Hordhac
Waa maxay dib u qaabayn dowladeed (Government reform)? dib u qaabayn dowladeed waa geedi socod nidaamsan oo lagu horumariyo qaab dhismeedka, shaqada, siyaasadaha iyo waxqabadka hay’adaha dowladda si looga dhigo kuwo shaqada u fuliya sida ugu wanaagsan ugu waxtar badan, ugu daahfuran, isla xisaabtana uu ka muuqdo, si kale haddii loo yiraahdo dib u qaabaynta hay’adaha dowladdu waa isbedel lagu sameeyo sida dowladu u shaqayso ama u hawl gasho sida ay u samayso sharciyada ay ku shaqayaso, ha’yadaha sharciyadaas fuliya, qaabka loo fuliyo iyo shaqaalaha dowladda oo hawlahaas qabanaya oo kartidooda waxqabad kor loo qaado si ay u bixiyaan adeegga dadweynuhu ka sugaayo, cadaaladda u sugaan isla markaasna uga jawaabaan baahiyaha is bed bedelaya ee bulshada.
Hadaba, bal aan eegno waxa culimada ku takhasustay arrimahaan ay ka yiraahdeen inagoo soo xiganayna aragtiyaha culimada reer galbeedka iyo kuwa Islaamka labadaba. Culimada reer galbeedka oo arrimhaan wax ka qoray waxay dhamaantood si mug leh isku raacsan yihiin in dib u qaabaynta dowladnimadu ay tahay geedi socod joogto iyo la qabsi ah (ongoing and adaptive process) ee uusan ahayn dhacdo hal mar la sameeyo isla markaasna faraha laga qaado oo iskeed isu wada.
Dwight Waldo (1948), Wuxuu maamulka dowladda ku macneeyey inuu ku shaqeeyo deegaan isbedel siyaasadeed iyo bulsho ay si joogto ah uga dhacayaan sidaas darteed nidaamka maamulku waa inuu isla bedelaa isaga oo la qabsanaya xaaladaha dhacaya. Sidaas si la mid ah Herbert Simon (1947) wuxuu ku nuux nuuxsanayaa dadka go’aan qadashada leh waxay wajahaaan caqliyad xadidan oo uu ula jeedo inta badan ma qaataan go’aamada ugu wanaagsan oo macquulka ah maxaa yeelay ma raadshaan xog dhamaystiran oo ku saabsan mawduuca ay go’aanka ka qaadanayaan, waqti ku filan ma siiyaan, waxaa dhici karta qofka hogaamiyaha ah inuu keligiis iyo dhowrka qof oo ka agdhow xogta uu ka helo uu ku saleeyo go’aan qaadashadiisa halka talo kasta loo baahan yahay in dadka ehelka u ah lagala tashado waqtina la geliyo si go’aan sax ah loo qaato mararka qaarkoodna la qabto shirar waaweyn oo dad ehel u ahi mawduucaas go’aanka laga qaadanyo ay si cilmi ah ugu falan-qeeyaan talooyin la kala dooran karana ka soo jeediyaan.
Osborne and Gaebler (1992) waxay ku doodeen dowladuhu waa inay dib isu abuuraan, isu cusboonaysiiyaan, si ka duwan qaabkii hore oo ka waxtar badan ay hawlaha u qabtaan si ay uga jawaabaan xaaladaha isbed bedelaya iyagoo xooga saaraya hal-abuurka iyo wax cusub inay soo kordhiyaan iyo sidoo kale inay u furnaadaan isbedelkana la qabsadaan ayna bedeli karaan qorshahooda marka duruuf deg deg ah oo la qabsi u baahan ay soo wajahdo dowladda.
Sida ay qabaan Fred Riggs and Sabatier (1988) dib u qaabaynta siyaasadeed waxay ku timaadaa barasho iyo la qabsi joogto ah (learning and adaptation) jilayaasha siyaasadda dhexdooda, fikradani waxay hoosta ka xariiqaysaa in dib u qaabaynta dowaladu tahay mid si joogto ah isu bedelaysa (dynamic and continous) taasoo ay saamayn ku yeelanayso ama qaabaynayso cashardii laga soo bartay qorshihii horey loogu socday, isbedelka ku dhacaya muhiimaddaha la siinayo arrimaha siyaasadeed, horumarka tiknooloojiyada, aqoonta iyo baahida bulshada oo waqtiga isla bedelaysa.
Hadanna aynu eegno culimada iyo mufakiriinta Islaamka sida Sayyid Qutub, Hassan al-Banna, Muhamed Iqbal, Fazlur Rahmaan Iyo Abdulrahmaan al-Kawakibi oo si qoto dheer mawduucan dib u qaabaynta dowladda wax uga qoray iyo waxay ka yiraahdeen fikrada ku saabsan dib u habaynta dowladnimada (government reform) inagoo eegayna culumadii hore iyo kuwa casriga ah oo hadda jooga (classical versus modern Islamic thought on government reform).
Culimadii hore marka ay ka jawaabayaan maxaa dowlad loogu baahanyahay ama waa maxay hadafka dowlad loo samaysanayo, waxay xooga saarayaan arrimaha ay ka midyihiin fulinta shareecada, xaqiijinta cadaalada, difaaca diinta, nolosha dadka, caqliga hantida iyo sharafta dadka, halka culimada Islaamka mufakiriinta cusubi ay ku darayaan intaas in la gaaro dowlad wanaag, maslaxad, horumar waafaqsan qiyamka Islaamiga ah.
Firkrada Islaamku ka qabo dib u qaabaynta (reform) waa islaaxin ama hagaajin, sixid dareenka iyo hab dhaqanka maamulka oo laga saxayo dhaqanka faasidka ah musuqana ku salaysan. Sidoo kale culumada Muslimiinta ee waqtigan dib u qaabaynta dowladda waxay ku macneeyaan cusboonaysiin (renewal). Isla xisaabtanka ayey culimada Islaamku qabaan inay tahay muhiim ayna xaqiijiyaan hay’adaha dowladu, dastuurkana ku qeexan tahay si waafaqsan shareecda Islaamka.
Culimada Islaamku waxay xooga saarayaan wada tashiga (consultation) inay ku timaado dib u qaabaynta nidaamka dowaldu, iyo in la qabto doodo furan oo ay ka soo baxaan fikarado horseedaya maslaxo, islaaxin ama hagaajin iyo dib u cusboonaysiin.
Hadaba maamulka Puntland ma u baahanyahay dib u qaabayn (government reform)? dib u qaabayn noocee ah ayaa loo baahan yahay? sidee ku imaan kartaa dib u qaabaynta dowladda Puntland looga jeedo, dhanacyadee bay khusayn kartaa. Qormadaan ayaan ku falanqayn doonaa anigoo isku dayaya inaan ka jawaabo su’aalahaas iyo kuwo kaleba.
Waa maxay arrimaha u baahan in dib loo eego?
Waxaa jira arrimo loo baahanyahay in dib u eegis lagu sameeyo, arrimahaas oo aan isleeyahay in ay ugu muhiimsanyihiin waxaa kamid ah:
- Dastuurka Puntland
- Arrimaha siyaasada
- Dowlad wanaaga (good governance)
- Dhaqaalaha
- Nidaamka cadaalada oo dib loo eego (justice reform)
- Amniga gudaha iyo dibada oo dib loo eego (security reform)
- Arrimaha bulshada
Qormadaan waxaan ku qaadaa dhigi doonaa dib u eegista looga baahanyahay arrimaha dastuurka, siyaayadda iyo dowlad wanaaga, iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, cadaaladda, amniga iyo arrimaha bulshada.
- Dib u eegista dastuurka Puntland (constitutional review)
Marka ugu horaysa, Puntland waxay u baahantahay inay dib u eegto dastuurkeeda la qoray 2012, muddo hada laga joogo 15-sano, ka horna waxaa jiray axdi qarameedkii lagu dhisay Puntland 1998 oo balantu ahayd muddo laba sano ah in lagu diyaariyo dastuur iyo doorasho qof iyo cod ah hase yeeshee taasi ma hirgelin waxaa dhacay firaaq dastuuri ah oo sababay in khilaaf siyaasadeed ka dhaco Puntland bishii July 2001, kaas oo sababay dagaal sokeeye oo qaatay muddo laba sano ah. Khilaafkaas waxaa laga heshiiyay bartamihii 2003. Dastuur aan la isku raacsnayn oo la diyaariyay xiligii madaxweynihii kowaad ayaa lagu sii dhaqmaaayay ilaa laga gaaray 2012, muddo toban sano ah ayay ku qaadatay Puntland diyaarinta iyo ansixinta dastuurka hadda jira, shaqadiisu waa soo jiitamaysay muddo toban sano ah oo intaas guddiyo ka soo shaqaynayeen hase yeeshee waxaa la dhammaystiray 2012 xilligii madaxweynihii sadexdaad Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo u sameeyay wasaarad gaar ah oo nin sharci yaqaan ah mudane Cabdi Xasan Jimcaale uu hogaaminayay, Jimacaale Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku dulshaqeeyay dastuurkii la qorayey isagoo ka soo saaray midka hadda lagu dhaqmo oo aakhirkii ergo 400 qof ka badan ay cod ku ansixiyeen sanadkii 2012.
Dastuurku wuxuu isla bedelaa waqtiga iyo wacyiga iyo sidoo kale xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale oo si joogto ah isu bed bedelay 16-sano ee la soo dhaafay tusaale ahaan xilligaas Dowladda Federaalka ah oo hadda jirtaa sanad ma jirin, sidoo kale ma jirin dowlad goboleedyo kale, oo xaaladu sida ay maanta tahay waa ay ka duwanayd.
Arrinta kale oo khasbaysa in dastuurka dib loo eego waa hirgelinta barnaamijka qof iyo cod, sida aynu la socono Puntland waxaa ka hirgalay doorashooyinka dowladaha hoose oo dadku qof iyo cod ku soo doorteen, sidoo kale waxaa la furay axsaab ku tartamay doorashooyinka dowaldaha hoose, golayaasha hadda jira iyo xisbiyadaba waqtigoodu wuxuu ku egyahay 2028, iyadoo Janaayo 2029 Puntland ay sugayso sadex doorasho oo is huwan kuwaas oo kala ah, doorashada dowladaha hoose, baarlamaanka iyo madaxweynaha, qorshuhuna yahay in intaba qof iyo cod lagu doorto.
Hadaba, labada sano ee soo socota waxaa lagama maarmaan ah in la diyaariyo shuruucdii doorashada oo ka bilaabmaysa dastuurka, sharcigii doorashada golayaasha dowladaha hoose iyo baarlamaanka, qaabka loo dooranayo madaxweynaha, ma wuxuu noqonayaa baarlamaani mise toos baa dadweynuhu u soo dooranayaan, sidoo kale shuruucdii lagu maamuli lahaa xisbiyada iyo guddiga doorashada ayaa loo baahanyahay in la dhammaystiro sida ugu dhaqsaha badan. Arrimahaas oo dhami waxay khasbayaan in dastuurka dib oo eego laguna qeexo si cad.
Hadaba, dib u eegista dowladnimada Puntland waa inay ka bilaabmataa dastuurka iyadoo dastuurka dib loo eegayo marka horena geedi socodka iyo habraaca dib u eegista dastuurka in la sameeyaa waa muhiim, tashi dadweyne in la geliyaa waa huhiim, cashardii laga bartay ama qaladaadka aan watiga la socon karin oo la soo maray in wax laga barto waa muhiim, dastuur waqtiga maanta jira la jaanqaadi kara inay Puntland yeelato waa muhiim waana furaha dowladnimada wanaagsan oo aynu la rabno Puntland.
- Siyaasadda
- Dib u eegista wada shaqaynta iyo xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka
Waxaa muhiim ah in Puntland yeelato siyaasad si mug weyn looga fekeray dhinac kastana laga eegay loo saaray dad khubaro ah oo arrimahaan si cilmiya u daraaseeya isla markaasna jawaab u hela su’aasha ah horta Puntland maxay danteedu ku jirtaa marka laga hadlaayo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, sidee ugu haboon oo loo wada shaqayn karaa?, maxaa la isku hayaa?, ma waxaa is haya madaxweynaha madaxtooyada Muqdisho jooga iyo madaxweynaha Puntland jooga mise mabaadii’ ayaa la isku hayaa? ma dastuurka qodobadiisa awood qaybsiga ayaa la isku hayaa ? iwm.
Puntland waxay u baahantahay siyaasad ka duwan tii hore oo ay kula dhaqmi jirtay Dowladda Federaalka, sidoo kale uma baahna siyaasad ku salaysan isdhiibis iyo sacab tumis, waxay u baahantahay labaadaas mid aan ahayn oo aad looga fekeray kuna salaysan mabda’ ah iska ilaali iskuna ilaali inta wadanka uu ka hirgelayo ku dhaqanka sharcigu dowladnimo buuxda oo la isku hallayn karo isla markaasna laga heshiinaayo qodobada awood qaybsiga iyo khayraadka oo nidaamka federaalka ku salaysan.
Siyaasad ku salaysan inaad fadhiisato miiska danaha Soomaaliyeed lagaga hadlaayo isla markaasna mawqifkaaga dhiibato, siyaasad aad ku kasbanayso saaxiibo aad isku mawqif iyo mabaadii’ tihiin, siyaasad ku salaysan xisaabtan iyo danaha Puntland oo albaab kasta loo garaaco, siyaasad qeexan oo qoran qof kastaana laga rabo inuu meesha uga aadan ka soo baxo, siyaasad aan macno tirayn masuuliyiinta ku metala Puntland Dowladda Federaalka balse siinaysa xuquuq iyo awood ay waajibkooda ku gutaan, siyaasad ku salaysan illaalinta danaha Puntland oo kala duwan iyo tan Soomaaliyeed ee aan cid kale lagu raali gelinayn.
- Hireglinta barnaamijka qof iyo cod
Sida aan kor ku soo sheegay Puntland waxaa sugaysaa in ugu dambayn uu ka hirgalo isla markaasna la dhammaystiro doorashooyinka qof iyo cod, sadex doorasho oo isa saaran ayaa loo baahanyahay in la qabto 2029, gogol xaar badan oo ay ugu weyn tahay dejinta shuruucdii loo baahnaa ayaa sugaysa, shuruucda waa waxa ugu muhiimsan oo doorashooyinku ku guulaysan karaan ama ku fashilmi karaan. Doorashooyinkii dowadaha hoose cashardii laga bartay waa in dib loo eegaa oo laga doodaa isla markaasna wixii laga bartay mustaqbalka lagu duldhisaa, shuruucda cusub oo la samaynayana lagu daraa.
- Maamulka Waqooyi Bari iyo duruufaha ku hareeraysan
Waa mid ka mid ah mushkiladaha siyaasadeed oo sugaya Punland inay xal u hesho, ka dib dhismihii SSC-Khaatumo Febraayo 6, 2023 iyo soo dhoweyntii Madaxweynaha Puntland maamulkaas halkaas oo ay garaadadu kaga dhawaaqeen. Wixii markaas ka dambeeyay Puntland ma aysan soo bandhigin siyaasad cad oo ay ku maaraynayso arrinkaas, waxay qaadatay siyaasad ku salaysan sug oo dhawr dabadeedna ka daba tag wixii halkaas ka soo baxa. Halkaas waxaa ka soo baxay maamul la magac baxay Waqooyi Bari oo Dowladda Federaalku ka shaqaysay ayna Puntland gacmaha ka laabatay, sida muuqata xalku weli waa wadahadal, kaasoo horay looga baaqsaday oo ahaa fursad ay labada dhinacba lumiyeen, fursdaas weli waa furantahay.
Maamulka SSC-Khaatumo markii dambena la baxay Waqooyi Bari wuxuu aaminsanyahay in aan Puntland waxba isugu harin oo ay kala baxeen halka maamulka Puntland oo Siciid Cabdulaahi Deni hogaaminayo ay weli ku adkaysanayaan in loo bahanyahay in sifo sharci ah loo kala gurto. Hase yeeshee waxaa moodaa in labada dhinacba ujeedkoodu yahay mid xoogga saaraya doorashada 2026 oo aan muhiimad weyn la siinayn arrimaha mustaqablka la xiriira. Is afgaranwaa siyaasadeed ee jira ee danasyiga gaarka ah ku dhisan wuxuu saamayn toos ah hadda ku yeeshay gobolka Sanaag oo noqday hadda meel sadex maamul ku muransan yihiin, Puntland, Waqooyi Bari iyo Somaliland, khatar amni oo weyn baa xalkaas ka soo socota.
Sida muuqata Puntland iyo Somalialnd waa ay isku soo dhowaanayaan waxayna wada galeen heshiis iskaashi amni oo markii ugu horaysay shaaca laga qaaday siyaabo kala duwana ay labadaba maamul ugu kala macneeyeen dadkooda, waxaad moodaa inuu yahay heshiis lagu deg degay oo dowlado shisheeye ay dabada ka riixayeen si laablakac ahna loo galay, waxaa dhici karta inuu abuuro xasiloni daro amni iyo mid siyaasadeed isla markaasn ay sii kala fogaadaan dadka Hartiga ah midnimadooda uu dhaawac weyn u geysto. Waxaa cad oo marag ma doonto ah in madaxdii Puntland iyo tan Waqooyi Bari ay taladoodii siyaasadeed shuraako kula noqdeen Muqdisho iyo Hargeysa iyagoo isku xumaynaya oo mid kastaa xulufo siayaasadeed raadsanayo ujeedkuna waa sidaan kor ku sheeganay doorashada qaranka 2026. Habdhaqankaas siyaasadeed oo danaysiga ku dhisan wuxuu mutaqbalka keeni karaa saamayn taban.
Hadaba waxaa la gudboon madaxda Puntland iyo Waqooyi Bari in ay meel iska dhigaan siyaasadahooda ku dhisan xinka iy xumaanta oo ay ka fekeraan mustaqbalka dadka ehelka ah oo ay madaxda u yihiin isla markaasna dariiqa wadahadalka iyo isqancinta ay doortaan kaas oo ah sida ugu haboon oo ay ku xalin karaan farqiga siyaasadeed ee u dhexeeya isla markaasna ay ku yarayn karaan khataraha amni ee suuratgalka ah inay ka dhex dhacaan dadka walaalaha ah.
- Dowlad wanaaga (good governance)
Dowlad wanaag waxaa lagu qeexaa inay tahay waxtarnimada (effective), hufnaan (transparency), isla xisaabtan (accountability), u sinnaan iyo cadaalad (equitable) iyo ka qayb galka maaraynta arrimaha dowladda iyo khayraadka dalka. Maamul wanaaga waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay asaaska dimuqraadiyadda, nabada iyo horumarka bulshada.
Qaybaha ugu waaweyn ee maamul wanaaga khuseeya ama saldhiga u ah waa kuwa hoos ku qoran :-
- Ka qaybgelinta (participation): Muwaadiniinta go’aamada khuseeya iyaga ama taabanaya noloshooda, ka qaybgalka bulshada ee arrimaha khuseeya masiirkooda waxay dhistaa dareenka lahaansho ee bulshada iyo sharciyadda (ownership and legitimacy) tusaale ahaan la tashiga dadweynaha (public consultation) doorshooyinka (elections) iyo qabashada kulamo dadweyne (community forums) intuba waa ka qaybgelinta bulshada ee arrimaha khuseeya masiirkooda.
- Ku dhaqanka iyo isku xukunka sharciga: Waa arrin muhiim u ah dowlad wanaaga, sharcigu waa inuu qof kasta qabtaa maaha oo keliya shacabka ee waa in loo simanyahay xitaa madaxda ugu saraysa waa in sharcigu qaban karaa la dacweyn karaa haddii ay sharciga wadanka ku xadgudbaan. Taasna waxaa saldhig u ah garsoor madax banaan oo sharciga keliya u hogaansan si cadaalad ahna u fuliya sharciga iyo hogaamiye wanaagsan oo isagu tusaale wanaagsan (role model) u noqda shacabkiisa.
- Daahfurnaanta go’aan gaadashada (transparency): Geedi socdka go’aan qaadashadu waa inay yihiin kuwa muuqda oo sida qoraxda u cad, daahfuran oo aan qrasoodi ahayn dadkana aan laga qarin go’aamada masiirkooda taabanaya mustaqbalka. Taasi waxay kordhisaa kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan madaxdooda, tusaale soo bandhigista xisaab celinta dowladda ee miisaniyadda dadweynaha loo soo bandhigo si ay u ogaadaan cashuurtii laga qaaday sida loo maamulay iyo waxa lagu isticmaalay, waxay tusaale u nqoon kartaa daah frnaanta shaqada dowladda.
- Isla xisaabtanka (accountability): Madaxda iyo hay’adaha dowladu waa inay masuul ka noqdaan lagulana xisaabtamaa ficiladooda iyo go’aamadooda, tusaale waa in la abuuraa hab kormeer iyo la socod ku sameeya shaqada madaxda iyo hay’adaha dowladda sida hay’adda la dagaalanka musumaasuqa oo awood u leh inay soo eedayso hay’adii ama masuulkii ku xad gudba shaqadiisa ama musuqmaasuqa hantida dadweynaha iwm.
- Bixinta jawaabo iyo adeeg (responsiveness): Hay’adaha dowladda iyo saraakiisha ka shaqeeyaa waa inay ka jawaabaan baahiyaha bulshada ay masuulka ka yihiin sida iyo waqtiga ugu haboon.
Arrimahaas iyo kuwo kaleba oo aan qormadaan ku soo koobi karin waa ay ka maqan yihiin Puntland, tan iyo intii la dhisay Puntland ma helin dowlad wanaag, waxay ahayd meel qofka madaxweynaha ka noqda taladu keligiis gacanta ugu jirto fikirkiisa iyo qaab siyaasadeedkiisa keliya ku maamula wadanka waana sababta ay dadku ugu bixiyeen magaca madax ka nool oo macneheedu yahay qof keliya ayaa talada haya inta kale maco maleh.
Hadaba Puntland waxaa lagama maarmaan ah inay dib isu eegto isla markaasna horseedo barnaamjika dowlad wanaag ah oo saldhig u noqon kara dimuqraadiyada, nabada iyo horumarka Puntland, madaxweynuhuna uu noqdaa tusaale wanaagsan oo bulshada iyo madaxda isaga ka hoos shaqeysa ay ku daydaan (role model), dowlad wanaagu waa inuu ka muuqdaa isla markaasna ka bilowdaa xafiiska madaxweynaha si inta kalena ay ugu dayato.
La soco cadadka dambe iyo qormo ku saabsan dib u eegista arrimaha dhaqaalaha, cadaaladda, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada.
Qoraaga

- waa khabiir muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeynayay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu madax ka noqday hay’ado caalami ah.












