshadiisa iyo sidii uu wax uga beddeli lahaa caqabadaha jira. Bulshooyinka qaar waxa ay bixiyaan tababaro diiradda saaraya wacyigelinta bulshada iyo sidii loo horumarin lahaa anshaxa iyo hannaanka bulsho. Hal-door kasta, waxa uu u baahan yahay barbaarin, waxbarasho, iyo fursado horumarineed oo diiradda saaraya kartida iyo hufnaanta shaqsiga. Waalidiinta, macallimiinta, iyo bulshadu waa inay iska kaashadaan sidii loo dhisi lahaa hal-door wanaagsan oo wax tar u leh bulshadiisa.
- YEY U ADEEGAAN OO DHEEFSADA? Barbaarin kasta oo adduunka soo martay ama ka jirta waa hubaa oo cid ayaa geed-fadhi u ah , dheefsatana. Marka aan si qumman u sharraxno dheefsiga hal-doorka iyo hormuudka bulshada waxa ay ku soo urureysaa in ay u adeegaan cidda leh gardaadintooda kowaad. Sidoo kale, haldoorka bulshada waxa dheefsada dad kala duwan iyo qaybaha bulsho ee hoos ku xusan:
- Bulshada Guud: Hal-doorka bulshada waxa ay si toos ah ugu adeegaan bulshadooda iyagoo tusaale wanaagsan u noqda, wax ka beddela horumarka bulshada, iyo inay abuuraan isbeddel togan. Dadka ku xeeran ayaa ka faa’iidaysta aragtidooda, dadaalkooda, iyo hoggaamintooda.
- Dhallinyarada iyo Jiilka Soo Koraya: Hal-doorka bulshada waxa ay tusaale fiican u noqdaan dhallinyarada iyo jiilka soo koraya, iyagoo dhiirrigeliya hamiga iyo riyada dhallinyarada. Waxa ay ka caawiyaan dhallinyarada in ay bartaan xirfadaha hoggaaminta, anshaxa wanaagsan, iyo sida loogu adeegayo bulshada.
- Hay’adaha Dowliga ah & Bulshada Rayidka ah: Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa bulshada rayidka ah wax aay ka faa’iidaystaan hal-door wanaagsan oo si xirfad leh uga shaqeeya arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, iyo nabadgelyada. Hal-doorka waxa ay qayb ka qaataan qorsheyaasha iyo mashaariicda loogu adeego bulshada.
- Qoyska & Qaraabada: Qoysaska iyo ehelada hal-door kasta ayaa sidoo kale ka faa’iidaysta dadaalka iyo sumcadda hal-doorkooda. Waxa ay heli karaan tusaale wanaagsan oo kor u qaada qiimaha qoyska iyo sharafta ay bulshada ku leeyihiin.
- Ganacsiyada & Suuqyada Shaqada: Hal-doorka bulshada, gaar ahaan kuwa xirfadaha iyo ganacsiyada ku wanaagsan, waxa ay door muhiim ah ka qaataan kobcinta dhaqaalaha bulshada. Waxay abuuraan shaqooyin, dhiirigeliyaan ganacsiyo cusub, una horseedaan bulshada fursado dhaqaale oo horumarineed.
- Deegaanka & Dadka Ku Dhaqan: Hal-doorka bulshada waxa ay sidoo kale u adeegaan deegaanka ay ku nool yihiin. Waxa ay bulshada baraan wacyiga ilaalinta deegaanka iyo dhaqamada wanaagsan ee daryeelka deegaanka, sida nadaafadda, keydinta kheyraadka, iyo ilaalinta deegaanka dabiiciga ah.
GUNAANAD
Haldoor kasta waxa uu door muhiim ah ka qaataa nolosha bulshada iyo dad badan oo kala duwan, iyagoo abuuraya isbeddel, dhiirigelin, iyo horumar. Dadka oo dhan ayaa si toos ah ama si dadban uga faa’iidaysta haldoor wanaagsan ee ku dhex jira bulshadooda. Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya colaado ku raagey iyo khilaafaad siyaasadeed ayaa baahi weyn u qaba hal-door aragti leh iyo xaqiijin karana waxa dowladdiisu doonayso, ka dhabayn kara geeddi-socodka iyo fulinta qorshihiisa qaran. Inta Soomaaliya kaadirkeeda iyo hal-doorkeeda ay marti uga tahay waddamo shisheeye in ay u carbiyaan waxa hubaal ah inaan si dhakhso ah looga soo kaban karin wixii burbur iyo colaado inna soo maray. Mudnaan iyo muunaynba waxa mudan inaan maanka ku haynno jaalle “hufnaanta shaqada, gudashada waajibaadka, hirgelinta xuquuqaha, dhaqan-gelinta sharciga, hoggaaminta suubban, qorshaynta isku jaan go’an, geeddi-socodka toosan, sahminta ku dhisan ogaalka iyo aqoonta, kobcinta dhaqaalaha, jihaynta dhallinyarada, dhisidda wacyiga bulshada iyo ilaalinta bedqabka diinta Islaamka ayaa ah DOWGA NOLOSHA SAXDA AH LOO MARO.”
Qoraaga

- waa cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.Sidoo kale, waa bare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Latest entries
FaalloOctober 29, 2025BARBAARINTA & GARDAADINTA HAL-DOORKABULSHADA SOOMAALIYEED










