Sababaha dhaliyay Calmaaniyadda (Qaybtii 2-aad)

Sababta 1aad: Xad-gudubka Kaniisadda

Xad-gudubku sidiisaba waa cudur khatar ah oo burburiya nafta aadanaha, tirtira astaamaheeda wanaagsan, kana dhiga qofka bini’aadamka ah ruux shaydaan ah oo fallaagoobay.

Xad-gudubku waa dulmi, Allena marar badan Quraanka ayuu nagu faray inaan ka fogaanno iskana ilaalinno dulmiga nooc kasta oo uu yahayba (ألا تطغوا في الميزان ـ الرحمن 8), Aayaddanina waxay na faraysaa inaan marka aan dadka wax u miisayno dulmiga ka fogaanno.

Waxa ka mid ah astaamaha cudurkan (xad-gudubka) in saamayntiisu aysan haleelin qof kasta, balse ay ku dhacdo naf tabar daran oo heshay fursado ka weyn awooddeeda iyo miisaankeeda dhabta ah, iyadoo aan lahayn damiir akhlaaqeed ama xakameyn diimeed oo ka celisa xumaanta, hab-dhaqankeedana toosisa.

Sidoo kale, xad-gudubku waa astaan liidnimo; qofka dulmiga sameeyaa wuxuu isku dayayaa inuu ku qariyo ceeb gudaha ka haysata ama uu ku cudurdaarto dhaqan qalloocan oo aan caqliga suubban iyo doodda saxda ahi aqbali karin. Mararka qaarkood, xad-gudubku wuxuu ku bilowdaa waddo si khaldan loo adeegsaday iyadoo dano gaar ah laga leeyahay, balse ugu dambayn wuxuu isu beddelaa cudur burburiya qofka, oo la socda ilaa uu ka geeriyoodo.

Marka xad-gudubku ka yimaado qof madax ah oo gaal ah ama hoggaamiye adduunyo uun daneeya, waxaa laga yaabaa in si uun loo fahmi karo, inkastoo xumaantiisa aan caqli iyo damiir midna raalli ka noqon karin. Hase yeeshee marka xad-gudubkaasi ka yimaado rag ay dadku u arkaan kuwo dahiran oo nadiif ah, rasuullo nabadeed iyo kuwo aakhiro doon ah, arrintaasi waa mid nafta ku culus oo ay adag tahay in la aqbalo, gaar ahaan haddii ay yihiin wadaaddo diineed oo kalgacalka iyo maxabbadu tahay hal-ku-dheggooda, dulqaadkuna astaantooda, kuwaas oo dadka ku yiraahda:

‘Qofkii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kale u jeedi, sidoo kale; kii doonaya inuu dacwad iyo dood kula galo si uu maryahaaga u qaato, khamiiskaagana u daa; kii kugu khasba inaad mayl la socoto, laba mayl la soco’”.

Haddii aan milicsanno dabeecadda wadaaddada Kaniisadda, waxaa muuqata inay ahaayeen kuwo ka horreeya casrigii ay noolaayeen dhinaca is-maamulka; maaddaama ay ahaayeen hay’ad nidaamsan oo si xeeldheer oo isku xiran loo dhisay, lehna saldhig ballaaran oo ku fidsan dhammaan gobollada iyo meelaha fog-fog ilaa heerka ugu sarreeya ee maamulka oo xaruntiisu ahayd Rome, astaantani waxay siisay awood joogto ah oo aan si fudud loola tartami karin iyo xididdo qoto dheer oo ay adag tahay in la rujiyo.

Sidaas darteed, waxaan aragnaa in boqorro badan oo isku dayay inay kaniisadda ka hor yimaadaan ay mar walba ku fashilmayeen la dagaallankeeda, ugu dambayna ay si liidata u aqbalayeen inay hoos tagaan saameynteeda. Sidoo kale, dunidii Masiixiga ahayd ee reer Galbeedku kama aysan bixi karin gacanta adag ee kaniisadda ilaa uu dhacay kacdoon gudaha ah oo ay hoggaaminayeen dib-u-habeeyayaashii (islaaxiyiintii) kaniisadda dhexdeeda, taas oo sababtay in uu daciifo qaab-dhismeedkii nidaamka iyo awooddii dhexe, isla markaana ay kala daadato daacadnimadii iyo isku xirnaantii dadka.

Xad-gudubka Wadaaddada Kaniisaddu waxay haraysay nolosha dadkii masiixiyiinta ahaa ee xilliyadaas joogay, gaar ahaa dadkii ku hoos noolaa boqortooyadii Roomaaniyiinta, qooqa kaniisadduna wuxuu saameeyey dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin:

  1.  Xad-gudubka dhinaca diinta

Tan iyo markii ay soo baxday waxa loo yaqaanay Masiixiyadda rasmiga ah ee lagu ansixiyey shirkii koowaad ee golaha Nicaea sanadkii 325 Miilaadiga, kaniisaddu waxay ku dhaqmeysay xad-gudub diineed iyo cabburin aad u fool xun. Waxay xoog iyo qasab ku faafisay caqiidada saddexleyda (Trinity – الثالوث) oo ah inay jiraan saddex Ilaah oo koonka wada maamula (Alle SWT, Nebi Ciise iyo Ruuxul-Qudus), waxayna xaaraantimeysay oo lacnadday cid kasta oo ka hor timaadda caqiidadaas.

Intaas kuma ekaan, ee waxay daadisay dhiigga kuwii Muwaxidiinta (الموحدون) ahaa ee ay gacanta ku dhigtay, waxayna marsiisay noocyo kala duwan oo jirdil iyo ciqaab ah. Iyadoo adeegsanaysa waxa loo yaqaan shirarka barakaysan, waxay isu taagtay maqaam Ilaahnimo oo ay wax bannayn karto ama xaaraantinimeyn karto, waxna ku dari karto ama beddeli karto kitaabka Muqaddaska ah, iyadoo aan qofna loo oggolayn inuu diido ama xitaa aragtidiisa cabbiro, qofkuu doono ha ahaadee. Qofkii ka horyimaadana waxaa sugayay cayrin, habaar iyo in lagu tilmaamo gaal iyo bidcoole.

Gudniinku wuxuu ahaa waajib, dabadeedna wuxuu noqday xaaraan. Bakhtiga markii hore waa la reebay, haddana waa la bannaystay. Sanamyadu waxay ahaayeen shirki, balse markii dambe waxaa loo aqoonsaday astaamo cibaado iyo dhawrsanaan. Guurka wadaaddadu markii hore wuu bannaanaa, dabadeedna waa la mamnuucay. Qaadashada hantida dadka raacsan masiixiyadda waxay ahayd arrin la canaanto, laakiin markii dambe canshuuraha kaniisaddu waxay noqdeen waajib khasab ah.

Arrimo kale oo badan ayay shirarkii kaniisaddu ka beddeleen xalaalnimo una rogeen xaaraan ama lidkeeda, iyagoo aan wax xujo ah ka haysan Alle (SWT), isla markaana aan u arkin arrintaas wax dhib ah.

Sidoo kale, kaniisaddu waxay ku dartay hal-xiraalihi saddex laha ahaa (saddexda Ilaah) caqiidooyin iyo fikrado kale oo caqliga saliimka ahi durba garanayo inaanay suuragal ahayn, hase yeeshee dadka waxaa lagu khasbay inay rumeeyaan aqbalaanna sharciyadda sida ay kaniisaddu dooneyso. Waxaa ka mid ahaa: caqiidada rootiga iyo khamriga ee cashada rabbaaniga ah (العشاء الربَّاني), caqiidada iskutallaabta (الصَّليب) (Saliibka waxaa la sheegaa in lagu xasuusanayo sida Nebi Ciise naftiisa ugu huray Bani’aadka). Quraanku wuxuu noo sheegay in daldalaadda Nebi Ciise ay been abuur tahay:

قال تعالى: {وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ اللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَكِنْ شُبِّهَ لَهُمْ وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُوا فِيهِ لَفِي شَكٍّ مِنْهُ مَا لَهُمْ بِهِ مِنْ عِلْمٍ إِلا اتِّبَاعَ الظَّنِّ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِيناً بَلْ رَفَعَهُ اللَّهُ إِلَيْهِ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزاً حَكِيماً} النساء (157)

Dhammaan arrimahaas waxaa lagu waajibiyey dadka raacsan Masiixiyadda iyadoo loo cuskanayo hal dood oo keliya: in ay yihiin siro xagge sare ka yimi oo aan la oggolayn in laga doodo ama laga shakiyo saxnimadooda. Waxaana u fududeeyey in dadku ay aqbalaan khuraafaadkaas oo dhan iyadoo ay kaniisaddu sheegato inay dhammaan marjiciyadda diinta iyadu la keli tahay, cid Alle xiriir la yeelan kartaana aysan jirin iyadoon dariiqeeda soo marin.

Kaniisaddu waxay sii xoojisay awooddeedii gacan-ku-rimiska ahayd, iyada oo sheegatay xuquuqo Ilaahay gaar la yahay, sida xaqa dembi-dhaafka, xaqa ka saarista iyo cayrinta kaniisadda (excommunication), iyo xaqa ka qaadista ama beddelidda xukunnada diineed. Mana ay ka labalabayn inay xuquuqahaas adeegsato kana faa’iidaysato.

Xaqii dembi-dhaafku wuxuu horseeday dhacdooyin taariikheed oo fadeexad weyn noqday, halka xaqa cayrinta kaniisaddu uu ahaa ciqaab ruuxi ah oo aad u culus, taas oo cabsi iyo argagax ku haysay shakhsiyaadka iyo bulshooyinka labadaba.

Dadkii lagu fuliyey ciqaabtaas lama soo koobi karo; waxaa ka mid ahaa boqorro sida Frederick, Henry IV ee Jarmalka, iyo Henry III ee Ingiriiska. Sidoo kale waxaa ku jiray culimo diineed oo ka horyimid aragtida kaniisadda, laga soo bilaabo Arius ilaa Martin Luther, iyo aqoonyahanno iyo mufakiriin su’aalo geliyey ama dhaliilay aragtiyaha kaniisadda, sida Giordano Bruno, Ernest Renan, iyo kuwo kale oo badan.

  • Xadgudubka dhinaca siyaasadda

Waa arrin dabiici ah in culimada diintu ay saameyn iyo door siyaasadeed ku yeeshaan ummadda diintooda ku dhaqanta. Xaqiiqdii, waxa ugu habboon oo la filan karaa waa in hoggaanka arrimaha bulshada oo dhan — gaar ahaan siyaasadda — uu gacanta ugu jiro dad iimaan leh oo diintooda ku dhaqma, kuwaas oo hirgeliya shareecada Ilaahay kuna dabaqa nolosha dhabta ah.

Hase yeeshee, waxa aan marnaba la aqbali karin waa in culimada diintu isu beddelaan daalimiin iyo siyaasiyiin xirfad ka dhigta raadinta awoodda, iyaga oo dhinac iskaga tuuraya shareecada Ilaahay kana saaraya xisaabta nolosha, si ay booskeeda ugu beddelaan damac xad-dhaaf ah oo ay wehliso ku-takrifal awoodeed iyo xukun-jacayl.

Waxaa kaloon culays ka jirin in kaniisaddu toosiso khaladaadka boqorrada ama ku cadaadiso marka ay isku dayaan inay jebiyaan amarrada diinta oo ay ka tallaabaan xuduudaha Ilaahay dejiyey, si loogu soo celiyo jidka saxda ah ee diinta looguna hago cibaadada Eebbe keliya. Taasi waa waajibka ugu weyn ee saaran hay’ad diimeed kasta, mana habboona inay ka gaabiso ama ka tanaasusho.

Laakiin waxaa foolxumo ah; haddii kaniisaddu iyadu qayb ka noqoto baabi’inta diinta iyo curyaaminta shareecada, dabadeedna isu dhigto ilaaliye iyo kor-jooge ka sarreeya boqorrada iyo amiirrada, kuna khasabto inay si liidata ugu hoggaansamaan, iyadoo heerka wanaaggooda ku cabbiraysa hadba inta ay iyada u muujiyaan adeecid iyo u adeegid, halkii lagu qiimayn lahaa sida ay u dhowraan xuduudaha Ilaahay una raacaan manhajkiisa. Ficilka noocaas ah oo Kaniisaddu ku kacaysaana waa arrin fool xun oo fadeexad ah. Waxaase xaqiiqo taariikheed ah in dhacdooyinka aan soo sheegnay la diiwaangeliyey xilliyadii barwaaqosooranka ee Kaniisadda Masiixiga.

Waxa si cad ugu dhiirraday Edward I, boqorkii Ingiriiska, iyo Philip IV, boqorkii Faransiiska ee loo yaqaanay Philip the Fair, inay ku dhawaaqaan:

“Khasab ma aha in boqorku u hoggaansamo Baadariga si uu uga mid noqdo dadka Jannada geli doona aakhiro. Mid kasta oo ka mid ahna wuxuu go’aansaday inuu noqdo madaxa ugu sarreeya boqortooyadiisa, waxaana arrintaas si buuxda ugu taageersanaa shacabkiisa.”

Si kastaba ha ahaatee; waxa ay boqorradani doonayeen ma ahayn inay burburiyaan kaniisadda ama ay ka baxaan caqiidadeeda iyo tacliinteeda diineed; balse waxa keliya oo ay rabeen in kaniisaddu joojiso faragelinta iyo kor-joogtaynta siyaasad ahaan iyo diin ahaanba ay dul dhigtay.

Hase yeeshee; boqorrada iyo Kaniisaddu war iskuma hayaan. Kaniisaddu waxay aaminsanayd in u hoggaansanaanta boqorradu aanay ahayn arrin ikhtiyaari ah oo ay iyagu dooran karaan, balse ay tahay waajib ka dhashay maqaamka diineed iyo awoodda ruuxiga ah ee ay sheeganayso. Arrintan waxaa si cad loogu muujiyey bayaan uu soo saaray Baadariga Nicholas I, kaas oo uu ku yiri:

“Wiilka Ilaahay ayaa aasaasay kaniisadda, isaga oo Rasuul Butros I ka dhigay hoggaamiyihii ugu horreeyey. Baadariyaasha Roomana waxay si xiriir ah oo aan kala-go’ lahayn u dhaxleen awoodihii Butros. Sidaa darteed, Baadarigu waa wakiilka Ilaahay ee dhulka korkiisa, waana inuu lahaadaa madaxtinimada ugu sarreysa iyo awoodda ugu weyn ee dhammaan Masiixiyiinta, ha noqdaan kuwo wax xukuma ama kuwo la xukumo.”

Hadalkan wuxuu muujinayaa aragtidii kaniisadda xilligaas, taas oo ku salaysnayd in awoodda ruuxiga ahi ka sarrayso awood kasta oo siyaasadeed, isla markaana boqorrada iyo madaxda duniduba ay hoos imanayaan maamulka iyo hagidda Baadariga, waana midda reer Yurub ku bixisay inay diin oo dhan ka fogaadaan, Calmaaniyadna doortaan.

  •  Xad-gudubka maaliyadeed ee Kaniisadda

Haddii aad indhaha mariso Injiillada Masiixiyadda, waxaa kuu caddaanaya sida ay uga digeen uruursiga maalka iyo hantida; iyagoo islamarkaana kuwa rumaysan nacsiinaya ku mashquulidda nolosha adduunka iyo quruxdeeda aan lagu waarayn.

Qof kasta oo si qoto dheer u akhriya Injiillada – inkasta oo isbeddel lagu sameeyey – wuxuu la dhacsanaan doonaa tusaalooyinka quruxda badan ee uu Nabi Ciise (NKH) ka bixiyey adduunka iyo raaxadiisa aan waartada ahayn. Sidoo kale, wuxuu si cad uga dheehan karaa noloshii Nebi Ciise iyo dhaqankiisii wax ku oolka ahaa inuu waafaqsanaa wacdiyadiisii iyo waanooyinkiisii qotada dheeraa.

Nebi Ciise iyo xertiisuba waxay ahaayeen dad cibaado badan oo ka fogaaday raaxada adduunka. Waxay si nacayb iyo quursi leh u eegayeen hantida badan iyo khasnadaha ay urursan jireen dadkii ay isku jinsiyadda ahaayeen ee Yuhuuddu.

Qarniyadii xigayse waxaa soo baxayay is-barbardhig yaab leh oo u dhexeeya aragtidii kaniisaddu ka qabtay adduunka iyo dhaqankeedii dhabta ahaa. Kaniisaddu waxay gaadhay heer ay adkaysay arrimaha diinta ilaa ay xaaraantimaysay waxyaabo badan oo Ilaahay xalaaleeyey oo ka mid ah nicmooyinka wanaagsan. Waxay sidoo kale qaadatay aragti u dhow tii Budiism-ka ee niyad-jabka ku dhisnayd, taas oo nolosha adduunka u aragta wax aan qiimo lahayn.

Hase yeeshee, dhinaca kale, taariikhda iyo dhaqanka kaniisadda lafteedu waxay noqdeen bog ceeb badan oo muujinaya sida ay ugu dhegganayd adduunka iyo jaqidda dhiigga taageerayaasheeda, uguna dedaalaysay urursiga maalka iyo hantida, si ka xeel-dheer hab-dhaqanka maalqabeennadii Yuhuudda iyo mulkiilayaashii waaweynaa ee nidaamka dhul-beereedka (feudalism-ka), kuwaas oo kaniisaddu ku tilmaami jirtay “dad adduunyo ku mashquulsan”.

Halkaas waxaa ka muuqata farqiga weyn ee u dhexeeya dhaqanka kaniisadda iyo tacliintii Nabi Ciise (NNKH), kaas oo yidhi: “Geel inuu dhex maro daloolka irbadda ayaa ka fudud in nin maalqabeen ahi galo Boqortooyada Ilaahay.”

Waxa kale oo uu xertiisii ku yidhi: “Ha urursanina dahab, qalin ama naxaas (Maar); ha qaadanina boorso safar, laba go’ oo dhar ah, kabo dheeraad ah ama ul safar.”

Hadalladani waxay si cad u muujinayaan baaqii Nebi Ciise ee ku wajahnaa fudaydka nolosha, ka-fogaanshaha hunguriga iyo maalka, iyo inaan qalbiga lagu xidhan quruxda iyo raaxada adduunka ee aan waarayn.

Sababta 2-aad: Lagdanka u dhexeeya Kaniisadda iyo Cilmiga

Khilaafka u dhexeeya diinta iyo saynisku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu qotada dheer uguna murugsan taariikhda fikirka Yurub, haddii aanu ahayn kan ugu qotada dheer dhammaantood. Laga soo bilaabo xilligii Dib-u-curashada Yurub (Renaissance) ilaa maanta, waxaa si joogto ah u socday loollan adag oo u dhexeeya taageerayaasha sayniska iyo kuwa difaaca diinta.

Inkastoo muuqaallada badan ee ka dhex muuqda nolosha reer Galbeedka ay tilmaamayaan in dagaalkaasi dhammaaday – siday ayagu u arkayeen-, sayniskuna guul kama dambays ah ka gaaray cadowgiisii weynaa oo loola jeedo diinta, haddana waxaa jira caddeymo xooggan oo muujinaya in diintu – ama si gaar ah qaar ka mid ah arrimaheeda caqiidada iyo akhlaaqda la xidhiidha – aanay weligeed helin doodda iyo awoodda ay maanta leedahay oo kale.

Dad aad u yar ayaa garwaaqsaday sirta ka dambaysa sababta uu murankani u sii socdo, iyadoo aan la gaarin natiijo kama dambays ah oo dhinac keliya guul u horseedda. Xaqiiqadu waxay tahay in sababta dhabta ah si fudud loo fahmi karo haddii qofka reer Galbeedku – dhinac kasta oo uu ka tirsan yahayba – ka tago kibirka iyo isku-kalsoonaanta xad-dhaafka ah, una eego arrintan si dhex-dhexaad ah oo caddaalad ku dhisan. Sababtu waxay tahay in laba dhinac oo iska soo horjeeda, mid kastana uu haysto nus ka mid ah xaqiiqada, aanay suurtagal ahayn in midkood kan kale kaga adkaado guul dhamaystiran oo kama dambays ah.

Marka aynu mabda’an fudud ku dabaqno khilaafka u dhexeeya sayniska iyo diinta Yurub, waxaynu ogaanaynaa in goobihii uu saynisku kala wareegay saamayntii diintu ku lahayd ay ahaayeen goobihii ay caqliga iyo xaqiiqadu kaga adkaadeen khuraafaadka iyo mala-awaalka. Sidoo kale, goobihii ay diintu ku adkaysatay oo ay kaga hortagtay weerarkii xoogga badnaa ee sayniska waxay ahaayeen goobihii ay runta Eebbe soo dejiyey kaga guulaysatay malo-awaalka iyo raacista hawada nafta.

Intii ay arrimahani socdeen, waxaa dhacay Dagaalladii Saliibiyiinta ee u dhexeeyey Muslimiinta iyo reer Yurub, kuwaas oo socday qarniyadii 11-aad iyo 12-aad ee miilaadiga. Intii lagu jiray dagaalladaas, Saliibiyiintu waxay si dhow ula kulmeen Muslimiinta, waxayna indhahooda ku arkeen wanaagga iyo horumarka Islaamka ee dhinacyada cilmiga, fanka iyo ilbaxnimada. Taas waxay ka muuqanaysay Andalus, Waqooyiga Afrika, Sicily iyo meelo kale oo badan oo dunida Islaamka ka tirsan.

Waddamada Muslimiinta waxaa ku baahsanaa dugsiyo iyo jaamacado tiro badan, kuwaas oo ay u soo waxbarasho doonan jireen ardayda cilmiga doonaysa, waxaana ka mid ahaa reer Yurubtii u timid inay wax ka bartaan culimada iyo macallimiinta Muslimiinta. Sidoo kale, qaar ka mid ah kutubta cilmiga ayaa loo turjumay afafka Yurub.

Markii ay dib ugu noqdeen dalkoodii, reer Yurubkii ay saameynta ku yeelatay iftiinka aqoonta Islaamku, waxay garteen in kaniisadda iyo wadaaddadeedu aanay ahayn sida ay isu muujiyeen, balse ay noqdeen aalad lagu marin habaabiyo dadka laguna xukumo si dulmi ah. Sidaas darteed waxay bilaabeen inay ka horyimaadaan kaniisadda iyo waxa ay u arkayeen diin la khalday, iyagoo soo bandhigay daahfurro cilmiyaysan, juqraafiyeed iyo kuwo la xiriira cilmiga dabiiciga ah, kuwaas oo kaniisaddu mamnuucday.

Markaas ayaa waxaa cirka isku shareeray colaaddii u dhexaysay culimada iyo wadaaddada kaniisadda. Kaniisaddu waxay bilowday inay gaaleysiiso, xirto, disho, gubto ama masaafuriso dadka sameeya daahfurka iyo hal-abuurka cilmiga. Waxa kale oo ay dhistay maxkamado baaritaan (Inquisition) si ay ula socoto ugana hortagto dadka faafinaya fikrado ka duwan aragtideeda.

Khilaafkan ayaa socday qarniyo badan, ugu dambayntiina wuxuu ku dhammaaday in kaniisadda iyo wadaaddadeeda laga fogeeyo faragelinta arrimaha nolosha iyo maamulka dawladda. Sidaas darteed, diinta — marka loo eego aragtidan — waxaa lagu koobay gudaha kaniisadda oo keliya, iyadoo loo arkay inaan loo baahnayn inay saameyn ku yeelato arrimaha bulshada iyo dawladda. Maamulka nolosha iyo hawlaha dawladdana waxaa loo daayay siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada, iyaga oo u maamulaya sida ay u arkaan inay ku habboon tahay, ha waafaqsanaato mabaadi’da diinta ama yaanay waafaqsanayn.

Maaddaama diintu, iyadoo ah qaabkeedii rabbaaniga ahaa ee daahirka ahaa, aanay gelin dagaalkan, waxaa habboon in wixii Galbeedka ka dhacay loogu yeero ‘khilaafkii u dhexeeyey Kaniisadda iyo Sayniska’, halkii loogu yeeri lahaa ‘khilaafkii u dhexeeyey Diinta iyo Sayniska’. Sababtu waxay tahay in waxa si toos ah isu hor taagnaa aanu ahayn diinta asalka ah ee Eebbe soo dejiyey iyo sayniska, balse uu ahaa hay’adda kaniisadda iyo aragtideedii ku aaddanayd aqoonta iyo nolosha

Sidaa darteed, inkasta oo dad badani u maleeyeen in saynisku gebi ahaanba meesha ka saaray doorkii diinta, haddana doodaha la xiriira caqiidada, qiyamka, iyo macnaha nolosha ayaa dib u helay miisaan iyo muhiimad weyn, taas oo muujinaysa in xiriirka u dhexeeya diinta iyo saynisku uu weli yahay mawduuc furan oo aan si buuxda loo soo afjarin.

Sababta 3-aad: Kacaankii FaransiiskaTop of Form

Sababo la xiriira xaaladdii kaniisadda iyo diintii la leexiyey ee ay matalaysay, iyo sida ay uga hor timid rabitaannada iyo danaha shacabka, Yuhuuddu waxay maleegeen qorshayaal iyo xeelado ay uga faa’iidaysanayaan kacdoonkii maskaxeed iyo niyadeed ee ku sii xoogaysanayey bulshooyinka Yurub, gaar ahaan shacabka Faransiiska. Sidaas awgeed, waxay diyaariyeen qorshayaal lagu abuurayo Kacaankii Faransiiska, kaas oo lagu doonayey in lagu beddelo nidaamyadii markaas jiray, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo in diinta Masiixiga ee la beddelay laga saaro saamaynta ay ku lahayd nolosha bulshada, laguna koobo gudaha kaniisadaha, isla markaana laga joojiyo wadaaddada awooddii dulmiga ahayd ee ay dadka ku maamuli jireen.

Sannadkii 1789-kii ayaa dhab ahaantii kacaankii weynaa qarxay. Waxaa hubaal ah in Yuhuuddu ay gurteen faa’iidooyinkii iyo mirihii ka dhashay dadaalladoodii, halka bulshooyinku ay bixiyeen qiimaha dhibaatada, xanuunka iyo dhiigga ku daatay kacaankaas. Waxay kaloo ku guulaysteen inay ka shaqeeyaan meel ka baxsan iftiinka iyo indhaha dadweynaha, isla markaana ay qariyaan ama beddelaan xaqiiqooyin badan oo taariikheed si ay u daboolaan xeeladahooda iyo ujeeddooyinkooda.

Sidoo kale, waxay ku guulaysteen inay kacaankaas iyo wixii ka dhashay u sawiraan si qurux badan oo soo jiidasho leh, ugana dhigaan dhacdo taariikheed oo sharaf iyo maamuus weyn leh. Taasna, waxaa lagu gaaray dacaayado si xeeladaysan loo qurxiyey, warar iyo hal-ku-dhegyo dhalaalaya oo bulshada soo jiitay, kuwaas oo dad badani ku celceliyeen iyaga oo aan si qoto dheer u fahmin himilada iyo ujeeddada dhabta ah ee ay xambaarsanaayeen.

Gunaanad:

Xad-gudubyadii ay kaniisaddii Yurub ku kacday dhinacyada diinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha waxay horseedeen kacdoon bulsho iyo fikir oo si weyn u saameeyay taariikhda reer Galbeedka. Kacdoonkaas ayaa ugu dambayn dhaliyay soo bixitaanka mabda’a Calmaaniyadda, kaas oo ku salaysnaa kala saaridda diinta iyo arrimaha nolosha guud, gaar ahaan maamulka iyo siyaasadda. Si kastaba ha ahaatee, waayo-aragnimadaas taariikhiga ah waxay ku koobnayd xaaladdii gaarka ahayd ee Yurub iyo xiriirkii u dhexeeyay kaniisadda iyo bulshada xilligaas.

Dhanka kale, qaar ka mid ah aqoonyahannada Muslimiinta ayaa qaatay aragtidaas iyaga oo isku dayay inay ku dabaqaan dunida Islaamka, kuna dooday in diintu aysan door ku lahayn maamulka dawladda, siyaasadda iyo habaynta nolosha bulshada. Hase yeeshee, dooddaasi waxay weli ka mid tahay mawduucyada ugu muranka badan ee fikirka Islaamka casriga ah, maadaama Islaamku yahay diin hagta dhammaan dhinacyada nolosha, kana kooban nidaamyo anshax, bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed oo isku dhafan.

Sidaa awgeed, fahamka xiriirka ka dhexeeya diinta iyo nolosha bulshada wuxuu u baahan yahay daraasad qoto dheer oo ku salaysan xaqiiqooyinka taariikhiga ah, mabaadi’da diimeed iyo duruufaha bulshada, si looga fogaado in waayo-aragnimo gaar ah oo ka dhacday meel iyo waqti cayiman si guud loogu dabaqo bulshooyin iyo diimo kale oo leh asal iyo aragti ka duwan.

Tixraac:Bottom of Form

  1. العلمانية وموقف الإسلام منها: د. حمود بن أحمد الرحيلي
  2. العلمانية نشأتها وتطورها في الحياة الإسلامية المعاصرة: تأليف الدكتور/ سفر بن عبد الرحمن الحوالي، مطبوعات مركز البحث العلمي وإحياء التراث الإسلامي
  3.  المسيحية:د. أحمد شلبي، مكتبة النهضة المصرية، القاهرة
  4. الكشاف الفريد عن معاول الهدم ونقائض التوحيد لخالد محمد علي الحاج، دولة قطر، 1983م.
  5. الكتاب المقدس: دار الكتاب المقدس في الشرق الأوسط.

Top of Form

Qoraaga
Dr Mohamed Ali
Dr Mohamed Aliwaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link